Khaliil Husien

Khaliil Husien khaliil Husien

Permanently closed.
Nin sharci yaqaan ah oo lacag badan boorso ku watay iyo gabar qurxoon ayaa diyaarad wada saarnaaa.Gabadhii si cod hoose ...
19/08/2022

Nin sharci yaqaan ah oo lacag badan boorso ku watay iyo gabar qurxoon ayaa diyaarad wada saarnaaa.

Gabadhii si cod hoose leh ninka ayay ku tiri si aan qaylo iyo is waal ku jirin isii lacagta aad wadato oo dhan haddii kale waaan qaylinayaa waxaana leeyahay ninkaan wuu i kufsaday waana ku ceebaynayaa booliska ayaana imaanayo waana lagu xirayaa.

Ninkii sharci yaqaanka ahaa qalin ayuu soo saaray kadibna warqad ayuu ku qoray dhagaha waxba k**a maqlee waxaad tiri ii qor aan fahmee!

Gabadhii waxay qortay hadalkii ay tiri,asagiina warqaddii ayuu ka qaaday jeebka ayuu gashtay wuxuuna yiri qayli hadaad rabtid caddeyntaada jeebkaan ku hayaaaye!

Luqmaan Aadan

Maxaa yaab isdabayaal

Wiil dhallinyaro ah oo u dhashay Sucuudiga ayaa Boggiisa Facebook waxa uu ku soo qoray "Waxaan degay mid ka mid ah Hotee...
03/08/2022

Wiil dhallinyaro ah oo u dhashay Sucuudiga ayaa Boggiisa Facebook waxa uu ku soo qoray "Waxaan degay mid ka mid ah Hoteellada 5 xiddiglaha ah ee waddanja Japan, anigoo ku dabaalanaya Barkadda Dabaasha Hoteelku leeyahay oo cidina aysan ila joogin ayaan ku dhex kaadiyay barkaddii dabaasha, Alarm ayaa yeeray waxaana yimid shaqaalihii Hoteelka barkaddii ayay iga soo saareen, biyihii oo idil ayayna ka saareen swimming pool-koo wayna nadiifiyeen, kaddib ninkii shaqaalaha ahaa ee qaabilsanaa soo dhoweynta ayaa isiiyay baasaboorkeygii isagoo igu amray inaan Hoteelka isaga tago, waan ka tegay laakiin mar walba oo aan Hoteel kale kireyso is iraahdo waxaa la ii soo celiyaa baasaboorkaygii, waxaana la igu yiraahdaa sow adigu ma tihid ninkii....

Dhowr Hoteel oo aan isku dayay inaan seexdo waa la iga diiday iyagoo iila dhaqmaya isla sidii... kaddib waxaan maciin biday safaaraddeydii, waxaana ay igula taliyay inaan d**o Hoteel aan Barkad dabaal lahayn.. intaa kaddib markii aan ka soo tegayay Japan nin ka mid ah raggii ka shaqeynayay socdaalka iyo baasaboorrada ayaa markii uu tiimbareeyay baasaboorkaygii wuxuu igu yiri ; waxaan rajeynayaa inaad wax ka faa'iideysatay cashirkii laguu dhigay!!!!"

Macnaha Japan idilkeed way ogaatay inuu isku kaadiyay.
شاب سعودي يتبول تحت الماء في مسبح بفندق ياباني, انظروا ماذا حصل له.

# شاب سعودي كتب على صفحته في الفيس بوك : ( كنت نزيلا في أحد فنادق الخمسة نجوم باليابان وبينما أنا في المسبح التابع للفندق الذي لم يكن فيه أحد غيري تبولت تحت الماء، عمل جهاز الإنذار وحضر العمال واخرجوني من المسبح وافرغوا الماء ونظفوه، بعدها سلمني موظف الإستقبال جواز سفري طالبا مني مغادرة الفندق، غادرت الفندق وكلما دخلت فندقا اخر يطلع موظف الاستقبال على جواز سفري ويقول لي : " اسف أنت الذي .... " إ ولا يسمح لي بالنزول، حاولت في عدة فنادق وكانت نفس المعاملة فلجأت إلى السفارة الذين بدورهم نصحوني بفندق ليس فيه مسبحا وعند مغادرتي لليابان قال لي موظف الجوازات بعد أن ختم جواز سفري " ارجو أن تكون استفدت من الدرس " ).

اليابان كلها عرفت انه باااااال.

YAHYA YUSUF

31/07/2022

maxa helay

28/07/2022

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegatay in Alshabaab firxad ah oo ka cararaysa Madaxweynaha Hassan Sheikh & dawladda cusub ee Soomaaliya ay u galeen Dawlad Deegaanka Soomaali Galbeed.

Hadalkan oo uu saxaafada u sheegay Abdikariin Ali Kaar, Afhayeenka Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa ka dhigan in Alshabaab ka cabsanayso Madaxweyne Hassan.

Maxay kula tahay.?

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa kala saxiixday Is afgarad ka kooban 7 Qodob, ka hor intii uusan dib ugu laa...
12/07/2022

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa kala saxiixday Is afgarad ka kooban 7 Qodob, ka hor intii uusan dib ugu laaban Xassan Sheekh magaalada Muqdisho ee caasumada.

Qodobadan ayaa h**ey u aha kuwii uu saxiixay Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Max’ed Farmaajo.

1. Dhiirigelinta Xariirka walaalnimo ee labada shacab ee Eritrea iyo Soomaaliya oo ay ku jiraan bulshada Qurba-joogta.

2. Adkaynta iskaashiga siyaasadeed, midka diblomaasiyadeed si horay loogu wado maslaxada labada wadan ee Eritrea iyo Soomaaliya.

3. Balaarinta Iskaashiga Dhaqan Dhaqaale ee labada dal, iyadoo si gaar awood loo saarayo ganacsiga, Maalgashiga, Amniga biyaha, Beeraha, Kalluumeysiga, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

4. Isdhaxgalka iskaashiga Farshaxanka, Ciyaaraha, dhaqanka, teknoolijaga iyo Saynis-ka.

5. Iskaashoga lagu ilaalinayo Bey’adda iyo xallinta dhibaatooyinka ka dhasha Isbedelka Cimilada.

6. Sare u qaadida iskaashiga Difaaca iyo Nabadgelyada si Nabadda iyo xasiloonida loo ilaaliyo.

7. In laga wada shaqeeyo xariir-wanaagsan iskaashi iyo isku furnaanta dhaqaale ee Geeska Africa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Ciidankii Soomaaliya ee tababarka u joogey gudaha dalka Eritrea.Waa ciidan...
10/07/2022

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Ciidankii Soomaaliya ee tababarka u joogey gudaha dalka Eritrea.

Waa ciidankii ugu badnaa ee dal shisheeye u tababaro dalka Soomaaliya.

07/07/2022

DEGDEG: Raysal Wasaaraha UK Borris Johnson ayaa is casilaya, kadib markii uu waayay kalsoonida Wasiirrada iyo xildhibaannada.

Markii ay Daafacyada Premier league maqleen Mohamed Salah ayaa sii joogay Liverpoool oo heshiis cusub u saxiixay
02/07/2022

Markii ay Daafacyada Premier league maqleen Mohamed Salah ayaa sii joogay Liverpoool oo heshiis cusub u saxiixay

Mo Salah and Gini Wijnaldum back together! 😍 cabsi cabsi waye
30/06/2022

Mo Salah and Gini Wijnaldum back together! 😍 cabsi cabsi waye

Agaasimaha cusub ee Isbitaalka Madaxtooyada (Qeybta Caafimaadka) Villa Soomaaliya Xuseen Maxamuud ayaa la wareegay xilka...
30/06/2022

Agaasimaha cusub ee Isbitaalka Madaxtooyada (Qeybta Caafimaadka) Villa Soomaaliya Xuseen Maxamuud ayaa la wareegay xilkan, ka dib maalmo laqarinayay wareegtada magacaabidiisa, wuxuuna qeyb ka yahay xilal badan oo si qarsoodi ah loo magacaabay, kuwaas oo aan faafinta rasmiga ah ee dawladda lagu baahin.

Masuulka, cusub waxaa hooyo u ah ama dhashay Marwo Nuurto Sheekh Maxamuud oo ah walaasha Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo muujinaysa in ay jiraan xubno ka mid ah qoyska Madaxweynaha oo shaqooyin badan loo magacaabay.

Xassan Cali Guray ayaa xilka wareejiyey saaka, waxayna wareejintu ayaa ka dhacday Villa Soomaaliya.

QODOBADA UGU WAAWEYN EE QUDBADDA RA’IISUL WASAARE XAMSE CABDI BARRE Wuxuu ka mahadceliyay in Madaxweynuhu ku aaminay ma...
25/06/2022

QODOBADA UGU WAAWEYN EE QUDBADDA RA’IISUL WASAARE XAMSE CABDI BARRE

 Wuxuu ka mahadceliyay in Madaxweynuhu ku aaminay masuuliyadda qaran – si uu uga qayb qaato dadaalka lagu samatabixinayo dalka.

 Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in noloshiisa dhinac aqoon, waxbarasho, iyo mid khibradeedba ku soo kasbaday xirfado kala duwan oo uu intooda badan bulshada ugu soo adeegay

 Inuu ahaa Macallin wax ka soo dhigay Jaamicadaha dalka – ka soo shaqeeyay xafiisyada dowladda heer federal iyo mid gobolleedba, kana soo qaybqaatay geeddi socodka dib u dhiska dalka.

 Wuxuu sheegay in dalku wajahayo abaar ba’an oo barakicisay kumanyaal Soomaaliyeed – in aan dhammaanteen u guntanno sidii loo gacan siin lahaa dadka ay saameysay abbaarta

 Wuxuu hawlgelin doonaa Xarunta Degdegga ah ee Qaranka (National Emergency Operation Center) oo isku xiri doonta dhammaan xaaladdaha degdegga iyo hawlaha gurmadka.

 Inuu ka shaqeyn doono xaqiijinta siyaasad xasilloon oo loo wada dhan yahay.

 Inuu si dhaqso ah u billaabi doono wada tashiyo ballaaran oo uu la yeelan doono gollayaasha dowladda iyo qaybaha bulshada.

 Inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, laguna soo xulay aqoon, karti hufnaan, khibrad iyo waaya aragnimo.

 Wuxuu ka duuli doonaa halku dhegga Madaxweynaha ee “Soomaali Heshiis Ah, Dunidana Heshiis La ah”
In xukuumaddiisu ay horumar ka sameyn doonto 11 arrimood oo kala ah:
1. Amniga
2. Garsoorka iyo Caddaaladda
3. Abaaraha
4. Dib U Heshiisiinta
5. Wada hadallada Somaliland
6. Dimuqraadiyaynta iyo Arrimaha Doorashooyinka
7. Dhaqaalaha
8. Maamul Wanaagga iyo Isla Xisaabtanka
9. Qabyo-tirka iyo Dhameystirka dastuurka
10. Adeeygada Bulshada
11. Siyaasadda Arrimaha Dibedda oo ku dhisan danta dalka

Waxaa qoraalkan soo koobay Farxaan Jimcaale

WARIYE, JAMAL _Barnaamijka Al Shabaab wuxuu noqday mid aad loo xiisaynayo - malaayiin ayaa daawatay - walina waa la daaw...
25/06/2022

WARIYE, JAMAL _Barnaamijka Al Shabaab wuxuu noqday mid aad loo xiisaynayo - malaayiin ayaa daawatay - walina waa la daawanayaa.

Ka warrama haddaan ku noqdo deegaannada Al Shabaab oo aan kasoo sameeyo barnaamij kan ka xiiso badan. Gaar ahaan inaan idinla wadaago qaabka gabdhaha iyo wiilasha halkaas ku nool ay isku shukaansadaanna waa muhiim.

Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Deni ayaa maanta, si cad ugu sheegay Xildhibaanada Puntland oo uu kulan albaabadu ...
19/06/2022

Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Deni ayaa maanta, si cad ugu sheegay Xildhibaanada Puntland oo uu kulan albaabadu u xiran yihiin layeeshay in uu ku khasaaray 3-dii sanno ee lasoo dhaafay dagaal siyaasadeedkii Dawladda Federaalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 3-dii sanno ee lasoo dhaafay uu galay dagaal adag, uuna ka shaqeynayay sidi Farmaajo loo ridi lahaa, Puntlandna u heli lahayd faa’iido siyaasadeed oo ah tagida Villa Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay kooxo badan jilaafeeyeen.

Wuxuu dhaliilay balan-daradana ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo kusifeeyey mid aan waxba dhaqaajin karin.

Niyad-darro ayuu kamuujiyey magacaabida Raysalwasaarah cusub, isagoo sheegay in 120 cisho latijaabin doono, isagoo duray kalsoonida lagu qabi karro Xukuumad uu dhiso doono, oo uu madax banaani la’aan dareen ah qabay.

Hambaliyo Raysulwasraha Cusub  Ee LamagacaabayYarkaan Hamza Bare Saxiibkey waaye Allah ufududeeyo islamarkii Lamagacaaba...
15/06/2022

Hambaliyo Raysulwasraha Cusub Ee Lamagacaabay

Yarkaan Hamza Bare Saxiibkey waaye Allah ufududeeyo
islamarkii Lamagacaabay Msg aan Udiray Hambaliyo Sxb😎👏👏

Safiirka Somaliya ee Kenya ayaa ka baxay shir Uhuru Kenyatta isugu yeeray Safiirada Caalamka kadib markii Safiirka Somal...
14/06/2022

Safiirka Somaliya ee Kenya ayaa ka baxay shir Uhuru Kenyatta isugu yeeray Safiirada Caalamka kadib markii Safiirka Somaliya uu shirka ku dhex arkay Calanka Somaliland iyo qof matalayay. Wuuna isaga baxay isagoo careeysan

Taliyihii h**e ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin oo Waraysi bixiyey ayaa dilkii Sarkaalad...
11/06/2022

Taliyihii h**e ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin oo Waraysi bixiyey ayaa dilkii Sarkaalad Ikraan Tahliil dusha u saaray Sadex masuul oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo kala ah Raysal Wasaare Rooble, Mahad Salaad oo ah Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala isaga oo arrintaas ka hadlaya ayaa wuxuu yidhi
“Gabadhaan waxaa marka h**e la geeyay xafiiska Raysal Wasaaraha. Waxay ahayd shaqo doon. Kadib Mahad Salaad ayaa gaadhi kusoo qaaday, waxaana la geeyay Daarusalaam. Kadibna Jilib ayaa lasii geeyay”

“Halkaas ayaana lagu dilay. Waxaana dilka fuliyay Mahad Karataay oo Xidhiidh dhow ay leeyihiin Mahad Salaad’’

“Gacanta fulisay dilka Ikraan Tahliil waxaa lahaa Mahad Salaad. Farsamadana waxaa lahaa Al Cadaala. Maskaxdana waxaa lahaa Rooble. Dilkana waxaa geystay Al Shabaab”

“Aakhiro waxaa la weydiin doonaa Insha Allah RW Rooble. Gabdhaan waxaa dilkeeda ka dambeeyay sadaxdaas rag iyo Al Shabaab”.

RASMI:Mo Salah ayaa ku guuleystay xidiga Sanadka ugu fiican Premier league isagoo ku garaacay De Bruyne,Ronaldo iyo kuwa...
09/06/2022

RASMI:Mo Salah ayaa ku guuleystay xidiga Sanadka ugu fiican Premier league isagoo ku garaacay De Bruyne,Ronaldo iyo kuwa kale

Muqdisho: Sawir hadda ah; Madaxweyne Hassan Sheikh, Abiy Ahmed, Geele, Farmaajo & Uhuru Kenyatta.
09/06/2022

Muqdisho: Sawir hadda ah; Madaxweyne Hassan Sheikh, Abiy Ahmed, Geele, Farmaajo & Uhuru Kenyatta.

Sharaxaada Wareysiga Hordhaca ah ee Taliyihii H**e ee NISA Fahad Yasiin uu Siiyay Gaylan Media 🔹️ Waxaan Ahay Hooyo Kori...
08/06/2022

Sharaxaada Wareysiga Hordhaca ah ee Taliyihii H**e ee NISA Fahad Yasiin uu Siiyay Gaylan Media

🔹️ Waxaan Ahay Hooyo Koris oo Fursad uma aan Helin in Aabe ikoriyo.

🔹️ Xirfada Nolosha Waxaan Ka Bilaabay Macalin Dugsi.

🔹️ Fahad Ma aha Institution ama Haayad Dowlo Qatar Waxeey Xiriir la laheed Dowlada Somaliya ee Fahad lama laheen, 'Hada Meey ila Soo Xariiraan".

🔹️ Siyaasada Waalaka Badiyaa 'Maanta Adigaa Reenayo Barine Waalagaa Reenayaa Waana Wax Iska Dabiici ah".

🔹️ Madaxweyne Hassan Sheikh Haduu Aqoon Fiican ulahaan lahaa Mahad Salad Xilkaas uma Dhiibeen.

🔹️ Nasiib Darada ugu Weyn ayaa ah in Xil Sirdoon loo Dhiibo Kuwii Xogta Dalka laga ilaalinaayay.

🔹️ Ikraan Si Fiican Baan u aqaan, Hooyadeed iyo Aabaheedne Aqoon Fiican ayaan ulaeeyahay.

🔹️ Waxaan Ka Mid noqday ururkii Al Itaxaad Waxaana Ka Gaaray Darajo Fiican.

Mohamed Ashkir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Gaashaandhig...
07/06/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga,si uu ugu kuurgalo hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo la leh, taliyeyaasha iyo saraakiisha hoggaannada Taliska Ciidanka Xoogga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaadhay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.Waa Safa...
31/05/2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaadhay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Waa Safarkii ugu h**eeyay ee uu kaga baxo Casimadda Soomaaliya tan iyo markii la doortay 15-ka Bishan dhamaadka ah ee May.

Howl QaranDalkeenna xilligan waxa ka jira abaaro ba'an oo u baahan in wax ka qabashadeeda loo wada guntado . Ergayga Gaa...
31/05/2022

Howl Qaran

Dalkeenna xilligan waxa ka jira abaaro ba'an oo u baahan in wax ka qabashadeeda loo wada guntado .

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Mudane AbdAbdirahman Abdishakur Warsame waa ku mahadsan yahay in uu howshaas u istaagay . Waa hogaamiye howl-kar ah oo la hubo in uu wax badan u qaban doono dadkeenna tabaaleysan ,albaabo badanna uu u garaaci doono .

Waxa aan ku talin lahaa in howshaas maanta Umadda muhiimka ah lagu garab istaago Ergeyga .Waa laga soo gudbay xilliyadii ololaha iyo is riix riixa. Waxa la joogaa xilligii samata-bixinta.

Madaxweynaha Turkiga Erdoğan, ayaa sheegay in inta uu dalkiisu madaxda ka yahay aanu marna ogolaan doonin in dowladaha t...
30/05/2022

Madaxweynaha Turkiga Erdoğan, ayaa sheegay in inta uu dalkiisu madaxda ka yahay aanu marna ogolaan doonin in dowladaha taageero argagixisida ay ku soo biiraan Ururka Gaashaanbuurta NATO, kuwaas oo ula jeedo dalalka Sweden iyo Finland.

Warkan ayuu maanta mar sii horreysay warfidiyeennada ugu sheegay gudaha diyaarad uu madaxdeynaha kaga soo noqday dalka Azerbaijan. Sweden iyo Finland ayaa bishan horaanteedii si rasmi ah u codsaday xubin ka noqoshada ururka NATO.

Turkiga wuxuu h**e ugu eedeeyay dowladahan in ay taageero dhaqaale iyo hub siiyaan ururada Kurdiyiinta ee uu kula dagaalamo xuduudaha Suuriya iyo Ciraaq.

( FINAL ) Real Madrid Vs LiverpoolSadaali Kulanka Finalka Caawa Ee UEFA Champions League Ee U Dhaxeeya Labada Kooxood Ee...
28/05/2022

( FINAL ) Real Madrid Vs Liverpool

Sadaali Kulanka Finalka Caawa Ee UEFA Champions League Ee U Dhaxeeya Labada Kooxood Ee Real Madrid Vs Liverpool Oo Ka Dhici Doona Caawa Magaalada Paris.

Kooxda Real Madrid Ma Noqon Doona Koobkoodii 14 Ee UEFA Champions League Ee Ay Ku Guulaystan Mise Kooxda Liverpool Ayaa Ku Guulaysan Doonta Koobkoodii 7 ee UEFA Champions League.

Xil. Abdirahmaan Abdishakur wuxu waayi doona xubinimada Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose kaddib markii Madaxweyne Hassan Sh...
24/05/2022

Xil. Abdirahmaan Abdishakur wuxu waayi doona xubinimada Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose kaddib markii Madaxweyne Hassan Sheikh u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bini'aadanimada Soomaaliya.

Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Qodobkiisa 59-aad farqada koowaad xarafka (e) ayaa sheegaya Haddii uu Xildhibaanku aqbalo xil Dawladeed oo aan ahayn Wasiir in uu waayayo xubinimada Golaha Shacabka.

War Dag Dag : Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamud ayaa agaasimaha guud ee Villa Somaliya u magacaabay Xuseen Sheekh Ma...
23/05/2022

War Dag Dag : Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamud ayaa agaasimaha guud ee Villa Somaliya u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamud.

Wuxuu Xuseen Sheekh Maxamud kasoo jeedaa beesha Digil iyo Mirifle gaar ahaan Hadamo.

Waa nin ay saxibo yihiin oo horayna u ahaa Senator. Sidoo kalana ka tirsanaa xisbigii Madaxweyne Xasan Shiiq Maxamud

HAMBALYO AC MILAN AYAA ku guuleysatay horyaalkeedii ugu h**eeyay Serie A 11 sano kadib
22/05/2022

HAMBALYO AC MILAN AYAA ku guuleysatay horyaalkeedii ugu h**eeyay Serie A 11 sano kadib

Mo Salah iyo Son Maalin ay ku wada guuleysteen gool dhalinta Premier league
22/05/2022

Mo Salah iyo Son Maalin ay ku wada guuleysteen gool dhalinta Premier league

Premier League Champions 21/22!!! 🏆💙 hambalyo  sorry liverpool  wa dadashen
22/05/2022

Premier League Champions 21/22!!! 🏆💙 hambalyo sorry liverpool wa dadashen

Makamid tahay dadka guri uu d**o u dhisaya madaxweyne Farmaajo, maadaama uusan Dhicin hantidii qaranka 5tii sano ee Dalk...
22/05/2022

Makamid tahay dadka guri uu d**o u dhisaya madaxweyne Farmaajo, maadaama uusan Dhicin hantidii qaranka 5tii sano ee Dalka uu xukumayay?

Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin oo kamid ah Xildhibaanadda aruursaday Lacagta ayaa Caddow Cali Gees u celiyey $40,000 (Af...
21/05/2022

Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin oo kamid ah Xildhibaanadda aruursaday Lacagta ayaa Caddow Cali Gees u celiyey $40,000 (Afartan Kun oo Dollar). Kadib markii loo sheegay in aan looga hareyn Lacagta uu qaatay maadaama Caddow uusan siin Codkiisa.

Dhanka kale waxaa la baadi goobayaa Xildhibaanno qaatay Lacag oo aan u Codeyn Musharraxa ay ka qaateen Lacagta.

Kooshin wuxuu lacag ka kala qaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, $40,000. Xasan Cali Kheyre $60,000. Deni $40,000 iyo Caddow Cali Gees $40,000.

Cali Aadan Muumin

20/05/2022

“Hadii gabar aadan qabin ay lacag ku weydiisato fadlan la xiriir goobta ugu dhow ee Booliska oo dacwadaada gudbi si gabadhaas loo xiro”

Madaxweynaha dalka Tanzania 🇹🇿 Samia Suluhu ayaa raga dalkaas ugu baaqday inaysan wax lacag siin Gabar aysan qabin.

Sidoo kale Madaxweyne Samia ayaa raga usoo jeedisay in ay saldhiga booliska geeyaan gabadhii lacag weydiisata.

Madaxweynihii h**e Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xilka si rasmi u wareejin doona maalinta isniinta ayaa lagu wadaa inuu...
20/05/2022

Madaxweynihii h**e Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xilka si rasmi u wareejin doona maalinta isniinta ayaa lagu wadaa inuu Guri kiro ah ka d**o magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa dhowaan Wadan kamid ah wadamada dibada u aadi doona nasasho dhoor bilood ah, Kadibna Muqdisho ayuu ka dagi doonaa guri kiro Ah

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milya...
19/05/2022

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo laga hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018.

Dhanka kale, Raysal Wasaare Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaradka Carabta isagoo ka qaybgalaya Tacsida Madaxweynihii Geeriyooday ee Imaaraadka.

Madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud iyo James Swan oo Muqdisho ku kulmay.Wakiilka gaarka ah ee Qarama...
18/05/2022

Madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud iyo James Swan oo Muqdisho ku kulmay.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta booqasho ugu tagay Madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana Madaxweynaha iyo James Swan ay yeesheen kulan gaar ah.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray kulanka James Swan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa, waxa ay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda” ayuu yiri James Swan Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Maku jirtaa wali xisbiga
18/05/2022

Maku jirtaa wali xisbiga

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray sidatan.Waxaan u mahadcelinayaa madaxweyne Maxamed ...
17/05/2022

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray sidatan.
Waxaan u mahadcelinayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo igu qaabilay xarunta madaxtooyada dalka, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dalalka aan walaalaha iyo saaxiibada nahay ee dalkeena u soo diray dhambaallada hambalyada ah

Soomaaliya oo Xidhiidhka u jartay Ingiriiska*****"Ka dib markii Ingiriisku uu iska indho tiray natiijadii kasoo baxday a...
16/05/2022

Soomaaliya oo Xidhiidhka u jartay Ingiriiska
*****
"Ka dib markii Ingiriisku uu iska indho tiray natiijadii kasoo baxday aftidii 1963kii laga qaaday gobolka Woqooyi Bari (NFD) ee Soomaalidu degto oo boqolkiiba shan iyo sagaashan ay isku raaceen in Soomaaliya lagu daro oo Kenya laga gooyo, ayaa raysal wasaarihii xilligaasi ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharma'arke waxaa uu aqoonsaday dalka Shiinaha, isagoo xidhiidhkana u jaray dalka Ingiriiska.

Sidoo kale, Cabdirashiid Cali Sharma'arke waxaa uu heshiis millatari la saxiixday wakhtigaasi Ruushka."

Xigasho: Buugga Halgan iyo Hagardaamo | Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

Waxaan u hambaleynayaa madaxweynaha Cusub ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Siyaasadu waalagu kala aragti duwanaan karaa l...
15/05/2022

Waxaan u hambaleynayaa madaxweynaha Cusub ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Siyaasadu waalagu kala aragti duwanaan karaa laakiin u shaqeynta dalka iyo hagaajintiisu marnaba ma aha shaqo lagu kala duwanaan karo, Hassan Sheikh maadama madaxweynihii h**e ee dalka uu yahay qibrad badan ayuu u leeyahay shaqadani maamulka ma aha qof hadda ku cusub xilka madaxtinimada, Waxaan rajeynayaa in dalka uu gaarsiin doono meel ka sareyso halka uu hadda uu joogo. Ujeedka dhalinyaradduna waa in uusan noqonin SHAQSİGA SOO BAXAY, Waa in uu noqdaa dalka maxaa loo qaban karaa. Soo dhawaw markale Mudane Madaxweyne.

Address

Green Point

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Khaliil Husien posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Nearby media companies