Geedka Nabada

Geedka Nabada Geedka Nabada is a free impartial 21st century web portal intended for the people in the Horn of Africa Geedka Nabada
(20)

BAAFIN WALAAL hadaad aragtay ama maqashay SHEEG, Hadii kalana SHARE dhehGabadhan oo la yidhaahdo Amiira Cabdiqafaar Faar...
08/01/2024

BAAFIN

WALAAL hadaad aragtay ama maqashay SHEEG, Hadii kalana SHARE dheh

Gabadhan oo la yidhaahdo Amiira Cabdiqafaar Faarax, Da’deeduna tahay 13 jir ayaa in ka badan 10 Maalmood ka hor (19 July, 2024) ka luntay Qoyskeeda oo dagan Xaafada 16aad

Fadlan waalidkii dhalay iyo ehelkii ay la dhalatay ayaa ilaa hada la daala dhacaya walbahaarka iyo baadi goobka ee ka gacan siiya sidii Gabadhaas ay waalidkeedii ay u heli lahaayeen.

SHARE dheh waaba intaas Ilaahay Eebbe Sare ahaa kugu Sababo in gabadhaas la helo oo kurbada waalidkeed haysa ka kor qaada.

Hadaad wax XOG ah aad ka hayso fadlan la xidhiidh QOYSKA dhibaataysan oo ugu hagaag Lambarka ‪+251929511173‬

08/01/2024

Shaqaalaha Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Deegaanka oo ku Jira Tababarkii ay ugu Diyaar Garoobayeen tartanka Ciyaaraha xafiisyada Heerdeegaan oo Dhawaan ka Dhici Doona Magaladda Jigjig.

08/01/2024

Waxaa maanta magaladda Jigjiga Ka Bilaamay tartanka Ciyaaraha Qalaamad Rogodka waxana Furay Wasiir ku Xigeenka Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaarah DDs Mudane Maxamed Cabdiraxman aadan …

Maxamed Bashiir mid kamida Xulka kubadda Cagta Deeganka Somalida gaar ahaan Xulka 17jirada Deegaanka ayaa u safray Magal...
08/01/2024

Maxamed Bashiir mid kamida Xulka kubadda Cagta Deeganka Somalida gaar ahaan Xulka 17jirada Deegaanka ayaa u safray Magaladda Burco si uu heshiis rasmi ah ula Galo kooxda Gadiidka oo ka Ciyaarta Horyaalka heerka 1aad ee Magaladdas.

Maxamed Horay wuxu usoo matalay Deegaanka tartankii 15jirada hadana isaga iyo Xulkiisuba waxay isku Diyaarinayaan ka qayb Galka Tartanka 17jirada Xulalka Deeganada Dalka ….

Unug Aasasiyada iyo Unug Hoosaadada Shaqaalaha Dawladda iyo Qabaleeyada Maamulka Magaalada Qabribayax ayaa kulan ay isug...
08/01/2024

Unug Aasasiyada iyo Unug Hoosaadada Shaqaalaha Dawladda iyo Qabaleeyada Maamulka Magaalada Qabribayax ayaa kulan ay isugu yimaadeen kaga dooday Jaraaidka Codka Barwaaqo ee Xisbiga Barwaaqo

WAR RASMI AHEUFA CHAMPIONS LEAGUE oo kombuyuutar loo adeegsanayo. Hanaanka Isku Aadka Kooxaha ka qayb gali foona Tartank...
07/31/2024

WAR RASMI AH

EUFA CHAMPIONS LEAGUE oo kombuyuutar loo adeegsanayo.

Hanaanka Isku Aadka Kooxaha ka qayb gali foona Tartanka Horyaalkq EUFA Champions League ee 2024/2025 ayaa noqon doonin bakhtiyaa nasiib.

Sida xogaha doo baxaya sheegayaan waxaa loo adeegsan doonaa hanaan Automatic ah oo Aallada Kombuyuutarka uu go’aaminayo kooxaha, guruubyada, xilliyada cuyaaraha iyo waliba sida ay kala noqonayaan ciyaaraha Home iyo Away ah

07/31/2024

Siduu ahaa Suuqa Addis Ababa Kadib isbadalka sarifka lacagaha qalaad?

Ka dib go’aankii ahaa in qiimaha sarifka lacagaha qalaad lagu hago nidaamka suuqa laga bilaabo Isniintii, waxa la diiwaan galiyay kor u kaca qiimaha sarifka lacagaha qalaad ee suuqa magaalada Addis Ababa 1,600 oo birr.

Sicir bararka ayaa inta badan lagu arkaa cuntooyinka, saliida iyo cabitaannada laga keeno dibadda iyo badeecadaha kale.

Dhanka kale wararka ka imanaya suuqa Markaato ayaa sheegaya Badeecadaha Gudaha ama wax soo saarka dalka ay iyagu ka badbaadeen kornu kaca qiimaha ee laga dareenay badeecadaha dibada laga soo dajiyo.

Xogaha laga helayo Suuqa Sidama Tera ee lagu iibiyo saliida cuntada lagu kariyo ayaa muujinaya qiimo korodh aad u sareeya.

Ganacsatada ayaa sheegtay in wixii ka danbeeyay maalintii Isniinta badeecadaha qaarkood lagu arkay Qiimo korodh gaadhaya 1,400 Birr ilaa 2,400 oo Birr.

Badeecdaha uu qiimo korodhkan aad u saameeyay ayaa waxaa ugu horeeya saliidda cuntada ee dibadda laga keeno. Ganacsatada ayaa ku micneeyay in qiimo kororku uu kala duwan yahay nooca saliida iyo baahida loo qabo.

Noocyada saliidda cuntada lagu kariyo ee la sheegay in lagu arkay qiimo korodhka waxa ka mid ah saliidaha la yidhaahdo "Sunflower", "Oomar", "Hyatt" iyo "Orchid".

Maanta Gellinkii danbe waxaa korodhku gaadhay ilaa 2,800 oo Birt

Halkani Waa Magaladda Qabribayax,waxayna kamid tahay Magaaloyinka Deegaanka gaar ahaan kuwa sida xawliga ah u koraya.Mar...
07/31/2024

Halkani Waa Magaladda Qabribayax,waxayna kamid tahay Magaaloyinka Deegaanka gaar ahaan kuwa sida xawliga ah u koraya.
Marka laga Qiyaas Qadanayo Koritaanla Magaladdan sanad Hadaad ka maqnaatid waxaa suro gal ah inaad garan waydid magaladdad joogtid.
📸Jiilka Maanta Media

07/31/2024

Macalin Xamse Cabdi asisi Macalinka Kooxda kubadda Cagta Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Somalida .

Sarifkii Rasmiga ahaa ee saaka iyo galabta bal u fiirso saacadaha xawaaraha uu ku socday
07/31/2024

Sarifkii Rasmiga ahaa ee saaka iyo galabta bal u fiirso saacadaha xawaaraha uu ku socday

Waxaa maanta Hollka shirarka ee sheekh dheeweed ee maamulka magaalada qabri-bayax ka qabsoomay tababarka ganacsatada hoo...
07/30/2024

Waxaa maanta Hollka shirarka ee sheekh dheeweed ee maamulka magaalada qabri-bayax ka qabsoomay tababarka ganacsatada hoose, dhexe ee magaalada qabri-bayax kuwaas oo laga soo kala xushay ganacsatada magaalada.

Ganacsatada laga soo kala xushay magaalada ayaa waxaa la siin doona tababarro iyo dayn lacageed tas oo loogu talagalay si kor loogu qaado ganacsigooda.

Duqa magaalada qabribayax mudane eng khaalid sheikh mohamed ayaa u furay shirka.
Waxa uu duqu hadalo dardaaran ah u jeediyay ganacsatadan isaga oo yidhi " waxaa muhiim ah in ganacsadda magaalada lagu tababaro ganacsiga ay gacanta ku hayaan si mustaqbal ka ay u noqdaan kuwo ka hela taageero iyo kor u qaadis dhanka ganacsigooda ah.
Ugu danbayn duqa ayaa yidhi waa in tababaro la idiin siiyaa si kor loogu qaado ganacsigiina. markii tababarkan khuseeya ganacsigiina la idin siiyo waxay wax weyn ka taraysaa in guul aad ka gaadhan mustaqbalka ganacsigiina.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa la kulmay qaar ka mid ah odayaasha Gobolka Doollo. Shirkan ayay uje...
07/30/2024

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa la kulmay qaar ka mid ah odayaasha Gobolka Doollo. Shirkan ayay ujeeddadiisu ahayd in odayaasha loo bandhigo go’aan xukuumaddu ka gaadhay isqab-qabsi dhul la xidhiidhay oo ka jiray degmada Wardheer.

Xukuumadda ayaa dhaqan-gelin doonta go’aanka maalmaha soo socda, iyada oo kulankana la iskula qaatay in cidwalba oo carqalad ku noqota amniga iyo xasiloonida bulshada meel looga soo wada jeedsado. Hay’adaha amniga ayaa la faray degdeg u fulinta go'aamada xukuumadda ee la xidhiidha arimaha salka u ahaa isku dhacyadda.

Waxaa Hoolka Shirarka cusub ee Xafiiska Maaliyada ee Degaanka Soomaalida maanta ka furmay  tababarka Xisbiga Barwaaqo ka...
07/30/2024

Waxaa Hoolka Shirarka cusub ee Xafiiska Maaliyada ee Degaanka Soomaalida maanta ka furmay tababarka Xisbiga Barwaaqo kaas oo la siinayay xubnaha unuga aasaasiga iyo unug hoosaadka ee Xafiiska Maaliyad

07/30/2024

Calanka Degaanka Soomaalid

FURSAD SHAQO RASMI AH oo ka banaan GLOBAL HOPE SCHOOL  Fadlan hadi aad shaqo doon tahay ama aad taqano qof shaqo raadina...
07/29/2024

FURSAD SHAQO RASMI AH oo ka banaan GLOBAL HOPE SCHOOL

Fadlan hadi aad shaqo doon tahay ama aad taqano qof shaqo raadinaya oo leh khibradaha application ka ku qoran.

Waa in aaad ledahay ugu yaran 2 Sano o experience AH o ad ka so shaqaysay

Numberada hoos ku qoran nagala so xidhi

Mahadsan

Waxaa qabsoomay shirkii hagaaminta Unug-aasiga iyo unug hoosaadada iyo Xubnaha Xisbiga Barwaaqo ee Xafiiska Ganacsiga iy...
07/29/2024

Waxaa qabsoomay shirkii hagaaminta Unug-aasiga iyo unug hoosaadada iyo Xubnaha Xisbiga Barwaaqo ee Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka.

Qodobada ahmiyadda la siiyay ayaa waxaa ka mid ahaa sidii qorshuhu uu ahaa :-

1. Jihooyinkeena Dhisida Xisbiga Adag
2. ⁠Qodobada Aas-aasiga ah ee lagu qiimeeyo xisbiga siyaasadeed oo adag
3. ⁠Abuuritaanka & doonitaanka xisbigeena ee ku aadan haykal hay’adeed oo adag awoodna uleh.
4. Sidii loo buuxin lahaa Goldoloolooyinkii jiray
5. ⁠howlgalada & shaqooyinka xiga ee xisbigeena

Waxaa shalay Hoolka Shirarka ee Xafiiska macdanta ,tamarta iyo shidaalka Deegaanka.  soomalida ka Furmay tababarka Xisbi...
07/29/2024

Waxaa shalay Hoolka Shirarka ee Xafiiska macdanta ,tamarta iyo shidaalka Deegaanka. soomalida ka Furmay tababarka Xisbiga Barwaaqo kaas oo la siinayay xubnaha unuga aas adiga iyo unug hoosadka Xafiiska.

 : Bankii Xaguuga Ee Degmada Gaashamo Ayaa Caawa Gubanaya.
07/29/2024

: Bankii Xaguuga Ee Degmada Gaashamo Ayaa Caawa Gubanaya.

Ilaalinta amniga wadooyinka iyo ka hortagga gaadiidka sharci-darada waa waajibka koowaad ee ciidanka taraafikada.Ciidank...
07/29/2024

Ilaalinta amniga wadooyinka iyo ka hortagga gaadiidka sharci-darada waa waajibka koowaad ee ciidanka taraafikada.

Ciidanka taraafikada degmada Gursum ee gobolka Faafan ayaa olole ka bilaabay wadooyinka magaalada si ay uga hortagaan gaadiidka aan sharcigu u dhamaystirnayn.

Madaxa taraafikada degmada Gursum, Gle Anwer Cabdi, ayaa sheegay in ololahan lagu dabogalayaan baabuurta sharci-darada ah, gaar ahaan kuwa qaada rakaabka dheeriga ah

Tartanka Xagaaga Ee kubadda cagta Degmada Hadhagala ayaa ka furmay garoonka kubadda cagta Ee Magaalada Hadhagaala.Waxaan...
07/29/2024

Tartanka Xagaaga Ee kubadda cagta Degmada Hadhagala ayaa ka furmay garoonka kubadda cagta Ee Magaalada Hadhagaala.

Waxaana furitaanki tartankan kasoo qaybgalay kusimaha Gudomiyaha Degmada Ahna Madaxa xafiiska biyaha ibrahim Xusen Iyo Madaxa xafiiska Dhalinyarada iyo ciyaaraha Yasin maxamed.

Tartankan oo uu soo agaasimay Xafiiska Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Degmada Hadhagala ayay ujeedadiisu tahay sidii dhallinyarada isdhex-galkooda iyo midnimadooda kor loogu qaadi lahaa.

Tartanka oo ay ka qaybqaadanayaan ilaa 18 koxood oo 15 ka mid ahi ay magaalada hadhagala ay ka dhisantahay.

Ciyaaruhu waxaa ay kaalin wax ku ool ah ku leeyihiin dhismaha maskaxeed & jidheed ee Dhalinyarada.

HANBALYO HANBALYO HANBALYO.Kooxda Kubada Cagta  Xafiiska Biyaha Maamulka Magaalada Dhagaxbuur oo ku Guulaysatay  Tartank...
07/29/2024

HANBALYO HANBALYO HANBALYO.

Kooxda Kubada Cagta Xafiiska Biyaha Maamulka Magaalada Dhagaxbuur oo ku Guulaysatay Tartankii kubada Cagta ee Xafiisyada Dawlada kana Guulaystay Dhigooda Xafiiska Dakhliga kulan kan oo ka dhacay Garoonka cagaaran ee magaalada.

Ciyaar aad u xamaasad Badnayd ooy soo
Bandhigeen labada Koxood Ayaa Ku soo dhamaatay 3 iyo 4 halkaas oo ay Guushu kuraacaday xafiiska Biyaha.

Hay'daha dawliga ah ee ka qayb galay tartanka ayaa waxay ka koobnaayeen 18 xafiis oo kala ah xafiisyada kala duwan ee Maamulka Magaalada Dhagaxbuur, Xafiiska Gobolka Jarar, Degmada Dhagaxbuur, Cusbitaalka Guud ee Dhagaxbuur iyo Kulliyadda caafimaadka.

Waxaa Xalay Magaalada Jigjiga Xaflad Casho Sharaf Sagootin ah liogu sameeyay Mudane Cabdiraxmaan Makhtal Weli oo deeq Wa...
07/29/2024

Waxaa Xalay Magaalada Jigjiga Xaflad Casho Sharaf Sagootin ah liogu sameeyay Mudane Cabdiraxmaan Makhtal Weli oo deeq Waxbarasho ka helay Jaamacada aadka caanka u ah ee Yale University.

Cashi sharafta loo sameeyay Aqoontahankaa u kicitimaya Jaamacada Yale oo ka mid ah jaamacadaha ugu badan ee soo saara Hogaamiyayaasha Maraykanka iyo caalamkaba ayaa waxaa ka qayb galay Asxaab badan oo ay ka mid yihiin Wasiir Ku Xigeenka Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Degaanka Soomaalida Mudane Maxamed Ayaanle iyo Maareeye Ku Xigeenka Ururka Horumarinta Soomaalida Mudane Khadar Axmed

Casho sharaftan ayaa ku salaysnayd dhiiri galin iyo dardaaran lagu kobcinayo in Aqoonyahanada Degaanka u dhashay lagu baraarujiyo inay dadkooda iyo degaankooda wax u soo bartaan.

07/29/2024

Maxay ahayd Naanaystiii kula yaabka badnayd ee aad maqashid.

07/29/2024

Daawo Gudomiyaha Fadaresion-ka Ciyaaraha Fudud oo la hadlay warbaahinta…

Waxaa saka Hoolka Shirarka ee Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Deegaan soomalida ka Furmay tababarka Xisbiga Barwaaqo...
07/29/2024

Waxaa saka Hoolka Shirarka ee Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Deegaan soomalida ka Furmay tababarka Xisbiga Barwaaqo kaas oo la siinayay Shaqaalaha Xafiiska dhalinyarada iyo Ciyaaraha Deegaanka Somalida .
Wasiir ku Xigeenka Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDs Mudane Maxamed Ayaanle Daahir ayaa bixinayay tababarkan oo socon Doona 2maalmood…

07/29/2024

Waxay maalmo koobani ka hadhsan tahay Shirwaynaha Ururka Dhagoolayaasha DDs kaas oo lagu Dooran Doono Hogaaminta 4sano ee soo socota ee Ururka Dhagolayasha Dds ..

Ciyaar saaxiibtinimo oo udhaxaysay Xukuumadda DDS iyo Ismaamulka Diridhabe ayaa kusoo idlaatay isbarbar dhac 3 iyo 3 ah....
07/28/2024

Ciyaar saaxiibtinimo oo udhaxaysay Xukuumadda DDS iyo Ismaamulka Diridhabe ayaa kusoo idlaatay isbarbar dhac 3 iyo 3 ah.

Ciyaartan oo ahayd mid saaxiibtinimo ah ayaa barbaro 3 iyo 3 ismari waa ah kusoo idlaatay wakhtigii loogu talo'galay taasi oo rigoorihii la dhigayna ay guushu ku raacday Ismaamulka Diridhabe; Xili Axmed muxumed maxamud wasiir ku Xigeenka xafiiska dakhliga Dds lagu cumaamaday Captanka Xulka
Xukumada Deegaanka..

Ciyaartan ayaa qayb ka ahayd xuska 7aadka Xiisaha Diridhabe oo kalkiisii saddexaad laqabtay

07/28/2024

Shirka qiimaynta warbixinta waxqabadka booliska gobolka Doollo iyo degmooyinka Gobalka oo saka si Rasmiy ah u Furmay…

Mid kamida Ciyaar yahanadii sababta u ahaa in Koobkii Gobaladda Dds laga Dajiyo Buuraha Qarrin -Jiqood .Khalid Budul  11...
07/28/2024

Mid kamida Ciyaar yahanadii sababta u ahaa in Koobkii Gobaladda Dds laga Dajiyo Buuraha Qarrin -Jiqood .
Khalid Budul 11.

Address

4843 KING ALBERT Drive
Hilliard, OH
43026

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Geedka Nabada posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Geedka Nabada:

Videos

Share

Nearby media companies


Other Social Media Agencies in Hilliard

Show All

You may also like