01/01/2024
Waxaa qormadan qoray General Cabdi Mahdi waxuuna kaga hadlay Jubaland iyo siyaasadeeda ......................................................................
بسم الله حمن الرحيم. .
SHIR JARAA'ID OO UU MAANTA QABTAY GENERAL CABDI MAHDI CABDISALAAM AYUU SI WEEYN UGU LAFAGURAY ARIMAHA JUBALAND IYO HEERARKII AY SOO MARTAY.
Ugu horeeyn General Cabdi mahdi ayaa ugu hambalyeeyay Sanadka Cusub ee 2024 guud ahaan umada soomaaliyeed iyo si gaar ahaan Reer Jubaland.
Sanad barwaaqo, guul iyo gobanimo in uu Alle inooga dhigo.
Reer Jubaland Waxey in kabadan 12 Sano u soo samreen Ciriiri (Siyaasadeed, Amni daro, Dhaqaale xumi iyo mid Bulshaba) Taa soo ahayd Hal dagmo iyo Hal ruux taladiisa.
Waxaynu si nabadgalyo ah ugu dul qaadanay (ugu samirnay) duruufo kasta oo inala so gudboonaaday, si kasta ha u adkaadeene. Waxaan indhaha ka qabsanay fooftan habowgii lagu sameeynayay masiirka umada iyo geedi socodkii horumarka Jubaland hadeey tahay Siyaasada, Amniga, Dhaqaalaha iyo Arimaha Bulshadaba.
Taasina waxeey ina dhaxalsiisay in uu uqaato Amiirku dad Cabsanaya iyo in isaga kaligii yahay Halyeeyga Jubbaland.
Walaalayal Sanadkii Tagay ee 2023 waxaan weynay 100 Boqolaal wiil (halyeey) iyo Qalabkoodii oo Jubbaland Qiimo weyn ugu fadhiyay hogaamin xumo awgeed.
12 Sano ee wiilasheenu dhamaanayeen, dhaawacmayeen laxaad beelayeen Gabdhaheenu Asay qaadayeen, Caruurteenuna Agoomo noqonayeen, Hal taako oo dhul Jubaland ah lama xoreeyn.
12 Kaa Sano Saraakiisha iyo Ciidamada Jubaland may helin wax xuquuq ah iyo Daryeel midna, sida (Mushahar, Darajo iyo Caafimaad), Taa soo Dalka intiisa kale heleen xuquuqahoodi
Waxaan goob joog u ahayn dhawr jeer oo DFS soo jeedisay (Codsadeen) in Ciidamada Jubbaland loo sameeyo Xuquuq ama ay yimaadeen saraakiishii qaabilsaneed hawlahaas.
Laakiin Nasiibdaro ayaa is hortaagay.
DFS iyo Caalamka ayaa isku raacay in maamul Goboleedyada laga dhiso Qeybo Ciidanka qaranka ah (SNA) oo Caawiya, Waxaana logu hormariyay maamulka Jubaland oo in ka badan 4.000 Askari loo tababaray lana qalabeeyay.
Jubaland oo nasiib u heshay Qaybtii 43aad maanta xageey mareeysaa?
Dhinaca kale wuxuu lumiyay oo uu dhaawac weyn u geystay wada jirkii iyo midnimadii bulshada Reer Jubbaland, waxuuna ku dhex abuuray shaki iyo is aamindaro, Taasina waxeey keeni kartaa halis iyo burbur siyaasadeed, Amni iyo mid Bulshaba.
Dhaqaalaha Jubaland waxuu ku soo uruuray hadana uu isticmaal u yahay Hal Qof, waxaana hadda soo korodhay in heshiisyo Xaaraan ah lala galo dalal Ajnabi ah si loo siiyo dhul balaaran ee xaga Bada iyo Barigaba ah.
Salaadiin iyo waxgarad Reer Jubaland ayaa Kismaayo dibad joog ku ah qaarna Xabsiyada yeeyba ku jiraan. Hablaha Danyarta ah ee Nolosha karaadsan jiray Jaadka (Qaadka) wiilasha Ciidankana Daryeeli jiray ayaa maalin kasta xabsi iyo dhac laysugu daraa is lamarkaana laga dhacay tookadii Jaadka ee ay keeni jireen in kabadan 30 Sano.
Nasiibdarada kale ee jirta ayaa ah in Bulshadii Daganeeyd Kismaayo in toodii badnayd dib ugu laabteen Xeryaha Qaxootiga Kenya macaluul darteed.
12 kii sano ee maamulkan dadka xooga ku heeystay bulshadu ma helin wax horumar ah hadeey tahay (Caafimaad, waxbarasho, wadooyin iyo wax soo saarka Beeraha ama Kaluunka).
*HAY'ADAHA MAGAC UYAALKA AH*
Jubbalaand waxaa matala (Golayaasha Baarlaman, Wasiiro Iyo Garsoor) Hay'adahaasi waa kuwii sida sharcigu yahay dadka iyo dalka matalayay, bulshaduna baahidooda u gudbinla hayeen. Majiro Xafiis subixii hawshiisa qabsada lkn waa geedka Qurans oo layimaado Feeyl loogalo Amiirka Nin hela iyo Nin waayaba.
Saas darteed miyeeyna hada ku habooneeyn Saaxiibadeey in dadkooda u hiiliyaan, kana qeeybqaataan is badal nabadeed oo Jubbaland ka Dhaca.
**Madaxweyne* *kuxigeenadu waa lamid*
Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday, In badan yuu qaaday Talaaboiyin sharcidaro ah oo keeni karay dagaal iyo in dhiig isku daato Jubbaland hasa ahaatee ilaahay mahadi iyo dadaalka siyaasiyiin waxgarka Reer Jubbaland oo dad kooda uturaaya ayaa baaajiyay Xabadii.
Hadii wax lagu qaadan Talo iyo Nasteexaba horaan uga hadalay, maanta Axmed waxuu joogaa meeshii Aadan Galayr yidhi: (maalintaa tabarhayay talo maheyn, maantoo talo hayana tabar mahayo).
Madaxda DFS marabo inaan hawada u mariyo hadalo Xanafle ama Qonsanayaan, hadana waxaa ii muuqda kalmada Xaq ah oo aan afka laga dhawri karin ee qasab ah in lataabto, Taasoo ah waxaad naftiina ku qanciseen inaad hal Qof (Axmed madoobe) Raaligalisaan idinka oo ka eegaya dano shakhsi ah umada dhan ee Reer Jubbaland aad Xaqirtaan, Kitaab Quraana ayaad marteen inaad Cadaalad iyo sinaan ku dhaqaysaan umada Soomaaliyeed taas ayaana
loobahan yahay. Wali fursad yaad heeysantaan ee Jubbaland dib u soo eega oo badbaadiya.
*XUBNAHA* *SIYAASIYIINTA MUCAARADKA EE JUBALAND*
Dhamaanteen waxaan jeclaan lahayn in Amiirku booska baneeyo Cid Calaf uheshaba Ikn Axmed saa kuma baneeynayo Kursiga indhihiisuna maba arkaan koox ama Qof Culeeys ku haya, wadada aan heeynaana maba aha tii nitiijo dhalin laheeyd.
Nairobi, Adiis iyo midna hawsha uma taalo ee Qofkii danaynaya waa in uu Kismaayo tagaa xitaa sidiii Bare hiiraale haben madow biya ha soo mukhuurtee.
WABILAAHI TAWFIIQ