07/03/2024
Laascaanood waxa maanta ka dhacay isku soo bax oo kaliya ma ahayn, ee wuxuu ahaa toosin dad wayne, midnimo iyo awood tusid shacabeed.
Gobolada Soomaaliyeed ha isku soo baxaan sidan oo kale, oo ha ku dhawaaqaan Dowladnimo doon.
Runtii awood shacab oo mideysan cidna ma hor istaagi karto, Casharada reer Laascaanood bixinayaan Ummada Soomaaliyeed ha dheegtaan oo si midaysan ha u raadsadaan Dowladnimo Awood leh.
Ummada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynayaa isku soo bax balaadhan oo lagu doonaayo Dowladnimo Awood leh, aynu isku soo baxno oo aan iska dulqaadno reeryada Dowlad la,aanta ah iyo Kala qaybsanaanta si aan uga badbaadno qabyaalad iyo Dhulkeeni Soomaaliyeed oo badhkii la qaadanayo.
Shacaboow aynu midowno, iska dhaafno qabyaalada, raadsano Dowlad Awood leh oo aan ku raadsano isku duubni awoodeed.
Gugii Soomaalida ayaa soo carfayee gobolkasta oo soomaaliyeed ha ka dhaco isku soo bax Dowladnimo doon ah. Villa Somalia SSC-Khatumo