Gaylen Tv

Gaylen Tv Waxaa halkan idinkugu soo gudbin dona tabintena tooska ah ee Bariga dhexe Xaalada Falastin iyo israil

09/10/2023

DEG DEG: Austria ayaa ku dhawaaqday inay hakisay $20 milyan oo kaalmo ay sii jirtay Falastiin, go’aankan waxay ku sheegeen inay uga jawaabayaan weerarrada Xamaas ee Israa’iil.

Dhinaca kale , Jarmalka ayaa isagana hakiyay kaalmadii Falastiin, iyagoo sheegay inay sidoo kale dib u eegis ku sameynayaan taageerrada ay siiyaan Falastiin.

09/10/2023

DEG DEG: Garoonka diyaaradaha Hamburg ee Jarmalka ayaa hakiyay duullimaadyadii ka dib markii hanjabaad lagu weerarayo ay uga timid Iiraan, sida ay sheegtay Reuters.

09/10/2023

DEG DEG: Madaxa gaadiidka gurmadka deg degga ah ee Qaza, wuxuu sheegay xaalad masiibo ah oo 20 sanno uusan arag inay maanta ku jirto Qaza, kaddib duqeymihii aan k**a sooca lahayn ee Israa’iil ay ku garaacayso Qaza, wuxuu intaa ku daray kaliya 5 ka mid ah kooxda gurmadka deg deg ah inay duqeynta maanta ku dhinteen.

09/10/2023

DEG DEG: Israa’iil; “Waan sii wadi doonnaa duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo Qaza mana joogsan doonaan illaa ay dib u helayaan xasillooni Israa’iiliyiinta.”

09/10/2023

DEG DEG: Ururka Xamaas ayaa sheegay in duqeynta Israa’iil ay ka geysatay Qaza ay keentay inay ku dhintaan 4 maxbuus oo Israa’iili ah iyo dagaalyahannadii afduubtay.

09/10/2023

UPDATE: 4 askari ayaa ku dhaawacmay is-rasaasayn dhexmartay ciidan ka wada tirsan kuwa Israa’iil, xadka dalka Lubnaan oo ay xiisad ka taagan tahay.

Is-rasaasaynta ayaa timid markii gaari ay la socdeen ciidanka israa’iil uu si xawaare sare leh uga gudbay bar gaadiidka lagu hubiyo isagoon wax war galin ah siin ciidanka goobta ku sugnaa.

09/10/2023

DEG DEG: Wasiirka caafimaadka Falastiin, ayaa caalamka ugu baaqay inay ka hortagaan duqeymaha Israa’iil ay ku beegsanayso iskuullada ay gabaadka ka dhigteen dadkii ka qaxay dhismayaashii ay degganaayeen , xarumaha caafimaad iyo gaadiidka gurmadka degdegga ah.

UPDATE: Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ku geysatay suuq ku yaalla xerada Jabalia waqooyiga qaybt...
09/10/2023

UPDATE: Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ku geysatay suuq ku yaalla xerada Jabalia waqooyiga qaybta Qaza.

09/10/2023

DEG DEG: Wasiir Difaaca Israa’iil, Yoav Gallant ayaa sheegay in go'doomin buuxda ku samaynayaan Qaza, wuxuu shaaciyay in ay jarayaan Korontada ayna xirayaan meelaha cuntada iyo shidaalku ay soo maraan.

Tallaabadan ayuu sheegay inay qeyb ka tahay dagaal ay kula jiraan Falastiiniyiinta oo uu ugu yeeray ‘bahalo’.

09/10/2023

DEG DEG: Daraasiin gantaallo ah oo laga soo riday Qaza ayaa markan ku wajahan ku dhawaad ​​dhammaan bartamaha Israa'iil ilaa koonfurta Tel Aviv,sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil

09/10/2023

UPDATE: 510 Falastiiniyiin ah ayaa ku geeriyooday 2,750 kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ee maalintii saddexaad ka socda Qaza, sida laga soo xigtay kooxaha caafimaadka:

09/10/2023

UPDATE: Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen gacan ku haynta dhammaan magaalooyinka ku xeeran Qaza, oo tan iyo Sabtidii ay ka dagaallamayeen Xamaas.

Hadal ay ka soo xigatay warbaahinta Israa’iil, afhayeenka ciidamada Israa’iil ,Daniel Hagari wuxuu sheegay in hadda aysan jirin wax dagaal ah oo ka socda gobolka, isagoo intaas ku daray: “Waxaa suurogal ah in weli deegaanka ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Fastiiniyiinta.”

09/10/2023

UPDATE: Afhayeenka ciidanka Israa’iil: “Waxaan shaqaaleysiinay 300,000 oo ciidanka kayd ah 48 saacadood gudahood”

09/10/2023

DEG DEG: Inta badan dadka degganaa magaalooyinka Israa’iil ee ku yaalla xadka Lubnaan ayaa ka baxay guryahooda, raadiyaha ciidanka Israa’iil ayaa sheegay.

09/10/2023

Gaylen Tv
UPDATE: “Tabar darida ciidanka Israa’iil iyo inay sirdoonka ku guul-darraysteen waa mid cad,” wargeyska Israa’iil ka soo baxa Haaretz, ayaa boggiisa ku daabacay.

7 bishan October , markii uu billowday weerarka Xamaas, waxaa lagu tilmaamay taariikhdaa inay ugu biirtay maalmihii ugu xumaa Israa’iil, oo ku dhawaad nus qarni mid ka mid ah weerarradii ugu xumaa kala kulmaysa Xamaas,xilli dagaalka uu maalintii saddexaad galay ciidanka Israa’iilna ay soo gaari layihiin goobihii laga qabsaday maalintii koowaad ee dagaalka.

09/10/2023

DEG DEG: Ciidamada Israa’iil ayaa taangiyo iyo madaafiic culus geeyay 20 goobood oo ku yaalla xadka marinka Qaza, warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay.

09/10/2023

DEG DEG: Guutada Al-Qassam ee Xamaas ayaa maxaabiis ahaan u qabtay koox cusub oo ciidamada Israa’iil ka tirsan, ka hor wuxuu iska hor imaad ku dhex maray xadka marinka Qaza uu la wadaago Israa’iil, sida warar Aljazeera laga soo xigtay ay sheegeen.

09/10/2023

DEG DEG: Bangiga dhexe ee Israa’iil ayaa shaaciyay inuu u baahanyahay $30 bilyan oo ku bixinayo deymaha gudaha, lacagtaa ayuu ku soo beddelan doonaa lacagta Israa’iil ee shekel , waa markii u horreysay oo Bangiga dhexe ee Israa’iil uu tan sameynayo, iyadoo loo sababeeyay hoos u dhaca ku yimid lacagta maxalliga ah oo 1 shekel lagu sarifayo 0.26 dollar.

Dagaalka Xamaas iyo Israa’iil ayaa maalintii saddexaad galay, sidan ayay arrimuhu u taaganyihiin; •Dhimashada ayaa kor u...
09/10/2023

Dagaalka Xamaas iyo Israa’iil ayaa maalintii saddexaad galay, sidan ayay arrimuhu u taaganyihiin;

•Dhimashada ayaa kor u dhaaftay 1,100 labada dhinac , iyadoo in ka badan 100,000 oo ciidamada Israa'iil ah ay hadda isku urursanayaan xadka si ay ugu diyaar garoobaan weerar xagga dhulka ah.

•Waxaa jira ugu yaraan toddobo goobood oo ay militariga Israa’iil weli kula dagaallamayaan dagaalyahannada Falastiiniyiinta.

•Israa'iil waxay sheegtay inay xaqiijisatay gacan ku haynta saldhigga booliiska ee Sderot, balse dhowr meelood oo ku teedsan darbiga Qaza ayaa weli gacanta ugu jira Xamaas.

•Duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa lagu garaacay dhismayaal badan oo la deggan yahay oo ku yaal Qaza.

•73 askari oo Israel ah ayaa la xaqiijiyay in ay dileen dagaalyahanada Falastiiniyiinta, waxayna tani ka dhigtay iskahorimaadkii ugu dhimashada badnaa ee soo mara Israa’iil tan iyo dagaalkii labaad ee Lubnaan 2006.

09/10/2023

UPDATE: Afhayeenka ugu sareeya militariga Israel, Daniel Hagari, ayaa sheegay in militariga Israel iyo Xamaas ay ku dagaallamayaan lix goobood oo ku yaala koonfurta Israel.

Magaalooyinka lagu dagaallamayo, waxaa ka mid ah ; Beeri, Kfar Aza, Nirim iyo Alumim,halka magaalada Hagari uu sheegay in 70 dagaalyahan oo Falastiiniyiin ah oo dheeraad ah ay galeen xilli dambe oo xalay ah.

Waxaa sidoo kale laga helay magaalada Kfar Aza god dheer oo ay isticmaalayeen dagaalyahannada Falastiiniyiinta ee ka soo jeeda Qaza, ayuu raaciyay.

09/10/2023

UPDATE: Militariga Israa’iil ayaa sheegay 500 oo bartilmaameed oo ku yaal Qaza, inay saakay duqeeyeen.

UPDATE: Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeyn ku burburiyay masjidka Sheikh Ahmad Yasin ee ku yaal Al Shati,Qaza.
09/10/2023

UPDATE: Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeyn ku burburiyay masjidka Sheikh Ahmad Yasin ee ku yaal Al Shati,Qaza.

09/10/2023

DEG DEG: Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda ay weli ka dagaallamayaan toddobo goobood oo u dhow Qaza.

Ogow, goobahan waa difaacyadii ciidanka Israa’iil ee Sabtidii ay burburiyeen Xamaas, waxaa muuqanaysa sida ay u hooseyso howlgallada dhulka ee Israa’iil.

UPDATE: Wariyaha Aljazeera,Tareq Abu Azzoum, oo ka soo warramaya magaalada Qaza, ayaa sheegay in ciidamada Israel ay xoo...
09/10/2023

UPDATE: Wariyaha Aljazeera,Tareq Abu Azzoum, oo ka soo warramaya magaalada Qaza, ayaa sheegay in ciidamada Israel ay xoojiyeen duqeymaha ay ku hayaan dhulka go’doonsan ee falastiiniyiinta labadii saac ee lasoo dhaafay.

“Cirka Qaza waxaa ka buuxa diyaarado dagaal iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee Israel. Qaar ka mid ah magaalooyinka Marinka Gaza gaar ahaan Beit Hanoun ayaa muddo saacad ka badan waxaa ka dhacay duqeymo aan kala joogsi lahayn,” ayuu yiri, iyadoo dhawaqa qaraxyo ay gadaashiisa ka dhacayeen, daruuro qiiq ahna cirka isku shareeren.

Khasaaraha dhabta ah ma cadda maaddaama kooxaha caafimaadka ay awoodi waayeen inay galaan meelaha ay dhibaatadu ka dhacday, ayuu yiri Abu Azzuum, isagoo intaa ku daray in ciidamada Israel ay u badan tahay inay wadaan siyaasad burburin ah si ay ugu fududaato duulaanka dhulka ee Qaza.

Kooxaha falastiiniyiinta ayaa sidoo kale gantaalo badan ku garaacay koonfurta Israel, ayuu hadalkiisa ku daray.

DEG DEG: Duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa hadda ka dhacay meel u dhow xeebta bartamaha Qaza taasoo sababtay Qarax weyn....
09/10/2023

DEG DEG: Duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa hadda ka dhacay meel u dhow xeebta bartamaha Qaza taasoo sababtay Qarax weyn. Lama bixin faahfaahin.

08/10/2023

DEG DEG: Meydadka 260 qof ayaa laga soo saaray goob ay ka socotay xaflad faneed meel u dhow xadka Qaza, halkaa oo ay shalay weerar ka fuliyeen Xamaas, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil.

UPDATE:  Falastiiniyiinta ayaa qaaday ugu yaraan 48 weerar oo toogasho ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada Israel ee Daan...
08/10/2023

UPDATE: Falastiiniyiinta ayaa qaaday ugu yaraan 48 weerar oo toogasho ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada Israel ee Daanta Galbeed ee la haysto tan iyo markii uu bilowday weerarka Qaza subaxnimadii Sabtida, sida ay sheegtay xarunta warfaafinta Falastiin, Moota.

Weerarrada toogashada ah ayaa laga soo sheegayaa inay ka dhaceen Jenin, Nablus, Hebron, Ramallah, iyo meelo kale. Ma jiraan warar degdeg ah oo sheegaya khasaaraha Israa’iil ee weerarradan ay gaarsiiyeen. Xilli goor sii horaysay ay Israa’iiliyiintu sheegeen dagaalka habeenkii labaad galay inay uga geeriyoodeen in ka badan 700 oo ruux.

Diyaarad ay leeyihiin ciidanka cirka Poland, ayaa ku sii jeed Israa’iil, si ay usoo daad gurayso muwaadiniinta halkaa ka...
08/10/2023

Diyaarad ay leeyihiin ciidanka cirka Poland, ayaa ku sii jeed Israa’iil, si ay usoo daad gurayso muwaadiniinta halkaa ka jooga oo laga samata-bixinayo dagaalka habeenkii labaad galay.

08/10/2023

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inuu jiro tuhun ay ka qabaan in dagaalyahanno hubaysan ay gudaha u galeen magaalada Sderot oo u dhow xadka Qaza, xilli goor dhow toogasho laga soo sheegay magaalada Eilat.

Xamaas, ayaa maanta sheegtay inay ballaarinayo howlgalladeeda oo ay isku xireyso marinka Qaza illaa xadka Lubnaan.

08/10/2023

DEG DEG: Rag hubaysan oo la aaminsanyahay inay yihiin dagaalyahanno taabacsan Xamaas ayaa toogasho ka wada magaalada Eilat, ee koonfurta Israa’iil, oo ku taal badda cas, sida ay ku warramayso warbaahinta Israa’iil.

Address

Mogadisho
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gaylen Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gaylen Tv:

Videos

Share



You may also like