02/10/2023
BUUG CUSUB
HORDHAC
Qabka iyo aaminsanaanta inaan midab lagu kala sarayn oo dadku cadaan iyo madowba ay u wada siman yihiin Alleswt agtiisa, waxay ahayd aragti dadka Soomaaliyeed ay aaminsanaayeen tan iyo waqtiyadii h**e, waxaana wax ka qoray siday u noolaayeen iyo taariikhdoodii h**e taariikhyahanadii Giriiga, Roomaanka, Shiinaha iyo Boqortooyadii Faraaciinta. Waxayna dadka Soomaaliyeed ku dheganaan jireen dhaqankooda, luqadooda iyo diintooda, waana arrinta sababtay in dhulka ay degaan aynan ku faafin luqad, diin iyo dhaqan kale marxaladihii isticmaarka ee gumaystayaashii reer yurub ay umaddo badan oo ka mid ah dadyowga qaaradda afrika iyo aasiya ka badeleen dhaqankoodii, luqadoodii iyo diintoodii, gaar ahaan wadamadii uu gumaysan jiray Faransiisku oo u badnaa dalalka qaaradda afrika. Waxaana ka mid ahaa dhaqanka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed lahaan jireen: martisoorka martida, magangalinta maganta, u dhibrinta iyo dhowrista dadka biri ma gaydadda ee isugu jira dumarka, carruurta, waayeelka iyo culimadda xiliyada ay colaaduhu jiraan, ka fogaanta beenta iyo balanfurka. wax wada cunka, qabka iyo isku kalsoonida shaqsiyadeed, wada jirka iyo midnimada guud markii cadow dibaddaa jiro. Garsoor ay garwadeen ka yihiin odayaasha dhaqanka iyo culimada, wuxuu ahaa hanaanka loo mari jiray helida cadaalad iyo sugida amniga, oo xeerarkiisa intiisa badan la waafajin jiray shareecada islaamka.
Taariikhdaas iyo wada jirkaas ay wadaageen dadka Soomaaliyeed, haddana ma aynan lahayn maamul dowladnimo iyo xukun ay wadaagaan oo hal meel looga wada arrimin jiray, waana tan keentay inay u badnaadaan xoolo dhaqato reer miyiya oo hadba u guura meeshii roob ka da’o oo daaqsin yeelata, nolosha reer magaalnimaduna waa ay ku yarayd. Balse wixii ka danbeeyay xoriyaddii 1960 iyo dhalashadii Jamhuriyadda dimoqraadiga Soomaaliya, waxay dadka Soomaaliyeed si xowliya oo kala joogsi lahayn u soo galeen magaalooyinka iyagoo ka imaanayay miyiga iyo noloshii adkayd ee ka jirtay. Marxaladaas cusub ee dowladnimo iyo xukuumadihii is xigxigay ee madaniga iyo tii militariguba 1960-1990, marka laga reebo marxaladdii h**e ee xukunkii militariga, kuma aynan guulaysan xukuumadahaasi inay wax ka qabtaan baahiyihii jiray iyo wax ka bedelka noloshii isbedeldoon ee dadka Soomaaliyeed uga soo wareegayeen miyiga una soo wareegayeen nolosha magaalooyinka. Waxaana keenayay arrinkaas ay bulshadooda ugu adeegi waayeen ee fashilka ku wada dhammaaday, maamul xumo ka dhalatay qabyaalad eex, musuqmaasuq, ku tagrifal awoodeed iyo dagaaladii lala galay dalka Itoobiya 1964-1977-78. Ugu danbayntiina, waxay keentay maamul xumidaasu in dalkii ay ka abuurmaan jabhado hubaysan oo salka ku haya qabyaalad, kuwaas oo ku guulaystay inay afgambiyaan xukuumadii Militariga, dalkiina ay galiyaan dagaal sokeeye iyo dowlad la’aan, ka dibna markale ayay reer miyigii ka soo yaacaan miyigii, iyadoo wax maamul dowladnimaa uunan ka jirin dalkii.
Waqtiyaas kala duwan, ee sida balaaran loo soo galayay magaalooyinka iyo jihayn la’aantii bulsho ee marxaladii dowladnimo iyo dagaalkii sokeeye ee sii lumiyay hab dhaqankii nolosha madaniga ee magaalo lahayd, waxaa ka dhashay arrimo caado doorsan dhaqan bulsho iyo dhibaatooyin saamayn xun ku yeeshay hab dhaqankii nolol magaalo lahayd, sida xanaaq joogtaa oo waxaan waxba ahayn laga dudayo iyo sawaxanka labadii qof oo sheekaysanayaaba aan la ag joogi karin qaylada, muranka iyo hadalka ay la tookhayaan, iyagoo waliba dhaqankaas la tagay dunida daafaheeda ka dib qaxii dagaalada sokeeye ay dad badan sidii ay miyiga uga yimaadeen u aadeen dibada.
Intaas waxaa dheer oo ku soo kordhay hab dhaqankii nolol magaalo ee dalkeena faafitaanka noocyada kala duwan ee daroogada iyo maandooriyaasha oo halis badan ku haya bulshadeena, gaar ahaan dhalinyaradii oo aan ku kala soocnayn wiilal iyo gabdho, waana markii koowaad oo dumarkeenu u muuqdaan kuwo sii qabatimaya isticmaalka balwada. Waxaana daroogadaas mar walba ku soo kordhaya noocyo cusub oo aan h**e looga aqoon dalka, waxaana u danbeeya isticmaalka noocyadaas cusub Calaqa, Taabuuga iyo xashiishada. Waxaana xusid mudan, in dadkeena oo uu h**ey u dishay maandooriyaha qaadku, ay hadda carruurtii iyo haweenkii oo aan h**ey balwad u aqoon, u muuqdaan kuwa sii qabatimaya oo haweenkiinii la mid noqon rabbaan haweenka reer Yemen oo in ka badan 50 - 70% ay cunaan qaadka.
Noloshaas, dhaqan miyi magaalo iyo daroogadaan la sii wada qabatimayo yar iyo weyn, waa dhibaatooyin iyo cuduro halis badan oo aafeeyay bulshadeena, ilaa iyo haddana aynan jirin cid u taagan wax ka qabadkeeda iyo sidii wax looga bedeli lahaa. Haddaba Su’aashu waxay tahay:
— Yay mas’uuliyada ugu horaysa saaran tahay, inay ka wacyi galiyaan dhibaatooyinkaan halista badan xambaarsan ee soo wajahay bulshadena?
— Maadaama aqoonta iyo in wax la aqriyo ay door weyn ka qaadato arrimaha wacyigalinta bulshada, maxaa keenay in laga gaabiyo in wax la qoro ama wax la aqriyo, ma aqoonyahankii ayaa ka gaabiyay arrinkaas, mise bulsho wax aqrisa ayaanan jirin?
— Dhaqan noocee ah, ayay la soo laabteen qurba joogta Soomaaliyeed? Maxaa wanaag iyo ilbaxnimo ah oo laga kororsan karaa soo laabashadooda, maxaase dhib iyo dhaqan xumaa?
— Maxaa keenaya in dhamaanteen fadhi ku dirir FKD aan ku dhumino waqtigeena qaaliga ah oo saacad ku dhaaftay aynan dib kuugu soo laabanayn?
— Yaa saxan haddii qofba qofkii kale dhalliilayo oo magacii aan wadaagay la wada ceebaynayo? ama waalidiintii la caayayo galin iyo goob kasta oo aan joogno?
— Maxaa lumiyay qabkeenii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee ab iyo isir laga soo gaarka noo ahaa?
— Maxaa ka dhalan kara maandooriyahaan ku sii dhex faafaya bulshada dhexdeeda oo gaaray heer uu galo guri iyo gole kasta, balwadiina la wada qabatimay rag iyo dumarba?
Dhamaan su’aalahaas iyo kuwa ka sii badan, ayaan buuggaan aan ugu magaca darnay ka dhowrsiga caadooyin dhaqameedka miyi magaalo, ku dul maraynaa inaan jawaabo uga helno iyo inuu bilow wanaagsan oo wacyi galineed u noqdo bulshadeena iyo sidoo kale in aqoonyahanka Soomaaliyeed garto mas’uuliyadda ka saaran bulshadiisa sidii ay ugu jiheen lahaayeen wanaaga, aqoonta iyo ilbaxnimada.
—
📱 +252 61 5072145
📧 [email protected]
📍 Muqdisho, Baar Ubax, Xareed