Muhammad yuulka

Muhammad yuulka Peace, Mercy, and Blessings, Be Upon You, Welcome to My Official page, Please Contact Me Wh

09/04/2024

Burcad badeed Awood looga furtay Markab ay qafaasheen.....

Wakaalladda Boliska Qaranka Haiti’s National Police Agency ayaa sheegtay inay dagaal la galeen Dabley hubaysan, kana soo furteen Markab waday Shixnad Bariis ah.

Iska horimaadka oo socday muddo 5 saacadood ayaa waxaa lagu dilay Tiro ka mid ah Dableydii afduubatay Markabkaasi meel ka baxsan Xeebta Haiti ee Port-au-Prince.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Boliska Haiti ayaa lagu sheegay inay Markabkaasi qafaasheen dabley ka tirsan Kooxaha Burcadda Hubeysan ee lagu kala magacaabo 5 Seconds iyo The Taliban.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa la qafaaahay Markabkaasi oo lagu magacaabo MV MAGALIE, xilli uu ka shiraacday Dekedda Varreux Port.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in Burcadda afduubatay markabkaasi ay bililiqeysteen 10,000 oo Loor oo Bariis ah oo ka mid ah 60,000 oo Loor oo saarnaa Markabka oo ku sii jeeday Dekedda magaalladda Cap-Haitien ee Xeebaha Waqooyi ee Jesiiradda Haiti.

09/04/2024

Dad uu ku dhacay cudurka Daafka oo u indha-beelay Kaadi ay wajiga ku dhaqdeen!

Dhowr iyo toban qof ayaa indho-beelay ka dib markii ay isku dayeen in ay iska daaweeyaan cudurka daafka oo ka dillaacay dalka Mozambique.

Sida laga soo xigtey Dr. Sândia Sumbane ka tirsan qaybta indhaha Isbitaalka Dhexe ee magaalada Nampula oo ku taal waqooyiga Mozambique, dadkaan ayaa eersaday kaadi iyo gaas ay ku fool dhaqdeen si ayula tacaalaan daaf faro-kulul ku hayayey.

Dr. Sumbane oo uu soo xigtey Telefishin madaxbannaan oo la yiraado STV, dadka daafka qabay ayaa indhahoodi ku waayey talooyin aan cilmi ku dhisneyn oo ay ka qaateen Dad caamo ah, halkii ay raadsan lahaayeen dhakhaatiir daaweynta indha aqoon u leh.

Sândia Sumbane oo ka hawlgasha Hospital Central de Nampula (HCN), ayaa sheegtay in magaalada Nampula oo qura 11 qof lagu sameeyey qalliin indha looga saaray, ugu yaraan labo kalena ay sugayaan.

Dhakhtaradda ayaa ugu dambeyn dadweynaha uga digtey khatarta ka dhalan karta haddii dadku daawo ka raadiyaan meel aysan jirin, taas oo ay ku waayi karaan xubnaha nugul ee jirka, sida indhaha.

Cudurka daafka ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si safmareen ah ugu fidayey qaar ka mid ah dalalka dhaca bariga iyo koonfurta bari ee qaaradda Afrika.

08/04/2024

Afar sano ka hor, kuwo askarta New York ka mid ah ayaa waxay waagaas ku qasbeen labadaan dumar inay xijaabka madaxoda ka qaadan, weyna diiden balse waa looga awood batay in madaxooda xoog ku qaawiyaan,

Ka dib way dacwoodeen ilaa iyo waagaasna dacwo ayaa u socotay, ugu dambeyn maanta ayey ku guulaysteen, waxaa la siiyey magdhow lacag dhan 17Million oo dollar🫡

07/04/2024
07/04/2024
07/04/2024
04/04/2024

Dalka Sweden, Maxamed-amiin C/risaaq Ibraahim oo 22 jir ah kana soo jeeda Soomaaliya ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu dilay saaxiibtiis oo 20 jir ahayd, Saga Forsgren Elneborg iyo ilmo uurka ku jiray.

Wuxuu ku ceejiyay oo dilkeeda u isticmaalay xariga Korontada, sida lagu eedeeyay. Sababta uu falkan u sameeyay ayaa lagu sheegay in wiilkan dhalinyarada ah uu dareemay xishood inuusan reerkiisa usoo bandhigi karin Gabadha oo kala duwanaayeen Diin ahaan..

Hambalyp Agaasimaha Cusub Goobjoog TV  Abdirahman Kampala .Ina adeer mar kale Hambalya ku leeyahay.
03/04/2024

Hambalyp Agaasimaha Cusub Goobjoog TV Abdirahman Kampala .

Ina adeer mar kale Hambalya ku leeyahay.

02/04/2024
01/04/2024

Caruurta markay caloosha kasoo baxaan waxaa la socdo bahashan oo lagu magacaabo ibi ama mandheer⭕️

Ilaah awoodiisa bahashaan waxaa ku jiro oo isugu yimaado canuga dhiigiisa iyo hooyada dhiigeeda mucjisada marka ma is dhex galaan labadaas dhiig oo waxaa u dhexeeyo xuub, xuubkaas oo ay ku magacaaban dhakhaatirta xuubka caqliga leh waayo xuubkaas wuxuu haayaa shaqo caqliga ka tan wayn, wuxuu hooyada dhiigeeda kasoo qaadaa ogsijiin, sonkorta iyo insulinka wuxuu ku shubaa canuga dhiigiisa sokortii ayaa gubaneyso ogsijiinka dartiisa, gubashadaas iyo shaqadaas waxaa canugii uga dhalanaayo oo uu ka helaa tabar jirkiisa. Wasaqa canuga kasoo baxaayo iyo carbon dioxide ka ayagana isla xuubkas ayey soo maraan oo waxay ku soo shubmaan hooyada dhiigeeda markaas neefta hooyada afkeeda kasoo baxeyso 🗣️oo ay banaanka u bixineyso qayb ka mid ah waa neefta canuga uu soo saarayo👼🏾

Xuubkaas caaqilka ah dhiiga hooyada wuxuu kasoo qaadaa qayb ah nidaamka difaaca wuxuu ku shubaa dhiiga canuga, yacni canuga caloosha ku jiro xuubkaas wuxuu u yahay meel noloshiisa ilaa uu banaanka ka imaanayo lagu kala hago oo lagu dhaqaaleeyo, wuxuu kala yaqaanaa xuubkaas canuga wuxuu u baahan yahay iyo wuxuu u baahnayn, wuxuu u soo gudbiyaa keliya waxyaabaha uu u baahan yahay, hooyada haday raashin sun ah ama ay cunto wax ayada wax u dhimaayo canuga uma soo gudbiyo🤰🏽
Subxaanallaah صنع الله الذي أتقن كل شيء⚪️

وفى أنفسكم أفلا تبصرون❗️

Share dheh hadaad u arkaysid mowduuca inuu yahay mid faa’iido leh✍🏽kuna Soo biir pagka OGAAW .

Sadia Ali.

31/03/2024
31/03/2024
Dhakhtar u dhashay wadanka Maraykanka ayaa yiri: Sida kaliya ee ugu dhakhsaha badan oo Oxygen-tu ku gaarto wadnaha iyo s...
27/03/2024

Dhakhtar u dhashay wadanka Maraykanka ayaa yiri: Sida kaliya ee ugu dhakhsaha badan oo Oxygen-tu ku gaarto wadnaha iyo sambabada marka qofku naqaska ku dhago : waa marka qofku sidaas wajiga dhulka u dhigo (Waa sida aan u sujuudno hadaanu nahay muslimiinta)

وَلَقَدْ نَعْلَمُ أَنَّكَ " يَضِيقُ صَدْرُكَ " بِمَا يَقُولُونَ فَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ "السَّاجِدِينَ ".

Aayaddan kor ku qoran ayuu (Alle) Nebigiisa (Muxamed) NNKH, ku leeyahay 1445 sano ka hor AAYADAN"Waanu ognahay in laabtu ku ciriiryoonayso, waxa ay ku leeyihiin darteed,

u tasbiixso (Allah) (isagaa xumaan ka nasahan) kana mid ahow kuwa sujuuda.

Aayaddan ayaa tilmaamaysa in sujuuda, ay yareyneyso inuu qofka walwalo, laabtuna ciriiri iyo murug ka dareemo, Sidoo kale waa lamid qofka naqas ku dhagan yahay ku dhagay, Deg-deg ugu baahda Oxygen, Kaliya (Eebihii) awoodda badnaa ee waaxidka ahaa, ha u sujuudo. ..!

25/03/2024
Maskaxda basharka miisaanka culayskeedu waa 1200-1400grams (2kg oo rubuc la')  laakiin culayska intaas le'eg in uu madax...
20/03/2024

Maskaxda basharka miisaanka culayskeedu waa 1200-1400grams (2kg oo rubuc la') laakiin culayska intaas le'eg in uu madaxaaga kor saaranyahay marnaba ma dareentid sababtu waa maxay? Sababtu waxa weeyi Ilaahay Subxaanahuu wa tacaalaa wuxu ugu talagalay in maskaxdu dul fadhido dareerahaas sawirka kaaga muuqda kaas oo miisaanka badan ee maskaxda kaa kala yaraynaya islamarkaana kuu suuragalinaya in aad dareentid culays dhan 50gram oo keliya. Hadaba kolka qofku uu sujuudayo, marna kor u toosayo, marna sujuudayo dareerahani wuxu bilaabaa in uu maskaxda qaboojiyo isaga oo marka aad sujuudidna kor u gororaya oo maskaxda dul maraya marka aad kor u toostidna hoos u gororaya, waana sababta markasta oo aad tukatid kadib aad u dareentid nafis iyo degenaan. Xigasho Dr. Zakir Naik.

19/03/2024
17/03/2024

Address

234
Mogadishu
2526

Telephone

+252615630034

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Muhammad yuulka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Muhammad yuulka:

Videos

Share



You may also like