WAAJIBKII SAARNAA REER KGS OO AY GUTEEN WAA HADII HAB CADAALAD AH LOO MARAY.
Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in Xaalad Amni la galinayo Dalka 48 saac ee soo socota waa maxey sababta?
Ciidamada Dowlada Somaliland oo Dhoola Tus aan caadi ahay soo bandhigtay.
Daawo: Deni oo ka hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble, sheegayna ballan laga baxay
Daawo: Saciid Deni oo si kulul ugu jawaabay wasiir Jamaal
Daawo Gal-dacwadeed laga diyaariyey Farmaajo iyo xubno saraakiil u badan
-
Muqdisho Runsheeg Media Network) – Saraakiil iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa diyaariyey dacwad ka dhan ah madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo xubno kale, taas oo salka ku heysa wixii ka dhacay Baydhaba 2018-kii, xilligii doorashada maamulkaas, arrinta Mukhtaar Rooblow oo sifo aan sharci aheyn dowladda ugu xiran mudo sanado ah iyo arrimo kale.
Yuusuf Xasan Mursal oo ay isku xisbi ahaayeen Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa wareysi uu siiyey Radio Kulmiye waxa uu ku sheegay in maalmahaan ay u socdeen kulamo la isaga xog wareysanayey dhibaatooyinkii ka dhacay Baydhaba sanadkii 2018-kii iyo xarigga Sheekh Mukhtaar.
“Kulamo aan maalmahaan la yeelaneynay dhinacyada ay taabteen dhibaatooyinkaas waxaa lagu go’aamiyey in gal dacwadeed ka dhan ah Farmaajo iyo qolyihii ku lugta lahaa aan ka furano hey’adaha garsoorka ee ay khuseyso, sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal.
Waxa uu sheegay in xogaha ay aruuriyeen ay ku ogaadeen in xilligii doorashada Lafta Gareen Baydbaba lagu dilay 14 qof oo rayid ah iyo xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaas oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Yacquub, sidoo kale 26 qof ayuu sheegay in la dhaawacay xalligaas.
Yuusuf Xasan ayaa sheegay in dadka ku jira gal-dacwadeedka ay diyaariyeen ay badan yihiin, isagoo ka xusay madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Mahad Cabdiriraxman Aadan, iyo dhammaan taliyeyaashii ciidamada ee Baydhaba ka howlgalayey xiligaas.
Sidoo kale waxa uu sheegay in saxaafadda ay u soo bandhigi doonaan liiska dadka ay dacwadaha ka gudbinayaan ee loo heysto wixii ka dhacay Koonfur Galbeed.
“Waxaa halkaas laga soo xiray Sheekh Mukhtaar Rooblow oo Xamar ku afduuban sanadkii 3-aad, marka hadda waxaan isku afgaranay in gal-dacwadeedka yaga aan ka furano hey’adaha garsoorka dalka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Yuusu
Daawo: Sheekh Maxamed Idiris: “Allah xikmad ayuu ka lahaa dilka IKRAAN TAHLIIL”
-
Muqdisho Runsheeg Media Network) – Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada waaweyn ee Soomaalida ayaa markii u horeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ay hay’adda NISA sheegtay inay geeriyootay, kadib muddo la weysanaa.
Sheekh Maxamed Idiris ayaa sheegay in kiiska Ikraan ay ku jirto xikmad cajiib ah oo banaanka soo dhigeysa dulmiga dowladda iyo mas’uuliyiinta u sareysa, islamarkaana ay kashifeyso dulmi ayada ka horeeyay.
“Ilaahay SWT xikmad ayuu ka leeyahay gabadhaas Soomaalida ah ee Muslimada ah in dhiigeeda uu maanta noqdo waxa arrintaan qarxiya, oo siyaasiyiintii kashifa, mas’uuliyiintii kashifa, dulmiga kashifa, dhiig badan oo muslima oo daatay kashifa,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris.
“Ikraan ma aha kaligeed waxa dhintay laakiin xikmad ayuu Ilaahay SWT ka leeayhay, waxaan leenahay arrintaan waa arrin weyn oo Ilaahay daba-joogo, wallaahi noqon meyso arrin ciyaar ah oo lagu kaftamo.”
Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inay jiraan Wasiiro, Xildhibaano, Culimo iyo Siyaasiyiin la dilay oo illaa hadda aan la aqoonsan, islamarkaana ay Ikraan tahay xikmad banaanka u soo saareysa dhagar qabayaasha qarsoon, sida uu hadalka u dhigay.
“Dhiiga Muslimka ciyaar ciyaar ma aha, meel cidla ah ma dhaceyso, waxa uu Ilaahay SWT daba-socdo cid bad-baadin karta majirto. Gabadhaas yar waxay tusaale u tahay malaayiin Soomaali ah oo dhulka ku jira, cadaalada ha lagu xaqo.”
Ugu dambeyntiina waxa uu ka digay in la hor-istaago kiiska Ikraan, si ay cadaalad u hesho, asagoona dalbaday in sida ugu dhaqsaha badan maxkamad loo saaro cida uu ku cadado kiiska Ikraan, oo NISA sheegtay inay geeriyootay.
X.M: Dacwa Tv
Nuxurka warka kabilaabo 2 Daqiiqo meykuu maraayo muuqaalka
IKRAAN INTEY JIRTAA ? ( WARBIXIN XASAASI AH ).
X.: VOASomali
Daawo: Muuse Suudi oo shaaca ka qaaday arrin dhex-martay isaga iyo Guudlaawe
-----------------
Jowhar ) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle ayaa shaaca ka qaaday arrin dhex martay isaga iyo madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.
Muuse Suudi ayaa sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu u balan qaaday in la dooran doono, balse uu ku canaantay in afarta sano ee soo socota uusan u dhaqmin sidii hore.
“Walaalkey waa i canaantay, waxuu iyiri waa lagu dooranaa, laakiin sidii hore hayeelin, marka anaguna sidii hore in Alle uusan ka dhigin ayaan rajeyneynaa, halkaas ma dhaafaayo,” ayuu yiri Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.
Dhawaan ayey ahayd marki senetor Muuse Suudi in Cali Guudlaawe la filayo inuu liiska musharaxiinta Aqalka Sare kusoo daro Senator Muuse Suudi Yalaxow, kadib markii uu iska caabiyey cadaadisyo xooggan, oo kaga yimid Villa Somalia.
Sidoo kale Muuse Suudi ayaa amaan kala dul dhacay maamulka madaxweyne Cali Guudlaawe, isagoo sheegay in mustaqbal fiican ay leedahay HirShabeelle, waxuuna bulshada ugu baaqay inay garab istaagaan maamulkooda oo tafaraaruqa ay meel iska dhigaan.
Waxa uu sheegay in mid ka mid ah dadkii soo dhaweeyey uu weydiiyey sababta uu u imaan waayey Jowhar afartii sano ee Senatorka uu ahaa, “Jowhar kamana maqneyn, mana imaan, intaan oo dhib ah dadka waan ka dhowraayey, dadkaan isoo dhaweynaya iyo dadka aan u soo martinaayo dhib ayey igu qabi lahaayeen, sida maanta oo kale, laakiin qoylkeygu kama maqneyn HirShabeelle,” ayuu yiri Muuse Suudi.
Waxa uu sheegay in afartii sano ee lasoo dhaafay uu kursiga Aqalka Sare ku difaaci jiray dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, oo sida uu sheegay iyagu leh ilaha dhaqaale ee dalka laga wada biisho kheyraadka ka soo xarooda.
“Intii Aqalka Sare aan joogay HirShabeelle wixii laga haleeyo banaankaan u taagnaa, waxaa soo labeysay Galmudug, waxay ugu dared markii lacag yar oo tan la siiyo dowlad goboleedyada kale ka y