05/07/2024
Ninkii mursal ahaa oo xiisadiisii sumayo awgeed usoo dayacay ayaa tegay halkii uu kula balansanaa in cabaar ah oo uu sugay ayuu waayay cid usoo socota waxa uuna isku qanciyay in dumarku ay caado u tahay inay kasoo dib dhacaan ballanta sidaa awgeedna uu iska sii sugo daqiiqado kale laakin waxa uu mar qura kalu war helay shaqarta telkiisa markiiba wuu qabtay waxayna noqotay sumaya oo ka raali gelineysa inaysan iman karin sababo xaga waalidka ah awgood mursal oo ka xumaaday arrinkaa maadaama uu darteed useegay xisadiisii ayaanse umuujin dareenkiisa asagoo si quman uga aqbalay raali gelinta gurigiisii ayuuna isaga laabtay.
Sumaya oo qolkeedii isaga jiifsatay ayadoo niyad jabsan maadaama uu qorshaheedii fashilmay ayaa waxa qolka ugu soo gashay walaasheed saamiya oo ku diganeysa ayadoo si aan toos aheyn ugu dhago hadleysa maadaama ay col ahaayeen ayey ku dhawaaqday in la kulanka wiilasha hooyadood canjeerada ka suga ay dhaanto in guriga la iska fadhiyo sumaya oo ereyadaa aad uga gubatay ayaase dareenkeeda xakameysay oo aan wax jawaab ah ka bixin dhaga hadalkii walaasheed laakin saamiya ayaa dhibsatay aamusnaantaa maadaama ujeedka ay dhaga hadalka ka laheydba uu ahaa inay jawaab hesho ayaa mar kale si jees jees ah uga dhawaajisay inay leedahay awood ay ku fashiliso qorshayaasha qof walba oo ayada cadow ka dhigta sumayo oo markaa uun ku baraarugtay in qofta hooyo arrinka gaarsiiyay misana ku dirtay ay ayada tahay mar kale ayeyna dib uliqday caradeeda wax falcelin ahna ma aysan ka bixin.
Saamiya oo uu hadafkeedu ahaa inay ka careysiiso walaasheed ayaa ugu dambeyn isla ayadii ka carootay jawaab la'aantii sumaya inta ay is celin kari weyday ayeyna si toos ah markan uweydiisay halka ay usocotay ee ay ulabisatay maadaama ay garaneyso dabeecadeeda isla markaana aysan jirin gabar ayada saaxiib la ah oo aagooda degan sumayo oo ku qasban markan inay jawaabto maadaama si toos ah su'aasha loo weydiiyay ayaa ugu jawaabtay walaasheed inay iskala weyn tahay in siraheeda iyo arrimaha ugaarka ahba ay la wadaagto dadka qaar ee rufiyaanada ah saamiya oo ay jawaabtaasi aad uga sii careysiisay ayaa dagaal iyo gacan ka hadal bilowday laakin hooyadood ayaa markiiba kusoo carartay oo kala qabatay ayadoo weydiisay waxa ay isku dagaalayaan.
Saamiya oo hadalka la hormartay ayaa ugu jawaabtay hooyadeed in gabadhaa sumayo ah ay runta ka sheegto halka ay usocotay sumayo ayaa ayadoo garnaqsaneysa hooyadeed usheegtay in amarkii ahaa inaysan guriga ka bixin ay fulisay sidoo kalena ay goor h**eba sheegtay inay usocotay gabar saaxiibteed ah ayadoo qolkeeda iska fadhidana ay saamiya la dul timid dhago hadal iyo waxaan loo joogin gacan ka hadalkana ay ayadu billowday saamiya oo iska difaaceysa eedda loo soo jeediyay ayaa hooyadeed ka dhex gashay hadalka kuna war gelisay inay ayadu tahay qofka qaldan wax ka quseeya halka ay aadi rabtayna aysan jirin sidaa awgeedna ay faraha ka qaado haddii ay dib dambe buuq umaqashana ay ayada masuul ka tahay saamiya oo caradii ay ugu sii darsantay in wixii dhacay eeddooda ayada dusha loo saaray ayaa isaga baxday qolka.
Subixii xigay ayaa sidii caadada aheyd la isugu yimid iskuulka qoftii sumayo aheyd ayaana la kulantay mursal si ay mar kale uga raali geliso ka baaqsiga kulankii ay ku balansanaayeen balse mursal ayaa usheegay inuu ku raali noqonayo in isla markaaba ay usheegto ujeedkii ay ka laheyd kulankaas sumayo oo garan la' qaab ay wax ugu sheegto iyo meel ay hadalka uga billowdo ayaa ugu dambeyn ayadoo arrinka ka dhigeysa mid saaxiibteed quseeya usheegtay inuu jiro wiil ay saaxiibteed isla socdaan isla markaana ay dareensan tahay inuu qiyaameynayo balse saaxiibteed ay ka dhaadhicin weyday sidaa awgeedna ay ka dooneyso inuu ka caawiyo sidii ay saaxiibteed utusin laheyd wejiga dhabta ah ee wiilkaas maadaama ay rag isla yihiin si fududna uu ku fahmi karo.
Mursal ayaa ugu jawaabay in arrinku uu sahlan yahay nin sirtiisana ay naag uun heli karto sidaa awgeedna ay ciwaan kale sameystaan halkaana ay ka shukaansadaan sumayo ayaa ugu jawaabtay in ay sidaa sameysay balse ay ku adkaatay inay dareenkiisa soo jiidato mursal ayaa usheegay in si ay dareenkiisa uhanato ay profileka saarato sawirka gabar qurux badan la hadalka badanna ay ka yareyso maadaama wiilashu aysan jecleyn gabdhaha daba carara statuskana ay mar walba sawir shidan soo saarto ilaa uu ugu dambeyn shabaq ugu soo dhoco sumayo ayaa aad ula dhacday taladii mursal wayna umahad celisay ayadoo usheegtay inay la socodsiin doonto hadba wixii soo kordha wixii talo iyo tusaale ahna uu mar walba ku biiriyo.
Sumayo ayaa isla maalinkiiba qorshihii ku dhaqaaqday balse waxa cabad ku noqday sawiradii ay isticmaali laheyd maadaama ayada iyo walaasheed ay isu weji egyihiin arrinkuna uu fashil noqonaayo haday sawirkeeda isticmaasho laakin si deg deg ah ayey xal uheshay oo waxaa jirtay gabar saaxiibteed ah oo si joogto ah sawiradeeda baraha bulshada usoo dhigi jirtay waxa ayna billowday inay kasoo xulato sawirada ugu quruxda iyo soo jiidashada badan ee saaxiibteed weyna isticmaashay ayadoo saaratay profileka ciwaankeedii qarsoodiga ahaa iyo statuskaba waqti badanba k**a soo wareegan jeer uu cabaas eegay statuskii ay dhigtay laakin nasiib darro wax faallo iyo fal celin ah k**a uusan bixin taasoo niyad jab ku noqotay sumayo.
Arrinkii ayeyna la wadaagtay mursal wuxuuna ugu jawaabay inay samir yeelato oo ay deg degga iska deyso dhowr maalinna ay sidaa ku waddo sababta uu la aamusayna ay tahay maadaama ay hadalka ka badisay uuna uheysto in asaga loo baahan yahay wuxuuna kula taliyay in sawirada ay raaciso qoraalo muujinaya sida inay wiil kale xiriir la leedahay si uu udareemo in laga maarmay isla markaana uu tartanka ugu soo biiro sumayo ayaa mar kale la dhacday fikraddii mursal sidii ayeyna yeeshay ayadoo maalinkaa ka dib sawir walba ay statuska saareyso raacineysay erayo dareen kalgacal xambaarsan isla markaana ka tarjumaya sida inay la hadleyso wiil uu xiriir kala dhexeeyo.
Laba maalin uun ay sidaa sameysay ka dib ayuu mira dhalay qorshihii maadaama uu ugu dambeyn ninkii cabaas ahaa fal celin kasoo bixiyay sawirkeedii asagoo usoo qoray inay aad uqurux badan tahay sumayo ayaa arrinkaa farxadda leh si dhaqsi ah ula wadaagtay mursal oo qeyb ka ahaa dejinta qorshahaas ayadoo sidoo kalena weydiisay waxa ay kaga jawaabeyso mursal ayaa usheegay inayba qalad ku aheyd inay furto farriintiisa ayna aqriso balse maadaama ay dhacday aysan wax jawaab ah siinin sidoo kalena aysan mar kale furin haddii ay dhacdo inuu farriin kale usoo diro laakin sumayo ayaa weydiisay sababta aysan ugu jawaabeyn maadaama uu hadafkoodu ahaa inuu soo hadlo.
Mursal ayaa ugu jawaabay inay deg degga iska deyso si uu qiimaheed usiyaado asaguna uu xiisuhu ugu laba laabmo ilaa uu si toos ah isugu soo dhiibaayo sumayo ayaana ku qanacday taladii mursal howsheedii ayeyna iska sii wadatay laakin waxay dhanka walaasheed saamiya ka dareentay dhaq dhaqaaq ah inay dooneyso inay fuliso ballankii cabaas kala dhexeeyay ee ahaa in kulankooda xiga ay asaga umartiso oo ay ugu tagto meel uu asagu cayimay laakin nasiib darada heysatay ayaa aheyd inaysan awoodin in walaasheed ay ka baajiso kulankaas maadaama ay colaad kala dhexeysay taa beddelkeed ayey isku taxluujisay inay ogaato maalinka ay kulanka ku balansan yihiin si ay ugu maleegto dabin ay kaga baajiso kulanka nasiib wanaag waxa ay jaanis ku heshay saamiya oo suuli ku jirta telkeeda oo ay garaneysay dhamaan pasworadii ku xirnaa inta ay furtay ayey dib uraacday qoraaladii ay la wadaagtay cabaas ilaa ay ugu dambeyn halkaa ka ogaatay in ballantu ayba aheyd maalin uun ka dib.
Waxay sidaa ahaataba waxa la gaaray xilligii ay saamiya la balansaneyd cabaas inay is diyaariso ayeyna billowday laakin ma aysan ogeyn miskiinta dabinka loo dhigay inta ay qubeysatay aadna ulabisatay ayey hor fariisatay muraayad si ay isku sii qurxiso laakin intaa ay is diyaarinta ku mashquulsaneyd ayey mar walba indhaheedu qabanayeen sumayo oo inta ay soo eegto ku qosleysa taasoo shaki weyn ku beertay oo ah in hab labiskeedu ay wax ka qaldan yihiin mana aysan weydiin karin maadaama aysan isla hadal waxayna billowday isku mashquusho si ay isaga saxdo waxa ka qaldan oo ay sumayo ku qosleyso laakin in cabaar ah oo ay dhan walba iska eegtay ayey iska weyday waxbana ayadoo ugu dambeyn diyaar garowgeedii dhameysatay una ruqaansatay dhankaa iyo albaabka si ay ubaxdo. Tolow muxuu yahay dabinka ay sumayo udiyaarisay si ay ubaajiso? Mase ka baxsan doontaa saamiya dabinkaa si ay ugu tagto cabaas?
LA SOCO QEYBTA XIGTA
Dhowaan insha allaah