Garaad Yaasiin

Garaad Yaasiin Hal ku seegta maalin, ma heleeshid abid.

15/03/2023

Beenaha faafay ee sidii dadka loogu celcelinayey run la mooday aan labo idiinka soo qabto.

1- Mid aan aqaano oo reer Awaare ahaa oo Dawlad Deegaanka ku dhashay oo da’aana iga weyn ayaa maalin wuxuu Facebook-giisa kusoo qoray isagoo Calanka Somaliland garabka ku sita mid kalena kor u haya “Adaan kugu hoos dhashee miyaan kaa dhoofi karaa”

Bro midka Ethiopia ayaad ku hoos dhalatee kaas u hees, waa ayaan daro adoo aabahay saaxiibkiisa inaad cimrigaas been aaminto.

2- Mid baa wuxuu igu yidhi Adeerkay dawladii Siyaad Barre ayaa dishay, mid abtigii ah oo aad u run badnaa ayaa ku yidhi “Abti, aabahaa been ayuu kuu sheegaye anaa joogay maalintii Adeerkaa dhintay, oo godkii weynaa ee aan dhagaxa ka jabinaynay ayaa adeerkaa, aniga iyo labo nin oo kale kusoo dubay, ana lugtan sababta la iiga jaray waa dhagaxii igu habsaday, sidaas ayuuna adeerkaa u dhintay, ee intaad aabahaa ku noqoto waxaad ku tidhaahdaa Cismaan iyo Maxamed Kaahin wixii dilay miyaa adeerkayna dilay isagaa ku fahmi doona inaad xaqiiqada soo ogaatee”

Waxaa jira kumanaan SNM dishay iyo masiibo kale ku habsaday oo Siyaad Barre AHUN dusha loo saaray.

Adigu nala wadaag beenaha aad maqashay.

Adoo arkaya Alle makuu aar guday!?Anoo wadada dhinac ka taagan oo Bajaaj raacaya ayuu mid baabuur cad oo Surf wataa si x...
13/03/2023

Adoo arkaya Alle makuu aar guday!?

Anoo wadada dhinac ka taagan oo Bajaaj raacaya ayuu mid baabuur cad oo Surf wataa si xawli wadada kusoo galay, misena biyo meesha yaalay ayuu kor iyo hoos iiga shubay, intuu si cadawtinnimo ah ugu sii daayey, xitaa dib iima soo eegin, raalli-galin iskaba daaye! anigoo xanaaq cunuhu i xanuunayo ayaan Bajaajta iska fuulay, mise Bajaajlihii ayaa igu yidhi aan kaa daba geeyo, wuxuuba kusii dhaqaaqay xawli saa’id ah, si qof na arkaya oo naga baxsanaya oo kale.

Waxyar markuu na hor cararay ayuu afka uga galay baabuur Buruuf ah oo ciidan ilaalinayaan, intay askartii ka shakiyeen ayey saddex xabad ku rideen labo ayaa muraayadaha uga dhacday, oo ka burburisay, intuu sidaydii oo kale naxay ayuu istaagay kii Surf-ta watay. Intaan qalbiga ka qoslay ayaan toos u dhaafay, markaasaan hoos ka idhi la kala awood badan, balse kii ugu awooda weynaa baa ii aaray.

12/03/2023

Adiga oo calooshu ku xanuunayso, mise naf aad tahay, oo suuqa kasoo cararay guriga saaxiibkaa maku leexatay? Ileen meel kale lama haadhine, ka dibna mushqusha horteeda dhar maku dhaqayaan saaxiibkaa walaashiis iyo gabadh kale oo qurux badan, xaalada aad ku sugan tahayna aanad halkaas kala laaban karin. Jaba waa ka dambeeyee

Markaad musqusha gashay, ee aad naqaska isku xidhay, niyadana kaaga jirto hablaha ayaa buuqaaga maqli doona, baaldigii iyo garaafihii sidaad dhulka ula dhacaysa ee aad buuq kale uga raadinaysay aad culayskaaga ku qariso ma kala jabeen?

Haddii ay kugu dhacdo ama kugu dhacdaye maxaad samaysay?

Oday Ciise ah oo magaalada Dawanle la yidhaahdo jooga ayey qolo ay Geellayda isla ahaayeen idaacad ka dhagaysteen labo n...
11/03/2023

Oday Ciise ah oo magaalada Dawanle la yidhaahdo jooga ayey qolo ay Geellayda isla ahaayeen idaacad ka dhagaysteen labo nin oo American ah oo is fuulay, markaas bay warkii odaygii oo Geeliisa la jooga ku dhureen, isna nin damiir iyo dad ahaanba aad u nool ayuu ahaaye, intuu Billaawihii gosha ugu jiray lasoo baxay ayuu yidhi “Yax! Anoo aabe ku badhi, ma taaasaa wax la sii jooga ah”.

Hadda Hargeysa waxa laga sheegayo maaha wax damiir iyo dad nooli aqbali karaan ee ragga waxaas sameeyey qudha ha laga jaro, intay dadka iyo duunyadaba fasahaadin.

Nafis Siyaasadeed (A Political Relief) ayaan soo qaadanayaa inta dawladda SSC-Khaatumo laga soo dhisayo.Hakis bila wanaa...
10/03/2023

Nafis Siyaasadeed (A Political Relief) ayaan soo qaadanayaa inta dawladda SSC-Khaatumo laga soo dhisayo.

Hakis bila wanaagsan.

Muuse Biixi ayaa yara wareeray oo Geri Koombihii hubka iyo ciidanka soo bandhigay ayuu mooday ciidan DDS ah, ee ha loogu...
09/03/2023

Muuse Biixi ayaa yara wareeray oo Geri Koombihii hubka iyo ciidanka soo bandhigay ayuu mooday ciidan DDS ah, ee ha loogu dhaarto inay yihiin Isaxaaq Xasan iyo Reer Sheekh Abayooniskii SSC deganaa.

Wataas ceeb idinka raacday oo hadaladaas adag la idiinku jawaabay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda DDS
9 March 2023.GC

Shir ay maanta oo ay taariikhdu tahay 9 March 2023 yeesheen Golaha Wasiiradda ee Maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan ciidamo ka tirsan Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) oo qayb ka ah colaada ka socota magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Soomaaliland in aysan jirin ciidan ka tirsan DDS oo qayb ka ah colaada Laascaanood, waxaana cambaareeynaynaa eedeeymaha masuuliyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid.

In kasta oo Xukuumadda DDS ay dadaal dheer iyo dulqaad badan ka muujisay in ayna ka jawaabin eedeeymo iyo dacwooyin badan oo si isdaba joog ah uga soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland oo la xidhiidha isla arintan, waxaa muuqata in maamulka Soomaaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin si uu u maareeyo su’aalaha kaga imanaya gudaha iyo dibada ee la xidhiidha Xaaladda ka aloosan Gobolka Sool.

Waxaan markale ugu baaqaynaa maamulka Soomaaliland inay ka waantoobaan hadaladda iyo ficiladda kala fogeeyn kara shacabka walaalaha ee DDS iyo Soomaaliland.

—— Dhamaad ——

Laascaanood waxaa dhulka ka qoyan dhiigii shacabka ee ay Ciidamada Somaliland sida arxan darada ah u laynayeen, waxaana ...
08/03/2023

Laascaanood waxaa dhulka ka qoyan dhiigii shacabka ee ay Ciidamada Somaliland sida arxan darada ah u laynayeen, waxaana weli carrada lagu rogin oo meydooka la baadi goobayaa dad ay laayeen ciidamada Somaliland, waxaa weli Cusbitaalada yaala dhaawacyadii ay geysteen isla Ciidanka Somaliland, waxaana duurka abaar, biyo la’aan iyo gaajo ku laynaysaa dadkii ay Ciidamada Somaliland weerarada qaawan ku qaadeen.

Haddana waxaa gunnimo ah oo waxaas oo dhibaato ah ka daran in Muuse Biixi iyo inta taabacsan ay weli usii hamuun qabaan inay cagta mariyaan inta hadhsan ee Rabbi ka badbaadiyey dhagartooda, waxaana daliil kuugu filan siday Burco iyo Hargeysa uga aloosayaan, ugu dhaantaynayaan iskuguna boorinayaan inay hadhaaga dabka saaraan mar kale, dilalkii h**e ee ay geysteena xaq uu dhankooda ka haa.

Waxaa soo baxaya nacayb badan oo dadka qaar qarsan jireen, waxaa ifka yimid cunfi badan oo kuwa u duugnaa, waxaana banaanka yimid ceebo in badan magacyo loo sameeyey oo dadka Waqooyi ee nidaamka Gooni-Goosadka aaminsanayn lagu dulayn jiray.

Boogaha maanta la qoday waa kuwa aan weligood bogsan doonin.

Gobbonimo haddii wax walba laga raacayo Somaliland (Beesha Dhexe) ayaa duqaymihii ay dawladdii Kacaanku u gaysatay ka ra...
07/03/2023

Gobbonimo haddii wax walba laga raacayo Somaliland (Beesha Dhexe) ayaa duqaymihii ay dawladdii Kacaanku u gaysatay ka raaci lahayd oo maanta Gooni-Goosad may noqdeen, ee Jamhuuriyadda ayey qaybtood ka dhisan lahaayeen

Dhiiga, Xabaal-wadareedyada iyo dhaawacyada muuqda ee ay Somaliland baryahan sida arxan darada ah ugu xasuuqaysay Laascaanood, gobbonimo lagama raaci karee waa in Khaatumo-SSC gooni ka noqotaa, wixii gumeeyey. Haddii intaas aad fahmi waydo, gunnimo cusub u diyaar garaw.

Dooda badan ee ma-dhalayska ah hala joojiyo oo halganku hadduu kow yahay ee heegan hala galo.

Marka mid reer Koonfureed ahi arko Beyle oo Hargeysa dhex socda.
06/03/2023

Marka mid reer Koonfureed ahi arko Beyle oo Hargeysa dhex socda.

Waan idiin hambalyeynayaa aabo, dadaalka iyo kartida aad muujiseen ee aad kaalmaha h**e uga gasheen Imtixaanka. Waxaad h...
05/03/2023

Waan idiin hambalyeynayaa aabo, dadaalka iyo kartida aad muujiseen ee aad kaalmaha h**e uga gasheen Imtixaanka. Waxaad haysataan Hooyo fiican oo hadh iyo habeen wehelkiina noqotay sababna u ah inaad halkaas soo gaadhaan.

Guulaysta Geesiyadayda.

Sida caadiga ah Somaliland ayaa 50% miisaaniyad sannadeedkeeda sheegta inay ku baxaan hawlaha amniga, gaar ahaan ciidama...
04/03/2023

Sida caadiga ah Somaliland ayaa 50% miisaaniyad sannadeedkeeda sheegta inay ku baxaan hawlaha amniga, gaar ahaan ciidamada, balse hadda markii uu yimid dagaal Laascaanood uu daaha ka fahday in 10,000 oo askari oo ay Somaliland u diwaangashanaa, kuwaas oo mushaharkooda, gunnadooda iyo iidaankoodaba qayb ka ahaa miisaaniyada Ciidamada ay noqdaan Caag-layaal(Waraabe-u-taag).

Waxaa sidoo kale jira 2,000 oo loo yaqaanay ciidanka kaydka, kuwaas oo loogu tagalay in la isticmaalo marka xaaladu cakiranto ayaa iyagana ay noqdeen kuwa Magac-u-yaala oo magac kaliya diwaanka ku jiray, se nolol lagu hayn.

Baadhitaan ay maalmahan wadeen guddiga uu Muuse Biixi u xil saaray arrinta dib-u-habaynta ciidamada ee dagaal ayaa sag-xada soo taabtay ka dib markii la ogaaday in miisaanigada kaliya lagu kordhisan jiray ciidamada, balse aysan ahaynba wax jira oo i tus oo i taabsii ah.

Dib aan u jaleecno 18 May kasta ciidamada ay Somaliland soo bandhigto ee la arko una badan da’da 45 ilaa 70 jir waa kuwa kaliya ee xeryaha ku jira, maantana ku dhan Sool, mana jiro ciidan kale oo ka dambeeya, nooc kasta oo ay yihiinba.

Dagaalka Laascaanood wuxuu daboolka ka qaaday labo mashruuc oo kala ah midka Ciidamada oo nin kasta oo Somalilabs madax ka noqdaa uu Miisaaniyada ku heli jiray Ciidan Caag-layaal ah iyo mid labaad oo ah in Hoggaanka Sool aad loo kala qaybin jiray si Mashruuca Gooni-Goosadka ah ee Somaliland cimri dherar u yeesho.

03/03/2023

AAN IS BARANNO

Geri Koombe waa walaalka ka weyn ee Harti Koombe. Geri wuxuu degaa meel walba oo Soomaali degto, taasna wuxuu kala siman yahay Daaroodka guud.

Gerigan maalmahanba halganka kaga jira Laascaanood maaha rag ka yimid meel fog ee waa rag Deegaanka ah oo Sool dega, waana Culimadii Reer Sheekh Aboyoonis, oo Beri iyo Soolba deegaan ku ah, qaybtoodna dega Gobolka Waqooyi Galbeed.

Ragga Galbeed halganka kaga jira ee 46 Milyan ee Oromo hortaagan waa rag Bahawiye la yidhaahdo oo Bankaas Faafan ilaa buuralayda Harar degan. Ragga kale ee ilaa hoosta Jigjiga dega waa rag Bakacsiiyo la yidhaahdo oo iyaguna Absamaha iyo Hartiga ood wadaag ah.

Ragga Jubbalan ilaa Waqooyi Beri Kenya degana ummadda ka barta waa qayb ka midda Isaxaaq Xasan.

Habboon Vs SollaHorta sheekadan raadinta reerka Cabdinaasir Solla iyo Film-ka Habboon ee raadinta reerkeeda maxaa ka dha...
03/03/2023

Habboon Vs Solla

Horta sheekadan raadinta reerka Cabdinaasir Solla iyo Film-ka Habboon ee raadinta reerkeeda maxaa ka dhaxeeya.

Waar idin kala garan maynee guulaysta yaakhii.

QIIMAYNTA DHAQAALAHA FACEBOOK & TWITTER EE DAWLADDAJamhuuriyada Federalku waxay leedahay 24 Wasaaradood oo dhan 75 Wasii...
02/03/2023

QIIMAYNTA DHAQAALAHA FACEBOOK & TWITTER EE DAWLADDA

Jamhuuriyada Federalku waxay leedahay 24 Wasaaradood oo dhan 75 Wasiir marka lagu daro Wasiirka Koowaad, iyada oo noqonaysa wadarta 1,650$

24 Agaasime oo haddii laga soo qaado wasaarad walba 5 xubnood oo u baahan kaea amaba hadda isticmaala calaamada Blue Tick ay noqonayso 144 qof taas oo iyadana wadarta ka dhigayaa 1,584$

Labada Gole ee Baarlamaanka matalayaashu waa 329 xubnood haddii loo qaybiyo shaqaalaha labada Gole oo mid walba laga siiyo 50 qof waa 100 qof oo wadarta guud ka dhigaysa 429 qof dhaqaale ahaana ay noqonayso 4,719$

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha hawlwadeena ka shaqeeya ee masuuliyiin iyo shaqaale hoosaad isugu jira haddii xafiis walba 10 qof ee ugu mudan la siiyo wuxuu imanayaa 12 Waaxood oo 10 qof ahi waa 120, taas oo ka dhigaysa 1,320$

Xafiiska Madaxweynaha oo qudheedu ah meesha ugu awooda badan, saamaynta badan ahna meel mudnaan leh waxaan odhan karnaa 200 qof aan siinno Blue Tick taas oo wadarta ka dhigaysa 2,200$

Waxaa jira isku celcelisan ahaan 24 Ha’yadood oo dawladda ah kuwaas oo hawl-wadeenada ka shaqeeya aan odhan karno goob walba aan siino 10 qof taas oo ka dhigaysa 240 oo qiimayntanu noqonayso 2,640$.

Haddii aan dhammaan isku wada darto wadarta guud waa: 14,113$ taas oo noqonaysa Facebook kaliya ee aan u labo jibaarnno dhanka Twitter ka oo isna ah 8$ bishii 28,226$ aan sannad miisaaniyadeedka dawladda ku darnno bal 28,226$ x 12 Bilood = 338,712$

FG: Waa qiimayntayda ee adna si ka wanaagsan waad u daraasadayn kartaa.

CIIDAMADA SOMALILANDCiidamada Somaliland ee hadda la qorshaynayo in Laascaanood la geeyo waa labo urur oo ku kala sugan ...
01/03/2023

CIIDAMADA SOMALILAND

Ciidamada Somaliland ee hadda la qorshaynayo in Laascaanood la geeyo waa labo urur oo ku kala sugan Gorayo-cawl iyo Qun-ujeed ee Gobolka Awdal, kuwaas oo qorshihii halkaas loo dejiyey ay ahayd ka hortagida Suldaan Wabarkii Somaliland Galbeed kaga soo duulay, markaa oo ciidankaas qudhooda Sool laga soo qaaday, lana dajiyey halkaas, si ay uga difaacaan weerarada Suldaanka.

Gorfaynta arrinta daabulida ciidankaas ayaa waxay hoggaanka Somaliland isku raaceen maanta wax culays ahi in aau ka jirin dhanka Awdal, Suldaan Wabarna u qorshaysnayn inuu weerar soo qaado oo h**e heshiis loola galay, haddana si arrintaas loo sii adkeeyo Saylici waa ku Xigeenka Muusee loo xil-saaray siduu culayska Suldaanka ee dhanka Awdal loo baajin lahaa, ciidankana Sool loo gayn lahaa.

Waa ciidankii u dambeeyey ee Somaliland lahayd oo Galbeedka ku sugan, kuwaas oo dhan 240 iskuguna jira Boolis iyo Milatari. Ciidankaas haddii aan Hargeysa looga kabin Zaadka waa mid aan saddex maalin dagaal lagu gali karin, dhinac walba oo ay tahayba.

Ilmaadeerayaal Allaan idinku dhaariyee SSC miyeysan xaasidiin Somaliland jiritaankeeda ka xun ahayn?Ma dawladda ninkaas ...
27/02/2023

Ilmaadeerayaal Allaan idinku dhaariyee SSC miyeysan xaasidiin Somaliland jiritaankeeda ka xun ahayn?

Ma dawladda ninkaas weyni ee Awowgay leeg isku qaawiyey si aqoonsi u hesho, ayey Beeshii Caalamka ku ceebeeyeen. Dhulbahantoow awawgiin la gub.

FOOLKA CUSUB EE SOMALILAND Waxaa dhawaan loo ballansan yahay Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya  iyadoo miiska ay sa...
27/02/2023

FOOLKA CUSUB EE SOMALILAND

Waxaa dhawaan loo ballansan yahay Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyadoo miiska ay saaran tahay qadiyada wada-xaajoodka dhinacyada. Wada-hadalada ka sakow waxay Somaliland si gorgortan lahayn ugu heli jirtay wadaaga deeqaha Caalamiga ah, qaybsiga khayraadka (Hawada, Badda, Cimilada iyo Macdanta), Kaabayaasha dhaqaalaha (Sanduuqa SDF) iyo taakulada Caalamka ee dhinaca horumarinta arrimaha bulshada. Taas waxay ahayd markii ay dhannayd ee Gobolada maanta faraheeda ka baxay ku jireen.

Haddaba madashan loo ballansan yahay Somaliland maxay miiska wada-hadalka la tagi doontaa, maadaama inta badan dhulkii ay sheeganaysay kuna helaysay dhaqaalahaas aysan xukumin amaba gacanta ugu jirin.

Deeqdii caalamka ee 5-ta Gobol ee Sool, Sanaag iyo Todheer oo qayb ka mid ahayd ku heli jirtay qaab noocee ah ayey Somaliland u maarayn doontaa?

Haddii Somaliland doorasho ka dhacdo ee Madaxweyne aan Muuse Biixigan ahayn yimaado ma wuxuu xukumi doonaa Awdal, Waqooyi Galbeed iyo Togdheer oo nusa? Mise wuxuu door-bidi doonaa inuu maamul dib u yagleelo oo sheekaba hadda iyo kow ay noqoto!?

Kacdoonkii shacabka Laascaanood ee isku badalay abuuritaanka SSC-da cusub wuxuu soo dedejiyey mashruucii wada-hadalada ee dabo-dheeraaday. Wuxu cimriga usoo yareeyey mashruucyo tiro badan oo magaca Somaliland ku hoos jiray.

Sheekaba hadda ayey bilow cusub tahay.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garaad Yaasiin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share