Shabakada Faaqidaada arimaha dhalinta Soomaliyeed

Shabakada Faaqidaada arimaha dhalinta  Soomaliyeed Waxaa loogu talagay in dhalinta ay isku waydaarsadan afkaartooda iyo talooyinkoda ee dhinaca siyaasa

dhulnikiisi baa iskaleh
dhulnikiisi baa iskaleh
dhulnikiisi baa iskaleh
somaliya somali baa leh
somaliya somali baa leh

24/11/2019

What Prophet Muhammad (pbuh) Liked to Eat the Most

12 Foods Which Prophet Muhammad (pbuh) liked And Their Benefits

Milk
It has been said that milk wipes away heat from the heart just as the finger wipes away sweat from the brow. It strengthens the back, increases brain function, augments intelligence, renews vision, and drives away forgetfulness.

Ibn Abbas (Allah be well pleased with him) reports that our Prophet (Allah’s peace be upon him) liked milk the most of all beverages.

Milk has been described for increasing stamina, removing dryness from the body. It helps digestion, is nutritious, improves texture of the skin, discharges waste of the body through urine (breaks down), improves brain and mind function, removes stresses and strains from the body. Milk, however, must be drunk in reasonable quantities, for too much milk could cause harm to some of the body function. Such as weakening the eyesight, weakening the joints of the body and also leads to fattening.

Honey
Honey is considered to be the best remedy for diarrhea when mixed in hot water. It is the food of foods, drink of drinks and medicine of medicines. It is used for creating appetite, strengthening the stomach, eliminating phlegm, as a meat preservative, hair conditioner, eye salve and mouthwash. It is extremely beneficial in the morning in warm water and is also a Sunnah to consume.

The Prophet Muhammed (Allah’s peace be upon him) said, “You have two medicines: honey and the Quran.” (Ibn Maja)

Olive oil
Olive oil is an excellent treatment for skin and hair problems, it delays the signs of old age, and treats inflammation of the stomach.

The Prophet (Allah’s peace be upon him) said, “You have olive oil. Consume it and apply it on the body. For indeed, it is from a blessed tree.” (Tirmidhi)

Mushroom
The Prophet (Allah’s peace be upon him) said that mushroom is a good cure for the eyes; it also serves as a form of birth control and arrests paralysis.

The Messenger of Allah (Allah’s peace be upon him) said, “Mushroom is a sort of manna which Allah sent to children of Israel. Its water is cure for the eyes. (Muslim, Ibn Majah)

Sayiduna Ali (Allah be pleased with him) reports our Prophet (Allah’s peace be upon him) as saying, “Mushroom is a good cure for the eyes.”

Anas Ibn Malik (Allah be well pleased with him) reports the Prophet (Allah’s peace be upon him) saying, “Jannah laughed and the mushroom came out and the earth laughed and its treasures came out.”

There are three kinds of mushrooms:

(1) Black mushroom – this is poisonous.

(2) Off-white and reddish mushroom (pinkish) – this is also not recommended.

(3) White mushroom – its extract is very good for the eyes. If applied for several days, it removes the whiteness from the eyes (blindness). Its extract, however, is not useful for bloodshot eyes. Its extract is especially good for eyesore as a result of heat, but it is not good for eyesore because of cold.

Dried and ground mushroom stops diarrhea and if a paste is made of mushroom with vinegar and placed over the navel of a person whose navel has shifted from a position resulting in severe pains, then the navel will come back into its place.

Grapes
The Prophet was very fond of grapes, it purifies the blood, restores vigor and vitality, strengthens the kidneys, and clears the bowels.

The Prophet Muhammed (Allah’s peace be upon him) said, “Eat raisins, but spit out the stones, for there is illness, but in the flesh there is healing.” Narrated by Ibn Abbas and Suyuti.

Dates
The Prophet (Allah’s peace be upon him) said that a house without dates has no provision, also it is to be given to newborns.

The Prophet (Allah’s peace be upon him) said, “Your women folk should eat dates, for whoever makes dates their food, will produce children with ease.” Narrated by As Suyuti.

The Prophet (Allah’s peace be upon him) said, “Whoever eats seven (‘ajwa) dates in the morning, will not be harmed by the likes of magic or poison for that dat.” (Bukhari)

Figs
Figs are a fruit from paradise and a cure for ailments.

The Prophet (Allah’s peace be upon him) said, “If you are going to say that any fruit has come from the Garden, then truly you should mention fig, for it is indeed the fruit of Jannah.” Narrated by Abu Darda, Suyuti,

Barley
Barley is beneficial against fever in the form of a soup.

The companions of the Prophet (Allah’s peace be upon him) used to eat food prepared with barley and beet root after Friday prayers. (Tirmidhi)

Pomegranate
The Prophet (Allah’s peace be upon him) is reported to have said that pomegranate removes the effect of Satan and his whispers for 40 days.

Sayiduna Ali (Allah be pleased with him) said, “Eat pomegranate with its white membrane for it is a (therapeutic) dye for the stomach.” (Musnad of Ahmad)

It has also been narrated that Sayiduna ‘Abdullah ibn ‘Abbas (Allah be pleased with him) would take a single seed from the fruit and eat it. When he was asked about that he said, “It has reached me that there isn’t a single pollenated pomegranate on the earth save that it contains a seed from those of Paradise so it may just be this one.” (Bayhaqi’s Shu’ab al-Iman)

It is therefore unsurprising that among the benefits associated with pomegranate are that it:

(1) purifies blood;

(2) invigorates and stimulates the body;

(3) cleans the stomach;

(4) removes obstructions in the digestive organs;

(5) stop diarrhea;

(6) improves digestion;

(7) strengthens the digestive organs;

(8) removes nervousness;

(9) clears the throat;

(10) clears the skin;

(11) neutralizes acid in the stomach.

WATER
The Prophet sallahu alaihi wasallam said the best drink in this world and the next is Water, when you are thirsty drink it by sips and not gulps, gulping produces sickness of the liver.

MELON
Melon contains 1000 blessings and 1000 mercies, The Prophet sallalhu alaihi wasallam said, "None of your women who are pregnant and eat of water melon will fail to produce off spring who is good in countenances and good in character.

It should be noted that no action or habit of our Prophet (Allah’s peace be upon him) was ever without reason or wisdom. It therefore follows that the more we emulate our Prophet (Allah’s peace be upon him), the more we will benefit from that wisdom, drawing ever nearer to Allah, Most High.

So praise belongs to Allah and may His best and highest blessings be lavished on our beloved Prophet (Allah’s peace be upon him) who came with knowledge and wisdom that dazzle the brightest minds. We pray that this information be beneficial to all.

21/10/2019

DARDAARANKII MADAXWEYNE SIYAAD BARRE SOOMAALIDA U JEEDIYAY KU DHAWAAD 30 SANO KA HOR.....
===========================================================
Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee intii aysan dhicin xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa sannadkii 1991-kii balse ay muuqdeen ifafaalo bur bur inuu kusoo socdo ayaa waxaa dhacdey in uu kulamo kala duwan la yeeshey saraakiishii ka tirsanaa ciidamada qalabka sida gaar ahaan Xooga dalka, Boliiska, Asluubta,Sirdoonka Nssta iyo sidoo kale odayaal,ganacsato iyo wax garad.

Mid ka mid ah kulamadii uu la yeeshey Siyaad Barre saraakiishii ciidamada ayaa khudbad dheer oo uu u jeediyey waxuu kaga hadley xaaladda dalka u marayey xiligaas waxuuna tilmaamay �in saraakiil badan oo shirkaa fadhiday ay ku hawlanyihiin duminta iyo majaxaabinta dawladda oo shirqool ay kula jiraan ajnabi iyo niman ganacsato ah oo u adeegaya cadawga, taaso i mari la'� ayuu yiri, laakiin waxaan idin cadeynaya in nolosha iyo dhalaalka iminka idin ka muuqda aan la haysan-doonin, oo ciil la jiifsan doontaan haddii aad qabqablayaal la soo adeegsaday u sacabo tuntaan, waxaana dulinimo idinku filan inaad noqotaan saraakiil la iibsaday. �

Allaha u naxariistee Madaxweyne Siyaad Barre isagoo ka waramayey xukumadii Kacaanka waxyaabihii dalka iyo dadka ay u qabatey ayaa waxuu yiri waxaan abuuray Jaamacado, Macaahid kala heer ah iyo iskuulo min dugsi hoose ilaa jaamacad lacag la'aan ah waxaana ujeedaydu aheyd dadku ha yeesheen aqoon durugsan oo ay caalamka kula tartamaan, waxaan dalka u sameeyey cusbitaalo dadku lacag la'aan lagu daweeyo, Marsooyin iyo dekado ay maraakiibta ku soo xirtaan lagana hogaamiyo, garoomo ciyaareed, waxaan dhisay Hoteelo caalami ah iyo goobo lagu Dalxiiso, waxaan abuuray warshado wax soo saar oo dalka ma lahayn haba yaraate warshado, soow ma aydin arkin Jidadka waaweyn ee gobolada dalka isku xira iyo gaar ahaan wadada Maka-mukarama ee Magaalada Muqdisho iyo jidadkeeda bilicsan, waxaan sameeyey Gobolo badan oo inta xuduudana ku taxay degmooyin si dadku xukunka u gaaro, waxaan qorey afkeena hooyo ee soomaaliga.

Dhinaca kalena markii Sannadkii 1991-kii ay bur burtey xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa ayaa isagoo soomaalida la hadlayey Madaxweyne Siyaad Barre uu yiri: �Masiibo iyo Kheyr wixii ku hela xaga Eebe ayey ka ahaatey, mana ahi nin muran ka keenaya maqaadiirta Eebe, maantana ma liito ee shacabkii soomaaliyeed badankiis ayaa sheydaan u ciyey, wax badan waan sheegay, laakiin waxaan noqday nin dudumo wacdinaya Koleyba falalka dhacaya ee aan maqlayo Soomaali duli ayey mudan doontaa dalkuna ummaddo kale ayaa dumaali-doona� ama kusoo duuli doona.

Isagoo sii hadlayey Madaxweyne Siyaad Barre ayaa Waxuu yiri: " wax badan baan dagaalamay oo mufsad iyo gaalo warkeeda diiday, Maxaa wacey waxaan kala dagaalamay in shacabka la dalaalo oo gun laga dhigo, aniguna waxaan ku haminaayey inaan dalkaan dubaakhooyin iyo dakharo dambe dib loogu geysan, waxayna ahayd gobanimada darteed in ay na deeqdo.

Ugu dambeyntii Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxuu hadalkiisi ku soo gabagabeeyey oo uu yiri:

" Calaa iyo xaal ma qabin inaan shacbkeeyga wax u dhimay, waxaana hadda ii muuqata in ay door bidayaan talada iyo daba socodka iimaan lawayaasha madaxda isku sheegaya oo hadba shaati cusub u soo gashanaya kuwaas oo dal iyo dad aan u naxeyn lagana yaabo in ay qaranimada soomaaliyeed xaraashaan oo ay iibsadaan oo shilimaad siistaan daba dhilifyo u noqdaan ajnabiga---- warkeygiina waxuu noqday nin sidii dudumo la hadlaaya, wax-gareysanayana iima muuqadaan, oo dadku waa wada xamaasadeysan yahay---- koleyba kuwaas maanta shacabka furanaaya ma filayo in ay mustaqbalka u xiri doonaan Saacado nuuca qaaliga ee Seeko ah, waxaana warkeyga kusoo gunaanadayaa ha loo dul-qaato waa kaas nabsigu cariga dul- joogee"

Fadlan Walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Goob jooge taariikheed ... M. Hashi oo ka mid ahaa Saraakiishii Sirdoonkii Soomaaliya.

23/12/2017

Waa maxay Taanbuu?

Smokelles To***co wa eray bixin caalami ah taas oo lo adegsado waxyabaha la yirahdo tubakada an qaaca lahayn.

Dunida waxa laga qoray maqaalo caalami ah taas oo looga hadlayo dhibatooyinka aay ledahay isticmalka madoyinkas.

Hadaba waqti xadirkan somaliya waxa kuso badanaya isticmalka waxa ay dhalinyarada u yaqanan taanbuuga taas oo halis caafimad ku leh dadka isticmalaya

Hadaba melaha ugu badan dunida ee laga isticmalo hot filter khaini (taabu) waa dalka hindiya oo ah wadanka lagu sameyo hada.
Cilmi baris laga sameyay dalka india aya shegaya in 40 second walba uu qof u geriyodo dhibatada to***co.

Hadaba tabuda somaliya laga isticmalo maxay ka kobantahay ka eeg sawirka 2.

Waxyabaha ay kobantahay darted hadaba qofka isticmalo waxa u halis ugu jira inay ku dhacan cudurada hoos ku qoran.

1. Cancerka ku dhaca afka
2.cancerka ku dhaca dhunta
3.cancerka ku dhaca sambabada
4.cancerka ku dhaca pancreas
4.cudurada ku dhaca.wadnaha
5 . Sameyn uu ku yeesho awoda dhalmada qofka
6. Hoyoyinka uurka leh oo umula ciyal an waqtigoda dhaman (premature birth).

Cunista Taabuuga yaysan xiligan u kala soocneyn Dhalinyarada wiil iyo Gabarba.

Fadlan walal ka dhaf naftaada waxa dhawacaya oo halis ku ah cafimadkaaga.

Xigasho:

Lawadaag asxaabtaada.

02/04/2016

Wiilkii nasiibka!

Waxaan eheyn dhawr gabdha ah, oo soo galay safar aad u dheer, una dhib badan. Xilli galab gaabad ah, ayaan soo gaarnay magaalada Mooyaale, ee ku talla xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Kiinya. Si aad ah ayaan u daalneyn, cidna ka ma garaneynin goobta aan ku sugneyn. Nasiib wanaag waxaan boosteejada baabuurta ku la kulannay wiil soomaaliyeed.

Si aad u wanaagsan ayuu inoo caawiyay, wuxuuna ina geeyay gurigiisa. Guriga waxaan ugu tagnay hooyadiis, gabar walaashiis ah, oo isaga ka weyn iyo carruur yaryar. Reerkii ayuu ina baray, ka dibna ka dalbaday, in gogol la inoo dhigo, oo la ina sooro, maadaama dad safar ku yimid aan eheyn.

Wiilku waa mid ey ku idlaatay qurux, kuna labbista dhar muujinaya xarragadiisa, gabar kasta oo inaga mid ahna isha ayey gelisay, oo waan isu wada sheegnay. Si gooni ah ayaan is ku la faqnay aniga iyo saxiibtey, oo aan falanqeynay muuqaalka wiilka aan martida u nahay. Waxaan isu sheegnay, sida aan wiilka uga helnay, oo aan uga dabadhacnay inagoo isu jiibineyna hadalka. Saaxiibtey wey iga dhiirraneyd in badan, aniguse goortaan isaga arko, waan dhalaalayay, heer aan ku sigto, inaan ku boodo oo aan hab siiyo.

Subixii ku xigay markaan imaannay wuxuu ahaa Jimce, salaadda jimcaha ayuu u soo labbistay, isagoo inagu soo maray daaradda guriga. Wuxuu la soo baxay mid ka darran quruxdi h**e! Qamiis cad oo jirkiisa deeqa ayuu soo xiraty, qoortana ku soo duubtay maro. Waxaa na dawakhisay carafta ka soo baxeysay dhankiisa, kolkaas ayuu nagu soo leexday, si uu inoo bariidiyo, xilliigaasna ku ma dhiirran karin wax aan deymo eheyn, is kaba daa, in aan dib u bariidiye.

Reeraha meeshaa deggan wey soo dhaansadaan biyaha, sidaas darteed, ayuu u baxay si uu biyo ugu keeno walaashiis oo jikda howl ku heysay. Saaxiibtey waxey go´aansatay, in ey hesho lambarka wiilkan ina wareershay, haddii uusan isaga weydiin, jikada ayey gashay iyadoo is ka dhigeyso, iney gabadha caawineyso, laakiin, caawin dhab ah ka ma eysan eheyn. Nasiib wanaag waxey gabadhii bannaanka u doonatay adeeg goorta uu biyaha la soo laabtay yarkii ina dhexqaaday, halkaas ayey lamabarradii ku ka la qaateen, ka dibna wuxuu aaday misaajidka.

Saaxiibtey waxey qolka ku soo laabatay iyadoo ku soo guuleysatay howshii ey u baxday. Habeenki markii la gaaray waxey gabdhihi kale iyo hooyada reerka ku fiidsanayeen bannaanka halka aniga iyo saaxiibteyna aan ku jirnay qolkaan degneyn. Inagoo caadi u sheekeesaneyna ayey farriin ka timid wiilkii soo dhacday, farriintu waxey eheyd lambarro badan oo nasiibkaaga tijaabi ah kuwaas oo uu qofku mid ka dooranayo, wuxuuna u soo raacshay, in ey mid ka doorato ka dibna ey sameyn doonto wixii u soo baxa. Lambar ka mid ah lambarradi ayey qabsatay waxaana u soo baxday in ey wiilka HAB siiso! Saaxiibtey waxaa isugu darsamay jareys iyo cabsi, balse, anigu waxaan rejeeyay, in aan muuqaalkeeda yeesho si aan is la markiiba ugu tago.

Ugu dambeyntii waxey isu diyaarisay, iney soo fuliso sharadkii la la galay, waxeyna u baxaday bannaanka, oo uu wiilku ku sugayay, anna qolka ayaan ku haray. Intii ey iga maqneyd, waxaan sawiranayay waxa dhacayo, anigoo is ka dhigay saaxiibtey iyo dareenka aan xilligaa dareemi lahaa. Waxaan is tusay, in haddaan mar hab siin lahaa wiilkaas aan ka fuqi laheyn. Sideen uga foqaa, maba ka foqi karee!

Cabbaar ka dib ayey qolka u soo laabatay iyadoo farxadda ka muuqato aad mooddo, in Jannada loogu bishaareeyay. Waxaan ku sigtay, in aan iyada is ku duubo, anigoo ka dhexraadinaya isaga, laakiin, ku ma dhiirran.

Halkaas ayaan aniga iyo saaxiibtey ku billownay sawirashada waxyaabo khiyaali ah, oo aan jeclaan laheyn in ey dhacaan. Subixii dambe waxaan u soo qalabqaadannay dhankaas iyo Itoobiya, si aan safarkeenni u sii dhammeysanno. Mooyaale, waxaan ka la soo tagnay dhacdadaas dareenka badan iyo lambarka wiilki nasiibka.

W/Q: Ramla Gobdoon

02/04/2016

Axmed Khaliif Maxamed waxa uu todobaad ka hor ku dhintay isbitaal ku yaala Hindiya, kadib markii uu kasoo kaban waayay macluul iyo xanuun uu ka qaaday xabsi ku yaala isla Hindiya oo uu muddo dhawr sanadood ah ku jiray.

Sida sawirka hoose, oo aan ka helay gabar ku booqatay isbitaalka intii uu xanuunsanaa, uu muujinayo waxa uu cuno ahaan u adeegsan jiray digir bugta iyo dheecaankeeda oo uu cabitaan ahaan u isticmaali jiray, wax kalena xitaa hadduu uu heli karay looma ogoleen inuu jeenansado.

Isaga oo kaliyah maaha ee sidaasoo kale waxaa jira dad kale oo Soomaali miiran ah, oo u dhibban, una dhibaatoobay kuwa la mid ah xaaladahaas. Tusaale, hortiis waxaa isla xaaladda uu Axmed u dhintay u geeriyooday tiro kale oo kiiskiisa oo kale dhiibata Ku muteystay. Bil ka hor ayaa la ii sheegay inuu muddo bil ah meedkiisa yiilay, isla isbitaalka uu ku naf baxay Axmed, wiil kale oo Soomaali ahaa.

Gudaha xabsiga, Allaha u naxariistee Axmed looga soo bixiyayay xanuun dartiis, waxaa macluul iyo gaajo ugu dhintay ugu yaraan 3 qof oo wada Soomaali ahaa. Hadda waxaa kuwa nool ay halis u yihiin in ay mid mid ugu dhintaan halka ay ku xiran yihiin, sida ay ii sheegtay Qadro Cabdi Nuur oo xogta sheekadan ila wadaagtay maanta. Qadra waxa ay igu tiri Soomaalida ku xiran xabsiga aan tagay oo kaliya ee dalka Hindiya waxa ay kor u dhaafayaan 100 qof.

Maxaabiistaas Soomaaliyeed waxa ay dhibtaas u muteysteen in ay yihiin burcad-badeed. Hase ahaatee, intooda badan wali ma helin cadaalad, kuwa maxak**adda hortagayna ma helin iyaguna xukun cadliya. Sida ay Qadro ii sheegtay dhalinyaradaas ku xirxiran Hindiya waxa ay ahaayeen kaluumeysato laga watay xeebaha dalkooda, oo ku dhacay gacanta ciidamo Hindi ah oo la careysnaa la haystayaal dalkooda ka soo jeeda oo ay burcad-badeedu qafaalatay.

Dowladda ma ogaan waxaas oo dhan, hase ahaatee waalidiinta ay ubadkoodu ku xiran yihiin Hindiya, oo aan si kedis ah isku aragnay, iyaga oo hoteel ku yaala Muqdisho isku urursaday kana arrinsanayay dhibaatada ilmahooda haysata, ayaa ila wadaagay in ay dowladda ka tuugeen in ay wixii badbaado ah oo karaankeeda ah u sameyso soo samata bixinta wiilashooda. Waxa ay ii sheegeen in ay lacago iska ururinayaan si ay dacwad ugu furtaan.

Waalidiinta aan arkay maanta aad bey ii calool xumeeyeen, maxaayeelay waxa ay la ilmeynayeen dhibta looga soo wariyay wiilashooda, haddana aysan waxba uga qaban karin, dowlad fiican oo madaxda hogaamisaa ay damiir leeyihiinna aysan haysan, si ay uga jawaabaan arrintan. Maaha kuwa ku xiran Hindiya oo kaliyah ee saas oo kale Soomaali waxa ay ku ilhaaneysan tahay dunida oo dhan.

Halka arrin ee i dhibay waa in haddii kii shaqeysanayay ee baddiisa u jilaabasho tagay uu sidaas u ciqaaban yahay, kuwa kalena ay xabsiyada dalka ku xirxiran yihiin iyada oo lagu haysto in ay amniga qalqal ku yihiin, islamarkaana uusan ka jirin dalka nidaam wax shaqaaleysiiya, waxa loo socdaa ma in la dhiirageliyaa in ay dhalinyaradu wada tahriibto oo ay dalka isaga cararto, si ay uga badbaadaan in ay dhibaato amaan soo gaarto, markii ay ka quusteen in ay si nabad ah uga xamaashaan waddankooda?

28/02/2015

Shirqoolka iyo Dabinka Cadawgu u dhigay Soomaaliya. ( Faalo aad u Xasaasi ah iyo Qeybta koowaad Fadlan Walaal Aqri oo si fiican u dhuux )
-------------------------------------------------------------------------------------------
Sida qaalibka ah hagardaamooyinka aadanuhu isu dhigo waa noocyo badan yihiin waxayna ka dhacaan inta u dhaxaysa min dadka caadiga ah ilaa nidaamyada dawladaha ama gudahooda gaar ahaan jilayaasha siyaasadda ama dibedooda xiriirka ay wadamada kale la leeyihiin ayadoo falkaas loo maro si sir ah ama si caadi ah.
UJEEDKA LAGA LEEYAHAY SHIRQOOLADA IYO CIDA FULISA.
Ayagoo u kala baxa kuwo xadeysan oo muddo kooban jira iyo kuwo halis oo daba dheeraada hadba inta ay la’eg tahay danta laga leeyahay, waxaa in debin la isku rida badaanaba asaas u ah hanka ay ka qabto cida dhigaysa shirqoolka inay ka gaarto dhinaca kale dano ay marka is leedahay waa ka faa’ideysan kartaa si toos ah amaseba si dadban ayadoo falka ay hirgeliyaan dhowr wadan oo isku garab iyo kuwo kale amase wadan qura mid ahaan. Debinka shirqoolka loo maleegayo wadan ka faa’iideysigiisa miraha laga leeyahay wuxuu noqon karaa mid soo dhisma muddo dheer oo u dhaxeyn karta sanooyin ilaa waqti ka badan oo dheer.
Waxaa hawshaa sida badan fuliya hay’adaha sirdoonka iyo muqabaraadka laakinse maqaar saar ahaan huwan magaca diblomasiyadda, dhaqaalaha, dhaqanka, samafal, warbaahinta, diinta iyo wixii kale oo la mid ah. Sida badan k**a marna inay isticmaalaana dadka loo yaqaan “double agents” oo u dhashay wadamada wax laga fulinayo.
Hay’daha Sirdoonka dadka ka shaqeeya waxaa lagu tababara dugsiyada loo yaqaan “School of Espionage“ oo tabaha gaar ah ee sirdoonka ka sokow waxa kale oo la siiya tababar caskarinimo oo aad u sarreeya si ay ugu darbanaadaan inay iska difaacaan haddii ay u gacan galaan muwadiniinta dalka bartilamameedka ah bacdamaa ay hawshoodu tahay qatar ay dhici karto inay naftooda ku waayaan. Waxaa lagu carbiya luqooyinka iyo hirfado shaqooyinka caadiga ah ee kala duwan oo loo adeegsado hadba wadanka la rabo in hawsha sirdoonka laga soo fuliyo.
Waxaa la ogaaday xiriirka dawliga ah (International relations) in aaney jirin wax saaxiib la yiraa balse waxaa jira cadaawo. Marka inta qof uu qofka kale kaaga cadaawo yar yahay ayaa waxaa kan dambe midka kale uga dhigeysa inuu u yahay saaxiib. Saaxiib iyo sokeeye waa magaca ee ma ahin wax jira oo la isku haleyn karo marka laga fiiriyo xiriirka caalamiga ee dalalka dhex mara.
DHIBAATOOYINKA LOO GEYSTO BARTILMAAMEEDKA.
Meelaha qaar bartilmaameedka liishaanka u saaran yahay waxay u geystaan dhibaatooyin noocyo badan leh oo lagu jahawareeranayo degenaanshaha iyo amaanka gudaha ayadoo bartilmaameedka la beegsanayo laga fuliyo tallabooyinka qalqalka geliya dhinaca siyaasadda, qarbudaad xagga amaanka iyo xasilooni darro xagga dhaqaalaha amaseba haddiiba loo baahdo in lagu qaado weerar toos ah inkastoo uusan weerarku noqoneyn qiyaarka ugu horreeya ee la adeegsado.
Weerarku wuxuu noqon karaa mid huwan oo dhowr wadan isku bahaysaan ama wadan qura. Waxaase marka h**e dalka la bartilmaameedsanayo la darsaa muddo dheer iimaha u gaarka ah uu leeyahay ee cadaawuhu ka naafeyn karo sida taariikhdiisii h**e, heerka ay la’eg tahay kalsoonida isku qabaan shacabka dalka ku nool, hannaanka ay qabaa’iilku u dhisan yihiin, xurgufta ka dhaxaysa iyo waxyaabaha dhaliya, dhaqanka, qaabka deegaanada, aqoonta maadiga iyo tan diiniga iyo qiyamka kale ee dalkaasu leeyahay ee aasaaska u ah isku xirnaanta shacabka.
Ayadoo mowduuca sirdoonka uu aad u ballaaran yahay, waxaa dadyowga adduunku ku soo dhaqamayeen muddo h**e waxaana kuwii ugu dambeeyay ay ahayeen kuwa aad u casrisan marka laga soo bilaabo labadii dagaal ee adduunka ee ugu dambeeyay iyo daxalkii laga helay waxaa loo yaqaan dagaalkii qabooba ee u dhaxeeyay wadamada quwadaha waaweyn.
ADEEGSIGA WARBAAHINTA SHISHEEYA EE MALEEGISTA SHIRQOOLADA.
[(Waxaa dalka la rabo in la waxyeello loo adeegsada brobaganda xagga warbaahinta oo aad ugu muhiim ah wadamada shirqoolka u maleegaya wadamada kale ee danaha gaarka ah ay ka leeyihiin sida ayadoo la abuuro barnaamijyo dadka lagu jahawareerinayo waxaa loo yaqaano ”misinformation”.
(Tusaale: Idaacadaha shisheeyaha ee afka Soomaaliga ku hadla sida BBC iyo VOA qaybaha afka Soomaaliga. Idacadahaas oo dadka badankood u heystaan inay yihiin kuwo xog iyo war siinaya dadweynaha Soomaaliyeed, waxay runtii yihiin kuwo taxliil cilmi ah “news analysis“ ku sammeeya hadallada Soomaalida isku dhaafsadaan ee barnaamijyada dhowrka ah lagu faafiyo inay yihiin dad dawladnimo hanan kara iyo inay yihiin dad aaminsan wax dawladnimada ka hooseeya sida qabyaalada, cadaalada darrada qaybsiga hantida dalka, iska horimaadka diinta iyo dariiqooyinka, ilbaxnimada, heerka musuqmaasaqa iwm.
( Dhowaan mar la isku soo qaaday in la xiro qaybta Afka Soomaaliga ee BBCda, waxaa qof Brtish ah oo ka mid ah hoggaanka sare ee BBCda uu ku dhawaaqay in BBCda Qaybta Af Soomaliga ay muhimad gaar ah ugu fadhido dalka Britain sidaa darteedna loo baahan yahay inay sii soo shaqeyso ayadoo, sidaa la xusuusan yahay, BBC Qaybta Afka Somaliga la aasaasay 1957kii sababta ka dambeysana waxay ahayd in dadka Soomaalida aaney ku xirmin Idaacadii Sawtul Qaahira ee waqtigaas uu dalka Masar ka socday dagaalkii Qanaatul Suweys iyo dhaqdhaqaaqi gobannimadoonka Afrika oo Masar ay hoggaanka ka ahayd. Qofka maqaalkan aqrinayow, bal isweydiiya. Waa maxay faa’iidada uu qofkaasu sheegayo haddaan looga jeedin in si qallocan oo qaldan loogu qaabeeyo siyaasadaha dadku ay aaminsan yihiin Xitaa qofkaasu ma sii faahfaahin faa’iidada uu sheegayo waayo ma ahin wax afka lagu dhufan karo.Soomaaliya waxyaabaha lagu dumiyay dawladdii u dhisnayd waxaa ugu horreeyay brobaganda BBCda Qeybta Afka Soomaaliga.
(Waxaa kaloo taas dheer ayadoo wararka ay sii daayaan oo Soomaalida ku saabsan lagu saleeyo siyaasadaha ay wadamadaasi taabacsan yihiin umuuraha Soomaalida isku dhaafsadaan Idaacadahaas. Waa halka ay ka qaataan rayul caamka Soomaalida iyo sida dadku ugu diyaarsan yihiin inay dawlad noqon karaan, dadka doodaha ka qayb galaya inta ay qodan yihiin, wareysiyada lala yeelanayo qofka caadiga ah ee suuqa jooga isla markaana fursad uu ku hadlo la siinayo qof aanan kala garaneyn meel ay wax u socdaan amase ka socdaan laakinse hungri hayo waa waxay siiyeen magaca ah qofkaa aan codka lahayn ”the voice of the voiceless”.)
(Waxaa kaloo loo adeegsada in aqliyaadka laga dilo wadanka la rabo in la halakeeyo iyo dhaqanka oo laga galo ayadoo la bartilmaameedsanayo dhalinyarada oo ah meesha ugu nugul haddana muhiim u ah mutjamac kastoo adduunka ka jira.
Sidoo kale waxa intaa dheer warbaahinta tirada badan ee hadda dalka ku soo korortay inta uu dalku ka jiray burburka. Waxa baxaaliga warbaahinta gudaha (local press attitude) ay dadyowga kale, gaar ahaana cadaawaha Soomaalida, ka dheehdaan inta ay la’eg tahay aqoonta iyo ilbaxnimada dadka wax baahinaya ee sita magaca saxafiyiinta.
Sababtoo ah ma jiro ajenda warbaahintu maxaliga ay leedahay ee lagu badbaadinayo dalkan ay musiibadu ku dhacday. Sidaa darteed, waxaa warbaahinta gudaha looga baahan yahay inay dejiso ajenda heer qaran oo dalka iyo dadka looga badbaadinayo xaladaha murugsan ee hadda dalku jiro iyo qatarta soo fool leh. Dadku waxaysan ilaa hadda garan isticmaalka FM yada gudaha ay isticmaalayaan idacadahaas xoogga weyn oo wararkoooda ay ku faafinayaan iyagoo ku hadlaya afka Soomaaliga. Wadamada Galbeedka Afrika waxaa muddo h**e laga joojiyay idacadaas shisheeyaha oo loo arkay in aaney dan ugu jirin dalalkooda balse looga jeedo in lagu qalqal geliyo dalalka ayadoo adeegsiga idacadahaaas ay qayb ka yihiin isticmaarka nooca cusub)].
Walaal la soco Qeybta Labaad ee Faaladan loogu magac darey Shirqoolka iyo Dabinka Cadawgu u dhigay Soomaaliya.
Qalinkii: Cabduqadir Walaayo.

19/02/2015

Nin la yiraahdo Dr. Ibraahiim Fiqi oo u dhashey Dalka Masar ayaa wuxuu sheegay Dadku inay u Qaybsamaan 6 qeybood, Qofkastana Lixdaas ayuu meel kaga jiraa: Kumaa Tahay Adigu ? ( Fadlan Walaal Aqri )
---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Waxaa jira waxyaalo lagu kala sooco Aadanaha iyo qaybo ay u qaybsamaan. waxaana lagu ogaadaa qaabka qof waliba u yagleelo mustaqbalkiisa nololeed iyo u hayaanka hiraalkiisa. waana tan keenta in qofna gaaro guulo waa weyn, qofna habaaska loogu jiido/lagu dhaafo, asagoo aan ka yareyn awood iyo wax waliba oo Eebbe (sw) ku mannaysatay, balse ay tahay waxa asaagiis ka reebay kartidiisa qof ahaaneed, maxaa yeelay Aadanaha oo dhan ma haaysto karti siman, balse waxa uu haaystaa fursado siman ee ku hor marin karo kartidiisa. haddii aad cidlada ku harto noloshana ka dhacdo sabab la’aan, halka asaaggaa kaa soo eegayaan meelo fog ee aad gaari lahayd haddaa isticmaasho kartidaada. Ogoow waxaa ku reebay waa karti la’aan. si aad isku qiimayso halkaan iska dhex baadi goob waxaa kuu soo baxaya nooca aad tahay beenna ha ka sheegin naftaada.
Dr. Ibraahiim Fiqi, wuxuu sheegay dadku inay u qaybsamaan 6 qeybood, qofkastana lixdaas ayuu meel kaga jiraa:
1: Nooc adduunka ayuu ku nool yahay͵ mana garanayo waxa uu doonayo iyo hadaf uu tigsanayo. kaliya in uu wax cuno waxna cabbo in ku filan markastana uu nolosha ka dayriyo.
2. Nooca labaad wuu yaqaan waxa uu raadinayo balse ma yaqaan siduu u gaari lahaa, wuxuuna sugayaa qof gacanta qabta oo jiheeya una tilmaama meeshuu wax ka bilaabi lahaa.
3. Nooca saddexaad waa uu yaqaan meesha uu tiigsanayo, sidoo kale; wixii gaarsiin lahaa ama u fududayn lahaana wuu haystaa balse iskuma kalsoona waxbuu bilaabayaa ma dhamaystirayo. Buug ayuu soo iibsanayaa mana akhrinayo mar kasta oo uu wax bilaabo asagoon hormar ama guul ka gaarin ayuu ka harayaa sidaas ayuuna cimrigiisa ku dhamaysan.
4. Nooc Afraad’ waxa uu doonayo waa yaqaan͵ sida uu u gaari lahaa waa yaqaan͵ Naftiisa waa ku kalsoon yahay, balse maskaxdaa laga haystaa jidkaa loo fadhiyaa markasta oo uu wax xaqiijiyana qolaa ka kala tuurta, ayagoo dhahayaa waxaas waxba maahan, anagaa ku daalnay͵ faa,iido malahan asaguna ma madax bannaana go’aana kaligii malaha.
5. Nooca shanaad͵ waa yaqaan waxa uu raadinayo͵ waa yaaqaan sida uu u gaari lahaa͵ naftiisa waa ku kalsoonyahay͵go aankiisa asagaa u madax banaan͵ dadka kalana inta wanaagsan ayuu ka qaataa, balso markuu hadafkiisa gaaro ayaa waxaa ku dhacaa arxandarro wuxuuna iska dhaga tiraa guushii uu gaaray k**ana faaiidaysto.
6. Nooca lixaad͵ waa yaaqaan waxa uu doonayo Waxa uu rabo͵ sidoo kale waa yaaqaan meesha uu u marayo iyo waddada gaarsiinaysa, waxuu ku kalsoonyahay naftiisa͵ wuxuu aaminsan yahay waxa Eebbe subxaanahu wataacaalaa uu u hibeeyay maskax͵karti͵ wuxuu dhagaystaa aragtiyada kala duwan inta wanaagsan ayuu ka qaataa͵ wax kastana go’aan ayuu ka gaaraa asaga oo Eebbe tala saaranaya sidaas ayuu hadafkiisa ku gaaraa, mana niyad jabiyaan caqabadaha ka horyimaada, iyo darbiyada kaga beegma halka uu tiigsanayo iyo yoolka uu rabo inuu gaaro.
Qalinkii: Abdifataax Kamas

17/02/2015

Halkaan, Kufsigu Layaab Ma Leh!
………………………………….
Maalin walba waxaan aragnaa ama maqalnaa qaran dhan oo dadkiisu ka gilgilanayo kufsi iyo gacan ka hadal lagula kacay hal gabar. Kacdoonnadaasna waxaa ugu danbeeyey midka hadda ka socda dalka Turkiga ee gabadha la diley loogu mudaaharaadayo.
Hase ahaatee, waxaad mooddaa in haddii aan Soomaali nahay dareenka noocaas ah nalaga qadiyey. Arrinkaan oo aan hubo in laga wada dheregsan yahay darteed, dooni maayo in aan wax badan ka iraahdo, marka sidee u araktaan fikirkaaga kadhiibo ?

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shabakada Faaqidaada arimaha dhalinta Soomaliyeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Shabakada Faaqidaada arimaha dhalinta Soomaliyeed:

Share

Category


Other Magazines in Mogadishu

Show All