Cabdiwahab Nuur waxdhef

Cabdiwahab Nuur waxdhef digital creator

10/05/2024
07/05/2024

Adoo maro lagu wayeybaa adoo baraf ka qaboow lagu Soo diraa 🤣🤣🤣

05/05/2024

Bella iyo ck oo markii ugu horaysay oo live ku kulmay funny

03/05/2024

Waa la gatay account ka shamurey iyo wax ka ogow sida loo jabsaday account ka shamurey

03/05/2024

Ninkii Somali oo dhan prank ku sameeyey oo muqdisho samafal ka sameynaayo

02/05/2024

Qurux iyo jacayl wanaagiisa wata. 30+ years.
Waan idinku dayanaa.
Abdisalaan Hereri iyo Marwo Muna. Mahadsanidiin.❤️❤️💯❤️❤️

01/05/2024

Muqaaladii ugu danbeyey ee ay duubto intaysan geeriyoon Hodan gaabo ALLE ha unaxariisto

Halkan waa deegaanka Qaamqaam oo dhaca Waqooyiga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, waxaa bogaadin muda...
21/04/2024

Halkan waa deegaanka Qaamqaam oo dhaca Waqooyiga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, waxaa bogaadin mudan sida shacabka ay u ilaaliyeen dhirta deegaanka.

Muddo 30 sano ah waxaa tuuladan ka dhaqangalay nidaam lagu ilaalinayo jiritaanka, koritaanka iyo caafimaadka dhirta, iyadoo qofkii laan jaro uu muteysto ganaax lagu soo rogo, deegaankana laga masaafuriyo.

13/04/2024

Wlhi waa cajiib cheap and clean bilaas loo ma dhihin🤣🤣

02/04/2024

Markaa dhiman rabto wax ku celin karo malahan

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQDAY DEGMOOYINKA XARADHEERE IYO CEEL DHEERMuqdishi, Abriil 01, 2024: Madaxweynaha...
01/04/2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQDAY DEGMOOYINKA XARADHEERE IYO CEEL DHEER

Muqdishi, Abriil 01, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa gaaray Degmooyinka Xaradheere iyo Ceeldheer ee Galmudug, si uu u dardar-galiyo Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada difaaca shacabka ee Khawaarijta kula dagaallamaya deegaanno hoos yimaada degmooyinkaas.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey geesiyaasha dib u xoreynta dalka nafhurimada ay kaga difaacayaan dadkooda iyo dhulkooda sharwadeyaasha caadeystay daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta hantida ummaadda Soomaaliyeed ayaa hal darajo dallacsiiyay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada Qaranka ee ku faro adeygay gacan ku haynta degmada Xarardheereoo, isaga oo xusay in halganka dalka looga xoreynayno khawaarijta uu heer gabogabo ah marayo, taariikhduna ay xusi doonta halyeeyada ku shahiiday dagaalka iyo kuwa u taagan dabargoynta argagixisada.

"Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabbaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyaasha difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida waxaad muujiseen nafhurnimo waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed".

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka degmada Ceeldheer, Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada difaaca shacabka ayaa ku adkeeyey in ay labo laabaan dadaaalkooda si uu u guuleysto halganka ay ku jiraan guud ahaan umada Soomaliyeed ee dalka looga sofeynayo argagixisada.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY NUQULKA RASMIGA CUTUBYADA DASTUURKA EE UU MEELMARIYAY BAARLAMAANKA FSMuqdisho, Maars...
31/03/2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY NUQULKA RASMIGA CUTUBYADA DASTUURKA EE UU MEELMARIYAY BAARLAMAANKA FS

Muqdisho, Maarso 31, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-ka beddelka cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka JFS, oo ay shalay cod Aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisida hay'ado dowladeed oo hufan.

Munaasabadda saxiixa Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-kabeddelka cutubyada Dastuurka dalka waxaa goobjoog ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

31/03/2024

Haddaad qof 5sano wada socoteen oo aad barato qof mustaqbal ku wanagsan ............................

Nin Sacuudiyaan ah ayaa wada guursaday afar xaas, Sheekada la yaabka leh ayaa ah; in ninkan afarta gabar ee uu guursaday...
31/03/2024

Nin Sacuudiyaan ah ayaa wada guursaday afar xaas, Sheekada la yaabka leh ayaa ah; in ninkan afarta gabar ee uu guursaday ay ka wada tirsan yihiin hal iskuul.

Wuxuu wada guuraday ardayad, macalinkeeda, kormeeraheeda iyo maamulaheedii Iskuulka oo intaba hal Iskuul ka wada tirsan. Gabadha ardayadda ayaa ugu yar waxayna dhigataa hadda dugsiga sare.

Waxay ka dhacday magaalada Jazan ee dalka Sacuudiga, arrintaan ayaa hadal hayn badan abuurtay, balse gabdhahan guur wadaagga ah ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin oo aysan dhib ku qabin Xaajigooda.

Adiga ma sameyn lahayd sidaan oo kale ?

Address

Maka Al Mukarama
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cabdiwahab Nuur waxdhef posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Nearby media companies