24/02/2023
Bal gaadhsiiya ilma adeerayaal odaygu cidluun buu kasoo tookge
Hibak Goure Hibo Haaruun Barwaaqo Haldhaa
Habka gabay hiddaa maanso iyo hurinta geeraarka
Nin halyay ah baa lagu yaqiin inu habeeyaaye
Xaluun baa habeen koo badh tagay la haloosiyaye
Kol haduu haraaciyo biduu malaha hoobaane
Anna inaan halbowlaha jaraa hubanti weeyaane
Iga hoo hal aan maaganaan heedhe ku marine
Ninka yidhi halowsiga dagaal hurin ayaan biiyay
Ee hadalka ii baanayow waad hawirantuune
Abidkiin hantaataca rag waa kaga horaysaane
Hubna k**a ridaan meesha aan heedhe soo galo,e
Hadal iyo waxaad bowsataa malaha hoobaane
Hirka sare hugaayada qarsoon hurin dagalaysan
Abidkaa nimaad hala aqoon looma soo hadho,e
Waxan ahay kun wada haaba lagu hanqaar maaye
Waxan ahay hallowsiga dagaal nimaan hanbaynayne
Waxan ahay hartiga wiil tiriyo hala daaroode
Kolkaad hodanka soomaaliyiyo haysay gacalkaaga
Hadhcad baan ka furay kaarihiyo hubab kalo dhere
Mala odayse aan haynino hoodmay baa tahaye
Jeer ood hangalntaan arliga kuma hawootaane
Qorilugud ragbaa haysta iyo hooska Caynbo,e
Gaanka habar jecliyo waa ragii haabka kuu dhigaye
Adigoo ka haajiray kolkuu waranku how leeyay
Dhul halkii laga soo qabsaday kuma hadaaqdene
Hadaad garasho leeday waqaa maanad hadayshayn
Afartaa wax lama huuriye hab iyo maamuus dheh
Hidiihii gahayr iyo salaan hogatuskooduu dheh
Hurintii dagaal loo xushiyo Holac rasaaseed dheh
Aar soo hadh galay meel higala ah humashadii sii dheh
Halaqyada gurguurtiyo abees huraya waabayn dhe
Afar kalana way ii hadhoon haabo leeyahay
Hadii aad absame sheegtay iyo haybta gacalkaya
Haldoorkoodii waatan ku jaray haabkii sugumaaye
Habar yoonis iyo ciida gale maba hawaystaane
Halkay iga arkaan bay hadeer iiga kacayaane
Haydalash ogaadeena waa hoga naqaanaaye
Gaashamo howd iyo kolku harada soo dhaafo
Ayuu hadalku kuu furanyahee hogo adeerow dhe
W/Q Wardi waaberi media
tu waa dhankiina azxaapey mahadsanidiin