Cad-Ceed Media Inc.

Cad-Ceed Media Inc. Breaking news, live updates, and developing stories around the world Follow cad-ceed media inc WARAR DEG DEG AH

 ; Ku-dhawaad 200 oo qof oo ay daadad ku qaadeen Tanzania iyo Kenya RW dalka Tanzania,  Qaasim Majaliwa ayaa sheegay ina...
26/04/2024

; Ku-dhawaad 200 oo qof oo ay daadad ku qaadeen Tanzania iyo Kenya

RW dalka Tanzania, Qaasim Majaliwa ayaa sheegay inay ugu yaraan 155 qof ku geeriyoodeen Roobabka lala xiriirinayo EL NINO.

RW Qassim Majaliwa waxa uu shalay u sheegay Xildhibaanada Barlamaanka TZ oo ku shirsanaa Caasimada dalkaasi ee Dodoma inay ugu yaraan 236 qof ku dhaawacmeen Roobabka oo watsy Daadad iyo Dhul-go'.

Waxa uu intaasi ku daray inay Roobabka saamayn ku yeesheen, iyadoo ay 200,000 oo qof ay ku waxyeelloobeen daadadka iyo waxyeelo soo gaartay dhismooyin, Kaabayaasha Asaasiga sida Waddooyinka, Buundooyinka iyo Khadadka Tareenada maraan) iyo dhul-beereedyo ku yaalla qeybo ka mid ah dalkaasi.

Dhanka kale, Kenya oo xuduud la wadaagto TZ ayaa la soo weriyey inay ugu yaraan 32 qof ku geeriyoodeen Roob daad watay oo ka da'ay dalkaasi.

Qaar ka mid ah waddooyinka magaalladda Nairobi ayaa la xiray Arbacadii la soo dhaafay, halka Shirkadda Tareenada Kenya Railways ay hakisay Adeegyadii Tareenada ee isaga kala gooshayey guud ahaan magaallooyinka dalkaasi.

Dabayaaqadii sanadkii h**e ee 2023-kii, in ka badan 300 oo qof ayaa ku dhintsy Roobab iyo daadad ku dhuftay dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia, xilli ay dalalkaasi ka soo kabanayey Abaartii ugu xumayd muddo 40 sanadood.

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

 Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta DG Galmudug ayaa maanta xukun qisaas ah ku fulisay Dable xoogga dalka Cabdikaa...
26/04/2024



Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta DG Galmudug ayaa maanta xukun qisaas ah ku fulisay Dable xoogga dalka Cabdikaafi Cali Cabdulle oo horay u dilay Cadnaan Cali Salaad iyo Iidle Cumar Idiris oo Guutada 18-aad ee Gorgor ka tirsanaa sidoo kale dilay Bilan Xaashi Salaad.

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

 : Dalkii labaad oo ku yaalla galbeedka Afrika ayaa ku amray Mareykanka inuu ciidamadiisa kala baxo , iyadoo hadda la bi...
26/04/2024

: Dalkii labaad oo ku yaalla galbeedka Afrika ayaa ku amray Mareykanka inuu ciidamadiisa kala baxo , iyadoo hadda la billaabay qorshaha uu Mareykanka ciidankiisa ugala baxayo.

Kaddib Niger oo go’aankan oo kale qaadatay dalka labaad ee hadda iska saaraya ciidanka Mareykanka waa Chad, waxa dhabar-jabka ku ah Mareykanka waa in sidoo kale saldhig ciidamada cirka oo laga dhisayay caasimadda Chad ee N’Djamena la joojiyay, waxaa qorshuhu ahaa in Mareykanka uu saldhiggaa ka maamullo howlgalladiisa galbeedka Afrika, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

Fiiro gaar ah;

Dalalka galbeedka Afrika ayaa si isku mid ah isaga fogaynaya waddamada galbeedka oo ay ku eedeynayaan inay curyaaminayaan horumarkooda, tan waxay fursad u noqotay Ruushka oo si aan qorey loo qiyaasin isugu ballaarinaya dalalka galbeedka Afrika.

~isha: iman jama

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

 : Dalka Iran, shuruucda u taalla waxaa ka mid ah in qof kasta oo ku hadla hadallo deelqaaf ah oo ka dhan ah  Nebi Maxam...
26/04/2024

: Dalka Iran, shuruucda u taalla waxaa ka mid ah in qof kasta oo ku hadla hadallo deelqaaf ah oo ka dhan ah Nebi Maxamed (NNKH), inuu muteysan karo shan sanno oo xabsi ah, balse hadda waxaa dalkaa ka taagan caro weyn oo ka dhalatay markii wadaad uu aad u taageerro laguna sheego kan uu ugu jecel yahay culumada dalkaa hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran , Ali Khamenei uu telefishinka dawladda Iran ka jeediyay hadal uu ku sheegayo inuu Nebi Maxamed (NNKH) ahaa ‘mid aan fiicnayn’, xilli laga hadlayay mowduuc la xiriira masayrka, laakin ma jirto illaa hadda wax tallaabo ah oo laga qaaday ninkan oo lagu magacaabo Alireza Panahian, taa oo dhalisay xata culumada Iran qaar ka mid ah iyo aqoonyahanka dalkaa inay sheegaan haddii hadalkan uu qof kale sheegi lahaa in la ciqaabi lahaa, balse inan wali la qaadin wax tallaabo ah inay muujinayso sida aysan u jirin sinnaan.

Wadaadka xagjirka ah ee Alireza Panahian, oo lagu sheego shaqsiyaadka ugu dhow Khamenei, wuxuu leeyahay urur diimeed ku dhow ilaalada kacaanka Iran, tan oo uu gacan ku siiyay Khamenei.

~iman

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

 : Dawladda Soomaaliya ayaa qiratay in raashiinkii loogu talagalay ciidamada Danab ee uu Mareykanku tababaray la leexsad...
25/04/2024

: Dawladda Soomaaliya ayaa qiratay in raashiinkii loogu talagalay ciidamada Danab ee uu Mareykanku tababaray la leexsaday, sida lagu sheegtay warsaaxafadeed ay baahisay wasaaradda Gaashandhigga oo caddeysay baaritaan la sameeyay in shaqada looga joojiyay saraakiil , kuwaaso xabsi lagu hayo. Lama soo bandhigin darajada iyo magacyada saraakiisha loo xiray raashiinka ciidanka Danab oo baaritaan isla-xisaabtan ah oo la sameeyay lagu oggaaday in la musuq-maasuqay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay Dawladda Soomaaliya qaadanayso mas’uuliyada raashinka la lunsaday ee ciidanka Danad oo tababarkooda iyo taageerrada saanadooda uu bixiyo Mareykanka.

Maxay yihiin ciidamada Danab?

Danab waa kumaandooskii ugu horraysay ee Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka, sannadkii 1991.
Dawladda Mareykanka ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2013-kii billowday tababarka ciidamada Danab, waxaana xilligaas lagu billaabay hurin 105 askari ahayd. Sidoo kale saraakiisha kumandoosta Danab, gaar ahaan kuwa hoggaamiya dagaalka ayaa lagu soo tababaraa dalal dibadda ah oo Mareykanka uu ka mid yahay.

Sida saraakiil dawladda ah laga soo xigtay, ujeeddada loo sameeyay ciidanka ee xilligaas waxay ahayd in la hirgeliyo ciidan isku dhafan oo kumaandoos ah, waxaana lagu asaasay saldhigga ciidamada cirka ee Belidogle ee degmada Wanlwaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamadii ugu horreeyay ee Danab waxay tababarka dhameysteen sannadkii 2014-kii.

Ujeeddada ciidanka ayaa ah burburinta xarumaha ururka AS ee tababarka ay ku qaataan. Waxaa u dheer tababar gaar ah oo ay ka mid tahay in diyaaradaha laga boodo; in jid gooyooyin ay dhigan karaan; iyo in ay fulin karaan hawlgal qorsheysan. Hadda oo ay wajahayaan ku lug lahaanshaha lunsashada iyo musuq maasuq, si dhab ah sumcadooda waxaa gaaraya dhaawac , iyadoo muddadii ay dhismaayeen loo arkayay kuwa leh nidaam maamul oo ka hortagga wax kasta oo hoos u dhigaya sumcadooda.

Maxaa looga baahanyahay dawladda?

Sida laga arkay warsaxaafadeedka Dawladda , waxaa dawladda laga doonaya inay soo bandhigto warbixin lagu qanci karo oo sharraxaad ka bixinaysa sida ay ku dhacday lunsashada raashinka ciidanka oo la sheegay inay ku dhaceen gacmo kale , arrimaha kale ee ay wajahayso Dawladda waa inay bixisa magdhow la xiriirta raashinka ka maqan Danab, waxaa kalo ay arrintan albaabka u furaysa baaritaanno kale oo lagu sameeyo waaxyaha kale ee saanada iyo shuruuc cusub oo ay suragal tahay inay ku heshiiyaan dawladda Soomaaliya iyo Mareykanka , si loo helo dammaanad qaad buuxa oo la xiriirta inaysan dhacdadan soo laaban doonin. Marna lama filayo inuu Mareykanka qaado tallaabooyinka illaa ay dawladda ka soo bandhigayso warbixinteeda baaritaanka, wallow ay jirayso Mareykanka inuu hakiyo taageerrada saanada Danab.

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

 : Shiinaha ayaa u gudbiyay Kenya dalab la xiriirna inay u soo dhoofiyaan sannadkii 9 milyan oo litir oo caanaha geela a...
25/04/2024

: Shiinaha ayaa u gudbiyay Kenya dalab la xiriirna inay u soo dhoofiyaan sannadkii 9 milyan oo litir oo caanaha geela ah, sida u sheegay guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Kenya, Erick Rutto oo intaa ku daray in ay tani fursad weyn u tahay xoola dhaqatada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Waxuuna sheegay suuqan diyaarsan ee lagu doonaayo caanaha geela inay ka faa’iidaysan doonaan xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari Kenya.UPDATE: Shiinaha ayaa u gudbiyay Kenya dalab la xiriirna inay u soo dhoofiyaan sannadkii 9 milyan oo litir oo caanaha geela ah, sida u sheegay guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Kenya, Erick Rutto oo intaa ku daray in ay tani fursad weyn u tahay xoola dhaqatada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Waxuuna sheegay suuqan diyaarsan ee lagu doonaayo caanaha geela inay ka faa’iidaysan doonaan xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari Kenya.

~isha; warkan ima jama

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

 : Kooxaha Falastiiniyiinta Qasa ayaa maanta qaaday dhowr howlgal oo ay ku beegsadeen xarumo laga hago howlgallada iyo s...
25/04/2024

: Kooxaha Falastiiniyiinta Qasa ayaa maanta qaaday dhowr howlgal oo ay ku beegsadeen xarumo laga hago howlgallada iyo sirdoonka ciidanka Israa’iil ee bartamaha iyo koonfurta Qasa, sida ay ku warrantay Al-jazeera.

Balse, warbaahinta Israa’iil oo u muuqata inay ka faa’iideysanayaan weerarrada abaabulan ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in weerar uu ka dhacay halka ay ka socoto dhismaha dekedda kumeel-gaarka ah ee Qasa oo ay ka wada shaqeynayaan Mareykanka iyo Israa’iil, taa oo lagu sheegay
in loo adeegsanayo waddo gargaar ku filan lagu soo gaarsiinayo Qasa, waxaa joogi doona ciidanka Mareykanka oo la sheegay inaysan dhulka usoo degi doonin.

Maxay tahay halista?

Marka ay yimaadaan ciidanka Mareykanka iyo hantidooda oo ay la kulmaan weerarro waxtar ah oo khasaare gaarsiiya, waxay ku qasbanaan doonaan inay qaadaan weerarro is difaac ah , taa oo ay u adeegsan karaan fursad ay ciidanka Mareykanka gudaha ugu galaan Qasa, halkaanna howlgallo ka fuliyaan. Waxay ila tahay Xamaas inaysan ku dhaqaaqi doonin khaladaad nooca ah oo halis gelin kara.

~isha: iman jama

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

 : Ciidanka badda Ingiriiska ayaa sheegtay inay ka hortageen markii u horreysay taariikhda oo ay soo riddeen gantaalkii ...
25/04/2024

: Ciidanka badda Ingiriiska ayaa sheegtay inay ka hortageen markii u horreysay taariikhda oo ay soo riddeen gantaalkii u horreyay ee Ballistic-ga ah, iyagoo adeegsanaya nidaamkooda gantaallada hawada ka hortagga ee PAAMS, kaddib weerarkii shalay kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen markabka Mareykanka ee M/V Yorktown, xilli uu marayay gacanka cadmeed.

Marka laga soo tago tani inay tahay tii ugu horreysay oo Ingiriiska ciidankiisa badda ay ku soo riddeen gantaal Ballistic ah, sidoo kale waa soo riddistii ugu horreysay ee nooc kasta oo gantaal ah ee Ingiriiska tan iyo dagaalkii Gacanka ee 1991.

~isha: iman jama

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

Madaxweyne la gudoonsiiyey Faras nooca ugu orodka badan CaalamkaFardaha nooca aadka u dheereeya ee  Karabakh Horses oo l...
25/04/2024

Madaxweyne la gudoonsiiyey Faras nooca ugu orodka badan Caalamka

Fardaha nooca aadka u dheereeya ee Karabakh Horses oo laga helo Dhulka Buuraleyda ee dalka Azerbaijan ayaa waxaa maanta la gudoonsiiyey Madaxweynaha dalka Kyrgyz Republic oo maalmahan Booqasho Rasmi ah ku joogay dalkaasi.

Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev ayaa waxa uu dhigiisa dalka Kyrgyz Republic, Sadyr Zhaparov u gudoonsiiyey Hadiyad ahaan Faras ka mid ah Fardaha loo yaqaano Karabakh Horses (Karabakh horse as a gift).

Labada Madaxweyne waxay kormeereen Dhismaha ka socda Qasriga The Palace of Panahali Khan, The Imarat complex ee magaalladda Aghdam iyo Beerta lagu xanaaneeyo Fardaha ( Karabakh Horses Park).

Sida laga soo xigtay Hay'adda Karabakh Foundation waxay Fardahaasi ka mid yihiin kuwa ugu orodka badan Fardaha Caalamka, waxayna si xawli ah ugu ordinary karaan Dhuulka Buuraleyda, dhulka Siman iyo dhulka Biyo-jiifka leh.

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

Ku-dhawaad labo boqol oo Maxbuus oo ka baxsaday Xabsiga SulejaBoliska dalka Nigeria ayaa sheegay inay ugu yaraan 118 Max...
25/04/2024

Ku-dhawaad labo boqol oo Maxbuus oo ka baxsaday Xabsiga Suleja

Boliska dalka Nigeria ayaa sheegay inay ugu yaraan 118 Maxbuus ka baxsadeen Xabsiga Suleja oo u dhow Caasimada dalkaasi ee Abuja.

Maxaabiista ayaa baxsatay, xilli uu daad burbur u geystay qeybo ka mid ah Dhismaha Xabsigaasi oo la dhisay Xilligii Gumeysiga.

Afhayeen Xabsiga Suleja Prison, Adam Duza ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlay baxsashada maxaabiistaasi, isagoo xusay in dib loo soo qabtay 10 ka mid Maxaabiistii baxsadka ahayd.

Afhayeenka ma uusan xaqiijinin in maxaabiista baxsatay ku jiraan kuwo ka tirsan Kooxda Hubeysan ee Boko Haram.

Si kastaba, ma aha markii ugu h**eysay ee ay Maxaabiis ka baxsadaan Xabsiyada dalka Nigeria.

Bishii July ee sanadkii 2022-kii, Koox Hubeysan oo ka tirsan Ururka Daacish (Islamic State) waxay weerar habeenimo ku qaadeen Xabsiga Ammaankiisa aadka loo adkeeyey ee ku yaalla Caasimada dalkaasi Abuja, iyagoo ka sii daayey Ku-dhawaad 440 Maxbuus.

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

 : Ciidamada Ruushku waxay ridaan ilaa 10,000 oo madfac maalintii, sida lagu sheegay warbixinta uu soo saaray max'hadka ...
25/04/2024

: Ciidamada Ruushku waxay ridaan ilaa 10,000 oo madfac maalintii, sida lagu sheegay warbixinta uu soo saaray max'hadka Rusi. Waxaana la sheegay in Ruushka uu sannadkii helo ku dhawaad saddex milyan oo madfac oo ay ka helaan warshadahooda iyo Kuuriyada

Dhowaan Mareykanka ayaa ku eedeyay Ruushka inuu hawada sare u dirayo madaxyada Nukliyeerka, si uu weerarro uga fulin karo hawada sare, haddii ay dhacdo in la soo weerarro, balse Ruushka ayaa markii dambe arrintaa beeniyay.

Dunidda ayaa saacad walba muujinaysa sida ay sare ugu kacayso khatar caalami ah oo waqti walba caalamku wajihi karo, walaaca hadda laga qabo Nukliyeerka ama hub kale oo halis ah in la geeyo hawada sare wuxuu la xiriira in tallaabooyin dunidda halis galinaya ay qaadi karaan dalalka hubka gaysta haddii ay weerarro la kulmaan, sida inay burburiyaan dayax-gacmeedyada hawada sare, markaana waxaa dhici karta dunidda inay gasho dhago la’aan oo isgaarsiinta iyo tignoolijiyada kale ay meesha ka baxdo.

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

(DHACDO XUN): Nin hooyadiisa u dilay si uu Faraheeda ugu adeegsado Xogta Bangiga !!!?Hooyo lagu magacaabi jiray Sandra M...
25/04/2024

(DHACDO XUN): Nin hooyadiisa u dilay si uu Faraheeda ugu adeegsado Xogta Bangiga !!!?

Hooyo lagu magacaabi jiray Sandra Maria dos Santos Carvalho oo 58 jir ahayd ayaa waxaa Sabtidii la soo dhaafay (April 20) maydkeeda laga helay Hoygeeda oo ku yaalla magaalladda Salvador ee dalka Brazil.

Haweeneydaasi ayaa la sheegay inuu dilay Wiilkeeda oo lagu magacaabo Jose Natan Carvalho, sida ay sheegeen Boliska dalkaasi.

Waxaa la sheegay inuu dhowr jeer ku dhuftay, Tooreey, isla markaana uu gacanta ka jaray (her hand chopped off).

Eedeysanaha waxa uu Maxkamadda ka hor qirtay inuu isaga ka dambeeyey dilkaasi iyo inuu Surka iyo Gacanta ka jaray Hooyadiisa,

Jose Natan Carvalho oo 21 jir ah ayaa la soo weriyey in sababaha uu sida Arxan-darada ugu dilay Hooyadiisa ahayd inuu kaydsado Gacanta uu ka jaray, si uu galaangal ugu yeesho inuu Faraheeda ugu adeegsado sidii uu Lacag ugala soo bixi lahaa Kayd-Xisaabeedkeeda Bangiga ( to access money in her bank account).

Docda kale, Garsoore Leandro Florencio Rocha de Araujo waxa uu u sheegay Warbaahinta Gudaha (The Local Media) inuu Eedeysanaha da'da yar qirtay, kana qoomameeyey Fal Dembiyeedka uu ku dilay Hooyadiisa.

Si kastaba, Maxkamadda Sare ee dalka Brazil ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo Xukunka uu mudan yahay Eedeysanayaashaasi gawracay Hooyadiisa, iyadoo Falkaasi aad looga xumaaday.

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

 : Somaliland ayaa xabsiga ka sii deysey Fannaanadda Ugbaad Aragsan oo muddo xabbisnayd.Aragtida.?Kuuso biir shabakada w...
25/04/2024

: Somaliland ayaa xabsiga ka sii deysey Fannaanadda Ugbaad Aragsan oo muddo xabbisnayd.

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

 : Ruushka ayaa u adeegsaday codka diidmada qayaxan (veto) qaraar ay soo diyaariyeen Mareykanka iyo Japan oo la hor geey...
25/04/2024

: Ruushka ayaa u adeegsaday codka diidmada qayaxan (veto) qaraar ay soo diyaariyeen Mareykanka iyo Japan oo la hor geeyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay , fadhi ay xilli dambe oo shalay ah yeesheen, kaaso waddamada adduunka ka mamnuucayay inaysan sameyn ama aysan u dirin hawada sare madaxyada Nukliyeerka iyo hubka halista ah oo burbur ballaaran ka gaysan kara hawada sare.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka 13 ka mid ah ayaa oggalaatay, waxaa ka aamusay Shiinaha, halka Ruushka uu ahaa dalka joojiyay ee diidday qaraarkan.

Fiiro gaar ah ;

Dhowaan Mareykanka ayaa ku eedeyay Ruushka inuu hawada sare u dirayo madaxyada Nukliyeerka, si uu weerarro uga fulin karo hawada sare, haddii ay dhacdo in la soo weerarro, balse Ruushka ayaa markii dambe arrintaa beeniyay.

Waa maxay khatarta?

Dunidda ayaa saacad walba muujinaysa sida ay sare ugu kacayso khatar caalami ah oo waqti walba caalamku wajihi karo, walaaca hadda laga qabo Nukliyeerka ama hub kale oo halis ah in la geeyo hawada sare wuxuu la xiriira in tallaabooyin dunidda halis galinaya ay qaadi karaan dalalka hubka gaysta haddii ay weerarro la kulmaan, sida inay burburiyaan dayax-gacmeedyada hawada sare, markaana waxaa dhici karta dunidda inay gasho dhago la’aan oo isgaarsiinta iyo tignoolijiyada kale ay meesha ka baxdo.

~Isha iman jama

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

(LA-YAABKA): 3 Xaasle Aabe u ah 46 carruur  oo raadinayo Xaas AfaraadAhmed Agha Nanawa oo 52 jir ah una dhashay dalka Af...
23/04/2024

(LA-YAABKA): 3 Xaasle Aabe u ah 46 carruur oo raadinayo Xaas Afaraad

Ahmed Agha Nanawa oo 52 jir ah una dhashay dalka Afgaanistaan ayaa la soo weriyey inuu ku naalloonayo inuu guursado Xaas Afaraad, xilli ay 3 Xaas ee uu haatan qabo ay isaga u dhaleen 46 carruur ah, Maasha Allaah.

Qoyskaasi waxay ku wada nool yihiin Hal Dhismo Guri oo ku yaalla Degmada Rabat-e-Sangi ee Gobalka Herat ee Galbeedka dalkaasi.

Ahmed Agha Nanawa oo Mehrad Foorno ku leh Degmadaasi waxa uu tilmaamay in Tiro ka mid ah carruuriisa ay kala shaqeeyaan Ganacsiga Fornada ee uu ku leeyahay Suuqa Degmadda Rabat-e-Sangi.

Sida laga soo xigtay Axmed Agha Nanawa waxa uu xusay in carruurta badan ee uu dhalay ay isaga ka dhigtay Shaqsi caan ka noqday Ganacsatada iyo Shacabka kula nool Degmadda Rabat-e-Sangi.

Docda kale, Ahmed Agha Nanawa waxa uu tilmaamay inuu ubadkiisa ula macaamilo si Wanaagsan, oo uu aad u jecel yahay iyo in Waalidnimo ka sokow ay Saaxiibo wada yihiin.

Wareysi Khaas oo uu bixiyey ayaa waxa uu ka shanqariyey inuu qorsheynayo inuu Xaas Afaraad guursado sida ugu dhaqsaha badan.

Waxa uu intaasi ku daray inay Xaasaskiisa kale raalli ka yihiin inuu Xaas Afaraad la guursado.

Mid ka mid ah Wiilashiisa oo lagu magacaabo Parvis Ahmed Agha waxa uu sheegay inuu isaga xitaa doonayo inuu guursado Xaasas badan si uu u helo carruur badan sida Aabihisa oo kale.

Dadka deriska la ah Qoyskaasi waxay garwaaqsadeen inay Aabahaasi u aqoonsadaan inuu Tusaale Wanaagsan oo ku-dayasho mudan u yahay kuwa kale ee sidiisa oo kale u yegleelayo Qoysas ballaaran.

Munaasabadii Ciiddul-fitriga waxa uu sheegay inuu 50,000 oo Lacagta Afgaanistaan ku Kharaj gareeyey Dharka iyo Kabaha ay ku Ciideen dhamaan Carruurtiisa (Gabdho iyo Wiilal).

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY MUNAASABAD LAGU DHAQAN-GELINAYEY HESHIISKA ISKAASHIGA DIFAACA IYO DHAQAALAHA EE...
23/04/2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY MUNAASABAD LAGU DHAQAN-GELINAYEY HESHIISKA ISKAASHIGA DIFAACA IYO DHAQAALAHA EE SOOMAALIYA IYO TURKIGA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya.

"Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed".

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo mahadcelin iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ay suurta gelinayso dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badaheenna, muddo dhow kaddib, haddii Alle idmo.

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

 ; Markabka Afraad ee ugu wayn qalabka ciidanka badda Turkiga ayaa maanta ku xidhay dekedda Muqdisho. Socdaalka Markabka...
23/04/2024

; Markabka Afraad ee ugu wayn qalabka ciidanka badda Turkiga ayaa maanta ku xidhay dekedda Muqdisho.
Socdaalka Markabkan Dagaal ayaa la xidhiidha

Markabka dagaal Turkiga ee lagumagacaabo KINALIADA F-514 ayaa tagay dekeda Muqdisho, safarkan ayaa qeyb ka ah dhoolaTus lagu xusayo sannad guuradii 134-aad ee xariirka Diblumaasiyadeed Japan 🇯🇵 iyo Turkey 🇹🇷, wuxuu tagi doonaa 22 dekedood oo dunida ah oo uu safarkan ku mari doono, sida ay sheegtay dawladda Turkiga oo 4-tii bishan ku baahisay boggeeda xogtan.

Markabka KANALIADA F-514, ayaa qeyb ka ah Howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda, sida macluumaadka lagu cadeeyey, dal kasta oo uu tagana ciidamada Badda ee dalkaas ayaa DhoolaTus la sameynayaa.

Xogta dawladda Turkiga, ayaa kasoo horjeeda tan dawladda Soomaaliya.

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc.

Xaalad degdeg ah ayaa la galay. Sababtuna waa ciidan badan oo Muuse keenay jiida, xogtaas waa mid xaqiiqo ah. Sababta uu...
23/04/2024

Xaalad degdeg ah ayaa la galay. Sababtuna waa ciidan badan oo Muuse keenay jiida, xogtaas waa mid xaqiiqo ah. Sababta uu Muuse degdeg ugu saxeexay in maamulka “Somaliland” doorasho u aadana waa in uu hilo midnimada gudaha ee taageerayaasha fikirka gooni isu taaga.

Muuse wuxuu isu arkaa in uu dhaawacan yahay oo ay guul daro weyn taariikhdiisa dul hoganayso, wuxuuna doonayaa inta aanu xilka ka tagin in uu weerar soo qaado.

Waana sababta ay maanta Issimada dhaqanka Dhulbahante intooda gudaha joogtaa shirka degdeg ah ugu dhawaaqeen. Odayaasha dhaqanka ee beelaha Isaaq waxba gacanta uguma jiraan, dhawaan waxay ku dhawaaqeen nabad shuruud la’aana in ay diyaar u yihiin, odayaasha Dhulbahantena 25.08.2023 ayey nabad iyo daris wanaag ku dhawaaqeen, laakiin odayaasha iyo Salaadiinta Isaaq waxay sheegeen haddii uu maamulkoodu arrintan nabada diyaar u yahay in ay nabad keeni karaan, taas oo muujinaysa in aanu Muuse nabad rabin ee uu colaad isu diyaariyey.

Waxaa muuqata in uu Muuse isu diyaariyey colaad balaadhan, oo haddii uu mar kale dagaal deegaankaa ka qarxo uu noqonayo mid khasaare baaxad weyn ka dhasho iyo colaad daba dheeraata oo aan demin.

~isha: Asad Adaani Ibrahim

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

 : Markabka ciidanka badda Turkiga ee Kınalıada F514 , ayaa lagu warramaya inuu ku soo xirtay dekedda Muqdisho , kaaso l...
23/04/2024

: Markabka ciidanka badda Turkiga ee Kınalıada F514 , ayaa lagu warramaya inuu ku soo xirtay dekedda Muqdisho , kaaso la filayo inay ka dhacdo munaasabadda lagu daahfurayo dhaqangelinta heshiiska difaaca iyo iskaashi dhaqaale ee Soomaaliya ay la gashay Turkiga, oo Ankara u oggalaanaya muddo 10 sanno ah inay ilaaliso xeebaha Soomaaliya.

Heshiiska , waxaa kalo u dhigaya dhismaha ciidanka badda Soomaaliya , ka faa’iideysiga khayraadka badda ee kalluunka iyo shidaalka, labada dambe waa halka ay Soomaaliya ka filanayso inay fure u noqdaan isbeddelka dhaqaalaha iyo inuu dalka noqdo mid isku filnaasho dhinaca dhaqaalaha ah gaara,taa oo hadba ku xiran sida loo maareeyo , loona qorsheeyo.

Fiiro gaar ah;

Markabka Kınalıada F514 , waa markabka afraad ee ciidanka badda Turkiga , waxaana loogu magac daray Kınalıada Island oo qayb ka ah jasiiradaha koonfur-bari Istanbul. Waxaa la filaya inuu noqdo halka laga hagi doono howlgalka ilaalada badda Soomaaliya iyo mashaariicda khayraadka kalluunka iyo shidaalka, waxaana dushiisa sare tagi doona Madaxweyne Xasan oo daahfuraya dhaqangelinta heshiiska labada dal.

~isha; iman jama

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska.

 ;: Kooxaha Falastiiniyiinta Qasa ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday magaalooyinka ay Israa’iil haysato ee Sderot, Efim,...
23/04/2024

;: Kooxaha Falastiiniyiinta Qasa ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday magaalooyinka ay Israa’iil haysato ee Sderot, Efim, iyo Nir Am, iyadoo weerarka lagu sheegay in looga jawaabayo xad-gudubka Israa’iiliyiinta ee waxyar ka hor xoog ku galay masjidka Al- Aqsa ee ku yaalla Qudus.

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

 :  Israa’iiliyiin ayaa maanta xoog ku galay barxadda masjidka Al-Aqsa, iyagoo u dabaal-degga ciidda YH, waxaana dhinacy...
23/04/2024

: Israa’iiliyiin ayaa maanta xoog ku galay barxadda masjidka Al-Aqsa, iyagoo u dabaal-degga ciidda YH, waxaana dhinacyada ka socday oo ilaalinayay ciidanka Israa’iil, tallaabadan oo lagu sheegay inay xad-gudub ku tahay mid ka mid ah goobaha barakaysan ee muslimiinta. YH guda u gashay masjidka waxaa ka mid ah xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Israa’iil.

Aan uducayno walaalaheen falastiin dhiibka kadul qaado iyo dhamman musliminta.

Kuuso biir shabakada wararka👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska.

(SAWIRO): Shil Diyaaradeed iyo Tirada dadkii ku dhintay 10 qof oo  7 ka mid Askar ahaayeen ayaa la xaqiijiyey inay ku ge...
23/04/2024

(SAWIRO): Shil Diyaaradeed iyo Tirada dadkii ku dhintay

10 qof oo 7 ka mid Askar ahaayeen ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen saakayto oo Talaado ah, kadib, markii ay isku dhaceen Labo Helikobtar oo ay lahaayeen Ciiddanka Badda ee Boqortooyada dalka Malaysia (The Royal Malaysian Navy).

Shilkaasi ayaa waxa uu ka dhacay Saldhig ay Ciiddanka Badda ku leeyihiin magaallo Xeebeedka Lumut ee dalkaasi.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Badda ee dalka Malaysia ayaa lagu sheegay inay Labada Helikobtar qeyb ka ahaayeen Raxan Diyaarado ka qeyb galayey Munaasabadda sanad-guuradii 90-aad ee Asaaskii Ciiddanka Badda ee dalkaasi.

Docda kale, laba Helikobtar ee lagu riiqmay ayaa waxaa noocyadooda lagu kala sheegay HOM (M503-3) iyo Fennec (M502-6).

Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Mohamed Khaled Nuradin waxa uu sheegay in la dhigayo Guddi Baaritaan oo soo xaqiijiyo waxa sababay Shilkaasi ay ku naf waayeen 10 Askari oo ka kala tirsanaa Saldhigyada Ciiddanka Badda ku leeyihiin magaallooyinka Lumut, Perak Kota, Kinabalu iyo Sabah.

Muuqaal kooban oo lagu baahiyey Baraha Bulshada ayaa waxa uu muujinayaa Qaabka uu Shilkaasi u dhacay, iyadoo la arkayey Diyaarad dhinaca dambe kaga dhacday Helikobtarkii ka h**eeyey, taasi oo sababtay Olol isqabsaday iyo labadii Diyaaradood oo ku sii hoobanayo Dhul Kaymeed.

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

 : Jaamacadda Columbia ee ku taalla New York , ayaa joojisay casharadii lagu qaadan jiray fasalada, taa beddelkeeda habk...
23/04/2024

: Jaamacadda Columbia ee ku taalla New York , ayaa joojisay casharadii lagu qaadan jiray fasalada, taa beddelkeeda habka fogaan-aragga ayaa la sheegay inay Ardayda ku qaadan doonaan casharada, sababo la xiriira bannaanbaxyo ballaaran oo lagu taageerrayo Falastiiniyiinta oo gudaha Jaamacadda ay ardayda ku dhigeen, taa oo dhalisay si loo kala cayriyo in la xiray qaar ka mid ah oo tiradooda lagu sheegay boqol arday.

Aragtida.?

Cad-Ceed Media Inc.

 : Ruushka ayaa la aaminsanyahay inuu diyaarinayo duulaankii ugu sarreeya oo uu ku qaadayo Ukraine , wuxuuna sare u qaad...
23/04/2024

: Ruushka ayaa la aaminsanyahay inuu diyaarinayo duulaankii ugu sarreeya oo uu ku qaadayo Ukraine , wuxuuna sare u qaaday qalabkiisa militariga ee uu gaynayo furimaha dagaalka, sida lag soo xigtay saraakiisha Mareykanka.

Fiiro gaar ah;

Reer galbeedka oo ku taageeraya Ukraine qalab militari iyo dhaqaale, ayaa u muuqda inay wajahayaan jahwareer istiraatiji ah oo la xiriira dagaalka Ukraine , maaddama Ruushka si cad uu u muujinayo ka go’naashihiisa dagaalka inuu soo afjaro dabayaaqada sannadkan, waxa ugu hooseeya ee uu doonayo waa inuu go’doon galiya Kyiv.

Mareykanka iyo xulafadiisa galbeedka oo bixinaya dhankooda dadaalkooda u dambeeya , hadda waxay soo galinayaan gudaha Ukraine la-taliyayaal ciidan , marka laga soo tago dhowr dal oo Yurub ah oo Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka , hadda Mareykanka ayaa shaaciyay inuu Ukraine u dirayo la-taliyayaal ciidan oo aan dagaalka gali doonin laakin qorsheynta dagaalka iyo kaalmada militair ee Mareykanka uu dhowaan u dirayo Ukraine ku kormeeraya, iyagoo ciidanka Ukraine siinaya tababarka habka loo adeegsado hubka, sida laga soo xigtay xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka Jen.Patrick Ryder.

Ruushka , si aan gabasho lahayn ayuu u caddeeyay haddii ay isku dayaan xulafada NATO inay askartooda keenan goobaha dagaalka inuu u qaadanayo khatar ka dhan ah, markaanna uu ku qasban yahay inuu qaado tallaabooyin dheeraad ah oo is difaac ah oo ay ka mid tahay inuu bartilmaameed sharci u aqoonsado dalalka ciidankooda soo galiyay dagaalka. Arrimahan oo dhana waxay bixinayaan tilmaam ah dagaalka Ukraine inuu xilligan galayo marxalad halis ah oo xilli walba ay ka dhalan karto dagaal weyne.

~isha: iman jama

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

(SAWIRO): Madaxweyne Erdoğan oo la kulmay dhigiisa dalka Iraq Madaxweynaha dalka Türkiye, Rajab Dayib Erdoğan waxa uu Bo...
22/04/2024

(SAWIRO): Madaxweyne Erdoğan oo la kulmay dhigiisa dalka Iraq

Madaxweynaha dalka Türkiye, Rajab Dayib Erdoğan waxa uu Booqashadisii ugu horreysay in ka badan 12 sano ah maanta ku tegay Caasimada dalka Iraq ee Bagdad.

Wafdiga uu Madaxweyne Erdoğan waxaa ka mid ah Wasiirada: Arrimaha Dibedda, Hakan Fidan, Arrimaha Gudaha, Ali Yerlikaya, Difaaca Qaranka, Yasar Guler, Agaasimaha Isgaarsiinta, Fahrettin Altun, La-Taliyihiisa Khaaska, Cagatay Kilic iyo Wasiiro kale.

Wakaalladda Wararka Iraqi News Agency ee INA waxay sheegtay inuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Iraq, C/Latif Jamal Rashid uu dhigiisa dalka Türkiye, Rajab Dayib Erdoğan Duhurnimadii maanta ku qaabilay
Qasriga Madaxtooyada ee Bagdad Palace.

Labada Madaxweyne waxay ka wada hadleen Muhiimada Xiriirka labada Waddan, Amniga, Danaha Wadajirka ee ay wadaagaan, Duqeymaha Israel ku hayaan Gaza iyo Arrimaha ugu nugul ee ka jira Mandiqada iyo Caalamka.

Madaxweynaha Türkiye waxa uu sheegay inuu rajeynayo inay Dowladda Iraq taageero ka geysan doonto La-Dagaalanka Kooxda PKK iyo guud ahaan noocyada Argagixisada.

Waxa uu Rajo ka muujiyey inay Dowladda Iraq tallaabo ka qaadi doonto Dhibaatada Kooxda Hubeysan ee PKK oo Saldhigyo iyo Galaangal ku dhex leh dhulka Buuraleyda ee Maamul-Gobaleedka Kurdistan (KRG) ee Waqooyiga dalkaasi.

Docda kale, Madaxweyne Erdoğan waxa uu hoosta ka xariiqay Muhiimada Xoojinta Xiriirada u dhexeeyo Dowladda Dhexe ee Iraq iyo Maamul-Gobaleedka Kurdishka (The Kurdish Regional Government) ee Waqooyiga dalkaasi.

Aragtida.?

Kuuso biir shabakada wararka👇👇

Cad-Ceed Media Inc. Halkan kala soco wararka udambeyay Somalia iyo calamka Isla xiligay dhacayaan deg deg iiguso biir warga'yska

Address

Mogadishu
STREET

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cad-Ceed Media Inc. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Nearby media companies