Ogaal Podcast

Ogaal Podcast Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ogaal Podcast, Podcast, Mogadishu.

20/05/2024

Miyaadan Ogeyn Hooyo!.

12/03/2024

Ma u safri laheyd hal_____

08/03/2024

Door intee la'eg ayey haweenka ay ku leeyihiin nolosheenna?.

07/03/2024

Nala wadaag xigmado sidaan oo kale ah si aan ugu soo tabinno bulshada.

Guy de Maupassant waxa uu ahaa qoraa Faransiis ah oo aan qorista iyo falkinta sheekooyinka gaagaaban laga ga dabadhufan....
18/02/2024

Guy de Maupassant waxa uu ahaa qoraa Faransiis ah oo aan qorista iyo falkinta sheekooyinka gaagaaban laga ga dabadhufan. Waxa uu noolaa 1850-1893.

Sheekooyinka uu qoray kuwa ugu xiisaha badan waxaa ka mid ah The Necklace iyo Ball of Fat (Tabbedda Subagga).

Sheekada The Necklace waxa ay ku saabsan tahay gabadh qalanjo quruxley ah oo Matilda lagu magacaabo. Matilda waxa ay ka dhalatay qoys danyar ah waana xaaska nin asaguna danyar ah oo ka shaqeeya wasaaradda waxbarashada. Matilda waxa ay jeclaan lahayd in ay ka dhalato qoys maalqabeen ah ayna ku noolaato nolol raaxo badan. Waxa ay jeclaan lahayd in ay tahay inan caan ah, dadka dhan jecel yihiin oo mar walba lagu cusumo casumaadaha iyo kulamada ay isugu yimaadaan dadka caanka ah iyo kuwo hantilayaasha ah. Matilda habeen iyo maalinba waa murugaysan tahay mar walba oo ay eegto guriga cooshadaha ah ee ay deggan tahay na baroor bay jabsataa.
Ninkeeda oo og murugta Matilda waxa uu ku dedaalaa sidii uu u farxadgelin lahaa mar walba.

Habeen baa Matilda ninkeedi u keenay warqad casumaad ah oo wasiirka waxbarashadu ku casumayo Matilda iyo ninkeedu in ay ka soo qaybgalaan xaflad heer sare oo wasiirku qabanayo, balse Matilda inta ay warqaddii tuurtay bay tiri "sidee baan xaflad sidaa u heer sarraysa ku tagi karaa aniga oo aan haysan dirac aan xirto?" Dabadeed ninkeedi ayaa yiri "waa immisa dirac xaflad heer sare ah lagu tagi karo?" "Waa 400 oo Franc bay tiri. Afartii boqol buu siiyay. Hayeeshee Matilda weli waa murugaysan tahay. Markii uu waydiiyay waxa qaldanna waxa ay tiri "dahab ma haysto sidaa darteed u ma qalmo in aan xafladda aado." Markaa ayuu ku taliyay in ay saaxiibteed, Madame Forestier, dahab ka soo amaahato. Matilda oo taladaas u riyaaqday baa saaxiibteed katiinad dahab ah ka soo amaahatay. Madame Forestier waa qofka keliya ee ladan ee Matilda saaxiib la tahay.

Matilda xafladdii waa ay tagtay waqti fiicanna waa ay soo qaadatay dad badan oo caan ahna waa soo baratay. Laakiin markii ay guriga ku soo laabatay bay ogaaday in katiinaddii amaahda ahayd ka luntay. Matilda iyo ninkeedi si walba oo ay katiinaddii u raadiyeen waa ka samreen. Ka dib na waxa ay go'aansadeen in ay naagtii katiinadda lahayd been u sheegaan oo ku dhahaan: "Katiinaddii waa kala go'day, sidaa daraaddeed, na sii saddex beri oo aan ku soo alxanno." Waa na laga oggolaaday.
Dabadeed suuqa dahabka inta aadeen bay katiinaddii mid nooceedi ah soo gorgoriyeen. Qiimaha ugu yar ee ay ku heli karaan waxa uu noqday 36,000 oo Franc. Dabadeed waxa ay raadiyeen lacagtaa tirada badan. Wax ay soo daynsadeen iyo wax ninku meelo kale ka uruuriyay ka dib katiinaddii waa iibiyeen Dabadeedna naagtii lahayd bay u geeyeen.

Markaa ka dib Matilda iyo ninkeedi waxa ay galeen halgan dheer oo ay dayntii ku gudayaan. Gabadhii jaariyadda ahayd bay fasaxeen, gurigii ay degganaayeen bay ka guureen oo waxa ay degeen mid ka sii liita oo ka raqiisan, Matilda na waxa ay noqotay jaarid reeraha weelasha u xasha. Toban sano ayay ku qaadatay in ay gudaan lacagtii ay soo daynsadeen. Laakiin waa goor ay silceen, quruxdii iyo dhaldhalaalkii Matilda na lumay.

Toban sano ka dib baa Matilda oo lugaynaysa waxaa ka soo hor baxay Madame Forestier. Madame Forestier waa ay garanwayday Matilda, laakiin markii ay isku sheegtay oo mashaqadii qabsatay uga warrantay baa Madame Forestier oo yaabbani tiri: "Miskiin Matilda! Katiinaddii aad iga amaahatay dahab ma ahayn ee waxa ay ahayd bulukaati qiimaheedu uusan dhawr Franc ka badnayn.

W.Q:Cali M. Diini

17/02/2024

خطبة الجمعة:
Marxaladaha iimaanka:

1. Diinta hidde iyo dhaqan ahaan ayay bulshadu u haysataa iyo ab-loogahar. ...وجدنا أبائنا على أمة Cidna iskuma hawsho oo waqti kuma lumiso wuxu waxa ay yihiin ee ruux kastaa asagoo rumaysan ayuu is arkaa. Weligiina dhaliil iska daaye, xitaa weydiin ku saabsan caqiidadiisu maankiisa kuma soo dhicin. Qof kale oo ay ku soo dhacday ama su'aal qaba hadii uu arkana, wax falan ama qolo kale soo adeejisay ayuu u arkaa! Marxaladaani waxay ku astaysantahay mid loo wada ilaashado hide iyo dhaqan ahaan loona dhinto ama lagu kala jabo oo firqooyin laysku dilo oo dhiig loo qubo. Waayo? Diintu waxay ka midtahay hidaha iyo dhaqanka bulshada! Balse marxaladaani waxba k**a badesho dhaqanka qofka iyo bulshada midna; qofka iyo bulshaduba waa Muslin aan dhaqan Islam lahayn. Waa marxalada islamnimada mutuxan ama maran. Waa marxalada ay ku sugnaayeen qoladii waagii Nabiga, scw, noolayd ee Alle ku yiri
(قَالَتِ الْأَعْرَابُ آمَنَّا ۖ قُل لَّمْ تُؤْمِنُوا وَلَٰكِن قُولُوا أَسْلَمْنَا وَلَمَّا يَدْخُلِ الْإِيمَانُ فِي قُلُوبِكُمْ ۖ)
(Mu'miniin ma tihidin reer miyiyow, ee Muslin baa tihiin. Mu'minimo idiinma dhawa oo cabaar bay idiin jirtaa!)

Somalidu 99.9% marxaladaan ayay ku suganyihiin. Waana sababta diintu wax uga badeli weyday dhaqankeena khariban. Iimaanku ma ahan wax la kala dhaxlo ee wuxuu yimaadaa rumayn kabacdi; rumayn ay ka h**eeyeen weydiin, shaki, baaritaan iyo fakar badani.

2. Marxalada labaad, mu'minka waxaa ku soo kordha haybada Macbuudka iyo diintu inaysan ahayn (وجدنا أبائنا على أمة وإنا على أثارهم لمقتدون) oo qura ee faham xeel dheer iyo rumayn ficil la socdo ay tahay. Si dhab ah iyo inuu ruuxu dhuuxo nusuusta kitaabka hadla: Quraanka ayuu bilaabaa marxaladaan. Marxaladani waa mida wax ka badesha dhaqanka iyo fakarka qofka iyo bulshadaba oo xumaha ka hor istaagta, samahana ku qalqaalisa.
(إن الصلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر)
Waa marxalada "caabidnimada". Waa marxalada ay gaareen qolyaha ay ka hadlaan aayadaha ugu h**eeya iyo kuwa ugu dambeeya suuradaha Mu'minuun iyo Furqaan:
(قد أفلح المؤمنون) (وعباد الرحمن الذين)
Duul iimaanku qalbigooda degay, kabacdina dhaqankoodu hagaagay.

3. Marxalada sadexaad, mu'minku wuxuu u dalacaa mufakir. Nusuusta kitaabka hadla: Quraanka oo qura kuma ekaado e, kitaabka aamusan (koonka iyo abuurta Eebe) ayuu eegaa oo akhriyaa. Caalami ayuu noqdaa oo uumanaha oo dhan ayuu ka dhex arkaa uumihii iyo xikmadihiisii aan dhamaadka lahayn. Waa marxalada "suufinimada, mufakirnimada iyo faylasuufnimada". Aayadan aya ku fara yaraysatay tilmaantooda:
{ الَّذينَ يَذكُرونَ اللَّهَ قِيامًا وَقُعودًا وَعَلى جُنوبِهِم وَيَتَفَكَّرونَ في خَلقِ السَّماواتِ وَالأَرضِ رَبَّنا ما خَلَقتَ هذا باطِلًا سُبحانَكَ فَقِنا عَذابَ النّارِ }[ آل عمران: ١٩١ ]
(Jiif iyo soo jeedba, xasuustooda Alle k**a baxo waayo waxay ku dul fakaraan makhluuq kasta ee ishoodu qabato, waxayna ka dhex arkaan Abuuraha ayagoo u qiraya inaanu falaad iyo ujeedo la'aan u abuurin koonkan cajaa'ibta badan...)

W:Q: Axmed Cali Hiloowle.

"Haddii lasoo saari lahaa aaladda ku safridda zamanka dhammaan umaduhu waxa ay dooraan lahaayeen in ay u safraan mustaqb...
15/02/2024

"Haddii lasoo saari lahaa aaladda ku safridda zamanka dhammaan umaduhu waxa ay dooraan lahaayeen in ay u safraan mustaqbalka, marka laga reebo hal ummad taa oo dooran lahayd in ay dib u laabato tagtadana aado. Dhammaan umaduhu waxa ay u darsaan taariikhda si ay ugu cibro qaateen ayna u hagaajiyeen nolosha taaganta iyo tan timaadada ah ilaa marka laga rabo umaddaas dib u laabaneysa taa oo u darsi lahayd taariikhda si ay lama taabtaan ugu aragto wax kasta oo berisamaad ahaa sidoo kale in ay ilaaliso oo weyneeso ashqaastii nooleed barisamaadka si wacyo iyo feker la'aan ah."

~Rashiid Boojedraa.

Waxaan akhriyay buug u diyaarsan  qaab xusuus qor ah balse ka hadlaya mawaadiic aad u  kala duwan waxaa uuna buuga u qor...
03/02/2024

Waxaan akhriyay buug u diyaarsan qaab xusuus qor ah balse ka hadlaya mawaadiic aad u kala duwan waxaa uuna buuga u qoranyahay qaab jacbur ah oo mawaadiicdu waa kuwa isku dhafan. Buugani waa xusuus qor ku saabsan nolosha Shiiriin oo soomaaliya ku dhalatay,ku barbaartay kuna nooleed horaantii kontameeyada ilaa xilligii dalku afgambi ay ku qabsadeen askartii inkaarneed ee umadda ku habsatay. Shiiriin maadaama uu dhalay aabe pakistaani ah ninkeeduna uu sidaa oo kale ahaa qof hal dhinac ajanabi ka ah ayaa waxaa saameeyay amarkii dowladda kacaanka ay ku sheegeen in dalka isaga baxaan dadka aan heysan passportka soomaaliya , sidoo kalena waxa ay dowladdu go’aan kusoo saartay in la qarameeyo dhammaan ganacsiyada ay lahaayeen dadkaan ajanabiga qaarkood lagu sheegay.
Arrinkaas ayaa keenay in horaantii todobaatameeyadiiba shiiriin ka cararto dalkeeda sidaasna ay ugu nooleed dalka talyaaniga ilaa dabayaaqadii sideetamaadkii.

Buuggu waxa uu ka koobanyahay ilaa 8 qeybood oo ay qoraagu qeybwalba kusoo bandhigeysa mawaadiic kala duwan hadane si xiriir fog uu ka wada dhaxeeyo. Qoraagu waxa ay buugga uga warameysa waagii yareed oo ay xamar ku nooleed, nolosheedii ay ku qaadatay dalka talyaaniga iyo weliba safaradii tirada badnaa ay kusoo martay dalal badan oo dunida ku yaal sida ingiriiska, maraykanka,sucuudi careebiya, koonfur afrika iyo weliba kanada. Dalalkaas oo ay qaar kamid ah ay sanad iyo ka badan ku nooleed.

Aniga ahaanteyda qeybta sida gaarka ah ii soo jiidatay waa qeybta afaraad oo ay qoraaga kusoo tabineysa burburkii iyo waxa ay soomaaliya ka dhacay dagaaladii sokeeye. Shiiriin oo xamar ku nooleed xilligii dahabiga ahaa oo ay quruumo kala duwan carab, cadaan iyo soomaaliba ah wada joogeen ayaa waxa ku adkaaneysa in ay aqbasho xaalka magaaladeedii ilbaxa ahayd ay ku dambeysay iyo sida dhiigga u noqday dareeraha keliya ee joogtada ah, rasaastuna ay u noqotay waxa keliya raqiiska ka ah magaaalda aadna uga qiimo jaban xitaa xabad sigaar ah.

Waxaa buugga ku qoran dhacdo argagax leh oo Shiiriin aaminsantahay in dhacdadaasu ay tahay mid cuqubadeeda si abadiyah looga soo waaqsan doonin. waa in dilkii, kufsigaba ay gaareen heer la ilaalin waayo oo la xurmeen waayo masaajidda. dhacdadu waa mid ugub ah oo ka dhacday agagaarka dhabarka dambe tiyaatarka qaranka amaba isla masjidka sheekh suufi ee degmada boondheere, halkaa oo lagu xoogay laguna kufsaday ilaa 30 haween oo isugu jiray hablo iyo hooyooyin. Waxa ay qoraagu sheegeysa in cawaantii falkaas ku kacday ay xitaa ugu yaraan ka xishoon waayeen masjidka iyo qur’aankaba.

Dhacdooyinka kale argagax leh ay soo qaadaneysa qoraaga waxa kamid ah qisada wiil yar oo Xuseen la yiraahda kaa oo isaga oo aan weli da’da 15ka ah gaarin , yadadiilo iyo hami fogna nolosha ka lahaa uu ku geeriyooday madfac ku habsaday gurigooda.

Sidoo kale waxaa iyana cajiib ah qisada dhexmartay qoraaga iyo Eugenio Yuusuf oo ay ahaayeen saaxiibo iyo qaraabo kaa oo kasoo qaxay dagaaladii sokeeye. Marka ay qoraagu weydiiso in uu soo qaatay wax sawiro ah ayaa waxaa fajac la noqoneysa falcelintiisa oo ahayd “ dhammaantood waan jeexjeexay , maxay ii tarayaan haddii marwalba oo aan fiiriyaba murugtu igu soo kordheysa, xusuus igu filanba laabteyda ayaan ku wataa taas ayaana jeclaan lahaa laf ahaanteeda in aan iska tirtiro.” Hadalkaas ayaa qoraagu waxa uu ku noqonayaa falaar utin ah oo ay xitaa la ooyso waxaana fajac la noqonaysa sida qof lixdan jir ah u doonaya in noloshiisa oo idil uu hilmaamo.

Waxaa kale oo caqiibo ah mar ay qoraagu ka hadleysa gabar saaxiibteed ah taa oo u ambabaxaysa dalka Tunisia.ayna magaalada isku raacayaan si ay u soo iibiyaan boorsadii gabadha ay ku safri lahayd. Qoraagu waxa ay sheegaysaa in saaxiibteed Sonia tahay qof nasiib badan maxaa yeelay dalkeeda ugama aysan soo cararin sababo qawmiyadeed, dhaqaale, iyo siyaasad. Waxa ay qoraagu sheegaysaa in Sonia aysan fahmi karin xanuunka ay leedahay in uu qofka ka dhoofo dadkiisa iyo dalkiisa iyo dhammaan xusuusaha quruxda badan , waxa ayna qoraagu tilmaamaysaa qofka dhoofaya in uu waxkasta oo xasuusinaya dalkiisa iyo dadkiisaba ay waajib tahay in uu ku wada shubo boorsadaas cariiriga ah oo kale.

Buugga waxaa la dhihi karaa waa mid isaga kala gooshaya dhaqamo, dalal iyo weliba xuduudo fara badan kuwaa oo mararka qaarna isbiirinaya mararka qaarkoodna iska hor imaanaya; sida xiriirka soomaaliya iyo talyaaniga ka dhaxeeya kaa oo marar badan dacarta ka qaraar badan marka la eego sida talyaanigu u yahay gumeysta aan naxariisan iyo qaabka ay dadka talyaaniga ah cunsuriyad uga soo dhaweyeen qaxootigii soomaaliyeed ee magangalya doonka ahaa iyo weliba sida dowladda talyaaniga si uun fara gelin qaawan ugu heysa xaaladda iyo arrimaha soomaaliya. Xiriirkaas oo la dhihi kara mararka kalena in uu ka macaan badanyahay malabka shinida marka la eego taariikhda iyo aathaarta faca weyn ee ka dhaxeysa labada dal. Shiiriinna wax ay isku dayeysaa in ay soo bandhigto xiriirkaas iyo saameyntii uu nolosheeda ku lahaa maadaama ay tahay qof ku noolaaday labada wadan.

Ugu dambeen shiiriin waxa ay buugga kusoo gabagabeyneysaa ereyo aad u xanuun badan oo ay ku sheegeyso xaaladda dalkeeda uu ku suganyahay ilaa maantadaan ereyadaasna waxaa kamdi ah ;

“Waxaan u ooyayaa magaaladayda oo cagta la mariyay gabi ahaanteedaba, iyo dadkaygii oo dhibaataysan. Waxaan u ooyayaa burburkii ku habsaday dhulkeyga ,waalida ragga iyo weliba xayawaankii la laayay. waan ooyaa sababta oo ah dhawaaqa kaliya ee aan maqlo waa foorida rasaasta, qaraxa
Bambaanooyinka iyo sawaxanka Baazuukaha dhawaaqyadaas oo isku beddela qaylo, baroor,oohin iyo dhimasho fara badan. Waxaan u ooyaa sababtoo ah ma haysto mustaqbal, sababtoo ah urta dhimashada ayaa i cabsi gelisa. waan ooyayaa maxaa yeelay ma rabo in rajadayda ay dhimato.”

W/Q Eng Absuge Jnr

Waxa la weriyay in Al-Imaam Abul-Xasan Cali bin Xamza Al-Kisaa’i Al-Kuufi (119H - 189H) uu arijirnimo 40 jir ku gaaray.M...
03/02/2024

Waxa la weriyay in Al-Imaam Abul-Xasan Cali bin Xamza Al-Kisaa’i Al-Kuufi (119H - 189H) uu arijirnimo 40 jir ku gaaray.

Maalin isagoo arigiisa la jira, ayaa waxa uu arkay hooyo wiilkeeda ku boorrinaysa in uu dugsiga Qur’aanka aado, wiilkuna uu diidayo.

Kisaa’i oo maqlaya ayay islaantii wiilkeedii ku tiri: “Orod oo dugsiga aad oo wax baro, si haddii aad weynaatid arijirahaas oo kale aanad u noqon”.

Kisaa’i waxa uu iskula hadlay: “Maba anigaa jaahilnimo tusaale la iigu soo qaatay!”

Keddib, inta uu arigiisii wada iibiyay, buu cilmi barasho u baxay. Waxa uu noqday Imaamka Luqada iyo Imaamka Qirooyinka. Waxa uu noqday nin cilmigiisa tusaale loo soo qaato, waxana uu ku magacaaban yahay mid kamid ah tobanka Qiro ee Qur’aanka lagu aqriyo.

Sabriye Musse
[email protected]

02/02/2024

DERISKII H**E IYO DERISKA CASRIGA!

Sida diintu na fareyso, derisku (islaam ama gaal) kuu ahaadaba, muhiimad weyn ayaa la siiyay. Xuquuq waaweyn ayaa u kala waajibeysa labada deriska ah adduunka iyo aakhiraba. Sida looga balamay awgeed, ayuu ku sigtay inuu is dhaxlo derisku. Sida diintu na fareyso (inkastoo ay istidaaco) tahay, haddana 40 guri oo afar jiho (bari, galbeed, waqooyi iyo koofur) ah, ama kaa kala xiga ayaa deriska ka warheyntooda waajibka kugu tahay ka kooban yahay. Waa min 10 guri iyo hal jiho! Subax walba inaad soo baryeyso oo aad cagta soo mariso ayaa la is faray, walow uu casriga iyo duruufuhu diideen oo xaalado qalafsan oo ammaan la gudogalay. Waxaa la sheegaaa in dadka ugu horreeya ee wax la iska weydiinayo aakhiro ay yihiin deriska. Hooyadey Nuuro Axmed, ayaan ka maqli jiray: "deris, waa deris aakhiro".

Deriskii h**e ee guryaha dhulka ah, ee iska soo horjeeda wada deganaa, wuxuu ahaa deris wanaag badan, iska warqaba, kala warhaaya, oo wacyiga magaalada iyo axwaasha xaafadaba ka sheekeeysta galabkii marka la soo rawaxo, ama habeenkii marka la fiidsanayo. Waxaa guryuhu lahaayeen oo lugu sheekeysan jiray ama lugu kala warqaadan jiray xakabto (darjiimo) iska soo horjeed ah, oo labada cidood ee deriska ah ay warka isla gaaraan, ama ayba isu wareegsan karaan ee hal darjiin lugu sheekeysan karay. Waxaa jiray deriska xalaasha ah, oo walaalaha isaga laxaw badan marmarka qaarkood! Waxaa jiray deris isu soo hilooba, is walaashada, hadiyado iyo waxyaalo kale isdhaafsada.

Deriskii h**e, wuxuu ahaa mid nolol ahaan intaan ka hooseeyay laakiin ka niyad wanaagsanaa/fiicnaa. Cusbada, caleenta, sokorta, debka, oomada, qarfo iyo heylka ayaa la kala qaadan jiray. Xitaa canjeerada ayaa haaf loo rujin jiray marka ay soo codsadaan. Haddii la rabana, ilmaha ayaa hal xaafad ka wada quraacan jiray. Marka cusbo ama caleen dhinac u baahdo, kan kale uma soo qaban jirin. "Orod, jikada gal ee ka qaado, derbiga weelka suran ka soo shubo iyo jawaanka meel heblo yaallo ka soo fiirso" ayaa warkoodu ahaa. Hadda la isma aamino. In qof guri kuu dib dhaafo ayaa wax walba laga xigaa: xag amni, xag baqiilnimo iyo "amuu soo badsadaa" iyo weliba aaminaad xumo kale oo ah "armuu qofkaani alaab kale kaa xadaa?". Haddii cid xaafadda ka tirsan ay noloshu ku xumaato waa la iska warsan jiray, waa loo istaagi jiray: raashin, lacag, dhar iyo qof walba wixii uu awoodo ayaa loo uruurin jiray, Kolkaas ayay ka heer noqon jireen qolo ka nolol sarreeysay, Masha'Allaah.

Hadda waxaa bedelay guryo kala xiran, deris aan is-aqoon, aan isbaryeyn, aan istaakuleyn, aan isku xirneyn, aan iscaawin, oo kala shakisan! Haddii deris dhibbani jiro xitaa lama caawin karo, berkee lagama ba warhaayo! Dhibkaas waxaa loo aaneeyaa xaaladaha amni ee dalka ku soo kordhay iyo guryaha casriga ah ee apartments-ka loo yaqaanno. Waayo waa guryo kala xirxiran oo aan iska warqabin, qof walba furaheeda heysato, deedna ay gurigeeda hoosta ka xirato - wax gelaya iyo wax ka baxaya ma ogid! Waxaan u aaneynayaa inay qurbajoogtu howshaa keentay. Ma wada durayo oo, qurbajoogtu wax fiican iyo wax xunba waa laga dhaxlay. Naqshado dhismo iyo guryo qurxan oo reer galbeedka noloshooda laga soo minguuriyay waa soo kordhiyeen. Balse waxyeelada aan soo xusay ayaa dabojoogta.

Apartments-ku waa guryo casri ah, asturan, ku saleysan nolosha reer galbeedka, oo ama dhaqaale abuur, ama nolol VIP ah loo design gareeyay. Qof walba (aabbaha, hooyada iyo awlaadda) qof walba qofkiisa u gaarka ah ayuu leeyahay. Waa sidii oo kale hadda derisnimada soomaaliya siiba banaadir. Reer galbeedka, xitaa hal weel wax kuma wada cunaan inta badan, oo sida soomaalida 'wadaag' ma isticmaalaan. Habarta, odaga, wiilka, gabadha, shaqaale hadduu jiro...qof walba weelkeeda iyada ayaa ku gurata, iyada ayaa dhaqda (xasha) oo xereysa.

Bal ha lugu dadaalo deriska, inkastoo dadkii dadku, dad aakhiru-sabaan iska noqdeen.

Qore: Xiireey.

Waxaa jira Dad fuqaro ah oo heysta kaliya maal ama lacag. Laakin faqri ka ah, akhlaaq, cilmi, damiir iyo dadnimo. Faqrig...
17/11/2023

Waxaa jira Dad fuqaro ah oo heysta kaliya maal ama lacag. Laakin faqri ka ah, akhlaaq, cilmi, damiir iyo dadnimo. Faqriga runta ah waa kaas, ogowna qof walba oo hanti heystaa qani maaha.
Arzaaqda Alle uu bixiyo waxaa ka mid ah; akhlaaq ,Cilmi iyo Damiir .

Aweys Hassan Mohamed

Wax yar uun ka dib ayaa la joojiyay cayaaartii, sababtoo ah garoonka Ceer-yaamo awgeed ayaa lala arki waayay kubadda waa...
23/09/2023

Wax yar uun ka dib ayaa la joojiyay cayaaartii, sababtoo ah garoonka Ceer-yaamo awgeed ayaa lala arki waayay kubadda waana lagu kala tagay.

Daqiiqado ka dib ayaa Booliiskii ilaalinayay groonka ugu yimaadeen Gool hayihii oo difaac ku jiro oo dhextaagan shabaqa , moodayna in kooxdiisa weerar adag ay ku hayaan kooxda kale .

Nasiib darro Ninkii Booliska ahaa ayaa u sheegay in meesha lagu kalatagay oo cidna aysan joogin , Gool hayohii oo aan maqlin firinbiga sawaxanka garoonka aawadii ayaa yiri Oraah caan baxday oo ahayd

“ waxaan la murugoonayaa kuwii aan ilaalinayay in ay I hilmaamaan 🥲”

Waxaa jira munaasabado badan oo aan la xusin ama la abaal marin dad muhiim u ah jiritaanka waxa loo dabaal dagayo ama guusha la xaqiijiyay.

Sida :
Waardiyaasha.
Shaqaalaha nadaafadda .
Shaqaalaha Kushiinka iyo kuwo la mid ah .

Aweys Hassan Mohamed

Maalmahaan waxaa Baraha Bulshada socday muuqaallo xiiso leh oo laga soo duubay  Sheekheenna weyn Sheekh Cusmaan Sheekh C...
22/09/2023

Maalmahaan waxaa Baraha Bulshada socday muuqaallo xiiso leh oo laga soo duubay Sheekheenna weyn Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud Culusow Cubeyd Cali. Sheekha wuxuu ku jiraa culumada aanan warbaahinta laga baran ee xalaqaadka iyo xerta aqoon-doonadka ah dhexdooda muddo dheer aad looga yaqaanay– waana sida culumada Suufiyada badankooda ay yihiin.

Waxaan jeclaystay in aan dadka warbaahinta wax ka barta u iftiimiyo Sheekha qofka uu yahay, iyo wax-soo-saarkiisa aqooneed ee ajaanibta cilmi-doonadka ahi ay u soo safraan. Waa tiir ka mida tiirarka waaweyn ee ay ku taagan tahay culuumta Diinta iyo caqiiddada tasawufka ee Soomaaliya iyo caalamka kaleba. Waa caalim wada koobay funuunta diinta iyo luqada, wuxuuna isku wada yahay Muxadith, Mufasir iyo Addiib luuqadda Carabiga ku gabya. Abtirkiisa diineedna waa Suufi Ashcari ah oo Dariiqa ahaana Idiriisiyada raacsan (Axmeddiyah).

Sheekh Cusmaan wuxuu 1942-kii ku dhashay Ceeldheer oo bariga Galgaduud dhacda, wuxuuna ka soo jeedaa qoyska diineed ee caanka ka ahaa gobalkaas iyo guud ahaan dhulka Soomaalida– waa qoyskii Daacigii weynaa ee Sheikh Daa’uud Culusow.

Sheekha da’ yar ayuu Qur’aanka ku xafiday, ka dibna waxa uu Ilaahay u jiheeyay barashada culuumta kale ee Diinta, isaga oo ka soo loox-jiitay culumadii ugu caansanayd casrigiisa; sida adeerkiis Sheekh Cabdullahi Sheekh Daa’uud, Sheekh Xuseen-cadde, Sheekh Xuseen Sheekh Maxamed Warsheekh iyo ugu dambeyn Sheekh Abba oo Ijaazada Cilmiga Xadiithka siiyay.

Sheekhu tan iyo markii uu dhaxlay adeerkiis Sheekh Cabdullaahi, wuxuu ahaa hoggaamiye diineed oo waqtigiisa u hibeeyay faafinta diinta, wax-barista kummanaan xerow ah oo meel kasta isaga timid, kuwaas oo ku taxnaa xalaqaadka Sheekha ee ka bixi jiray mawlacyo badan oo Xamar, Ceeldheer iyo meela kaleba ku yaallay. Ardayda halkaas ka soo aflaxday iyo ardaydii ay wax sii bareen ayaa maanta macallimiin ka ah Maraakiztaas iyo meela kaleba.

Dhanka wax-soo-saarka qoran ee aqoonta Diinta, Sheekh Cusmaan waa culumada ugu caansan ee mu’allafaadkooda qoran ay ardayda daraasaadka Islaamiga ah ee caalamka oo dhan Maraajicda ka dhigtaan. Kutubta uu qoray 20 waa ka badan yihiin; waxaase laga xusi karaa:

1. إقناع المؤمنين بتبرك الصالحين،
2. التيجان المكلله في شرح النصائح المرسله،
3. المقاصد السنية في ذكر أحوال الأولياء
4. تراجم أعلام السادة الصوفية،
5. خلاصة النقول والأبحاث في تحرير مجموع الطلقات الثلاث،
6. المِنح الوهبيّة في ذم القبليّة والعصبيّة،
7. اللآلي السنيّة في مشروعية مولد خير البرية،
8. التبيين في أدلة التلقين،
9. أنيس الجليس في ترجمة السيد أحمد بن إدريس،
10. بغية الأريب في التوسل بأسماء الحبيب صلى الله عليه وسلم
11. المحجة البيضاء في مشروعية إطلاق السيادة على من أقلته الغبراء وأظلته السماء صلى الله عليه وسلم.

Waxaan ka soo tarjumay diiwaanka taariikheed ee Sheekha oo uu isla asagu Afcarabi ku qoray.

Maxamed Dhaaleey

"Noloshu waa sida xaflad weyn marka aad weli yartahay, laakiin, yaa kaa caawinaya markii ay xafladdaasi dhammaato!" Sida...
20/09/2023

"Noloshu waa sida xaflad weyn marka aad weli yartahay, laakiin, yaa kaa caawinaya markii ay xafladdaasi dhammaato!" Sidaas ayuu Shaggy ku heesay. Haddii erayada Shaggy lagu eego micno ka ballaaran heestaas iyaduba xafladda oo kale ah, waxa aynu dhab ahaan xaqiiqsaneynaa waxa Shaggy ka heesayo in ay runta taalla dunida. Shaggy waxa uu ku sheegayaa nolosha yaraanta waa xafladdaas la wada faraxsan yahay, la sharaabsan yahay, la ciyaarayo, ee wax kasta oo dhacayaa ku saabsan yihiin dhacdooyinka habeenkaas ka suurtegalka ah. In marwalba oo noloshu cusub tahay ay gallada aadmigu haysto badan tahay, laakiin, aluultimo la idiin kala tagayo adiga iyo nolosha oo la oran doono; raqba waa ku ragged!
Tusaaleyaal badan ayaa loo heli karaa in noloshu xaflad tahay marka aad yartahay, laakiin, aysan waxba ka dhigneyn xafladdaasi marka aad waynaato. Bilmatel, marka aad yartahay ee aad dunida iyo nolosheedaba ku cusub tahay, waxaa dabiici ah in aad hesho cid ku garab istaagta oo ku taageerta, si walba oo ay tahayna kuu caawisa. Waxaad helaysa waalid, walaal iyo wehel maalmaha adag ku dhaafiya. Laakiin, marka aad soo waynaato, waxaa aad isbaraneysaan hawlaha adag ee nolosha.

Shaggy waxa uu tusaalahaas u adeegsadey in marka la joogo galbeedka aad loo cabo habeenkaas xafladi jirto, dadka oo dhanna muusigga iyo koobka vodka-ha kaga dhuuntaan rafaadka jira, ugu danbeyn marka xafladdaasi dhammaatana, qof walba si dhab ah u wajihi doono noloshii dhabta ahayd ee bannaanka taallay."

W/Q: Cabdishakuur Qodax

13/09/2023
12/09/2023

isbeddalka quwaddeed ee dunida iyo qorx dhaca awoodda reer galbeedka.

Buugga Harka Nolosha. Waxa aan ku indha_caadmay suureyntiisa yaabkaleh iyo aftahanimada afeed ee uu adeegsaday qoraagga ...
10/09/2023

Buugga Harka Nolosha.

Waxa aan ku indha_caadmay suureyntiisa yaabkaleh iyo aftahanimada afeed ee uu adeegsaday qoraagga Buugga. Intaa waxaa dheer, marqura ayuu iga rarray halkii aan ku dhashay iyo guud ahaan dalkii. Barbilowga qormadiisa buugga, ayuu igu beerlaxawsaday sidii dhalaan lagu anqarinaayo shey uu diiddanyahay cunistiisa,cabistiisa, xirashadiisa iyo hurdo siintiisaba, iyada oo macna loogu yeellaayo wanaagga ay leeyihiin innahaasi. Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkeenna Soomaaliya. Waxa uu kusoo barbaaray kuna soo hanaqaaday degmadii aan aniga ku dhashay ee Wardhiigleey ee hadda loo yaqaan Warta-nabadda. Reerkiisa aad baa loogu ixtiraamijiray waliba si aan xad iyo xisaab toona aan laheyn qaddarin weynna looga haayayayaa. Waxa uu waxbarashada ka bilaabay markii uu burburku dhacay degmada Boodheere, oo ay daris dhaw yihiin degmadii uu ku dhashay ku maamuus badnaayeen isaga iyo qoyskiisii ba. Waa oodwadaag kala qaata, dhuxusha, Cusbada, debka, saliidda, iyo sokorta. Kalka uu ogaalsaday ee uu yara hanaqaaday islamarkaana noqday barbaar diran oo waxwalba ee dalka ka dhacayaa fahmikara ayuu marquraa garawsaday in uu dalka isaga ambabaxo. Waxa ay mareen isaga iyo saaxiibadiisii badda waxeyna doon kawada raacayn Degmada boosaaso. Waxa uu ujeedkoodu yahay in ay ka degaan dalka yeman si ay uga sii talaabqaadaan u na tagaan halkii ay dunida fog uga talaabi lahaayeen.

Markaan ayey ugu xiisa badan tahay sheekadu: mar waa farxad miiran marna waa cabsi, tarar, mudgi, baqdin iyo walwal aan kala joogsi laheyn. Waxa ay laba doon oo shiraacan ka qaateen Boosaaso. Doontii uu saarnaa waxa lagu soo qoray in ku siman 179 ruux oo rag iyo dumarba isugu jira. Doonida uu saarnaa ma laheyn wax jiheeya ah, halka midda kah**eysay uu naaquudahoodii hestay Jiheeyaha lagu marinsahansado kaa oo u sahlaysa in Aysar ka habaabin marinkiinii toosna. Marquraa ayaa lawada firxaday oo ay dhaqaaqeen labadii naaquude ee waday labadii doomood___teenna ayaa marwalba ka dambeysay ta kale, maxaa yeelay jidka si walba oo aad u garaneyso haddii aadan wadan waxjiheeya ah waxaa hubaal inaad noqoneyso dhalanbaabi baadi ku sugan, sidoo kale waxa aad qatar nafeed galineysaa naftaada iyo nafaha kale ee aad masuulka ka tahay. Waxa ay dhowrsaacadood nala sii jibaaxdo badweynta, waxaa biyo soo galay doontii___waan iskala qeybinay oo waxa aynu niri: qaar ha shaqeyaan marka ay daallaanna halka beddalaan inta aan shaqeyn. Sidaas ayeynu kusoo dhaafnay qaar kamid ah badda gudaheyda halka markii aan xeeliga badda soo gaarnay aan saddex u kala qeybsannay: kuwa waasha oo maryaha tuurtay islamarkaana inta la xakameeyn waayay la xirxiray, kuwa dhinta iyada oo aysan cidiba dhib aan naftooda aheyn gaarsiin iyo kuwa iyaga tabcaan ah oo maliidaa soo gaaray xeebta.

Inkasta oo ay sheekooyinka kujiraahi midba ta kale ka dhadhan iyo macaansi badan tahay, adiga oo sii dhadhansannayana ay kugu sii bargo'eyso haddana waxa aad ka dheehan kartaa buuggani waayo_aragnimo farabadan oo aan isleyahay qofkii fursad u helaa akhrintiisa marnaba kuma qasaaridoono. Aniga makii aan helay waxa ay ku beegantahay laba sanno kahor balse habbeen aan sii fogeyn baa u helay jaanis labaad oo aan ugu rogaalceshado waana ka helay wixii aan ka ga filaanayay in ka badan.

W/Q: Yaxye Sigane

Aabbaheey ayaa i garaaci jiray, hooyadayna waa ay iga dhicin jirtay. Naftayda ayaan weydiiyay: muxuu sameyn lahaa  aabba...
03/09/2023

Aabbaheey ayaa i garaaci jiray, hooyadayna waa ay iga dhicin jirtay. Naftayda ayaan weydiiyay: muxuu sameyn lahaa aabbaheey, haddii ay maalin hooyo i dili lahayd? Si aan u tijaabiyo arrintaas ayaan hooyadeey ka diiday in aan u doono caano ay suuqa iiga soo iibi i tiri. Markii aan qadada u fadhiisannay ayay cuntadaydii xoogaa ku yaraaysay iidaankii, markaas ayaan ka dalbaday in ay iidaanka ii kordhiso. Kolkaas ayay igu amartay in aan aayar kursigayga yar ugu fadhiyo, cuntadana cuno; laakin dhulka ayaan gogladay oo aan fadhiistay, dharkaygiina si ulakac ah ayaan u wasaqeeyay, hadal qallafsanna waan ku dhahay. Waxaan u maleynayay in ay hooyadeey i dili doonto oo aanan ka baxsan doonin, laakin taas bedelkeeda intay si diirran laabta ii gelisay ayay igu tiri: wiilkeygiyoow, maxaa ku helay? Ma xanuunsan tahay?

Markaas ayaa indhahayga waxaa sidii roobka uga soo hooray illin iyo ooyin aan isku celin waayay.

Wq: Mirza Dinnayi ( qoraa Ciraaqi ah).
Wt: Guryasame

Isha qoraalka asalka ah:Aesthetics Arts.

Address

Mogadishu

Telephone

+252618254225

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ogaal Podcast posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ogaal Podcast:

Videos

Share

Category

Nearby media companies


Other Podcasts in Mogadishu

Show All