25/11/2022
Dhulka marka aad fiiriso %70 waa biyo bad ah, Haddana Biyaha la cabi karo ee macaanka ah waa kuwo aad u yar waxaa lagu qiyasaa %2,5 inta kasoo hartay ma aha biyo dadka ay cabi karaan. Dhulka marka la fiiriyana sidda uu u waasacsan yahay, Keliya %11 ayaa la beeran karaa sidda la qiyaasay inta kale ee soo hartay in badan oo kamid ah malahan waxyaabihii aas aasiga u ahaa in dhulka dhir ay kasoo baxdo. Dhulka iyo badda marka aad isku fiiriso waxaad arkeysaa arzaaqada in Alle si kooban in uu usoo dajiyo, Biyaha la cabi karo ee macaanka ah ee dhulka laga helo in ay noqdaan kuwo la eg %2.5 Xikmad wayn ayaa ku jirto iyada oo dhulka oo dhan wada bad uu yahay.
Bani aadamka Cuntadiisa, İyo Biyaha uu cabo si toos ah waxaa ay uga imaadeen samada, Qadar kooban oo keliya ayaa soo dagto sidda Quraanka kariimka uu sheegayo. Dadka badankoodii badda waxaa ay qabato, İyo waxyaabaha ay nolasheenii kusoo kordhiso midna ma fahamsano, Laakiin in badan oo dadka kamid ah biyaha ay cabaan asalkoodii in badda ay ka imaadeen k**a warqabaan, Biyaha dhadhaanka ah ee badda, Alle qoraxda ayuu ku kululeeyaa, Biyaha badda marka ay uumi baxaaan, Cusbada dhadhaanka ah ee ku jirto biyaha, Alle badda ayuu uga tagaa (Farsamo cajiib ah iyada oo loo isticmaalay), Biyahaasi badda ee qaaca noqday waa kuwo noqon doono roob, Waa kuwo noqon doona (Kuwa aan maallintii cabno). İsla biyahaasi marka ay badda ka uumi baxayaan dabeylo neecow qabow wata ayuu halkaas Alle uu inooga soo diraa.
Marka uu roob da'ayo dadka badankoodii isma waydiyaan biyahani roobka xaggee ayey ku kaydsan yihiin ama ay ka imaadaan? Biyaha roobku waa isku taga biyihii bada ka uumi baxay, biyihii webiyada, İwm. Sanado badan kadib qolo saynisyahno ayaa laga yaabaa ina y dhahaan ''Ceel cusub ayaan tuulo hebel ka helnay''. Asal ahaan ceelku waa biyihii Alle badda uu ka qaaday ee cusbada laga reebay ee in mudda ah Alle dhulka ku xabisay marka ay roob ahaan usoo da'aeen ama dhulka hoostii ay isku aruursadeen. Quraanka kariimka arrintani isaga oo si gaar ah u ishaarayo waxaa uu leeyahay ''Waxaan Samada idinkaga soo dajinaa biyo kooban oo (Roob ah), Biyahaasi Roobka ahna waxaan ku xabisnaa dhulka, Biyahaasi aan dhulka ku xabisnay, Haddii aan doono iyaga oo dhan ayaan dhulka qaadi karnaa''. (Suurada Mu'minuun 18.aad).
Biyahani badda ee uumi baxay, Waxaa cajiib ah marka ay uumi baxayaan dabeylaha xilligaa sameysmaya ee hadba dhinac daruuraha uu kala wada, Tani waxaa ay si cad u ishaareysaa in Roobka, Arzaaqada, İyo Dabeylaha halka uu Alle la doono in uu uga soo dajiyo. Xilliyada qaarkood cimiladu waa kuwo aad u kulul, Xilli waa barwaaqo roob ayaa da'ayo, Xilliga uu kuleylka jiro, Waa Xilli wanaagsan oo processkii biyaha ee uumi baxa uu usocdo, İyo waxyaabo badan ee aan annagu ogeyn. Proccesskani maallin weliba ayuu aduunka kasocdaaa. Arzaaqada bani aadamkuna maallin kasto ayey dhulka ku soo dagtaaa sidda uu Nebiga NNKH uu inoo sheegay. Laakiin dadka badankoodi hurdo, İyo ciyaar ciyaar ayey isaga jiraaan. İyada oo qofka si fudud oo indha indhadheyn ah uu ku ogaan karo cilmi badan ka sokow.
Qaaradani hoose marka aad fiiriso dhulka iyo biyaha sidda ay u kala badan yihiin waxaad ka ogaan kartaa in wax weliba Alle uu u kala yeelay miizaan, Asal ahaan dhulka arzaaqad badan ayaa taalo, Laakiin farsamada soo dajinta Arzaaqada Alle oo keliya maadama uu leeyahay, Cidn aysan la lahayn İnyar oo kooban inta uu doono ayaa badda laga qaadaa, Kadibne magaalada uu Alle la rabo ayuu kusoo dajiyaa. Haddii uu doonana magaaladaasi oo dhan; Daadad xoog badan ayuu ku halaagaa dadkeedii Ama wuu ku imtixaanaa. Halkani waxaa ku qarsoon mucjizooyin badan oo dadka aysan ku baraarugsaneyn.
Quraanka kariimka waxaa uu Alle uu ku leeyahay; (Wareega dhulka) Ee habeen iyo Maallin ay ka sameysmaan kala gadgadoonkii (Qoraxda iyo dhulka), İyo Rizqiga aan samada idinkaga soo dajino, ee dhul dhintay (Oo waxba aanan ka bixin, Geedo aan idinkaga soo saarno, İyo Dhaqdhaaqa dabeylaha, AAYAD ayaa ugu sugan dadka caqliga leh''. Suurah Jaazithay Aayada 5aad.