Weriye Nuur Muxudiin

Weriye Nuur Muxudiin A professional, talented ambitious and highly skilled🇸🇴somalia journalist who acts as a global agen

04/04/2024
Shirkadda Somtel ayaa Gaari iyo abaalmarino kale gudoonsiisay Deeqa Maxamed, gabadhii Baraha Bulshada qabsatay.
03/04/2024

Shirkadda Somtel ayaa Gaari iyo abaalmarino kale gudoonsiisay Deeqa Maxamed, gabadhii Baraha Bulshada qabsatay.

30/03/2024

Dag Dag :Dowladda Puntland waxay kala noqotay aqoonsigii iyo kalsoonidi hay'addaha
Dowladda Federalka ah inta laga helayo hannaan dastuur dhamaystiran oo
Soomali heshiis kuwada tahay, Puntland-na qeyb ka tahay

DEG DEG: Qaraar Puntland soo saartay ayaa lagu yiri: “Puntland waxay u dhaqmaysaa sidii dawlad madax banaan, waxayna yee...
30/03/2024

DEG DEG: Qaraar Puntland soo saartay ayaa lagu yiri: “Puntland waxay u dhaqmaysaa sidii dawlad madax banaan, waxayna yeelanaysaa awoodaha dawlad gaar ah ilaa helayo Dastuur Soomaaliya.”

Ku dhawaad 8 ruux ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen shil gaari oo gabal dhicii galabta ka dhacay Isgoyska Jubba ee ma...
27/03/2024

Ku dhawaad 8 ruux ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen shil gaari oo gabal dhicii galabta ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa yimid kadib markii gaari nooca xamuulka qaada ee Konteenarada la saaro ah uu ku dul rogmaday gaari Hoomeey/Caasi ah oo goobtq shilku ka dhacay dad ka qaadayey.

Illaa iyo hadda waxaa socda gurmad xooggan waxaana wali lagu guuleysan in labada gaari lakala qaado,iyadoona la sheegay in wali dad ay ku hoos jiraan baabuurta.

Magaalada Moscow ee caasimada Ruushka ayaa la weeraray goob Hall ah. 40 ayey sii mareysaa dhimashadu, halka 115 qofood d...
22/03/2024

Magaalada Moscow ee caasimada Ruushka ayaa la weeraray goob Hall ah. 40 ayey sii mareysaa dhimashadu, halka 115 qofood dhaawac yihiin.

Wali dal ama cid gaar ah oo sheegatay ma jirto weerarkan oo aad loo hadal haayo

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa masjidka Madaxtooyada kusoo xiray tartanka quraanka karii...
18/03/2024

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa masjidka Madaxtooyada kusoo xiray tartanka quraanka kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadan.

Tartankan oo ay sanadkii 13aad oo xiriir ah ay qabanayso Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa Madaxweynahu uu abaalmarino kala duwan gudoonsiiyay guulaystayaasha sanadkan.

Maxamed Salmaan Saalax oo kaalinta koobaad ka galay tartanka 30ka jus ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam uu ku abaalmariyay gaari Toyota Surf ah

Farxaan Cabdirasaaq Maxamed oo 30ka jus ka galay kaalinta labaad ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam gudoonsiiyay gaari Toyota Succeed.

Ayuub Cabdulaahi Cumar oo kaalinta sadexaad ka galay tartanka 30ka jus ee quraanka kariimka ah ayaa Madaxweynahu uu gudoonsiiyay $4,000 oo dollar.

Maxamed Axmed Maxamed oo kaalinta koobaad ka galay tartanka quraanka kariimka ah ee 15ka jus ayaa Madaxweynahu uu gudoonsiiyay
gaari suzuki Alto.

Hinda Cabdi Diroow oo kaalinta labaad ka gashay tartanka ayuu Madaxweynahu ku abaalmariyay $3,000 oo dollar.

Maxamed Cabdi Deeq oo galay kaalinta sadexaad ayuu Madaxweynahu ku abaalmariyay
$2,000 oo dollar.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Wasaaradda diinta iyo Awqaafta iyo arrimaha diinta iyo Mu’asasada Al ummah oo si wadajir ah sanadkii 13aad u qabtay tartanka quraanka kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadan.

DHAMMAAAD.

15/03/2024

Afurki kadib iyo jawiga Magalada Kismayo

14/03/2024
Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in dalkaas laga arkay bishii Ramadaan, berrina ay tahay maalintii koowaad ee bisha Soon.
10/03/2024

Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in dalkaas laga arkay bishii Ramadaan, berrina ay tahay maalintii koowaad ee bisha Soon.

10/03/2024

Ninkii hooyadiis dilay oo maanta lagu fuliyay Dil toogasho

Ninkii hooyadiis ku dilay Magalada kismaayo oo dil toogasho ah lagu fuliyay maanta
10/03/2024

Ninkii hooyadiis ku dilay Magalada kismaayo oo dil toogasho ah lagu fuliyay maanta

05/03/2024

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay howlgaladii u danbeeyey ee Ciidanka Jubbaland ay ka sameeyeen deegaano hoos taga degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose.

Faahfaahinta la soco dhowaan.

Waxa uu Rashford isku dar 30 gool ka dhaliyay City, Chelsea, Liverpool, Arsenal iyo Spurs. Mid kasta 6 gool ayuu ka dhal...
03/03/2024

Waxa uu Rashford isku dar 30 gool ka dhaliyay City, Chelsea, Liverpool, Arsenal iyo Spurs.

Mid kasta 6 gool ayuu ka dhaliyay.

Odayaasha dhaqanka magaalada Lughaya ee Gobolka Awdal oo isku raacay in Badda la difaaco, waxaana ay si adag u diideen d...
01/03/2024

Odayaasha dhaqanka magaalada Lughaya ee Gobolka Awdal oo isku raacay in Badda la difaaco, waxaana ay si adag u diideen damaca Itoobiya.

Walaal Shamuure oo gaaray 300K Followers barta Tiktok.Xalay : 100k Caawa : 300K
29/02/2024

Walaal Shamuure oo gaaray 300K Followers barta Tiktok.

Xalay : 100k Caawa : 300K

26/02/2024

Gelbis Aroos.....

26/02/2024

Najmo Osman Yusuf inaanta carabigan Ma,adiga baray😂

HAMBALYO LAMAANIHII UGU DA,DA YARAA OO MAGALADA KISMAAYO KU AQAL GALAY CAWO WAXAA MACQUUL AH IN AADAN AAMINEYN BALSE LAB...
25/02/2024

HAMBALYO LAMAANIHII UGU DA,DA YARAA OO MAGALADA KISMAAYO KU AQAL GALAY CAWO

WAXAA MACQUUL AH IN AADAN AAMINEYN BALSE LABADUBA XABSI AYEE U GALEYN IN AY IS HELEYN

ABSHIR IYO FATXI

KISMAAYO SOMALIA
22/02/2024

KISMAAYO SOMALIA

Ciidanka Booliska Jubbaland oo gacanta ku dhigay shabakad dad  ka tahriibinaysay Gudaha magaalada KismaayoCiidanka Booli...
22/02/2024

Ciidanka Booliska Jubbaland oo gacanta ku dhigay shabakad dad ka tahriibinaysay Gudaha magaalada Kismaayo

Ciidanka Booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubbada hoose ayaa howlgal uu sameeyey 24 saac ugu danbeyey waxaa uu gacanta ku soo dhigay shabakad ka shaqaynaysay tahriibinta dhalinyarada Jubbaland ee ku nool gudaha magaalada Kismaayo iyo waliba deegaanada kale ee Jubbaland.

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa sheegay in ay howlgalkaan ku soo xidheen 13 qof oo afar ka mida ay yihiin kuwii dhalinyarada tahriibinaayey halka sagaalka ay yihiin dhalinyaro dalka laga tahriibinaayey.

Laba ka mida dadkii la tahriibinaayey ayaa ku xidhan deegaanka Bilis Qooqaani oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose sida uu sheegay Taliye kuxigenka qaybta danbi Baadhista ee ciidanka booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubbada hoose laba xidigle Muxiyadiin Maxamed Cumar.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow  ayaa Hambalyo u diray  Ciidanka Asluu...
22/02/2024

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maanta u dabaal degaya Sanad guuradii 54-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta.

“Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa Hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maanta u dabaal degaya Sanadguurada 54-aad ee Aaskooda” ayuu yiri Gen Ibraahim Sheekh Muxudiin

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanka Jannaa Cabdalle e...
21/02/2024

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose.
Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay si uu ugu kuur galo xaalada deegaanka iyo shaqooyinka adag ee ay hayaan Ciidamada Dowladda Jubaland ee dadka shacabka ah ka dulqaaday dhibaatadii ay khawaariijtu ku haysay.

Madaxweynaha ayaa Ciidamada kula dardaarmay inay laban laaban shaqada ay u hayaan shacabka ree Jubaland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed sidoo kalana ay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Khawaariijta oo dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wasiirada Wasaara...
19/02/2024

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wasiirada Wasaaradaha kalluumeysiga &
dhaqaalaha buluugga ah ee heer Federaal iyo heer Dowladdaha Xubnaha ka ah JFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ka qeybgalaya shirka golaha maamulka iyo horumarinta kalluumeysiga Qaranka oo ka furmaya Magaalada Kismaayo.

Maxkamadda G/Banaadir ayaa mudeysay dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa'uud oo loo haysto ...
19/02/2024

Maxkamadda G/Banaadir ayaa mudeysay dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa'uud oo loo haysto inuu xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.

18/02/2024

Deb Geystay qasaaro kala duban ayaa ka kacay Xafada V Afmadow ee Magalada kismayo

Aamina Nuur, oo deggan  London ayay maxkamadda magaaladaas ku xukuntay xabsi 7 sano ah, sababta waxaa lagu sheegay in ay...
18/02/2024

Aamina Nuur, oo deggan London ayay maxkamadda magaaladaas ku xukuntay xabsi 7 sano ah, sababta waxaa lagu sheegay in ay gabdheeda oo sedex sano jir ah ay ku sameysay gudniinka Fircooniga.

Sida ay Maxkamaddu caddeysay 2006 ayuu falkan dhacay, gabadha la guday oo markaas ahayd 3 sano jir, ayaa kol dambe oo ay weynaatay sheekada uga sheekeysay macalinkeeda iskuulka, sababta ay u sheegtay waxay ku sheegtay in la dhibtooneyso xanuun joogta ah !

Aamina, oo falkan ku sameysay ayaa ku andacootay in iyada lafteedu ay gudniinkan soo martay, arrintanna ay ku qasabtay dhaqanka bulshadeeda oo ay markaas u arkeysay mid saxan balse hadda ay ka qoomameyneyso.

Adiga gabadhaada ma u gudi lahayd habkan?

Nabad sugida Puntland ayaa Magaalada Garowe ku Xirtay Wariye Jamaal Osman. Oo safar ku tegay halkaas
18/02/2024

Nabad sugida Puntland ayaa Magaalada Garowe ku Xirtay Wariye Jamaal Osman. Oo safar ku tegay halkaas

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska - Jubaland  , Mudane Abdi fitaax Maxamed Mukhtar wuxuu ag...
17/02/2024

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska - Jubaland , Mudane Abdi fitaax Maxamed Mukhtar wuxuu agaasimaha waaxda Idaacada Kismayo (Radio Kismayo) u magacaabay Mudane Cabdi Cabdulahi Muxumed

Address

Mogadishu

Telephone

+252616822157

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Weriye Nuur Muxudiin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share



You may also like