12/10/2023
QORAALKA FAR SOOMAALIDU QABYO MIYAA?
Wixii ka horreeyay sanadii 1972 Af Soomaaligu waxa uu ahaa lahjad ama afguri, hasayeeshee laga soo billaabo sanadkaas, waxa uu noqday af rasmi ah.
Taliskii kacaanka oo ku dhawaaqay dhigaalka farta Soomaalida, ayaa ku guulaystay, in uu hirgaliyo fartii la qoray.
Habdhigaalka af Soomaaligu si midaysan ayuu ku socday, maadaama si joogta ah loogu isticmaalayay xafiisyada dowladda, waxbarashada, warbaahinta iyo garsoorka, waxaana xusid mudan in dowladdu billowday ola-ole lagula dagaallamayo aqrisqorisla`aanta, kaas oo laga hirgaliyay miyi iyo magaalaba, waxaana muddo kooban gudaheed lagu guulaystay, in inta badan bulshada Soomaaliyeed culimo iyo caamaba ay quri karaan aqrina karaan af Soomaaliga.
Nasiibdarrase sanadii 1991, waxaa burburay nidaamkii dowladnimo, waxaana meesha ka baxay hay`adihii u xilsaarnaay daryeerka af Soomaaliga, sida: Xafiiska Manaahijta, Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta iyo Madbacadda Qaranka, waxaana halkaasi ku agoomoobay afkii hooyo.
Burburka kaddib, dalka waxaa ka hanaqaaday nidaam wax barasho, oo ku salaysay afafqalaad, Soomaalidii qurbaha u qaxdayna waxa ay tageen dalal kala afaf duwan.
Nasiib wanaag Soomaalidu meel kasta oo ay joogtayba, waxa ay dareentay ,in waxa qura ee lagu xiriiri karo uu yahay afka hooyo, taasi ayaa sababtay in Soomaalidu dal iyo dibadba u soo jeesato af Soomaaliga.
Laakiin nasiib darro waxaa soo ifbaxay dad gadaalkagaar ah, oo ku doodaya, in qoraalka farta Soomaalida uu qabya yahay , isla markaana ay ka maqanyihiin shaqallo iyo shibbanayaal labadaba, loona baahanyahay in lagu soo daro xarfaha dhimman, si loo qabyatiro qoraalka farta.
Kuwa kale ayaa ku doodaya, in ay qalad ahayd in farta Soomaalida lagu soo daro xarfaha sidkanayaasha ah iyadoo alifba`da Latin-ka ay ku harsanyihiin xarfa liganayaaL ah.
Maxaase xarfaha shidanayaasha ah loogu soo koobay todoba xaraf, iyadoo ay jiraan xarfa kale oo laballaabma?
Si aan mid mid uga warceliyo dhammaan doodahaas waxa aan Marka h**e qaadaadhigayaa doodda la xiriirta shaqallada iyo shibanayaasha ka maqan ee laga tagay.
1.Xarfaha laga tegay:
22ka shibbane ee qoran ka sokow af Soomaaligu waxa uu leeyahay codad shibbanayaal kale, ee aan la qorin, waxaana ka mid ah dhawaqyada xarfaha ku jira ereyada soo socda:
Dab/dap/, edeb/ethep/, fanka/fangka , gogol/goghol iyo kuwa kale,
In la qoro dhawaqyada xarfahan lama ilduufin, ee si ula kac ah ayaa lagaga tagay sababtuna waxa ay tahay
1. Dhawaqyada xarfahan macna kale ma sameeyaan
2. Erey kuma billaabmaan, oo waa in shaqal ka horreeyaa.
Haddaba bal aan eegno doodda kale ee la xiriirta, maxaa shidanayaasha looga soo reebay todoba xaraf iyadoo ay jiraan shibbanayaal kale oo shidan?
Waa sax, waa ay jiraan shibbanayaal kale oo laballaabma sida: magacca,affar, ratti,xaqqa, dhissan, iyyo, madaxxa, gabadhdha iyo kuwa kale.
Haddaba xarfahan oo qura ma laballaabmaan , ee waxaa laballaabma dhammaan 21ka shibane ee alifba`da af Soomaaliga, waxaase la qaatay in la laballaabo ama la shido todobada xaraf ee ku wada jira weerta “ ma rabno dagaal”
Todobadan hadii aan la laballaabin micnaha ayaa is bedelaya, bal eeg tusaalayaashan soo socda:
Xabad--xabbad, carab--carrab, ruuga--ruugga, rido--riddo, shilin--shillin, dhamaan-- dhammaan, keen--keenna.
Dhammaan xarfaha kale ee laballaabma sida affar iyo ratti waa laga tagay si loo fududeeyo loona beekhaamiyo farta, sababtoo ah, hadii la laballaabo iyo haddii kaleba micnuhu ma is bedelayo.
Bulshadu waxa ay kari la`dahay tododabii xaraf ee lagama maarmaanka ahayd in la laballaabo ee ma kuwa kale , ee aan waxba soo kordhinayn miyaa loogu daraa?
Bal iyadana aan eegno, doodda la xiriirta, maxaa xarfaha sidkanayaasha ah loogu soo daray iyadoo alifba`da latin-ka ku harsanyihiin liganayaal kale?
Guddiga loo xil saaray farta Soomaaliga waxay dood dheer kaddib doorteen higaadda (Roman Alphapet), waxa ayna ka tuureen saddex ligane oo qaab ahaan iyo dhigaal ahaanba u naceen, saddexdaas xaraf, waxayna kala yihiin (p,v,z), waxayna saddexda ligane ku badasheen saddex sidkane oo kala ah (dh,kh,sh), kuwaas oo dhigaal ahaan iyo dhawaaq ahaanba farta Soomaalida ku habboon.
Sidaas ayayna afifba`da af Soomaaligu ku noqotay 26 xaraf , 21 shibane 5 shaqal iyo hamsa, 21 xaraf ayaa u sii kala baxaya
1. Ligane = 14 xaraf
2. Shidane = 7 xaraf
3. Sidkane = 3 xaraf.
Ugu danbeytii waxaa ku soo hoorinaynaa doodda la xiriirta shaqallada laga tagey?
Haddii aan ka eegno xagga cilmiga codaynta, af Soomaaligu wuxuu leeyahay 20 shaqal {shanta shaqal midkiiba waxa uu leeyahay 4 cod (5x4=20)}
Tusaale ahaan shaqalka ‘’ U’’ waxa uu u qaybsamaa shaqal culus iyo shaqal fudud.
1. Shaqal culus duul(ka) ama dul(ka)
2. Shaqal fudud duul(id). Dul(ta)
Afaf badan ayaa arrintaan la wadaaga af Soomaaliga , wayna adag tahay in la helo af alifbadiiso ay wada koobayso dhammaan codadka uu afkaasi leeyahay , af Soomaaliguna waa la mid sababtuna waa:
1. Far qoraal sideedaba waa in la dhaqaaleeyaa, oo waa laga tagaa wixii laga maarmi karo.
2. Waana la fududeeyaa si xitaa caamadu ay farta si dhib yar ugu adeegsan karto.
3. Farta waxaa loogu talaggalay dadka ku hadla afkaas.
4. Aqoonyahannada ku xeeldheer cilmi-afeedka oo qura ayaa ku shaqa leh, in ay baaraan inta cod ee af uu yeelan karo.
Haddaba far Soomaalidu qabya ma aha , ee aqoontayna af Soomaaliga ayaa qabya ah .
F.G.
1. Ligane luude waa xarfaha aan la laballaabin ee qabow.
2. Shidane kulule waa xarfaha adadag ee laballaabma
3. Sidkane sabbeeye waa xarfaha isku sidkan ee isla guura.
Qore: Ustaad Cabdiraxmaan-Alruuxi