04/02/2023
𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐁𝐨𝐨𝐜𝐚𝐦𝐞 𝐍𝐨𝐯𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫-𝟐𝟎𝟎𝟕 , 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐬𝐞𝐞𝐝 𝐍𝐚𝐢𝐫𝐨𝐛𝐢 -𝐎𝐜𝐭𝐨𝐛𝐞𝐫 𝟐𝟎𝟎𝟗 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐓𝐚𝐥𝐞𝐞𝐱 𝐉𝐚𝐧𝐮𝐚𝐫𝐲 𝟐𝟎𝟏𝟐, 𝐦𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐧 𝐚𝐚𝐲𝐨 𝐤𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐒𝐂 𝐞𝐞 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐝𝐚𝐚𝐬 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐡𝐨𝐫𝐞 .
Markii Somaliland lawareegtay Magaallada Laascaanood Sannadkii 2007 -October ayna ka qabsatay maamulkii Puntland, hoggaankii dhaqanka ee SSC iyo waxgarad kaladuwan waxaa magaallada Boocame uga furmay Shirkii Bad-baado ee Boocame 3 - Sannadkii 2007- November. Shirkaas waxaa ka qayb-galay 90 xubnood oo isugu jira hogganka dhaqanka, Culimo'udiinka, aqoonyahanka, qurba-joogta iyo siyaasiyiin.
Waxaa la isku raacay in Somaliland laga saaro deegaanka, Shirbeleedna laqabto iyo in Puntland saldhig laga dhigto taageeranna lawaydiisto , sidoo kalena, ay midnimada Somalia tahay muqadis, shirkaasi gudaha Laascaanood wax saamayn ah kumuusanyeelan waayo badi dadkii xilligaas way kamaqnaayeen Magaallada oo waa qaxeen.
Abaabul kooban iyo diyaar garow heerkiisu hooseeyo oo muddo yar socday waxbadan isma-beddelin, sidoo kale, waxaa is-beddel kuyimid hoggaankii Puntland 2008, In shirkii Boocame guulaysto waxaa saamayn kulahaa laba waxyaabood - dadka deegaanka oo siyaasiyan kalaqabsanaa iyo saddex xagal siyaasadeed oo dadka SSC udhexda ugujireen una arkayey in uu halis kuyahay -TPLF oo Ethiopia xukumaysay xilligaas, Puntland iyo Somaliland isku aragti ka ahaa in aan shirkaasi guulaysan. sidaas oo kale, hoggaankii dhaqankuna laba qaybood ayey ukala jabeen markii hoggaankii Puntland isbeddeley qayb Puntland saldhigtay iyo qayb dibada aaday oo halgan gashay.
Qaarkamid hoggaanka dhaqanka ,waxgarad iyo haldoor badan oo ka soojeedda SSC waxay abaabuleen shirkale, sidoo kalenna , waxay qaateen go'aan ah in lasameeyo hoggaanka SSC. Magaallada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay Shirkii Horseed Sannadkii 2009 - October, waxanna lagu doortay hoggaankii Jabhaddii SSC , shirkan hoggaanka dhaqanku kumaysan dhamayn- waxanna ka qayb galay Garaad Jaamac Garaad Cali, AUN Garaad Cali Buraale Xasan Shiil iyo AUN Garaad Abshir Maxamed Saalax, waxaanna hoggaankii Jabhadda loodoortay Dr Saleebaan Axmed Ciise Kaar -Xaglatoosiye iyo Kornayl Cali Xasan Sabaray.
Muddo yar kabacdii, hoggaankii jabhaddu waxay yimaadeen waddanka gudihiisa waxayna bilaabeen abaabul iyo dagaalo kaladuwan oo ay ciidamada Somaliland lagaleen,waxayna saldhig kadhigteen magaallada Buhoodle, Dharkayn, Saaxdheer iyo deegaano kale- waxay ka qayb qaateen Dagaalkii Kalshaale iyo kuwo kale. Jabhaddii SSC laba wax ayaa'iyana saamayn kuyeeshay in ay guulaysato Kalaqabysanaantii siyaasiyiinta deegaanka ee Puntland iyo Somaliland kala joogay iyo Saddex xagalkii iskaashiga ahaa ee udhexeeyey Puntland, Somaliland iyo TPLF Ethiopia xukumaysay.
Markale waxaa la abaabulay Shirkii Khaatumo Sannadkii 2012- January, ujeedka ugu weyn ee shirkaasi wuxuu ahaa in laga guuro nidaamka Jabhadda SSC oo ladhiso Maamul goboleed cusub oo layidhaahdo Khaatumo State of Somalia, Saddex qolo ayaanna hindisaha shirkaas iska kaashaday Qolo aqoonyahano ah oo G6 la-odhan jiray, hoggaanka dhaqanka iyo Qurba joog, xilligaas Koonfurta Somalia waxaa ka socday dhisidii maamul goboleedyada , Jubaland, Hirshabelle, South-west State iyo Galmudug . Waxaa Magaallada Taleex isugu tagay ergooyin badan, waxgarad badan, siyaasiyiin, hoggaankii jabhadda SSC iyo qurba jooga waa shirkii deegaannada SSC lagu qabto ee ay ka sooqayb galeen ergadii ugu badnayd . xilligaas waxaa sare ukacay oo si xooggan usoo baxay in bulshadu midaysan tahay marka laga reebo siyaasiyiinta Puntland iyo somaliland joogay oo aad uga soo horjeeday in Maamul ladhiso, waxayna kuhayeen farogelin xooggan.
Waxaa Taleex Lagu dhisay maamul ka kooban Golo Madaxtooyo oo saddex ah, Golle wakiilo- Khusuusi ah iyo golle wasiiro ah, maamulkii wuxuu la kowsaday dagaalkii ay lakulantay Jabaddii SSC mid ka weyn - DFS waxay udiiday aqoonsi in aysiiso, sidoo kale, waxaa saamayn ciidan iyo mid siyaasadeedba saaray Puntland, Somaliland iyo TPLF oo ay kaashanayeen. xilligaas wacyigii dadka deegannada SSC waxbadan ayaa iska beddelay laakin waxaa katanbadiyey siyaasadihii ka imaanayey Saddex xagalka , Maamulkii wuxuu galay abaabul ciidan, mid siyaasadeed oo dibadaha iyo mid gudaha ah, waxayna Saldhig kadhigteen Taleex, Buuhoodle , Boocame , Balicad iyo Saaxdheer.dagaalo kaladuwan ayey Somaliland lagaleen kuwaas oo kadhacay deegaannadaas sare, Khaatumo waxay mar qarka usaartay in ay Laascaanood qabsadaan , laakin dadka gudaha oo aan baabulayn iyo kala qaybsanaan jirtay ayaa saamayn kuyeelatay .
Muddo kadib AUN Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa loodoortay Madaxweynihii Maamulka iyo Cabdalle Maxamuud Haybe Caggalule kuxigeen, dadaal dheer oo aysameeyeen iyo dagaalo siyaasadeed iyo kuwo ciidan oo ay Somaliland lagaleen wax baddan isma beddelin waxaana saamayn siyaasadeed iyo mid dagaal kuyeeshay Somaliland iyo Puntland gaar ahaan siyaasiyiinta ka soojeedda SSC oo Cali Khaliif u arkayey in uu Khatar ku yahay. Sannadkii 2017, ayaa Maamulkii Khaatumo somaliland wadda hadal kula furay Magaallada Caynabo ee Gobolka sool, is afgarad dhexmaray labadda dhinac, waxaa heshiiskaas ka baxday oo fulin-weyday somaliland .
𝐦𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐧 𝐚𝐚𝐲𝐨 𝐤𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐒𝐂 𝐞𝐞 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐝𝐚𝐚𝐬 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐡𝐨𝐫𝐞 .
Shirkan aayo katashiga bulshada SSC wuxuu kulansaday dhowr waxyaabood oo uu kaga duwan yahay shirarkaas iyo Maamuladii h**e loosameeyey, dhammaan shirarkaas h**e qaar dibadda ayey kadheceen, qaarna gudaha waddanka. Dhamaadkii sannadkii h**e bishii December, 2022, waxaa magaallada Jig-jiga ee Soomaali galbeed shir uga furmay hoggaanka dhaqanka, qurba joog iyo dad aqoonyahano ah , waxaana shirkaas lagu doortay hoggaanka kumeel-gaadhka ah ee SSC oo sagaal xubnood ka koobnaa. shirkaasi wuxuu ku soo beeg may, xilli kacdoon xooggan oo muddo dheer huursanaa heerar kala duwana soomaray ay bud-dhig u ahaayeen, dilka haldoor oo muddo dheer ka jiray magaallada Laascaanood , qodobadan soosocda ayuu kaga duwan yahay saddex shire ee sare.
1. Shirkan wuxuu kadhashay kacdoon huursanaa muddo dheer oo ka imaanayey dhowr dhinac, dilka joogtadda ah ee haldoorka deegaan, dhibaatooyinkii siyaasadeed, coladeed siyaaasadeed oo deegaanka kadhacay iyo carbin, bislayn , diyaarin iyo fakar iyo higsi ay muddo dheer soowadeen hoggaanka dhaqank,Jabhaddii SSC, maamulkii Khaatumo iyo waxgaradka kaladuwan ee deegaanku higsanayeen ( Shir kusoo beegmay firkir bisil iyo dhacdooyin qarxiyey).
2. Shirkan wuxuu kuyimid kacdoon bulsho aad u xooggan, halka shirarkii h**e ka imaan jireen hoggaanka dhaqanka, qurba joogta iyo waxgarad kooban, kacdoonkan bulsho waxaa dhexda uhaya dhallinyaro , aqoonyahanka, ganacstada, Culimada , hoggaanka dhaqanka oo isku duuban iyo hadhaadigii Khaatumo iyo Jabhaddii SSC.
3. Shirkan wuxuu kadhacayaa Magaalladii Caasimadaha ahayd ee SSC oo aysan h**e ugadhicin dhammaan shirarkii h**e ,sidoo kale, dhammaan shirakii h**e iyo maamuladdii lasoodhisay higsigooda koowaad wuxuu ahaa in ay qabsadaan Laascaanood -waxayna badhtilmaameed u ahayd dhammaan dadaaladdii lasoomaray .
4. Shirkan wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Kacdoon bulsho uu ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka dhexmaray,khasaare badana kadashay, dhaawac dhimasho iyo barakac xooggan , sidoo kalena, ciidamada somaliland dibada looga saaray magaallada ,adeegii maamulka iyo shaqadii dowligahaydna dhamman istaagtay.
5. Shirkan wuxuu dhaliyey kacdoon midow bulsho oo balaadhan dal iyo dibad isaga talaabay dhammaanna kufiday deegaanka, si iskumid ahna hal fariin udirtay bulshaddu .
6. Shirkan si xoog ah iyo kacdoon bulsho ayaa lagu abaabulay, dhammaan hoggaankii dhaqanka oo aan qaar kood imaan Laascaanood 15 sanno ee udanbeeyey ayaa si xoog ah lagu keenay Laascaanood,soodhaweyno waaweyn oo gariir ah iyo fariimo waaweyn ayaa DFS iyo bulshada caalamka loodiray .
7. Intii aan shirku furimin ka hor guddigii 33 ahaa ee qaarkamid ah hoggaanka dhaqanku sameeyeen (Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil) baaq aysoo saareen wuxuu helay taageero xooggan iyo fariin bulshadu dirtay oo muujinaysa in aan khilaaf iyo kalaqayb sanaan bulsho meesha kabaxday .
8. Shirkan wuxuu ku soo beegmayaa iyaddo Laba dhinac oo kamid ahaa dhinacyadii saamaynta kulahaa in ay guulaysan waayaan KHatumo iyo Jabhaddii SSC waa Puntland iyo Ethiopia xukunkeedii isbeddelay, Puntland ayaa wax kabeddeshay aragtideedii h**e.
9. Shirkan wuxuu kadhacayaa Laascaanood oo dhammaan isdiidooyina soo jiray muddo dheer xarun u ahayd, waxaa sidoo kale, kacdoon saxaafad xooggan iyo mid bulsho oo iskulamaan, sidoo kale, hoggaanka dhaqanka waxay magaallada Lasoogaleen ciidamo badan iyo hub.
10. Shirkan wuxuu noqday mid beesha caalamka, DFS iyo waddamada geeska ay isha kuhayaan, waxaa jira dhinacyo badan oo kufoogan arrinta
11.Shirkan waxaa haggaya dusha kataagan, dhallinyaro jamaahiir ah, Aqoonyahano, Culimada, Ganacsatada, Siyaasiyiin, xildhibaano kuwaas oo dhammaan doonaya in aragtidooda meel lamariyo.
12. Shirkan waxaa saamayn weyn kuleh saxaafada oo ah mid xooggan oo si heer sare ah loo abaabuley ,si weyna isha ugu haysa tabintiisa iyo dhammaan isbeddelada iyo dhacdooyinka ka socda Laascaanood.
Xigasho Jama Ali Dirir .