Soyaal Radio FM

Soyaal Radio FM Soyaal radio page isku xiraha bulshada

War Saxaafadeed Sii deyn degdeg ahArbaco, Febraayo 28, 2024 Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka go’an ballaarinta waxbarasho...
29/02/2024

War Saxaafadeed

Sii deyn degdeg ah
Arbaco, Febraayo 28, 2024

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka go’an ballaarinta waxbarasho tayo leh oo ay helaan carruurta Soomaaliyeed

Muqdisho: Kordhinta helitaanka fursado waxbarasho oo tayo leh ayaa ah mudnaanta koowaad ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya (MOECHE). Ku dhawaad 85 boqolkiiba Soomaaliya (qiyaastii 4 milyan oo carruur ah) ayaan dugsiyo iska diiwaan gelin, taasoo la macno ah baahida loo qabo in la ballaariyo waxbarashada habboon ee la heli karo ee Soomaaliya inaysan kaliya ahayn muhiim balse ay tahay baahi degdeg ah. Hay’adda Maraykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah (USAID) ee Soomaaliya waxay iskaashi la leedahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya si loo xoojiyo nidaamka waxbarashada iyo horumarinta natiijada waxbarashada iyadoo la kordhinayo helitaanka waxbarashada iyo ka gudbidda caqabadaha hortaagan waxbarasho tayo leh.

Madaxa Hay’adda USAID Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones, ayaa maanta la kulantay Wasiirka Waxbarashada Mudane Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir, si aan u xaqiijino ballan qaadkeenna wadajirka ah ee horumarinta waxbarashada gabdhaha, wiilasha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed. Iyada oo loo marayo mashaariicda Bar ama Baro (BAB), Waxbarashada Gabdhaha qaan-gaarka ah ee Soomaaliya (AGES), Xasilinta Iyada oo loo marayo Barnaamijka Waxbarashada (STEP), USAID waxay iskaashi la sameysay wasaaradda waxbarashada federaalka iyo wasaaradaha waxbarashada maamul-goboleedyada si loo dhiso heerar waxbarasho iyo siyaasad tayo leh, iyo ballaarinta helitaanka waxbarashada 150,000 oo arday ah, oo ay ku jiraan carruurta iyo dhalinyarada aan dugsiyada dhigan ee goobaha dhawaan la xoreeyay.

“Ilmo kasta oo Soomaaliya ku nool wuxuu xaq u leeyahay waxbarasho. Si ay Soomaaliya u horumarto, waa in aan maal-gelinno hantideenna ugu muhiimsan oo ah carruurteena,” ayuu yiri Mudane Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.”

“Marka laga soo tago 3,000 oo macalin ee h**ey loo shaqaaleysiiyay, waxaa naga go’an inaan xoojino maamulka waxbarashada innagoo isticmaaleyna shaqaaleysiinta, tababarida, iyo hawlgalinta 3,000 oo macalin oo dheeri oo ay dowladdu mushaarkooda bixin diinto, iyadoo fiiro gaar ah loo yeelanayo macalimiinta haweenka ah iyo madaxda.”

“USAID waxaa ka go’an in ay si dhow ula shaqeyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya si loo ballaariyo helitaanka waxbarashada dalka oo dhan,” ayay tiri Agaasimaha Hay’adda USAID ee Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan Jones. “Waxaan ku amaanaynaa hogaaminta Wasiir Faarax ee dhanka waxbarashada, gaar ahaan shaqaaleysiinta, tababarida iyo hawlgelinta 3,000 oo macalin oo cusub, taasoo ka qayb qaadanaysa horumarinta waxbarashada Soomaaliya iyadoo in ka badan saddex jibaarantay tirada macalimiinta ee ay dowladdu mushaar siiso.”

USAID waxa ay sii wadi doontaa iskaashiga ay la leedahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya si loo horumariyo jiilka soo socda ee ardayda, barayaasha iyo hogaamiyayaasha qaybta waxbarashada.


Wixii macluumaad dheeraad ah fadlan la xiriir:
--------------------------------------------
Anna Spector, USAID Somalia, Ku-simaha Agaasimaha Xafiiska, [email protected]
Danielle Botti, oo ah madaxa Horumarinta iyo Isgaarsiinta ee USAID ee Soomaaliya, [email protected]
-----------------
Farriin ku socota Tifaftirayaasha:
Fadlan eeg link-iga hoose si aad u hesho macluumaad dheeri ah:

USAID Somalia: Education and Health

26/02/2024

Lacagaha baadda ah ee kooxda Argagixisada al-Shabaab ay dadka qaado waxay u adeegsataa falal guracan oo ay ku dhibaatayso shacabka iyo Amniga Dalka.

26/02/2024

Lacagaha baadda ah ee kooxda Argagixisada al-Shabaab ay dadka qaado waxay u adeegsataa falal guracan oo ay ku dhibaatayso shacabka.

17/12/2023

Farriin Caafimaad.

29/11/2022

Maadayska Hadhayalsan Qaybtii 8-aad

23/11/2022

Qaybtii 7-aad ee Maadayska Hadhayalsan.

19/11/2022

Maadayska Hadhayalsan Qaybtii Lixaad.

18/11/2022

Maadayska Talo iyo Tacab oo ay diyaarisay BBC Media Action.

09/11/2022

Qaybtii 5-aad ee Maadayska Hadhayalsan.

Warsaxaafadeed September 7, 2022Kismaayo, SoomaaliyaSoomaaliya wa dal kasoo kabanaya xasilooni darro sanado badan ka jir...
10/09/2022

Warsaxaafadeed

September 7, 2022
Kismaayo, Soomaaliya
Soomaaliya wa dal kasoo kabanaya xasilooni darro sanado badan ka jirtay. In kastoo horumar muuqda oo dhinacyo badan taabanaya la gaaray, hadana xasiloonida Soomaaliya weli caga badan kuma taagna, muwaadiniinta ay ka mid yihiin dumarka, dhalinyarada iyo dadka lahayb sooco na ma haystaan amni iyo garsoor laysku hallayn karo ama loo simanyahay. Sidaa darteed, waxaa la aaminsanyahay in amniga oo kor loo qaado, iyo arrimaha garsoorka oo la tayeeyo ay muhiimad gaar ah u leeyihiin aas aasida nabad waarta oo dalka ka hirgasha.
Daahfurka mashruuca Nabadgelinta Soomaaliya ee maanta wuxuu bilow u yahay dadaal dheer oo ujeedkiisu yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si dhab ah talo ugu yeeshaan go’aamada lagu horumarinayo adeegyada garsoorka iyo amniga si loo helo hanaan iyo nidaam garsoor iyo amni oo ka tayo sarreeya kana cadaaladsan, suurta gelin karana isla xisaabtan.
Todobada sano ee nagusoo aadan, marshuuca Nabadgelinta Soomaaliya wuxuu taageero u fidin doonaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool degaanada mashruucu ka hawl gelayo si ay u tilmaamaan una qodobeeyaan caqabadaha hortaagan in la helo amni iyo garsoor laysku hallayn karo, isla markaanaa ay si wadajir ah usoo jeediyaan xuluusha ku haboon ee hay’daha adeega bulshada bixiyaa ay ku tayayn karaan korna ugu qaadi karaan adeeg wax tarleh oo abuura kalsooni shacab oo ku aadan nidaamka amniga iyo garsoorka baahsan.
Mashruuca Nabadgelita Soomaaliya wuxuu bilowgaba ka hawl geli doonaa degmooyin dhowr ah (laba degmo Dawlad Goboleedkiiba) oo ka mid ah degmooyinka labada Dawlad Goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Sida loo dooranayo degmooyinka hawlgalka mashruuca Nabadgelinta Soomaaliya lagu bilaabayo waxay ku imaanaysaa ka baraandegid, qiimeyn, iyo wada-tashi lala yeeshoo hogaanka siyaased ee Dawladaha Federalka ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Hawlgalka mashruucu wuxuu gaari doona degmooyin kale oo ka tirsan isla labadaa Dawlad Goboleed. Xulushada degmooyinka mar walba waxaa lagu salayn doonaa wax ka barashada iyo khibradaha laga kororsaday shaqooyinka bilowga ah ee laba, labada degmo laga qabtay, iyadoo isla markaana la eegayo in loo heli karo miisaaniyad shaqada lagu fuliyo.
Mashruuca waxaa fulin doona tiro hay’ado Soomaaliyeed iyo kuwa caalami ah oo iskaashan doona, ayna ka mid yihiin: Asal iyo Saferworld, Equal Access International, Perspective Media, BBC Media Action, Somali Women’s Study Centre, Itad, Altai. Hey’ada UNOPS ayaa ah agaasinka maaliyada mashruuca.
Si mashruucu u taageero fududeynta adeega garsoorka iyo amniga, dadweynahana ugu sahlo inay la xisaabtamaan mas’uuliyiinta iyo hawl-wadeenada bixiya adeega amniga iyo garsoorka, waxaa mashruuca hagi doonaa todobadan (7) tiir: 1) inuu deegaan gaar ah dhibka ka jira xal u raadiyo, 2) inuu xaaladaha jira la qabsan karo, kartina u yeelan karo inuu la jaanqaado, 3) inuu wada-shaqayn dhab ah kasban karo, 4) inuu dadka saamaynta leh (heer dawladeed iyo heer bulshaba) la fal geli karo, 5) inuu dersi karo, fahmi karana caadooyinka iyo dhaqamada degaanka iyo is-bedelkoodaba, 6) inuu si loo dhanyahay oo aan cidna laga tegin u hawgalo, 7) iyo inuu (wa tan ugu muhiimsane) ku qotomo kuna shaqeeyo xayndaabka mabaadiida Islaamka iyo dhaqanka suubaan ee Soomaaliyeed.
“"Nabadgelinta waxay taageeri doontaa abuurista goobo iyo fursado kala duwan si dadka iyo dowlada ay si wadajir ah u horumariyaan una tijaabiyaan xalka dhibaatooyinka muuqda iyaga oo ka faa'iideysanaya xoogga bulshada, agabka iyo adkeysiga wadajirka ah si loo gaaro isbedel waara”, - waxaa yiri Agaasimaha Amniga iyo Caddaaladda hey’ada UNOPS Somalia Katrina Aitken-Laird.
Hadafka Nabadgelinta Soomaaliya waa inuu wax ku biiriyo sidii ay u xalismi lahayd caqabadaha sida gaarka ah u haysta adeega garsoonka iyo aminga, weliba kuwa mudnaanta u leh dadka Soomaaliyeed ee ku nool degaamada mashruucu ka hawl-galayo, isla markaana uu mashruucu ibo-fur ama bilow khayr u noqdo is-bedel wanaagsan oo saamayn balaaran oo nidaami ah ku yeesha siyaasadaha iyo qaababka loo hirgeliyo mashaariicda horumarinta taasoo ku imaanaysa adeegsiga aqoonta, iyo saamaynta siyaasadeed iyo bulshaba.
Wixii macluumaad dheeraad ah fadlan la xiriir:
[email protected]
+252610937348/+254710330200

15/07/2022

Wacyi Galin loogu talagalay Kobcinta Ganacsiga waxaana Farriintaan idiin soo Gudbiyey hay'adda Nabaad.

15/07/2022

Wacyi Galin loogu talagalay Kobcinta Ganacsiga, waxaana Farriintaan idiin soo Gudbiyey hay'adda Nabaad.

10/04/2022

Wacyigalin ku saabsan Tallaalka ka hortagga Cudurka Dabaysha.

22/08/2021

Senator h**e Axmed Xaashi ayaa shaaciyey inuu yahay musharax Xildhibaan oo Aqalka Hoose ah.

15/08/2021

Soyaal Radio: dhageeyso barnaamij caafimad oo ku saabsan xanuunnada ku dhaca dhimirka oo ay taabba galisay Hay'adda GRT oo kaashanaysa GIZ Germany.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Garbahaaray   ee ...
10/07/2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Address

Sooyaalmedia1@gmail. Com
Kismayo
252615971898

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Soyaal Radio FM posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Soyaal Radio FM:

Videos

Share

Category

[email protected]

Soyaal Radio Magalada Kismaayo

Jubland State Somaliya

Nearby media companies


Other Radio Stations in Kismayo

Show All