Somali Ocean TV

Somali Ocean TV Somali Ocean TV is a media organisation located in Kismayo City of Jubbaland State of Somalia.
(2)

Xog: Askari dilay taliye ka tirsan NISA iyo walaashiis oo toogasho lagu fuliyeyMaxk**adda ciidamada qalabka sida ee Soom...
26/07/2022

Xog: Askari dilay taliye ka tirsan NISA iyo walaashiis oo toogasho lagu fuliyey

Maxk**adda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay Axmed Cabdi Xasan (Dhagadheere) oo ka tirsanaa milatariga Soomaaliya, kaas oo 17-kii bishaan Caabudwaaq ku dilay taliye ku xigeenkii ciidanka NISA ee Galgaduud, Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.

Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla duleedka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, ayadoo ay goobjoog ahaayeen ehellada marxuumiinta, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Dhagadheere ayaa waxaa maalin kahor xukun dil toogasho ah ku ridday maxk**adda ciidamada, kadib markii ay saraakiil ka tirsan maxk**adda gaareen degmada Caabudwaaq, kuwaas oo uu hogaaminayey guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute, waxaana dilkaas lagu fuliyey isla maanta oo ah talaada, kuna beegan tahay 26-ka bishaan July.

Dhinaca kale ehellada taliye ku xigeenkii nabad sugidda ee gobolka Galgaduud & walaashiis Xaawo Cumar Geelle ayaa soo dhoweeyey xukunka qisaasta ahaa ee maanta lagu fuliyay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo lagu helay inuu isagu ka dambeeyey dilkaasi.

Maxk**adda ciidamada qalabka sida ayaa h**ey sidaan oo kale dilal ugu fulisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal ay geysteen.

Degmada Caabudwaaq oo ka mid ah magaalooyinka hoostaga Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo ay qaarkood geystaan maleeshiyaad hubeysan.

Suldan Ahmednur Mohamud

Warrarka laga helayo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn xagga cirka ah lagu qaaday bar koontarool oo ay joogee...
26/07/2022

Warrarka laga helayo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn xagga cirka ah lagu qaaday bar koontarool oo ay joogeen koox ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta oo ka dhacday deegaanka Tooratoorow ee gobbolka Shabeellada Hoose, ayaa waxa xigay hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamo watay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helokobtarada.

Sida laga soo xigtay illo wareedyo ku dhow ciidamada Danab, waxa labo gantaal oo ay riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn lagu dhuftay bar ay canshuuraha ku qaadi jireen Al-Shabaab, waxana markii dambe ku daatay ciidamo ka dagay diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Illo wareedyadaasi waxay BBC-da u sheegeen in ku dhawaad labaatan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerarka xalay ka dhacay Shabeellada Hoose.

Illaa hadda Al-Shabaab k**a hadlin weerarka ka dhacay Tooratoorow, mana jiraan illo madaxbannaan oo ka hadlaya sida aagaasi waxa uga dhaceen.

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Liyuu booliska iyo dagaalyahannada Shabaab ayaa maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Laas-qu...
25/07/2022

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Liyuu booliska iyo dagaalyahannada Shabaab ayaa maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Laas-qurun oo aan ka fogeyn xarunta degmada Feer-Feer, sida ay BBC-da u sheegeen dad goobjoogayaal ku sugan Feerfeer.

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa la sheegay inay dagaal ku qaadeen dagaalyahannada Shabaab oo kasoo tallaabay dhinaca Soomaaliya.

Rasaasta ayaa la sheegay in laga maqlayo Feer-Feer oo qiyaastii 20 km u jirta goobta lgu dagaalamaya oo ah gudaha xadka itoobiya.

Lama ogo khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO LA KULMAY MADAXWEYNIHII 5-AAD EE DALKA Qaahira, 24, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda...
24/07/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO LA KULMAY MADAXWEYNIHII 5-AAD EE DALKA

Qaahira, 24, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Masar ayaa magaalada Qaahira kulan kula qaatay Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, dadaallada ay dowladu ku bixineyso gurmadka abaaraha, xoojinta iskaashiga Soomaaliya ee waddamada Gobolka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, adkeynta dowladnimada iyo la-dagaallanka argagaxisada.

Madaxweynihii 5-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay kulankan, isagoo ku ammaanaay hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee dalkeennu la leeyahay dalalka aanu saaxibka iyo dariska nahay.

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa sheegay inuu ku garab siinayo walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh sidii looga wada shaqeyn lahaa dib u heshiisiinta, loona xaqiijin lahaa Soomaali heshiis la ah dunida, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iscaawiyaan si loo samatabixiyo dadkeenna abaaruhu saameeyeen.

Hubkaan cusub ee idiin muuqda ayey Booliska Soomaaliya ku shegeen in ay ku soo qabteen degmada Kaaraan ee G/Banaadir.Koo...
24/07/2022

Hubkaan cusub ee idiin muuqda ayey Booliska Soomaaliya ku shegeen in ay ku soo qabteen degmada Kaaraan ee G/Banaadir.

Kooxo lagu sheegay in ay dilan dhalinyarada haweenka iyo bulshada kala duwan ayaa howlgalka lagu soo qabtay , hubkaana uu ahaa mid ay u diyaarsadeen in dadka ay ku dhibaateeyaan.

Iyada oo la fulinayo amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa Wasaaradda ...
24/07/2022

Iyada oo la fulinayo amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Wasaaradda Caafimaadka iyo Maareeyaha Xarunta Hawl-galka Gurmadka deg-degga ah ee XRW, waxa ay maanta laba diyaaradood oo sida raashin iyo daawooyin u direen deegaannada Aato, Yeed, iyo Wishaaqo oo hoos yimaada gobalka Bakool ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBA-BAXAY DALKA MASARMuqdisho, Luulyo 24. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriy...
24/07/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBA-BAXAY DALKA MASAR

Muqdisho, Luulyo 24. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka xiriirka soojireenka ah la wadaaga dalkeenna ku maraya socdaal ku saleysan dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadda iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunida ayaa maanta u amba-baxay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ee horumarinta waxbarashada dalka.

24/07/2022

Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa Diyaarado Sida Gargaar isgu jira Rashin Iyo Daawo maanta Gaarsiiyay Dagamada Ceel Barde Gobalka Bakool.

24/07/2022

Diyaarad sidday qaadka Kenya oo Muqdisho ka degtay

Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaaraddii ugu horreysay ee sida qaadka Miirowga ay ka dagtay Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cabdulle tan markii xayiraadda ay ku soo rogtay Dawladda Soomaaliya bilowgii sannadkii 2020 kii.

Arintan ayaa dabo socotay heshiiskii dhawaan ay magaalada tan Nairobi ku kala saxiixdeen labada Madaxweyne ee Kenya iyo Soomaaliya.

Hoggaaminta Sare ee Deegaanka ee ku sugan Jiida h**e ee Gobolka Afdheer ayaa sagootiyay ciidankii ka soo laabtay hawlgal...
24/07/2022

Hoggaaminta Sare ee Deegaanka ee ku sugan Jiida h**e ee Gobolka Afdheer ayaa sagootiyay ciidankii ka soo laabtay hawlgalkii Hulhul oo hadda dhanka Xadka u jiheeystay.

Madaxweynaha iyo hoggaaminta la socota ayaa hadda ku sugan Dharaaye, Degmadda Qooxle, Gobka Afdheer.

24/07/2022

Warka somali Ocean tv

23/07/2022

Dhagaysi wacan

Muddo 23 sano ah ayuu Ismaaciil Cumar Geelle xukumayay dalka Jabuuti oo ay ku nool yihiin shacab tiradoodu dhan tahay ha...
20/07/2022

Muddo 23 sano ah ayuu Ismaaciil Cumar Geelle xukumayay dalka Jabuuti oo ay ku nool yihiin shacab tiradoodu dhan tahay hal milyan oo ruux, balse hadda waxa uu ku dhawaaqay waqtiga uu ka dagayo xilka.

Wareysi gaar ah oo uu Madaxweyne Geelle siiyay BBC-da ayuu uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorsheyaasha dowladdiisa, mucaaradka, sicirka nolosha, kobaca, halista kooxaha jihaad doonka ah, xiriirka Soomaaliya iyo xasaradaha Itoobiya.

Ismaaciil Cumar Geelle waddankiisa waxa uu buundo uga dhigay ganacsiga ay dowladda Shiinaha la wadaagto qaaradda Afrika, sidaasna waxa uu ku noqday marinkeeda cusub.

Balse dadka kasoo hor jeeda waxa ay maamulkiisa ku qeexeen mid shacabka muquuninaya oo ka hor istaagaya waxyaabaha ay xor u yihiin.

Wariyaha BBC-da, Nicolas Négoce, oo dhowr oo wareystay Madaxweynaha Jabuuti ayuu u sheegay in uu xilka wareejin doono sanadka 2026-ka, oo ku beegan marka uu dhammaado muddo xileedka hadda u socda.

Taas ayaa ka dhigan in Geelle uusan mar kale usoo istaagi doonin tartanka doorashada madaxweynaha marka ay doorashada xigta dhacayso.

FAAH-FAAHIN: Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Kismaayo, gaar ahaan Xaafada Calanleey (Somali star), dhabarka dambe ee Maqa...
19/07/2022

FAAH-FAAHIN: Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Kismaayo, gaar ahaan Xaafada Calanleey (Somali star), dhabarka dambe ee Maqaayad lagu magacaabo Qandal, kaas oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhajiska ah ee meelaha fog laga hago, ayaa la sheegay in lagu xiray gaari aagaas yaalay. Laamaha Amniga oo bartilmaameedka ku daba joogay ayaa ku guuleystay iney meesha ka saaraan ayadoon cidna waxba ku noqonin.

Kor u kaca ku yimid qiimaha kalluunka ee suuqa kalluunka Kismaayo ayaa dhabar jab weyn ku ah dadka isticmaala hilibka ka...
18/07/2022

Kor u kaca ku yimid qiimaha kalluunka ee suuqa kalluunka Kismaayo ayaa dhabar jab weyn ku ah dadka isticmaala hilibka kalluunka ee magaalada Kismaayo

Qiimaha lagu kala iibsado kalluunka ee suuqa kalluunka magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sare u kac ku yimid muddooyinkii dambe, kaddib markii uu soo degay kalluunka oo yaraa.

Kiilada Hilibka Kalluunka ah ayaa hadda waxaa lagu kala iibsanayaa 6 Dollar, taasoo u dhiganta 156,000 oo Shilinka Soomaaliga ah, qiimahaas oo aysan awoodin in badan oo ka mid ah dadka isticmaala kalluunka. Kiilada kalluunku waxa lagu iibin jiray 3 ilaa 4 dollar ka hor inta aanu qiimihiisu kicin.

Sicir bararka Hilibka Kalluunka ayaa waxaa sabab u ahaa dabeylo xooggan oo xilligaan lagu arkayo biyaha badda taasoo keentay in kalluumeysatada Kismaayo ay ka kaluumeystaan ​​biyaha halista ah ee dabeylaha wata.

Mohamed Hussien Ilmi, oo ka mid ah ganacsatada kalluunka ee suuqa kalluunka Kismaayo ayaa sheegay in uu la kulmay khasaare ba’an oo ganacsi oo ka dhashay kalluun la’aanta ka soo baxda biyaha badda. Wuxuu intaas ku daray in uusan awoodin in uu iibsado dhowrka kalluun ee la keeno suuqa kalluunka sababo la xiriira qiimo kororka.

Si kastaba ha ahaatee, in yar oo ka mid ah ganacsatada kalluunka ee suuqa kalluunka Kismaayo ayaa ka faa’iidaystay xilliga kalluunka yari ee suuqa ku jira, waxayna macaamiisheeda sare u qaadeen qiimaha kalluunka.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Jubbaland ayaa horay digniin ugu dirtay kalluumeysatada gobolka Jubbada Hoose in ay la wareegaan howlaha kalluumeysiga ee ay ka wadaan biyaha badda ee dabeylaha wata ilaa inta ay ka badbaadsan yihiin kalluumeysiga.

18/07/2022
Shil Diyaaradeed ayaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalada muqdisho Diyaarada Shilka gashay waxaa laha...
18/07/2022

Shil Diyaaradeed ayaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalada muqdisho
Diyaarada Shilka gashay waxaa lahaa Shirkada Jubba Airways waxaana ay kasoo duushay magaalada Baydhabo.

Ma jiro waxa qasaaro ah oo shilka uu sababay marka laga yimaado in uu xirmay Howlahii shaqada ee Garoonka diyaaradaha

DHACDO XANUUN BADAN.Faarax Cumar Geelle ayaa maantay lagu dilay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, goobtii lagu di...
17/07/2022

DHACDO XANUUN BADAN.

Faarax Cumar Geelle ayaa maantay lagu dilay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, goobtii lagu dilay ayaa waxaa ku dhaawacantay walaashiis Xaawo Cumar Geelle oo iyana galabtay u geeriyootay dhaawacii.

Walaalkood Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii uu geeridooda maqlay wuxuu ka ambabaxay degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, si uu aaskooda uga qaybgalo, balse intii uu jidka kusii jiray ayaa gaarigii la rogmay, halkaas ayuu isna ku geeriyooday.

Ilaahay ha u naxariisto dhammaantood.

Xigasho Cabdi Xasan Awoowe

Address

Kismayo Main Road
Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Ocean TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali Ocean TV:

Videos

Share

Category

Nearby media companies


Other Radio Stations in Kismayo

Show All