Abdishakur Dayib

Abdishakur Dayib Xog la helyaaba, Talo la Hel.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Urur siyaasadeedka Kaah ayaa samaystay Isbahaysi Siyaasadeed.Musharrax Cirro iyo Gu...
06/01/2024

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Urur siyaasadeedka Kaah ayaa samaystay Isbahaysi Siyaasadeed.

Musharrax Cirro iyo Guddoomiye Xaashi ayaa maanta Hoteel hargeisa ku yaala isugu keenay xildhibaano Badan oo Isbahaysigaasi siyaadeed taageersan halkaasi oo wadatashi uga Bilaabmay.

05/01/2024

: “ Lughaya ayay noo sheegeen in ay tahay Goobta aanu degayno ” Sarkaalkii ka shaqeeyay Isfahamka Ethiopia iyo Somaliland ayaa Hadlay Xogo cusubna sheegay.

05/01/2024

Bandhiga Buugga Gaaraabidhaan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan  la qaatay Xildhibaanada cusub Baarlamaanka 6-aad iyo G...
05/01/2024

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Xildhibaanada cusub Baarlamaanka 6-aad iyo Guddoonka cusub ee ay shalayto doorteen.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland oo ku Sugan Caasimadda Taiwan ayaa kulan la yeeshay guddiga dhiggooda ah ee...
04/01/2024

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland oo ku Sugan Caasimadda Taiwan ayaa kulan la yeeshay guddiga dhiggooda ah ee maamula doorashooyinka Taiwan.

Labada guddi ayaa is dhaafsaday aragtiyo iyo khubradaha maamul iyo dhanka Farsamo ee la xidhiidha shaqadooda.
Somaliland iyo Tawian labaduba waxay ku dhaqmaan Dimuqraadiyadda ee Xisbiyada badan.

Dawladda Turkiga Ayaa Muujisay Mawqifkeeda ku aadan Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia.Sidoo kale mawqifka ayuu Turkigu k...
04/01/2024

Dawladda Turkiga Ayaa Muujisay Mawqifkeeda ku aadan Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia.

Sidoo kale mawqifka ayuu Turkigu ka Istaagay xiisadda Diblomaasiyadda ee ka dhex qaraxday Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana uu ku tilmaamay in Ethiopia ay qaaday tallaabo aan qaanuunka caalamka waafaqsanayn.

04/01/2024

Soo dhawaynta Madaxweyne Muuse Biixi

Dawladda Ethiopia ayaa War kale oo qoraal ah ku Faahfaahisay  Isfahamkii Badda ee ay la Saxiixatay Dawladda  Somaliland.
03/01/2024

Dawladda Ethiopia ayaa War kale oo qoraal ah ku Faahfaahisay Isfahamkii Badda ee ay la Saxiixatay Dawladda Somaliland.

Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada u dambeeyay...
03/01/2024

Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada u dambeeyay ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Itoobiya (FDRE) iyo dawladda federaalka Soomaaliya (DFS).
Xoghayuhu isagoo arrintaas war kasoo saaray wuxuu yidhi.

“IGAD waxay si feejignaan leh ula socotaa xaaladda waxayna garwaaqsan tahay saamaynta ku ay ku yeelan karto xasilloonida gobolka.

Marka la eego duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu waxa uu u soo jeedinayaa madaxda IGAD in gacanta lagu dhigo xaaladda, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad lagu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya ururka IGAD.
IGAD waxaa ka go'an tahay horumarinta nabadda, xasilloonida, iskaashiga, iyo is-dhexgalka gobolka.”

Xoghayaha IGAD ma soo Hadalqaadin Heshiiska Badda ee ay wadagaleen Somaliland iyo Ethiopia ee ay Soomaaliya ka cadhootay.

Madaxweynaha dalka Kenya William Rutto, ayaa caawa Xafiiskiisa ku Qaabilay Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliy...
02/01/2024

Madaxweynaha dalka Kenya William Rutto, ayaa caawa Xafiiskiisa ku Qaabilay Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Mr Cali Balcad.

Waxaa la sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan Iskaashiga Amniga, dhaqaalaha iyo Isu socodka.
Kulankooda ayaa kusoo beegmay iyada oo ay kacsan tahay Diblomaasiyadda Gobolka Geeska Afrika.

Dawladda Soomaaliya ayaa Xidhiidho badan la Samaysay Saaxiibadeeda Gobolka iyo Caalamka tan iyo Markii ay Heshiiska Wadagaleen Madaxda Ethiopia iyo Somaliland.

Wasiiru-dawlaha arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Misganu Arga, ayaa warbaahinta caalamiga ah u xaqiijiyay in Heshiiska Ethi...
02/01/2024

Wasiiru-dawlaha arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Misganu Arga, ayaa warbaahinta caalamiga ah u xaqiijiyay in Heshiiska Ethiopia iyo Somaliland ay ku jirto qodob tilmaamaya in Dawladda Ethiopia ay aqoonsato dawladnimada Somaliland.

GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYA OO SOO SAARAY WAR-MURTIYEED.Ujeeddada kulanka deg degga ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa a...
02/01/2024

GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYA OO SOO SAARAY WAR-MURTIYEED.

Ujeeddada kulanka deg degga ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ah in Goluhu uu jawaab ka bixiyo heshiiska is-afgaradka lagu sheegay ee dhexmaray maamulka Soomaaliland iyo Dawladda Itoobiya oo xadgudub ku ah gobannimada Soomaaliya.

Golahu Wadatashaga Qaran markuu arkey:

1.Dastuurka Soomaaliya qodobadiisa xeerinaya gobannimada, midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo awoodda Xukuumadda Federaalka ee gelista heshiisyo caalami ah iyo u hoggaansanaanta heerarka dawladda ee Dastuurka Soomaaliya.
2.Axdiyada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo IGAD oo dhammaantood waajibinaya inaan lagu xadgudbi karin madaxbaannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee dalalka ka tirsan.

Wuxuu soo saaray qodobadaan:

1.Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu si cad uga soo horjeedaa xadgudubka Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

2.Goluhu wuxuu si buuxda u ayidayaa mowqifka iyo qaraarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay arrinkan ka qaadatey iyo xeerka uu soo saarey BFS ee Burinta waxa lagu tilmaamay Is-Af-garad dhexmaray Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Itoobiya.

3.Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee ku aaddan ilaalinta, dhowrista gobnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo dadeed ee dalkeena.

4.Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan (dal iyo dibadba) oo ay ugu horreeyaan dadka reer Soomaaliland in ay u midoobaan dhowrista gobnimada, madaxbannaanida iyo midnimada qaranimada Soomaaliyeed
5.Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD, EAC iyo saaxiibbada kale ee caalamka inay garab istaagaan xaqqa Soomaaliya ee ilaalinta gobnimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

DHAMAAD

Midawga Yurub ayaa ka digay Isfahamka ay wadagaadheen Somaliland iyo Itoobiya.Midawga Yurub ayaa ku baaqay in la ixtiraa...
02/01/2024

Midawga Yurub ayaa ka digay Isfahamka ay wadagaadheen Somaliland iyo Itoobiya.
Midawga Yurub ayaa ku baaqay in la ixtiraamo Xeerarka Midawga Afrika iyo Dastuurka Soomaaliya.

Madaxweynaha Masar Abdifatah Al Sisi ayaa Garab istaag u muujiyay Mawqifka Dawladda Soomaaliya ku diiday Isfahamka Somal...
02/01/2024

Madaxweynaha Masar Abdifatah Al Sisi ayaa Garab istaag u muujiyay Mawqifka Dawladda Soomaaliya ku diiday Isfahamka Somaliland iyo Ethiopia.

Sisi ayaa Telefoon kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland oo la geeyay Goobaha Dalxiiska ee Itoobiya.
02/01/2024

Madaxweynaha Somaliland oo la geeyay Goobaha Dalxiiska ee Itoobiya.

Xildhibaan Gaving Walliomson, ayaa bogaadiyay Isfahamka Ethiopia iyo Somaliland“ Sida aad ogtihiin in badan oo idinka mi...
02/01/2024

Xildhibaan Gaving Walliomson, ayaa bogaadiyay Isfahamka Ethiopia iyo Somaliland

“ Sida aad ogtihiin in badan oo idinka mid ahi, waxa aan muddo dheer u danaynayey horumarka iyo barwaaqada Somaliland. Waxa aan si hagar la’aan ah ugu ololeeyey in aan arko Somaliland oo si rasmi ah loogu aqoonsaday dalka hanka iyo firfircoonida leh ee ay tahay.

Waxaan si weyn u soo dhawaynayaa tallaabada taariikhiga ah iyo istiraatijiyadeed ee Itoobiya ay ku noqotay dalkii ugu horreeyay ee Afrika ah ee u aqoonsada Somaliland dal madax-bannaan. Hadda waxaan rabaa in aan arko UK oo qaaday tallaabo la mid ah tii go'aanka ahayd oo ay u dhaqmayso sidii qalinleyda UN-ta ee la xidhiidha Somaliland iyo Soomaaliya.

Ingiriisku waa inuu hormuud ka noqdaa abuurista qaab-dhismeedka aqoonsiga Somaliland adduunka oo dhan. Waxaynu u baahannahay in aynu aragno waxqabad iyo hoggaan degdeg ah oo ka yimaada Raysal-wasaaraha UK Rishi Sunak, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Lord Cameron, iyo Xafiiska Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta si loo xaqiijiyo Qaranimada Somaliland. Muddo aad u dheer Ingiriisku ma qaban wax ku filan - wakhtigan biyo-mareenka ah, waxa la gaadhay wakhtigii aynu si geesinnimo iyo go'aan leh u shaqayn lahayn.

Aynu hormood ka noqono arrimaha caalamka oo aynu gacan ka gaysanno sidii ay Somaliland madax-banaanideeda u heli lahayd.”

02/01/2024

Go'aanka Soomaaliya ee Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya?

Xisbiga Waddani oo War kasoo Saaray arrinta badda ee Ethiopia iyo Somaliland isku Afgarteen.
02/01/2024

Xisbiga Waddani oo War kasoo Saaray arrinta badda ee Ethiopia iyo Somaliland isku Afgarteen.

Madaxweynaha Somaliland Ayaa Saxiixay Isfaham ay Ethiopia ku helayso Deked ku Taalla Badda Cas.Ethiopia ayaa ka dhisan d...
01/01/2024

Madaxweynaha Somaliland Ayaa Saxiixay Isfaham ay Ethiopia ku helayso Deked ku Taalla Badda Cas.

Ethiopia ayaa ka dhisan doonta Saldhig Militeri iyo Deked ay Isticmaalaan, sida lagu sheegay war ay qoreen Warbaahinta Ethiopia.

Heshiiska waxaa Saxiixay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal Wasaare Abiye Ahmed.
Ethiopia ayaa sheegtay in Tani Xallinayso doonistii Mudada dheer ay badda raadinayeen.

Ciidamada Maraykanka ayaa quusiyay (Burburiyay) saddex doonyood oo ay Wateen dagaal-yahano Xuutiyiin ah kuwaaasi oo doon...
31/12/2023

Ciidamada Maraykanka ayaa quusiyay (Burburiyay) saddex doonyood oo ay Wateen dagaal-yahano Xuutiyiin ah kuwaaasi oo doonayay in ay qabsadaan Markab wayn oo marayay badda Cas.

diyaarad Maraykanku leeyahay ayaa toogasho ku dishay dhammaan kooxdii Saarnaa doonyaha xuutiyiinta.

Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar qorshaysan oo Xuutiyiintu ay doonayeen in ay ku qafaashaan Markab ganacsi oo marayay Badda Cas.

Dawladda Ethiopia ayaa Hab-Maamuus Sare ku Qaabishay Madaxweynaha  Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Maanta Gaadhay...
31/12/2023

Dawladda Ethiopia ayaa Hab-Maamuus Sare ku Qaabishay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Maanta Gaadhay Magaalada Addis Ababa.

Ra’iisal wasaare ku Xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Demeke Mekonnen, ayaa ku qaabilay Garoonka Diyaaradaha ee Boole.

Ku xigeenka Madaxweynaha Puntland Axmed Cismaan Cilmi(Karaash ) ayaa taageeray Go'aankii isimada SSC-Khaatumo ay kaga ba...
30/12/2023

Ku xigeenka Madaxweynaha Puntland Axmed Cismaan Cilmi(Karaash ) ayaa taageeray Go'aankii isimada SSC-Khaatumo ay kaga baxeen maamulka Puntland.

Akhriso qoraalka uu soo saaray Axmed Karaash;

"Markaan arkay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay.

Markaan tixgaliyey go’aankii kasoo baxay golaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo 23 December 2023, baaqii dallada musharixiinta 27 December 2023 iyo go’aamadii isimada Puntland 29 December.

Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganadaas.

Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen.

Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni."

Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku Heshiiyay qodobo Taabanaya Xidhiidhka Labada dhinac.
29/12/2023

Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku Heshiiyay qodobo Taabanaya Xidhiidhka Labada dhinac.

Ethiopia oo dalkeeda ku Casuuntay Hogaamiyaha Fallaagada RSF ee ka dagaalamaya Dalka Suudaan Mahamed Xamdaan Dagalo.Mark...
29/12/2023

Ethiopia oo dalkeeda ku Casuuntay Hogaamiyaha Fallaagada RSF ee ka dagaalamaya Dalka Suudaan Mahamed Xamdaan Dagalo.

Markii uu shalay ka degay Addis Ababa waxaa la siiyay Maamuus sare waxaana madaarka Addis kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimamaha dibadda Ahna Ra’sal wasaare ku xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen.

Lama oga qodobada Ethiopia ay kala hadlayso hogaamiyaha RSF oo ciidamadiisu goobo badan qabsadeen maalmihii lasoo dhaafay.

Sudaan Waxaa ka socda Dagaal Faraha lagaga gubtay oo u dhexeeya Militeriga dalkaas iyo kooxda Gurmadka ee loo yaqaano RSF ee uu asaasay madaxweynihii la riday ee Cumar Xasan Al-Bashiir.

29/12/2023

Qurbe-joogii Samafalka u Firfircoonaa oo Hargeisa Si diirran loogu Soo Dhaweeyay.

Xamse Daahir Muxumed, oo ah Wiil Soomaali ah ayaa ka mid Noqday 14 Duuliye oo ku Biiray Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopi...
28/12/2023

Xamse Daahir Muxumed, oo ah Wiil Soomaali ah ayaa ka mid Noqday 14 Duuliye oo ku Biiray Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopia.

Xamse, oo waxbarashadiisa Hoose kusoo qaatay Dhagaxbuur, ayaa Mihnadda Duuliyenimada Baranayay muddo ka badan 5 Sano, taas oo hadda uu guul ka gaadhay.

Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ku kulmay fadhi wada...
28/12/2023

Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ku kulmay fadhi wadajir ah oo uu dhexjoogo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Laba wasiir ayaa weheliya Madaxweyne Xasan Halka Afar Wasiir ay La socdaan Madaxweyne Biixi.

28/12/2023

Khabiirka Sunta ee Qaramada Midoobay || Q-3aad

Shirkadda SO! Ayaa soo gabo gabaysay Tartanka Xidhiidhka Kubadda Cagta oo ay shirkaddu Maalgalisay kaas oo Burco  lagu q...
27/12/2023

Shirkadda SO! Ayaa soo gabo gabaysay Tartanka Xidhiidhka Kubadda Cagta oo ay shirkaddu Maalgalisay kaas oo Burco lagu qabtay qabto.

27/12/2023

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Fagaare kaga jawaabaya Su'aalaha Dadwaynaha.

27/12/2023

Maxay yihiin qodobada ka soo baxay Shirka golaha wasiirrada Somaliland?

“Wuxuu ahaa Samo-Talis Sharafweyn ku leh Bulshadiisa” Ganacsade Maxamed Aw-Siciid oo Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Baxsane...
27/12/2023

“Wuxuu ahaa Samo-Talis Sharafweyn ku leh Bulshadiisa” Ganacsade Maxamed Aw-Siciid oo Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Baxsane.

Sanadka 2023 Ma Naxdin ayaa hadhaysay Mise Naruuro?
25/12/2023

Sanadka 2023 Ma Naxdin ayaa hadhaysay Mise Naruuro?

25/12/2023

Sijaayad Caafimaadka u roon oo Aan H**e loo arag.

25/12/2023

Maxkamad gaadhi saaran

Ciidamadii ugu dambeeyay ee Faransiiska ayaa ka baxay Niger Jimcihii shalay taas oo soo gabagabeysay in ka badan 10 sano...
23/12/2023

Ciidamadii ugu dambeeyay ee Faransiiska ayaa ka baxay Niger Jimcihii shalay taas oo soo gabagabeysay in ka badan 10 sano howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada uu Faransiisku ka waday ee Galbeedka Afrika ee gobolka Saaxil.

In kasta oo ay Baxeen ciidankii Faransiisku wali waxaa ku sugan dalka Niger boqolaal ka tirsan ciidamada Mareykanka, iyo tiro ciidamo Talyaani iyo Jarmal ah, kuwaas oo qayb ka ahaa hawlgalkaasi socday 10ka sanadood.

Niger waa dal yar oo ay ragaadiyeen qulqulatooyin iyo dagaalo muddo soo jiitamayay.

BANGI MUHIIM AH OO SHAQAALIHIISA KALA BAXAYA ITOOBIYA.Bangiga Horumarinta Afrika ayaa go’aansaday in uu si degdeg ah uga...
22/12/2023

BANGI MUHIIM AH OO SHAQAALIHIISA KALA BAXAYA ITOOBIYA.

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa go’aansaday in uu si degdeg ah ugala baxo dhammaan shaqaalihiisa caalamiga ah ee ku Sugan Itoobiya.

Go’aamadan ayaa jawaab u ah weerar ay ciidamada ammaanka Itoobiya ku qaadeen laba ka mid ah shaqaalaha caalamiga ah ee Baanka Horumarinta Afrika, taas oo jabinaysa hab-maamuuska dublamaasiyadeed iyo heshiiskii Bangigu kula jiray Dawladda Ethiopia oo ahaa in la dhawro madaxda iyo shaqaalaha Bangiga.

31-kii Oktoobar 2023, laba shaqaale ah oo fadhigoodu yahay Addis Ababa ayaa si sharci darro ah loo xidhay, la jidh-dilay, waxaana la xidhay saacado badan iyadoo aan wax dambi ah lagu soo oogin ama sharraxaad rasmi ah laga siinin sababta loo beegsaday.

“Tani waxay xadgudub weyn ku ahayd xasaanadooda, xuquuqdooda, iyo mudnaantooda dublamaasiyadeed ee hoos timaada Heshiiska Dalka Martigelinaya Kooxda Baanka horumarinta Afrika iyo Dawladda Federaalka Itoobiya.” Ayaa lagu sheegay war kasoo baxay Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika.

22/12/2023

Koox Reer Suudaan oo cod cajiib ah ku qaaday Salliga Nabiga ||||||
Jumca Wanaagsan, kuna Salliya Rasuulka (SCW).

Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay shirkado lagu eedeeyay in ay Iran ka iibiyaan qalabka ay ka Samayso  diyaarada...
21/12/2023

Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay shirkado lagu eedeeyay in ay Iran ka iibiyaan qalabka ay ka Samayso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones).

Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in tillaabooyinka la fuliyay ee ka dhanka ah shirkadaha shisheeye ee u dirayay Tehraan qalab xasaasi ah.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran sameysatay ayaa loo adeegsadaa dagaalada ka socda bariga dhexe iyo Ukraine.

21/12/2023

AASKA ALLAHA U NAXARIISTE WASIIR KHADIIJA MAXAMED DIIRIYE

Address

Airport Raod
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdishakur Dayib posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share