Mire Midea

Mire Midea Xul iyo xikmad waxaad ka helaysaa fariimo,dhiiri gelino, iyo xogo muhim oo ku saabsan ganacsiga.

Hay’adda Dhawrista Tayada ayaa Digniintan Shacabka la wadaagtay,“Digniin Hay’adda Dhawrista Tayada iyadoo gudanaysa waaj...
14/11/2023

Hay’adda Dhawrista Tayada ayaa Digniintan Shacabka la wadaagtay,

“Digniin

Hay’adda Dhawrista Tayada iyadoo gudanaysa waajibaadka shaqo ee ay masuulka ka tahay, waxa ay bulshada Somaliland u cadaynaysaa in Kiniinka sawirkiisu halkan hoose ka muuqdo magaciisuna yahay EBUFAC ay tahay dawo laga been abuuray shirkada soo saaratay sidoo kalena markii Hay’addu samaysay shaybaadh (testing), kuna dhacday halbeega saamaynaya waxtarka iyo shaqada dawada ( active pharmaceutical ingredients).

Sida darteed waxaanu dawadaas ka saari doonaa dhamaan goobaha ganacsi ee ay taalo sida ugu dakhsaha badan. Bulshada waxa aanu ka codsanaynaa in ay nagu soo wargaliyaan goobkasta oo ay dawada ku arkaan.
Sidoo kale waxa ay Hay’addu bulshada iyo Ganacsatada Dawooyinka u sheegaysa in sharciga lala beegsan doono Shirkad kasta oo ka been abuurta dawada ay dalka keenayso.

Faahfaahinta daawada:
Generic name: Ibuprofen 400mg tablet
Brand name: EBUFAC
Batch Number: ER0512q .”

Baraha bulshadu [Social media] waa fagaare u dhexeeya bulshooyinka caalamka, waana goob aan xudduud u laheeyn.Akhris, dh...
13/11/2023

Baraha bulshadu [Social media] waa fagaare u dhexeeya bulshooyinka caalamka, waana goob aan xudduud u laheeyn.

Akhris, dhageeysi & daawasho, intaaba waad ka dhex heleeysaa baraha Bulshada, balse isku tayo ma ay wada ahan.

Fagaarahaas dadku waxyaabaha ay ku soo ban dhigaan waxaa ka mid ah:
Madadaalo, sheekooyin, aragtiyo, wacyi gelin, casharro cilmi ah, waano, been abuur,
diidmo, buun buunis, af lagaaddo, ammaan & waxyaabo kale oo badan.

Haddaba, yaan la illoobin, in ficil kasta oo aan sameeyno ay keeydinayaan Raqiib & Catiid.

Lana soo bandhigi doono maalinta Aakhiro.!

Alle sw, waxaa uu na leeyahay:

[ وَأَنِیبُوۤا۟ إِلَىٰ رَبِّكُمۡ وَأَسۡلِمُوا۟ لَهُۥ]
صدق الله العظيم.

[u soo noqda Rabbigiin oo u hoggansanma.]
Aayadda 54aad ee Zumar.

17/10/2023

Ninka soomaali madax u noqda ee waalan waaya waa nin adag. Xumaan iyo wanaag midna kagama nabad gelayo. Sida loo wado waxa la gaadhayaa heer la yidhaahdo “ ninkii waynaa wuu tukanayay oo masaajidbuu dhex taagna fool xumadiisi ma arkaysee.”
Dadku hadii ay xumaantana diidayaan , wanaaggana aanay doonayn , tolow waa maxay waxa ay rabaan?

16/08/2023

Dadka badigoodu waxa ay xiiseeyaan inay xidhiidh jacayl oo bilcoon dhisaan, lammane bilcoon oo ay xushmeeyaana la aqalgalaan,gogol naruuro lehna ay wadaagaan ay ku gegelimaystaan. Se ma arkaysid qof u diyaar ah inuu qaato nolosha kakan ee kala aamuska iyo kala didka lammanaha soo dhex gala mararka qaar, dareemista xaalado nafsadeed oo uu dhaawac caadifadeed soo gaadho, xaalado ay ku adkaato noloshu oo uu si ficilloon oo aan haboonayn uga falceliyo, dhammantoodna ay dhabbaha uu u sii marayo natiijada lammankaas wanaaga ku suntan ee uu doonayo. Waxa ay taasi keensanaysa in ay hankaas iyo himiladaas mala’awaalka ah ee ay samaysteen ay meel la kambadhuudhsadaan oo aanay wax hawl ah u badheedhin.

Waana dhibaatada maanta haysata dhallinyaro badan oo qorshaystay inay nolol ku midooban.
Xigasho dhiganaha

Maalinta Carafo Waa Maanta .Waa Maalin Aad U Fadli Badan, Waa Fursad Aad U Weyn Qofka Muslimka Ah Waxa laga Rabaa Inuu K...
27/06/2023

Maalinta Carafo Waa Maanta .

Waa Maalin Aad U Fadli Badan, Waa Fursad Aad U Weyn Qofka Muslimka Ah Waxa laga Rabaa Inuu Ka Faaidaysto Fursada Maalintan, Waa Maalin Ilaaahay Ka Xureeyo Naarta Adoomadiisa, Waa Maalin Danbiya Oo Dhan La Dhafayo, Waana Maalin Ducada La Aqbalo,
Maalinka Carafa Wuu Yimaaday Ducadeycana Waxay Noqonee Mid La Ajiibay, Waxana Wax Aad Loogu Farxo Eh In Maalinka Maanta Ah Alle Imaan Doono Samada Dunida, Markaana Aan Weydiisano Waxwalbo Ood Rabbi Ka Rabno Wana Ognahy Cidkale Aan Asiga Eheyn Mana Siin Karee, Maanta Waa Maalin Ilaahay Rabo Inuu Umadiisa Ka Farxiyo, Siiyana Nimcooyinkiisa, Ilaahay Waa Wanaagsane Caadil Ah, Ma Mooga Inta Baryaysa Oo Gacmaha U Taaganaysa, Ilaahay Waa Ciiltire Inta Baryaysane Wuu Ajiibaya Hadaba Beri Carabkaaga Yuu Ku Ciilin Oo Maalinkan Weyn Shaydaan Yuusan Kaa Mashquulinin.
Ugu Danbeyn Xujaajta Marka Ay Fuulan Buurta Carafo Ayuu Ilaahay Noo Soo Degayaa Samada Aduunyada Waana Xiliga La Aqbalaayo Ducooyinka.
Dadkii H**e Maalinka Carafo Ayay Ducooyinka U Dib Dhigan Jireyn Si Alle Subxanu Watacalaa UBaryaan, Waxaa Jiro Kumanaan Kun Oo Alle Carafii H**e Baryay Maantana Ducadooda Arkay Aynu Maalinkaas Sagaaladka Ee Carafo Soono, Soonkaaso Lagu Dhaafayo Dunuubta Sanadkii Laso Dhaafay Iyo Sanadka Soo Socdo, Suubanaha Salalaahu Calayhi Wasalam Waxa Yiri Duco Waxa Ugu Fadli Badan Maalinka Carafo Wax Layiraahdana Waxaa Ugu Fadli Badan Waxa Aniga Iyo Nabigadii Iga H**eeyay Ay Dhaheyn Taaso Ah
لا إله إلا الله وحده لا شريك له له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير.
عمرو بن شعيب عن أبيه عن جده أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: “خير الدعاء دعاء يوم عرفة، وخير ما قلت أنا والنبيون من قبلي لا إله إلا الله وحده لا شريك له له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير.
Sedex Shay Ku Dadaal Inaad Samaysid Maalinka Carafo.
1)_ Inaadan Qofna Qalbiga Wax Ugu Heyn Kan Wax Ku Geeystay Iska Cafi kan Adiga Wax U Aad Geesatayna Cafis Waydiiso.
2)_ Waxad Ku Dadaasha Inaad Joogtid Meel Cidla Aan Waxba Ku Mashquulinaynin, Kaliya Aad Ku Mashquulaysid Dikriga Ilaahay Iyo Xuskiisa Sida Guriga Meel Ka Mid Ah Ama Masjidka.
3)_ Waxaad ku Dadaasha Inaad Ku Duceysatid Ducadaan

لا إله إلا الله وحده لا شريك له له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير.

25/05/2023

Sidda aad doonayso markasta hadday noloshu kuu ahaan lahayd, waxaad iloobi lahayd inaad tahay "insaan" daciifnimadada iyo inaad qirto inaad addoon tahay waxay ku jirtaa in maalina noloshu kugu adkaato maalina kuu wanaagsanaato.

Illaahay si cilmiyaysan oo xeel dheer ayuu adduunkan iyo basharkaba u abuurtay, ee is dhiibitaanka uun iska ilaali.😊

Maxaad ka baratay xiriiradii h**e?50 qof ayaa la weydiiyey , iisheg hal cashar oo aad ka baratay xiriirkaagi ugu dambeey...
06/05/2023

Maxaad ka baratay xiriiradii h**e?

50 qof ayaa la weydiiyey , iisheg hal cashar oo aad ka baratay xiriirkaagi ugu dambeeyey kaasoo aanad weligaa iloobi doonin?
Aqriso oo wax ka ogoow, sidokale nala wadaag halka cashar ee aad kabaratay oo aad jeclaan lahayd in ay dadka kale uwar hayaan.

1. Xiriirada 90% waa dadaal, in qof lajeclaado wey fududahay lakin marki ay daldaloolo yimaadaan ama khilaafaad uu soo kala dhex galo labada qof waa in ay udadaalaan sidi ay uxalin lahaayeen oo ay dib ugu uhagaajin lahaayeen xiriirkooda. .
2. Marnaba haku bixin dadaal dheeri ah si aad u qanciso ama aad uga farxiso qofkale, waxaa dhici doonta in aad maalin ka qoomamoon doonto sida nacasnimada ah ee aad isugu dayi jirtay in aad iskadhigto wax aadan ahayn.
3. Weligaa ha lumin ixtiraamka naftaada, ha u dulqaadan xushmad darro, waxaad uqalantaa in si wanaagsan laguula dhaqmo, waa in aad lahaataa awood aad uga fogaan karto dhaqamada aan la aqbali karin.
4. Dhageyso si aad u fahanto, ha u dhageysan si aad ujawaabto.
5. Adiga oo ka baqaya cidlo iyo kalinimo ha isaga sii jirin xiriir adan rabin ama ku wanaagsaneen
6. Jacaylku marnaba ma noqon karo wax la dalbi karo, ee waa wax si xor ah loo bixiyo, jacaylka aan ikhtiyaarka lahayn ee qasabka ah ma noqdo mid sii jira.
7. Waqtigu waa qaali, ha ku lumin hana ku bixin dadaal farabadan wax/qof aan rajo lahayn oo aysan kasoo muuqan natiijo isbadal leh.
8. Xiriirka ugu h**eeya waxa uu ubadan yahay in uusan shaqeyn, waayo waxaa laga yaabaa in weli aanad maskax ahaan qaan gaarin oo aanad la macaamili karin dareemada qofka kale, sidaa darteed bisaylnimadu waa furaha xiriir guuleysta, waana xirfad ubaahan in la hormariyo.

‎"Dhamaanteen Ceebo ayaan leenahay, balse Eebbe ceebeheena waa asturaa". Intaan qaado; sida uu Alle ceebahaagu u asturo,...
02/12/2022

‎"Dhamaanteen Ceebo ayaan leenahay, balse Eebbe ceebeheena waa asturaa". Intaan qaado; sida uu Alle ceebahaagu u asturo, si lamid ah adna astur, Ceebaha dadka kale oo ha— faafinin walaal.

‎"كلنا عيوب لولا ستر الله'' 🧡.

13/07/2022

Mararka qaar waxaa laga yaabaa in aadan haysan garab aad ku oydo, lkn waxaad sujuudaada dhigi kartaa dhulka una ooyi kartaa allah maxaa yeelay rabbi wuu maqlayaa ooyintaada kaliya ilaahay ayaa fahmi kara xanuunka qalbigaaga.🥺❤

10/07/2022

6 fikradood oo ilo dakhli dadban ah (passive income)

1- YouTube channel
2- Podcast
3- Suuqgeynta Affiliate
4- Iibinta alaabta dhijitaalka ah
5- Iibinta koorsooyinka tabbabarada
6- Naqshadeynta App-ska ama website-yada kuna xirto Adsense

Send a message to learn more.

Address

Hargeisa 150streate
Hargeisa

Telephone

+252657319584

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mire Midea posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mire Midea:

Share

Nearby media companies


Other Media/News Companies in Hargeisa

Show All