Jeedaalo News

Jeedaalo News Warar sugan iyo Xogo rasmi ah.

28/06/2023
Garaadada Dhulbahante oo hal'adayga iyo mabd'a ka midaysan  ayaa gaashaanka mar kale u daruuray,hadallo aan midh la qaat...
16/02/2023

Garaadada Dhulbahante oo hal'adayga iyo mabd'a ka midaysan ayaa gaashaanka mar kale u daruuray,hadallo aan midh la qaato lahayn oo Geelle Yare ka soo baxay Gadiidkii maanta.
Ma negiday ma nooshahay
Xageed maanta joogtaa

Geelle Yare oo Macallinmiintiisa had iyo jeer canjarafeeya ayaa duqeeyay Siyaad.Waxa uu isla soo alluubay hadallo aan mi...
16/02/2023

Geelle Yare oo Macallinmiintiisa had iyo jeer canjarafeeya ayaa duqeeyay Siyaad.Waxa uu isla soo alluubay hadallo aan midh la qaato lahayn.

15/02/2023

Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyo Gaashaanle Cadiqani Ibraahim oo Ceel'afweyn lagu diley.

14/02/2023

Soo dhowaada dhammaan asxaabta halkan nagala socota,waxa ay in mudda ku kala maqnayn Hawada.Hadda wixii ka dambeeya waxa aynu si joogta ah ugu kala warqaadan doonnaa boggeenan Jeedaalo News isha ku hay oo kala soco xogihii u dembeeyay caalamka iyo Soomaalida ba.

Ma waxan ayaa Qodobbo Shir ah,oo dad waaweyni isla hor fadhiisteen?
11/02/2023

Ma waxan ayaa Qodobbo Shir ah,oo dad waaweyni isla hor fadhiisteen?

Soomaalida ayaan kala baran waayay mise qolo waliba naanays ayay iskala baxdaa aan h**e loogu aqoon?
10/02/2023

Soomaalida ayaan kala baran waayay mise qolo waliba naanays ayay iskala baxdaa aan h**e loogu aqoon?

26/12/2022

Wax iska celintu waa lamahuraan haddii la kala baydhsan waayo iyo haddii aan heshiis lagu ahaanayn nabad.Dilalka iyo dhiigagga la iska qubaayo ma aha,mana qummana in la iskaga dhaafo ILAAHAY HA U NAXARIISTO.
Aano reer iyo Aarsi Qabiil midna maaha,waxan socdaa sid ay ila tahay.Ee waa gumaad iyo gumayn dhanka ay doontaba haka timaaddee.

"....Walaalkaa hadduu daalin yahay,wuu ku dilaaya..."

Haddii reero iyo haybo ay is hayaan iyo hadday maamullo is hayaanba,waa in kala baxaa oo la is kala guraa.Is'huursigan iyo Ishoosaasinkanna meesha laga saaro—"debley hubaysan....dad aan haybtooda la aqoonsan" iyo haddallo aan macno lahayn oo dharaar noolba lagu hadaltirto.

Bulshada deegaanka iyo Shacabku Talo ha yeeshaan.

27/11/2022

dhammaadka caalamka:-
maxay kula tahay haddii dhegahaaga ay ka badtaan wax aanad h**e weligaa iyo Waqaa toona u maqal?sida SUUBANUHU uu sheegay waxa dhammaadka caalamka amaarado iyo astaamo u ah,in Islaamka oo ah diinta Samaawigaa Ilaahayna keligeed ka raalida yahay,ay noqon doonto mid waageeniya. Islamarkaana,dhan walba laga hiro oo laga hororo.Illaa qofka Muslinka ah ee diintiisa- haystaa noqdo, mid dhimbiil kulul baabacada ku haya.

".....بدأ الإسلام غريبا وسيعود غريبا كما بدأ..."

Ha yaabine naftaada iyo intaad ka masuul tahay ayaa xil saaranyahay walaal.

"Xaalada bani’aadanimo oo Xabsiga Madheera taal !Waxa ku xidhan Xabsiga Madheera Maxbuus Daahir Qaasin Cabdalle, da’adii...
20/06/2022

"Xaalada bani’aadanimo oo Xabsiga Madheera taal !

Waxa ku xidhan Xabsiga Madheera Maxbuus Daahir Qaasin Cabdalle, da’adiisu waa 45 jir, wuxuu xidhnaa 16 sano, wuxuu u xidhan yahay Mag qiimaheedu yahay $2000, Somaliland kuma laha ehel iyo qaraabo ka bixiya Magta uu u xidhan yahay muddada dheer. Daahir wuxuu kasoo jeeda Qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, wuxuu haystaa Diinta Islaamka. ummad ahaan xilbaa innaga saaran xorriyadda Daahir. waxaan ka codsanayaa Muxsiniinta iyo dadka wanaaga jecel in ay iska kaashadaan Furdaaminta Daahir. Xafiiska Xuquuqal Iinsaanka Qaranka waxaanu u diraynaa qaylo dhaan in Maxbuuska loo gurmado."

Maxamed Sadiiq Dhamme Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga

Xigasho
Waddani Party

“Muusaw Barigii uu Axmed Aw Cali Shabeel Taliyihii CID-da ee Xukuumaddii Daahir Riyaale, uu fariinta ku usoo diray in la...
19/06/2022

“Muusaw Barigii uu Axmed Aw Cali Shabeel Taliyihii CID-da ee Xukuumaddii Daahir Riyaale, uu fariinta ku usoo diray in lagaa doonayo Xarunta CIDda waadigii intaad Afka gacanta galisay lahaa "Tollaayeey Axmed Aw Cali Shabeel baa i xidhaya", waadigii xamili waayay farriinta ee Ciidanka hubaysan ku xaraystay Guriga.
Maanta oo Cabdiraxmaan Cirro uu ka badbaaday isku daygii dil ee qorshaysnaa, Ciidankii Ilaalinayayna aad Xeryahoodii ugu yeedhay ma waxaad doonaysay in uu isagoo Shacaba aad gurigiisa ka soo ka xaysataan.

Haddii Cid lagu soo eedaynayo Khiyaamo Qaran adigaa Qofka Koobaad noqonaya oo fariin CIDda kaaga timid Ciidan hubaysan Guri ku xaraystay.

Xoghaye Ku-xigeenka wax barshada xisbiga ee WADDANI Mudane Aftax Siciid Jaambiir

DJabouti waxa ka jirta nolol Iscaabin iyo car nuuxso ah. Dadku waxay leeyihiin ma jirto.Maamulka ayaa baahiyaha aas'aasi...
01/06/2022

DJabouti waxa ka jirta nolol Iscaabin iyo car nuuxso ah. Dadku waxay leeyihiin ma jirto.Maamulka ayaa baahiyaha aas'aasiga ahi gacanta ugu jiraan,sababta darteed waxa loogu awood sheegtaa, in biyaha laga– jarayo,laydhka ,gasiinka iyo quudka cidda in uun wax iskaga dayday inay hadal iyo hugun ula jeesato xagga Xukuumadda.

Dadkeeda markaas waxa qassab ku noqotay inay waxaas oo Jawr iyo Jariimo ah,u adkaystaan.Illeen way dhimanayaan haddii kalee.

Keligiitaliyuhu,waxyaabaha uu adeegsado waxa ka mid ah:inuu dadka iyo Shacabka ka maro xagga nolosha iyo tiirarka ay qudhu ku joogto.Marka ay Gaajoodaan ay harraadaan ayuu damcaa inuu yidhaahdo didibsada oo isubaydha.

Muuse waxa cad oo qorraxda iyo dhaydaba ka cad,inuu arrinkaas Maanka ku hayo.Waxna u marag ah;Isdhegamarinta iyo Afdaboolashada Xukuumaddiisu aanay dan iyo daarad toona ka lahayn waxa dhacaya.

Waxa loo baahanyahay intaanay Shacabyahow iman Maalinka idiinkoon isdhaqaajin karayn la idin dhaho 'Jilbajoogsada inaad baraarugtaan.
Shirkadahan dhiigmiiratada ahi,waa halka laydiin soo marayo.Manaxayaasha kootooyinka— xaaraanta la wada siiyay waa Jeedaallada iyo Xawdhadhka la idinkusii jilcinayo.

28/05/2022

Laye' nin Odayabaa geedbaaskii gaadhay–waa Qaadkiiye,wuxu Jeeniga ruxuba goor uu Maan iyo Miyirba laalmay ayuu dabada ka tuntay– habaaska. Hoyaatin u hinqayaa iyo hawl kale haam geliyaaba horta sare joogsay.Waase wuxu rag mariyee(qaadku),isbagaranwaa!! Oo maxaa helay?Waa Waalli iyo caadkeede midh Bariisa saw isuma qaadan.Saw Shimbirtuu arkaba isma odhan gawalla adigay kugu– maqantay.Saw wixii gaadhay ninkaas ma gaadhin!

Cashar baase ku jiree ma ogtahay?;
Isgaranwaa.

Ladnaantii milaygeedu dheeraaday,Indho ka lalintii,Ismoogaysiintii,Waayeelnimadii,Nabaddaa wacantii,—doqoni ma isla garanwayday.

"Ladnaantuba Uunka way'wada luggoysaaye.."

Haweenbaa Xusuus'xumo iyo Illawshiyaba dhawaaye, talow maxaa iskaga eeg!.

28/05/2022
22/05/2022

Caasimada ethopia ee Addis Ababa

Adna waad dhacaysaa waana Sharci.
22/05/2022

Adna waad dhacaysaa waana Sharci.

Maqaaxidii Muuse oo laga canjarafaynayo madaxdii Xisbiyada.
21/05/2022

Maqaaxidii Muuse oo laga canjarafaynayo madaxdii Xisbiyada.

Xildhibaan Laab-saalax ayaa ka qayb galay Xafladda 18-MAY ee Mucaaridku qabsanayaan. Laabsaalax ayaa ka tirsan xisbiga K...
18/05/2022

Xildhibaan Laab-saalax ayaa ka qayb galay Xafladda 18-MAY ee Mucaaridku qabsanayaan. Laabsaalax ayaa ka tirsan xisbiga Kulmiye.

Kala taggan goobaha loo kala asteeyay Xuska 18May ee Burco iyo Berbera.
16/05/2022

Kala taggan goobaha loo kala asteeyay Xuska 18May ee Burco iyo Berbera.

16/05/2022

Xildhibaan Ahmed osman Diiriye Maskaxdii ka dambaysay in shalay doorashadu u dhacdo si habsami leh, waa ninkii ka danbeeyey guusha
madaxwe xassan sheekh Maxamud waana xildhibaanka loo saadaalinayo inuu noqdo Raysalwasaare ku xigeenka cusub ee Somaliya

waana shakhsi samayntiisa leh oo waxbadan ku hogaamin kara dalkeena somalia. Aqoonta iyo kartida dhalinyarada oo laga faaiidaysta waxay keentaa hurumar isfahan buuxa.

hadanu nahay bulshada waqooyi eed ku matasho dawlada cusub adiga iyo dawlada cusuba waanu hambalyeynayaa,

Waanu kugula shaqaynaynaa siyaasada cusub iyo is badalka ka hanaqaaday dawlada federalka somaliya.

Waan hubaa inaad guusha aad gaadhsiisay xisbigaagii iyo madaxweynahagiiba inaad ka midho dhalin karto hawlaha qaran ee ku horyaala.

Horusocka iyo jihada cusub ee aad ku hogaamindoontan dalka ayaa nagu dhiiri galinaysa inaanu taageero qalbiga ah kugu hagar baxno adiga iyo xukumada aad ka tirsan tahayba

Balanteenu waa somali dhexdeeda hishiisa aduunkana la hishiis ah guul iyo gobonimo.

W/Q: Mohamed Ex-Ilkacase

Xildhibaan Ahmed Diiriye Waa Mid ka midah xildhibanada  aad ugu ololeenayay soo bixitaanka Madaxweye Xasan sheikh Maxamu...
16/05/2022

Xildhibaan Ahmed Diiriye Waa Mid ka midah xildhibanada aad ugu ololeenayay soo bixitaanka Madaxweye Xasan sheikh Maxamuud

Waxan leeyahay hamlyo 👏

Farmaajo.
15/05/2022

Farmaajo.

Burco:  Diifta iyo Dayca Ka Muuqda Goobtii Lagaga Dhawaaqay Somaliland 18 May, 1991Qalinka: Cabdinaasir Xassan Diiriye (...
15/05/2022

Burco: Diifta iyo Dayca Ka Muuqda Goobtii Lagaga Dhawaaqay Somaliland 18 May, 1991

Qalinka: Cabdinaasir Xassan Diiriye (Saxaaf)

Halkani waa magaalada Burco, Caasimadda Gobolka Togdheer, waa goobtii lagaga dhawaaqay qaranimada Somaliland Bishii May18-keedii sannadkii 1991-kii. waa goob ku astaysan bud-dhiga qaranimada Somaliland, laakiin haba yaraatee aan helin wixii ay ka mudnayd dadkii qarankan iska lahaa haddii ay noqoto dawlad iyo shacab intaba. Waa goob marka lagaaga sheekeeyo ay ku galayso shucuur qaranimo iyo idiilo taariikheed laakiin marka aad soo booqato waxaas oo dhami waxay isku baddalayaan quus iyo niyad jab taasi oo ay kugu abuurayso dayaca iyo bayhoofka ka muuqda.
Marka ugu horaysaba inta aanad gudaha usoo galin waxay indhahaagu qabanayaan dayaca ka muuqda dayr aad u fool xun oo ka kooban laban aad u burbursan, ood garanwaa iyo tiin dar ilaahay ugu baxay meesha. Haddii aad inyar soo socoto waxaad soo galaysaa gudaha oo ka kooban ugu yaraan afar dhisme marka aad dusha ka eegto aad arkayso in aan lagu samayn wax baadisooc taariikheed ah xitaa qoraal yar oo lagu gartaana waa dan’e.
Haddii aad u gudubto dhismayaasha gudaha waxa kaliya ee ay indhahaagu qabanayaan meel aad mooddo goob xashiish oo aad ka baqanayso in ay wax kale kaaga soo baxaan, sidoo kale waxa kaliya ee ay dhagahaagu maqlayaan waa cododka shimbiro iyo xayawaano buulo casyo ka samaystay goobtan. Meeshu waa goob taariikh u ah qaran dhan oo soddon jirsaday oo leh dawlad iyo shacab ku dhawaad 5 milyan lagu qiyaaso, laakiin aad mooddo goob goblan ka taagan dadkeedii. Waa goob haddii in uun uu damiirkeenu shaqaynayo sidan dhaami lahayd oo noqon kari lahayd matxaf taariikheed iyo goob lagu muuneeyo dhaxalka umaddan.
Waa goob hadii ay ku oolli lahayd ama ay lahaan lahaayeen dad aan innaga ahayni noqon lahayd meel sidan ka nasiib badan. Taasi waxay ku tusaysaa sida ay umaddeenu u tahay ummad aan shalayba lahayn oo aan dib u xusuusan karin wixii lasoo maray iyo sababihii loo soo maray.
Halkan oo kali ah maaha, ee waxa jira goobo iyo taariikho badan oo aan wixii ay mudnaayeen la siinin. Reer Somaliland shacab iyo dawladba haddii aanay sidan wax ka baddalin oo aan wixii dhacay wax laga baran waxay halis ugu jirtaa in wixii dhacay iyo wax kasii xumi ay dhaci karaan.
Reer Somalilandoow ilaahay innaga oo itaal yar ayuu inoo hiiliyay oo uu dhib kasta oo aynu qabnay wanaag iyo nimco innoogu baddalay, laakiin haddii aynaan mahad-naqeena iyo xusuusteeda la iman ilaahay waxba kuma aha in uu nimcadiisa inagala noqdo. Rabbi ha ina garansiiyo taariikhdeena wanaagsan kuwii mahad celiyana ha innaga yeelo. Aamiin

Qore: Cabdinaasir Xassan Diiriye ( Saxaaf)

Jigjiga oon Madaxa la qaadayn doorashada Soomaaliya awgeed.
15/05/2022

Jigjiga oon Madaxa la qaadayn doorashada Soomaaliya awgeed.

Xasan Sheekh.
15/05/2022

Xasan Sheekh.

15/05/2022

Ilaahay iyo aadame toona garan maayo,bal daya Waxaas😡

“ Qof waliba kabaha haku seexdo si aanu u habsaamin marka siidhiga la afuufo “ G/ ku xigeenka Waddani ee Gobolka togdhee...
14/05/2022

“ Qof waliba kabaha haku seexdo si aanu u habsaamin marka siidhiga la afuufo “

G/ ku xigeenka Waddani ee Gobolka togdheer
Ahmed Afyare.

'BK' oo haddana yeedhay!"Madaxwaynaha Waxaan Leeyahay Maadama 90% Dadka Reer Somaliland Mucaarad Yihiin Doorashada Xilig...
14/05/2022

'BK' oo haddana yeedhay!

"Madaxwaynaha Waxaan Leeyahay Maadama 90% Dadka Reer Somaliland Mucaarad Yihiin Doorashada Xiligeedi ku Qabo.

Hadalkii Horana Raali galin baan ka Bixiyay" BK
Daahir

Dalka Shiinaha ayaa sheegay in ay haystaan nin u eeg maal-qabeenka dunida ugu taajirsan ee Elon Musk. Kaas oo aan laga a...
14/05/2022

Dalka Shiinaha ayaa sheegay in ay haystaan nin u eeg maal-qabeenka dunida ugu taajirsan ee Elon Musk. Kaas oo aan laga aqoon Musk. Ninkan oo lagu magacaabo Yilong Ma ayaa ah wiil dhallinyaro ah oo aad ugu eeg gacansadaha reer Koonfur Afrika.

Ninkan oo aad u soo shaac baxay muddooyinkii u dambeeyey ayaa dood badan ka dhaliyey baraha bulshada. Dad badan ayaa ku doodaya in uu yahay gacan ku rimis aan sax ahayn oo lagu sameeyey waxa loo yaqaanno Deepfake. Dadka saxnimada ninkan shakiga ka qaaday waxa ka mida maalqabeenka Elon Musk laftiisa kaas oo dalbanaya in lala kulansiiyo ninka la sheegay in uu u eeg yahay haddiiba uu run yahay!

X/

12/05/2022

Qiimaha Meherka Hoodo garays.

Meherkii Ugu Qaalisanaa Kana duwan kuwii H**e ee Hargeisa ka dhici jiray oo maanta dhacay.

Weriye Hoodo Garays oo maanta Meherkeedu ka dhacay Hargeisa ayaa Waxa laga Bixiyey Yarad $20,000 {Labatan Kun oo Dollar} Gabaati 30,000,000 {Soddon Milyan Oo Somaliland Shilling ah.

Sidoo kale waxyaabaha cajiibka ku ahaa Meherkan ayaa waxa kamid ahaa in Caruusadu Joogtay goobta siiba Aqal Soomaali laga Hor bineeyey Hallka Meherka hortiisa kaas oo ay yaalaan Caano,Cunto dhaqameed iyo Agabka Hiddaha iyo dhaqanka ay u leeyihiin Soomaalidu,Caruusadana halkaasi lagu booqanayey.

10/05/2022

Murashax madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro ayaa saxaafada la hadli doona galinka dambe ee maanta.

09/05/2022

Maxkamadda Ciidanka Millatariga Somaliland maanta ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac oo ka tirsanaa isla ciidanka Milatariga, oo dhawaan magaalada Hargeysa toogasho ku dilay gabadh dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Najma Cabdillaahi Maykal.

X/Khaalid Foodhaadhi

09/05/2022

ku hay muuqalada kana biixi Faallo

"Doorashooyinku uma baahna baala-xoofto"Madaxweynaha JSLMuuse Biixi Cabdi
09/05/2022

"Doorashooyinku uma baahna baala-xoofto"

Madaxweynaha JSL
Muuse Biixi Cabdi

"Sanadkii dhamaaday wuxuu ahaa sanad colaadeed oo ay dagaalamayeen waddamadii dunida ugu dhaqaalaha iyo awooda waynaa.Xa...
09/05/2022

"Sanadkii dhamaaday wuxuu ahaa sanad colaadeed oo ay dagaalamayeen waddamadii dunida ugu dhaqaalaha iyo awooda waynaa.

Xanuunkii Covid19 oo 100 sanno mar dunida soo Mara waxa nasiib wanaag ah in Somaliland ka badbaaday dhibatadiisi badneed.

Dagaal Ruushka iyo Ukraine waa dagaalkii qabooba oo soo noqday, Dunida waxa laga baqayaa in cunto yaraan soo foodsaarto."

Dagaalka Ruush ku qaaday Ukraine waa dagaa
l qabow!!
Isha ku hay.

Khudbad-sanadeedkii Madaxweyne Biixi oo dhawaan bilaabmaysay sida la filayo.
09/05/2022

Khudbad-sanadeedkii Madaxweyne Biixi oo dhawaan bilaabmaysay sida la filayo.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jeedaalo News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share