Weyrax media

Weyrax media pagekan waa pageka rasmiga ah ee wariye saxardiid maxamed wayrax

12/09/2023

Ololaha nadaafadda dawladda hoose ee degmada godobjiraan.

27/06/2023

Godobjiraan:shir ay yeesheen beesha maxamed ciise ee ciise maxamuud ayey baaq ugu direen dawladda iyo mucaaridkii ku dagaalamay caasimadda puntland ee garoowe."waa in laga baaqsadaa isku dhac hubaysan oo keeni karaa khasaare iyo barakicin bulsho wadahadalna lagu dhameeya isfaham waaga jira" ayey tiri beshu.
Sidookale waxay ka codsadeen madaxweynaha inay beshu hesho xuquuqdi ay ku lahayd puntland oo ah saami qaybsiga kuraasta sar-sare ee puntland.

Waxaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Bankiga Dowlada Puntland Mudane Yuusuf Maxamed Fa...
27/06/2023

Waxaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegay
Agaasime Ku-xeenka Guud ee Bankiga Dowlada Puntland Mudane Yuusuf Maxamed Faarax (Geesa Wayne) ee uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Godobjiraan:urur siyaasadeedka mideeye ayaa maanta fagaaraha degmada kuso bandhigay cududiisa iyo taageerayaashiisa degm...
20/05/2023

Godobjiraan:urur siyaasadeedka mideeye ayaa maanta fagaaraha degmada kuso bandhigay cududiisa iyo taageerayaashiisa degmada.

Xildhibaan h**e ahna Gudoomiyaha urur siyaasadeedka mideeye Liibaan C/laahi Cabdi iyo taageerayaashiisa ayaa socod kusoo maray jidadka magaalada iyagoo udabaal degaya maalintooda ololaha oo ahayd maalintoodii ugu dambaysay.

04/05/2023

Godobjiraan allahayow ka dhig beerta raaxada

03/05/2023

Magaalada ugu jidadka wanaagsan Somalia - Amnibadan Garoowe🇸🇴

26/04/2023

Deegaan Xeebeedka Jiifle waxaa uu Degmada Godob jiraan u jiraa 30 KM balse wadada oo xun Aw-geed waxaa uu Gaarigu u socdaa 4 Saac .

Puntland iyo Itoobiya oo yeelanaya xidhiidh ganacsi, wadada Garacad-Tuurdibi iyo qodobo kale oo ka soo baxay Shirweynaha...
15/03/2023

Puntland iyo Itoobiya oo yeelanaya xidhiidh ganacsi, wadada Garacad-Tuurdibi iyo qodobo kale oo ka soo baxay Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Puntland - Akhriso



DEG DEG..rasaas goos-goos ah  iyo dhawaqa hubka fudud Ayaa laga Malay qaybo kamid ah Degaanka dhooba-cantuug ee degmada ...
06/03/2023

DEG DEG..rasaas goos-goos ah iyo dhawaqa hubka fudud Ayaa laga Malay qaybo kamid ah Degaanka dhooba-cantuug ee degmada godob-jiraan.

Xisadaan Ayaa ka dhalatay kadib markii Gudiga doorashooyinka puntland TPEC Ay seejo geeyeen gudaha Magaalada dhooba-cantuug oo aan kamid ahyn goobihii loo asteeyey seejooyinka diiwaan galinta.

Arintaan Ayaa sababtay khilaaf dadka Degaanka dhexdiisa ah,taasoo sabatay Inay hubka isku gurtaan dadkii deegaanku.

16/02/2023

Muuqaalkani: waa hadda & Laascaanood

Madaxweyne Biixi wuxuu ka hadlayaa nabad ku dhawaaqid, ciidankiisuna waxay garaacayaan magaalada iyo guri kasta oo bulshada ah.

12/02/2023

IN AAN ISDIIWAANGALIYO MA AHA WAX AAN CIISE MAXAMUUD KAGA CAREYSIINAYO!

11/02/2023

: Muuqaalkani, waa in kabadan 10-Gaadiidka xamuulka ee Milateriga Jamhuuriyada Jabuuti oo Saanad ciidan iyo Sahay Milateri u qaaday Somaliland, waa kaalmo milatari oo dowladda Jabuuti ku taagereyso Somaliland, dagaalka ay kula jirto dadwaynaha gobalada SSC.

Muuqaalkan ayaa looga qaaday Kaalin Shidaal oo ku taalla Xaafadda Bal-Bala ee magaalada Jabuuti.

Sida aan ogaanay, shalay-galab Aqalka Madaxtooyada Jabuuti waxaa shir kuyeeshay Qoyska Madaxweyne Geelle, oo lakulmaya wafdi kayimi Somaliland, kuwaas oo u yimi si ay dalabkooda hubeed ugu gudbiyaan Madaxweynaha.

Sahayda Milateri oo ka kooban rasaasta qoryaha waa weyn & kuwa ay h**ey Jabuuti u siisay Somaliland ayaa 72saac ee nagu soo aadan soo gaaraya Somaliland.

Tani, waxay sii bidhaaminaysaa shakigii h**ey looga muujiyey in Madaxweyne Geelle si cad ugu lug leeyahay colaada gobalka Sool, isagoo bilowgii dalbaday in uu dhexdhexaadiyo dhinacyada sida ay IGAD sheegtay, mucaaradka Jabuuti ayaa dhawaan cadeeyey in Geelle cadeystay taageerida Somaliland ee dagaalkan.

Madaxtooyada Puntland oo caawa fiidkii sheegtey in ay dadweynaha la wadaagayso 'Deni oo ka hadlaya Laascaanood' ayaa xil...
11/02/2023

Madaxtooyada Puntland oo caawa fiidkii sheegtey in ay dadweynaha la wadaagayso 'Deni oo ka hadlaya Laascaanood' ayaa xilligan sheegtey in cillad-farsamo dib u riddey - Berri ayaa la filayaa in la baahiyo muuqaal caawa laga duubey madaxweynaha oo ka hadlay Laascaanood, Doorashada Puntland iyo Dowladda Xamar.

11/02/2023

Calanka Soomaaliya ayaa 15 Sano kadib caawa ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Cahdiga ay galeen reer Laascaanood iyo Jamaahiirta awoodda badan ayaa ah inaan Laascaano laga taagin calan aan aheyn kan Soomaaliyeed iyo kan maamulka SSC.

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa caawa hadli doona sida ay bahisay Madaxtooyadu.Hadal-jeedinta Madaxwe...
11/02/2023

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa caawa hadli doona sida ay bahisay Madaxtooyadu.

Hadal-jeedinta Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Caawa 11 February 2023.
Saacada 10:15 Pm Fiidnimo.
Goobta Boossso.

11/02/2023

DEG DEG..Laascaanood oo gubanaysa ka dib madaafiic ay ku garaaceen millateriga Somaliland.

Hoggaanka SSC-Khaatumo: "Laascaanood iyo guud ahaanba gobollada   dadkoodi waxa ay go’aan cad ku gaadheen in ay degaanko...
11/02/2023

Hoggaanka SSC-Khaatumo: "Laascaanood iyo guud ahaanba gobollada dadkoodi waxa ay go’aan cad ku gaadheen in ay degaankooda u tashadaan, mana aqoonsana maamulka , wax tabasho iyo wada xaajood ah oo ay Somaliland ka rabaanna ma jiraan, mana aaminsana jiritaanka maamul Somaliland oo wax sharciyad ah ku leh degaankooda. "

11/02/2023

Puntlnd oo Diwaangelinat qof iyo cod berri ka bilaabaysa degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sar ee Puntland ayaa fartay iskuulada iyo jaamacadaha in aan wax shuruudo ah lagu x...
11/02/2023

Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sar ee Puntland ayaa fartay iskuulada iyo jaamacadaha in aan wax shuruudo ah lagu xirin ardayda ka imaanaya magaalada Laascaanood.

“Goobaha ciidenkeena ayaan ku suganahay aniga iyo garaadadii kalaba, waxaan idiin xaqiijinayaa in ciidankeenu uu maalinw...
09/02/2023

“Goobaha ciidenkeena ayaan ku suganahay aniga iyo garaadadii kalaba, waxaan idiin xaqiijinayaa in ciidankeenu uu maalinwalba isagu gacan sareeyay”
Waxaynnu haysanaa ciidan si walba loogu kalsoonaankaro oo xoog badan. Ayaamaha soo socda dhulkeena waynnu ka saaraynaa cadowga doolka ah” ayuu yiri Garaad Jaamac garaad Cali.

Agaasimiihii Mustaqbal Media Avv: Ahmed Isse Gutale  oo Golaha Wasiirada XFS Ay u magacaabeen Hantidhawrka Guud ee Qaran...
09/02/2023

Agaasimiihii Mustaqbal Media Avv: Ahmed Isse Gutale oo Golaha Wasiirada XFS Ay u magacaabeen Hantidhawrka Guud ee Qaranka ka dib soo jeedin ka timid Wasaaradda Maaliyadda.

Qalabka isdiwaan galinta Doorashooyinka Golayaasha degaanka Puntland Ayaa soo gaarey degmada Burtinle Xilli Wali Garoowe...
09/02/2023

Qalabka isdiwaan galinta Doorashooyinka Golayaasha degaanka Puntland Ayaa soo gaarey degmada Burtinle Xilli Wali Garoowe oo ah Caasimada Puntland laga diidan yahay isdiwaangalinta iyo Daah_furka doorashada Gobalka Nugaal .

 : Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo muhiim ah, wakiilada caalamiga ah (C6+) ayaa saacadihii la soo dhaafay dadaal bada...
09/02/2023

: Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo muhiim ah, wakiilada caalamiga ah (C6+) ayaa saacadihii la soo dhaafay dadaal badan ku bixinaya sidii dagaalka Laascaano loo joojin lahaa, waxayna telfoon wada hadal kula yeesheen Isimadda dhaqanka ee SSC, iyagoo Isimaddu ay u sheegeen in aysan dagaal-wadin duulaan lagu soo qaaday, Argagixisana lagu sifeeyey.

Isimadda ayaa u sheegay Beesha Caalamka, in xalka nabadda keenaya uu yahay in ciidanka Somaliland ay tagaan deegaanka Oog, sidaas oo kale wada hadal ay la yeesheen Madaxweynaha SL, waxaana ay u gudbiyeen xalka nabad lagu heli karro & In lagu xisaabtami doono dambiyada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ee dhacay.

WAR-SAXAFADEED.Dowladda Puntland waxay iyadoo ka duulaysa dagaalka gumaadka ah ee ay Maamulka Somaliland ka waddo Magaal...
07/02/2023

WAR-SAXAFADEED.

Dowladda Puntland waxay iyadoo ka duulaysa dagaalka gumaadka ah ee ay Maamulka Somaliland ka waddo Magaalada Laascaanood soo saartay qodobada hoos ku xusan:-

1. Dowladda Puntland waxay cambaareynaysaa xasuuqa ay Ciidamada Maamulka Somaliland ka wadaan Magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada. Waa nasiib darro in Maamulka Somaliland ku tilmaamaan Shacabka Magaalada Laascaano iyo hogaankooda dhaqanka in ay yihiin Argagixiso.

2. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka ahayn dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood, uuna yahay dagaal dadka Shacabka ah ee Reer Laascaanood ay isaga difaacayaan gumaadka ay ku hayaan Ciidamada Somaliland ee muddada 15ka sano ahayd ku haysta Shacabka Magaalada Laascaano caburin, dilal qorshaysan, xarig iyo tacadiyo kaleba si ay qori caaraddiis ugu khasbaan rabitaankooda gooni goosadka ah, una hor istaagaan midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

3. Dowladda Puntland, sidii ay h**eyba u sheegtay, waxay soo dhaweynaysaa in dadka Deegaanka oo ay hogaaminayaan Isimada dhaqanka ay aayahooda ka tashadaan.

4. Dowladda Puntland waxay magacaabaysaa Guddi dadka deegaanka kala shaqeeya gurmadka iyo taakuleynta arrimaha bini’aadantinimada. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay hay’adaha Caalamiga ah ugu yeeraysaa in ay gacan ka geystaan sidii gargaar deg deg loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaalka Magaalada Laascaano iyo kuwa dhaawacmayba.

5. Waxaan Maamulka Somaliland ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u joojiso gumaadka ay dadka shacabka ah ku hayso, kalana baxdo ciidankeeda Laascaano iyo deegaanada kale ee Gobolka.

07/02/2023

"Dawladda Soomaaliya, waxay cadeynaysaa in xaalka Laascaanod yahay, rabitaanka dadka oo la aqbalo, wado kasta oo kalena uga sii darayso, Dawladda FS waxaa ka xilsaaran yahay Midnimada dhuleed iyo tan da'adeed ee JFS, waxayna soo dhaweynaysaa rabitaanka iyo go'aamada Shacabka gobalada Sool, Sanaag & Cayn" Mawqifka DF Soomaaliya.

06/02/2023

Beesha Maxamed Ciise ee ciise maxamuud oo been abuur ku tilmaamay warqad xalay lagu baahiyey baraha bulshada'Sidoo kalana taageeray doorashada Qof iyo Cod

05/02/2023

Mid kamida beelaha degga gobolka Nugaal oo taageertay doorashooyinka goleyaasha deegaanka Puntland,soona dhaweeyay Guddoomiyaha Degmada Godob-jiraan Kaynaan Abdi Jaamac.

Mid kamida beelaha degga gobolka Nugaal oo taageertay doorashooyinka goleyaasha deegaanka Puntland,soona dhaweeyay Guddo...
05/02/2023

Mid kamida beelaha degga gobolka Nugaal oo taageertay doorashooyinka goleyaasha deegaanka Puntland,soona dhaweeyay Guddoomiyaha Degmada Godob-jiraan Kaynaan Abdi Jaamac.

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin oo maanta xilka kala wareegay Taliyihii h**e...
04/02/2023

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin oo maanta xilka kala wareegay Taliyihii h**e ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

 : Ra'iisul wasaarayaal h**e, guddoomiyayaal barlamaan oo h**e, Wasiiro h**e, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed,...
03/02/2023

: Ra'iisul wasaarayaal h**e, guddoomiyayaal barlamaan oo h**e, Wasiiro h**e, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed, ayaa baaq adag ka soo saaray arrinta SSC.

Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay mabda’ ahaan u difaacdo xorriyadaha iyo xuquuqaha muwaadiniinta aaminsan una taagan midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

01/02/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

War—murtiyeedka kasoo baxay shirka Soomaaliya iyo dalalka ciidamadda ku taageeray howlgalka ATMIS ayaa lagu adkeeyay baa...
01/02/2023

War—murtiyeedka kasoo baxay shirka Soomaaliya iyo dalalka ciidamadda ku taageeray howlgalka ATMIS ayaa lagu adkeeyay baahida loo qabo howlgal wadajir ah kana dhan ah Al—Shabaab.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA DEGMADA GODOB-JIIRAAN.Boosaaso: 30 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland ...
30/01/2023

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA DEGMADA GODOB-JIIRAAN.

Boosaaso: 30 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 008 ee 30-ka January 2023, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Degmada Godob-jiraan ee Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasiirka Waasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdulqaadir Cabdisalaan Jaamac (Kaynaan) si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay; Guddoomiyaha Degmada Godob-jiraan ee Gobolka Nugaal.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Bayaanka Nabadoonada Gobolka Nugaal ka soo Saareen diiwaan galinta lagu muransan yahay.
30/01/2023

Bayaanka Nabadoonada Gobolka Nugaal ka soo Saareen diiwaan galinta lagu muransan yahay.

Wasiirka wasaaradda shaqada,shaqaalaha,dhalinyarada iyo cayaaraha puntland ayaa shaqadii ka joojiyey gudoomiyihii dhalin...
30/01/2023

Wasiirka wasaaradda shaqada,shaqaalaha,dhalinyarada iyo cayaaraha puntland ayaa shaqadii ka joojiyey gudoomiyihii dhalinyarada iyo cayaaraha gobolka nugaal
# Siciid Xasan cabdi yabarow

 : Golaha Wasiiradda Faderaalka ayaa meelmariyey  in Jen Sulub Axmed Fidhin, loo magacaabo Taliyaha ciidanka Booliska Fa...
26/01/2023

: Golaha Wasiiradda Faderaalka ayaa meelmariyey in Jen Sulub Axmed Fidhin, loo magacaabo Taliyaha ciidanka Booliska Faderaalka, taas oo meesha ka saartay doonistii garabka Siciid Deni ee jagadan.

Sulub, ayaa hadda ka mid ah golaha wasiiradda, waana wasiir kuxigeenka wasaaradda Duulista Hawada iyo garoomada ee Xukuumadda Faderaalka, waxayna saami qeybsi hoosaad wadaagan Raysalwasaare Xamse.

DEG DEG:waxaa caawa xubinnimadii iyo xog-hayihii urur sincad iska casilay duqii h**e ee degmada garoowe axmed Barre,sido...
25/01/2023

DEG DEG:waxaa caawa xubinnimadii iyo xog-hayihii urur sincad iska casilay duqii h**e ee degmada garoowe axmed Barre,sidookale waxa isna xubinnimadii ururka iska casilay duqii h**e ee degmada gaalkacyo maxamud c/nuur

Maxay kula tahay?

 : Gobollada SSC ayaa markii u horraysay si madax-bannaan loogu daray Mashruuca Barwaaqo oo ay ku kacaya Malaayiin dooll...
25/01/2023

: Gobollada SSC ayaa markii u horraysay si madax-bannaan loogu daray Mashruuca Barwaaqo oo ay ku kacaya Malaayiin doollar kaas oo laga fulinayo dalka oo dhan.

Barnaamijka Barwaaqo ayaa xoogga saaraya Mashaariicda dhanka Biyaha, Beeraha, dhaqashada Xoolaha nool iyo ilaalinta deegaanka. Waxaa sidoo kale qorshaha qoran ku jira, dhismahaha Awoodda hay’adaha dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo wax soo saarka iyo Xoolaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in Mashruucaas laga hirgelin doono Gobollada SSC sida ay shaacisay Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta DFS.

Waxaa xusid mudan in Gobollada SSC markii h**e loo aqoonsanaa dhul lagu muransan yahay islamarkaana aysan heli jirin Mashaariicda Horumarinta.

24/01/2023

Laascaanood oo soo dhoweysey Garaad Cabdillaahi Garaad saleebaan oo ka kicitimey Taleex.

24/01/2023

Tukaraq oo laga dejiyey Calanka Somaliland lagana taagay Kan Somaliya iyo midka Khaatumo.

Address

Godob Jiraan

Telephone

+252907638205

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Weyrax media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Weyrax media:

Videos

Share


Other Godob Jiraan media companies

Show All