Abdulaahi Shaakir

Abdulaahi Shaakir Bulsho

30/04/2022
11/03/2022

Aduunyadatan yaabka ah
Ruuxii la yaaboow
Adigaaba yaabloo
Kula yaabay aniguye
Iyadaaba yaab lehe
Ha la yaabin weligaa

11/03/2022
11/03/2022

Waxbarashadu waa hogaanka hagaaya hayaankaan mustaqbalka ,taas oo horumarinaysa hadafka nolosha .

Hawraartan kooban waxaan hal-abuuray hilaad aan sidaas u fogan , waxaana ku hoga tusaalaynayaa halganka waxbarashada iyo heerkay kala joogaan qofka ugu hagar-baxa aqoonta iyo qofka uu hoday halalacda mala awaalka ah ee dunida kaas oo hurdada door biday kana haajiray halka lagu barto aqoonta.

Jumca wanaagsan saaxiibayaal 💯👏❤

20/02/2022

Hankaagu haduu daciifo
Ogoow guushii ma haysid
Haduu hiigsigu dhamaado
Kalsoonidii waa halowday

20/03/2021
17/01/2021
Dhulka bilicda wacanooBarwaaqadu dhex jiiftooIndhuhu u basaasaanBaladkeena weeyaan❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️Soomaaliya ha noolaato
26/11/2020

Dhulka bilicda wacanoo
Barwaaqadu dhex jiiftoo
Indhuhu u basaasaan
Baladkeena weeyaan
❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️❤️
Soomaaliya ha noolaato

04/10/2020
29/08/2020
23/08/2020
21/08/2020
Raboow sanadkaan biloowdayRaboow kii barakoyeeshayBarwaaqo allow ka yeelRaboow sanadkaan biloowdayBalaayada naga xijaabB...
20/08/2020

Raboow sanadkaan biloowday
Raboow kii barakoyeeshay
Barwaaqo allow ka yeel
Raboow sanadkaan biloowday
Balaayada naga xijaab
Baraariyo khayr ka yeel

Abwaan shaakir xikmaawi

☆ bulshadii islaamkaay☆ cadowgeenii badayaye☆ baryada eebbe kaashada ☆ bulshadii islaamkaay☆ qarixii balbalayiyo☆ bayruu...
05/08/2020

☆ bulshadii islaamkaay
☆ cadowgeenii badayaye
☆ baryada eebbe kaashada

☆ bulshadii islaamkaay
☆ qarixii balbalayiyo
☆ bayruut wixii helay
☆ boogay daqnaayaan
☆ muslimkoow baraaruga
☆ diintu baylah yey noqon

☆ boqoroow allahayoow
☆ bayruut wixii helay
☆ adaa samata bixin kara

☆ boqoroow allahayoow
☆ bulshadii ku dhimatana
☆ janadii ha baal marin

☆ boqoroow allahayoow
☆ inta balalku dhaawacay
☆ dhaqso uga bogsoodeen

☆ bayruut dhibtii xalay
☆ boqorkaa idiin qoray
☆ baryada eebbe kaashada

☆ bushadii islaamkaay
☆ bayruut hadeertaa
☆ ducay baahi uqabtaa
☆ bakhayliin ha noqonina

Alla u naxariiso intii ku dhimatay intii ku dhaawacantayna u booga dhay aamiin aamiin

Abwaan shaakir xikmaawi

♡ suubanay puntland ♡ Saldanadii wacnaydeey♡ Somali koriyaayaa♡ sanad guuro wacanbaan♡ saaka idin leeyahy♡ sool iyo sana...
30/07/2020

♡ suubanay puntland
♡ Saldanadii wacnaydeey
♡ Somali koriyaayaa
♡ sanad guuro wacanbaan
♡ saaka idin leeyahy
♡ sool iyo sanad iyo
♡ sabarada karkaariyo
♡ ilaa sabadka cayniyo
♡ haylaan salkiisiyo
♡ gardafuulka sare iyo
♡ saldhig wacan ilaa bari
♡ suubanay nugaaliyo
♡ sifa wacan ilaa mudug
♡ shacabkaa ku kala sugan
♡ sanad guuro wacan baan
♡ saaka idin leeyahay
♡ aan sii sifeeyee
♡ puntland way saldhigatoo
♡ saqiir maaha maantoo
♡ Saldano weeye qaraweyn
♡ aan sii sifeeyee
♡ dhulku saxara maahoo
♡ dhirbaa eebbe simayoo
♡Saldhig weeye wacano
♡ sabarada bad ku lehoo
♡ aan sii sifeeyee
♡ puntland weeye samaataye
♡ saatiroow allahayoow
♡ silic iyo dhibaatiyo
♡ saxariir ha taabsiin
🇸🇱🇸🇱🇸🇱🇸🇱🇸🇱🇸🇱🇸🇱🇸🇱🇸🇱🇸🇱🇸🇱🇸🇱🇸🇱🇸🇱

Dhul ay gobi Ku nooshahayGeeska afrikana dhacaGoobihii dalxiiska lehGorayadiyo cawshiyoGeeluna Ku nool yahay
28/07/2020

Dhul ay gobi Ku nooshahay
Geeska afrikana dhaca
Goobihii dalxiiska leh
Gorayadiyo cawshiyo
Geeluna Ku nool yahay

¤ waxaa dunida horumara¤ qof han iyo dulqaadloo¤ waqtigiisa hura oo¤ hamigiisu guul yahay¤ waxaa dunida horumara¤ ruux a...
26/07/2020

¤ waxaa dunida horumara
¤ qof han iyo dulqaadloo
¤ waqtigiisa hura oo
¤ hamigiisu guul yahay

¤ waxaa dunida horumara
¤ ruux aan han jabinoo
¤ waqtigana habaystoo
¤ hadafkiisu u cadyahay

¤ balse ruux hurdada jecel
¤ howl qabashadeed neceb
¤ misna guul higsanayaa
¤ riyuu ku haminaayaa

¤ hadaad horumar jeceshahay
¤ ha halayn cibaadada
¤ waqtiga u h**eeyoo
¤ u haboon u qoondee

¤ inaad horumar gaadhona
¤ hadii eebbe kuu qoray
¤ guusha waad helaysaa
¤ hagar baxe adigu noqo

¤ dadka dunida horumaray
¤ hadaf kay lahaayeen
¤ bay u hagar bexeenoo
¤ heer sare ku gaareen

¤ hal door baad u dhalataye
¤ hayska dhigin qof hoosoo
¤ halhays yeysan kuu noqon
¤ anigu howl maqaban karo

¤ hadaa horumar jeceshahay
¤ hadaf hoosta ka xariiq
¤ ha hilmaamin ficilkii
¤ howshaada joogtee

Abwaan shaakir xikmaawi

Dhirta hadii la jara ooDhulka laga dhameeyooLaga dhigo banaan simanQuruxdaani wey dhimanDhulkoo sugul madoowihiDhaayuhuu...
24/07/2020

Dhirta hadii la jara oo
Dhulka laga dhameeyoo
Laga dhigo banaan siman
Quruxdaani wey dhiman
Dhulkoo sugul madoowihi
Dhaayuhuu udar yahay
Dhirta aynu dhowrnoo
Ka dheerayno jaridoo
Qofkii dhiba dhaliilnoo

Dhaqankii dhulkeeneeLagu dhaadan jirayiyoDhaydiyo garoorkiyoCaanihii dhaleedkabaHaatan miyeey dhamaadeenMa dhulkaa abaar...
24/07/2020

Dhaqankii dhulkeenee
Lagu dhaadan jirayiyo
Dhaydiyo garoorkiyo
Caanihii dhaleedkaba
Haatan miyeey dhamaadeen
Ma dhulkaa abaarsaday
Mase dhaqankiibaa lumay?

20/07/2020

Mid u codee xisbiyadaan

Bulsha yahay midnimadaaMeeqaan sarayseeBulsha yahay midnimadaaMaamuus wanaagsaneMideeye yaan lamoogaan
20/07/2020

Bulsha yahay midnimadaa
Meeqaan saraysee
Bulsha yahay midnimadaa
Maamuus wanaagsane
Mideeye yaan lamoogaan

20/07/2020

Duuliyihii Itoobiya ay qabsatay iyo sidii layaabka lahayd ee uu ku soo baxsaday.

Duuliye Weeydoow waxa uu ku dhashay degmada .

Waxa uu wax ku Soo bartay Ruushka, Waxa uu Xeeldheere ku ahaa gad gadoonka miiga waxa uu hawada ku Qori jiray Soomaaliya. Iyo xarfo kale .

Dagaalkii itoobiya 1977 waxaa uu bur buriyay dhufeeysyadii xabashida ee ugu cuslaa
Waxaa Hawada ku Qabtay diyaaradaha dagaalka itoobiya Oo garbaha ka galay xili uu rabay in uu garaaco talis ku dhawaa Addis Ababa.

Raadiyaha itoobiya ayaa laga baahiyay in ay soomaalida ka qabsadeen miig 17 iyo duuliyihii waday. Durba xabashida ayaa biloowday damaashaadka.

Waxa ay ku amreen in uu ku d**o debrezeyit airport. Markuu hubsaday in ay cagaha dhulka saareen kuwii galbinaayay ayna ridi Karin gantaal ayuu Xaweere ugu duulay Hawada asagoo marba dhinac u rogaya miiga si aan loola helin Rasaasta Ciidankii dhulka ee garoonkaas ayaa ku hurgufay sawaariiiq iyo lidka diyaaradaha
Waxa uu Sii duqeeyay talis ciidan waxa uu ka dagey Jabuuti uu shidaal ka qaatay.

Xili ay murugo ku jiraan madaxdii qaranka ayuu gacanka kala hadlay “haloow waa Duuliye Weydoow Oo Ku guda jira shaqadii Qaranka” waxaa lala ilmeeyay Farxad Alalaaska ayaa isqabsaday xarumaha gaashaandhigga iyo Afasiyooni.

Duuliye Sare Cabdullaahi Weeydoow waxaa la siiyay Bilada Dagaalka iyo Geesinimada Ee dahabka ah Geesi Qaran ee ciidankii libaaxyadii Afrika,
Waxa uu geeriyooday 1984
Duuliyihii Afrika Duuliyihii mucjisada Cirka.

Waxaa Codsan jiray in ay Arkaan Duuliyeyaal Caalami ah iyo madaxdii imaan jirtay Soomaaliya.
Waxaa Codsaday in ay Arkaan maxaabiis laga Qabtay itoobiya iyo maamulkii mingiste waana loo Diiday in ay Arkaan.

Suurta Gal Matahay inaad Share Garayso.
Una Soo ducayso.

XIGASHO: Xarbi Fareey

19/07/2020
18/07/2020

marka h**e xogtaydii
aan ku siiyey meeshuu
gacale xaalku kaa maray

magaca eebbe waa kowisagaa mudnaanta leh
18/07/2020

magaca eebbe waa kow
isagaa mudnaanta leh

Baraadarkaygii Dinix Haashim Ku Celcesho🤣

Magaca Eebbe Waa Kow
Isagaa Mudnaanta Leh
Marka Xiga Salaan ay
Macaankiyo Udgoonkuba
Maskaxdiina Saaqaan
Maqaamkii Kitaabka leh
Mulkiyoo Xantoobsada

Maandeeq Warkaa Helay
Oo Midhna Iguma Seegana
Wax Gafana Ma’aad Odhan

Reer Miyi Warkaa Helay
Midhna Iguma Seegana
Mase Liqin Ujeedada

intaad Tidhi Miskiintii
Muxubiyo kalgacalkaad
Iiqabtay mudada Dheer
Samir mawle kaasii
Baad Misana Naleedahay
Yaan Mishin Laguu Dhigin
Maandheey laygu Kaa Dirin
Sidii baan maqsuud Iyo
Iigu Tahay Madhaafaan

Maangaab inaatahy
Saddex meesi baatidhi
Mashquul Koodi baan ahay
Kaaga maarmay Inanyahay

Marwo Dumar Labeentood ah
Miyaa waxaro Gees jaban
Meel lala dhigaa Abid?

Maandheey Jacaylkaad
Reer miyi Uqaadayna
Mid Saqiiray Weeyoo
Mayaqaan Haweenkuba
Meerayaasha Waxa Nool
Meeqaam wax Loo Dhigo
Ama lagu Masaalaba
Marna inaan lahelahayn

Anigaa Maqsuud Iyo
Kaadhigi Mid qaali ah
Hadba Moodhar Kuugadi
Wadanba Maalin Baad Tagi
Kaamaydhi Caashaqaad
Reer Miyi Uqaadaye
Maad Ila Aroos Gali🤣

Yasmin Buuxo🤣🤣🤣

■ kalsoonidu waa hal door■ guushay kuu hogaamisaa■ naftay  hididiilisaa■ hankaagay toosisaa■ walaacay u hanjabtaa■ waxay...
15/07/2020

■ kalsoonidu waa hal door
■ guushay kuu hogaamisaa
■ naftay hididiilisaa
■ hankaagay toosisaa
■ walaacay u hanjabtaa
■ waxay hiiftaa wahsiga

{ ♡ Abwaan shaakir ♡ }

● hamigu waa guusha dhow ● kalsoonidu waa  hal door ● ficilkuna waa lama huraan● hadaa tahay ruux  hanloo ● dunida heer ...
15/07/2020

● hamigu waa guusha dhow
● kalsoonidu waa hal door
● ficilkuna waa lama huraan

● hadaa tahay ruux hanloo
● dunida heer sare ka raba
● hurdada waligaa yaree

● Naftaada horseed u noqo
● halkay ku tiraahdo aad
● ha yeelin adoon Iska hubin

● adigu hagihii ahoow
● caqabadaha ha u han jabin
● talaabada horay u qaad

● waxaa hanti Lagu dhaqdaa
● dunida lagu horumaraa
● hankaagiyo waa dulqaad

● dadbaa jira howsha neceb
● hurdada dhalanteedka jecel
● hankoodoo liita iyo
● ogoow iyagaa is hagraday

● dulqaadkaa lagu hodmaa
● isagaa guul lagu hantaa
● waligaa hoos ha isu dhigin

● ninkii layrkaba hindisay
● Kun jeer buusan guusha helin
● mar qurana ma uu han jabin
● dabeed hulucaa baxuu
● hindisay oo keenayoo
● dulqaad buu taa ku helay

{ ♡ ABWAAN SHAAKIR ♡ }

Magacee u taqaan mirahaan?
12/07/2020

Magacee u taqaan mirahaan?

09/07/2020

* maalmuhu waa caynba cayn
* qof buu ciilaa waqtigu
* qof kale waa caawiyaa
* adigu marna ha u caroon
* cabiidi naftaada oo
* cibaadada eebbe badi

08/07/2020

* si kastoo aad u doodaan
* dumarka aad isu qabataan
* ama aad is diridhaan
* dulqaadkaa la badiyaa
* ragga dumarka dhibo oo
* ceebohooda daba gala
* caqligu waa daciifoo
* damiirkoodu waa folosh
* diintuna maba ogola
* in qof sharafta laga dilo
* Nin ragoo dadnimo lihi
* ficilkaan ma door bido
* cokuyeey damiirkiyo
* diintii maxaa helay
* dhaqankii ma dabar go,ay
* dumarkana mid baan oran
*

Address

Hodan
Garowe
SHAAKIR

Telephone

+252906279838

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdulaahi Shaakir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdulaahi Shaakir:

Share


Other Digital creator in Garowe

Show All