Kulan TV

Kulan TV National Telefishion

Xog hoose oo aan ka helnay magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaysa in xildhibaanka ugu cadcad musharraxiinta xildhibaanada g...
08/12/2023

Xog hoose oo aan ka helnay magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaysa in xildhibaanka ugu cadcad musharraxiinta xildhibaanada gobalka mudug, gaar ahaan beesha Cumar Maxamuud uu yahay Cali-Saciid Ahmed Fagaase.

Wararka qarsoon ee aannu ka helnay magaalada Gaalkacyo yaa sheegaya, in Cali-Saciid Axmed Fagaase uu hadda ka wada magaalada Galkacyo kulamo is-daba joog ah. Oo uu la yeelanayo waxgarad kala duwan ee bulshada, sida: Odayaasha dhaqanka, Culimada reerka, Aqooyahannada, dhallinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada rayidka ahi ay ka kooban tahay.

Xildhibaan Cali-Saciid Axmed Fagaase, oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay Puntland iyo Soomaaliya iyo Hay'ado kala duwan oo caalami ah, ayaa hadda u muuqada in uu yahay shakhsiga ugu dhow, ee ku soo bixi-doona kurisiga beesha Cumar Maxamuud, gaar ahaan jafida reer Khalaf Faarax. Marka loo fiiri aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa iyo sida ay bulshada deegaanku ugu hanwayn tahay, oo ay wax u la jeceshay.

Xogaha hoose, oo aannu helnay ayaa sheegaya in ay dhammaan waxagaradka beeshu isku raaceen in kurisigaas loogu duceeyo Cali-Saciid Axmed Fagaase.

03/11/2023

Watch, follow, and discover more trending content.

Siciid Sadiiq Cabdullaahi, oo ku magac dheer Siciid Codey, ayaa caawa oo taariikhdu tahay 23/Oktoobar/2023 ku dhawaaqay ...
23/10/2023

Siciid Sadiiq Cabdullaahi, oo ku magac dheer Siciid Codey, ayaa caawa oo taariikhdu tahay 23/Oktoobar/2023 ku dhawaaqay in uu u taagan yahay Xilka Xildhibaannimo ee Golaha Wakiilada Puntland 2024.

Codey oo horay u ahaa ganacsade, kana mid ah dhalinyarada ugu firfircoon ee PL, ayaa deegaan doorashadiisu tahay gobolka Mudug.

07/10/2023

TOOS: Garoonka Diyaardaha ilaa barxaddda Garoowe
Soo dhaweynta Musharax Maxamed C. Faroole

07/10/2023

Toos:Soo dhawaynta Musharax Mohamed Cabdirixman faroole oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garowe.

Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland Mudane C.fitaax Sugule oo ay waheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo duqa Burs...
08/09/2023

Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland Mudane C.fitaax Sugule oo ay waheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo duqa Bursaalax ayaa maanta xarigjaray Wadado Laami ah oo laga dhisay Bursaalax.

Munaasabadaan waxaa ka soo qaybgalay Isimada gobolka Mudug, Ganacsatada, Aqoonyahanka Bursaalax.

Wadadaan oo dhan 1km ayaa loo dhisay hab iskutashi Bulsho iyo Dowlad ah, waxaana loo mahadceliyay dhamaan cidii ka qayb qaadatay dal iyo dibadba.

Wadadaan waxaa loogu magacdaray Wadada Xasan Yusuf Dhuux Garabay Allah ha unaxariisto oo kamid ahaa dadkaa asaasay mashruuca Horumarinta Bursaalax.

Waxaa wada dhisay shirkada wadaniga ah ede Kebarco waxaana tayada hubinayay Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA).

Waxaa Magalada Garowe Maanta lagu soo dhaweeyay Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mirre oo dalka dib ugu soo laabtay isagoo ka y...
30/08/2023

Waxaa Magalada Garowe Maanta lagu soo dhaweeyay Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mirre oo dalka dib ugu soo laabtay isagoo ka yimid dalka Canada waxaa ku soo dhoweeyay Garoonka Jen Maxamed Abshir ee Garowe masuuliyiin isugu jira siyaasiyiin ay ka mid ahayeen wasiir ku xigeenka waxbarashada cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, Agaasimaha Duulista hawada Maax Axmed yuusuf Gaboobe, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Ciise Iyo Nabadoonno aqoonyahan iyo Qaybaha bulshada

Ugu horrayn waxaa hadlay oo fiqiga ku soo dhoweeyay Qolka VIP da Wasiir cabdiraxmaan yuusuf Dujaana iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciise ibcad kadibna waxaa fiqigu u mahad celiyay Dadkii soo dhowaynta u sameeyay kadibna waxaa fiqiga loo soo galbiyay Hoyga uu ka daggan yahay Garowe.

06/05/2023
Saynisyahanno reer baraasiil ah ayaa daaha ka qaaday inay heleen noole cusub oo aan weli magac loo bixin laakiin ay ugu ...
06/05/2023

Saynisyahanno reer baraasiil ah ayaa daaha ka qaaday inay heleen noole cusub oo aan weli magac loo bixin laakiin ay ugu yeedheen Maskii bilaa indhaha ahaa (Blind Snake)

Adigu magac ubixi hadii Lagu Dhaho Maxaad ubixin lahayd?

GAROWE:-Dhalinyarada,Hal-doorka iyo qeybaha shacabka oo u balansan maalinta berito banaanbax wayn oo lagu taageerayo qad...
04/01/2023

GAROWE:-Dhalinyarada,Hal-doorka iyo qeybaha shacabka oo u balansan maalinta berito banaanbax wayn oo lagu taageerayo qadiyada shacabka Gobolka Sool iyo muujinta dareen lagu cambaareynayo dhibaatadii maamulka Somaliland uu ka geystay Shacabka magaalada Laascaanood ayaa lagu qaban doona Barxada Garowe.

Cusbitaalka Qardho oo lagu tababarayo dhakhaatiirta maaraynta xanuunka caruuraha.Waxaa cusbitaalka Qardho ka furmay taba...
05/12/2022

Cusbitaalka Qardho oo lagu tababarayo dhakhaatiirta maaraynta xanuunka caruuraha.

Waxaa cusbitaalka Qardho ka furmay tababar la siinayo 26 dhakhtar oo ka timid dhamaan maamul-goboleedyada soomaaliya, tababarkaas oo ku saabsan maaraynta cudurada caruurta ka yar shanta sano.

Waxaa iska kaashanaya Wasaarada cafimaadka dawlada Puntland iyo dawlada federaalka, waxaana fududeeyey hay’adaha bahwadaagta la ah wasaaradaha ee WHO iyo UNICEF, waxaa dhakhaatiirtaan ay ka hawl-geli doonaan dhamaan deegaanada Soomaaliya.

Cusbitaalka Qardho ayaa ka mid ah xarumaha caafimaad ee bixiya, Adeegada caafimaad ee ugu balaaran gudaha Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur oo ay weheliyaan Wasiirada Qorsheyn...
05/12/2022

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur oo ay weheliyaan Wasiirada Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa 150 Geed ku wareejiyay Degmada Shaxda, Iyadoo Masuuliyiintu ay maanta beereen Geedihii u h**eeyay.

Mashruucan dhireynta ah ayaa waxaa iska kaashanaya Dhaq-dhaqaaqa dhalinyarada ee Green Hope Movement iyo Dowladda Puntland, waana qeyb ka mid ah Olalaha caanka noqday oo Green Hope Movement ay waday muddooyinkan.

Waxaa saaka magaaladda Garowe ka qabsoomay Munasabada Daahfurka diyaarinta qorshaha 5ta sanno ee Waaxda Tayo dhowrka Bad...
05/12/2022

Waxaa saaka magaaladda Garowe ka qabsoomay Munasabada Daahfurka diyaarinta qorshaha 5ta sanno ee Waaxda Tayo dhowrka Badeecadaha Puntland oo ay goob joog ka ahaayeen Wasaaraddaha Ku midaysan Waaxda Tayo-dhowrka Badeecadaha Puntland:

1. Wasaaradda Ganacsiga,Warshada & Maalgashiga
2. Wasaaradda Caafimaadka
3. Wasaaradda Beeraha
4. Wasaaradda X.Xoolaha
5. Wasaaradda Kalumaysiga
6. Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha
7. Wasaaradda Hawlaha Guud

Waxaa kale oo kaso qayb galay masuliyinta shaybaarka tayo-dhowrka iyo shirkada SOREDCO oo diyarinaysa qorshaha Waaxda Tayo-dhowrka Badeecaha (2023-2027).

Waxaa ka hadlay Wasiiradda Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga, Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda, Beeraha iyo Waraabka, Tamarta iyo Biyaha iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka sidoo kale waxaa goob joog ahaa oo ka hadlay Agaasimaha Dekadda Garacad.

Taliye ku xigeenka Ciidanka booliska DPL S/guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa magaalada Garowe ka furay Tababar ku saabsan ka...
05/12/2022

Taliye ku xigeenka Ciidanka booliska DPL S/guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa magaalada Garowe ka furay Tababar ku saabsan ka hortaga ladagaalanka tahriibka iyo danbiyada abaabulan iyo wada shaqeeynta guud habkii la iskugu xiri lahaa Hay’adda Booliska Aduunka ee INTERPOL & Booliska Puntland.

Tababarka oo soconaya labo maalmood waxaa ka qayb galay Tliye ku xigeenka labaad ee ciidanka booliska DPL S/Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed,Saraakiil kasocday INTERPOL,
Saraakiisha Ciidamada Dakadda Bosaso ee Qeeybta Bari , Saraakiisha Ciidamada PMPF, saraakiisha CID da iyo Hay’adda Forensic Lab waxaana bixinaya saraakiil sare oo ka socda INTERPOL.
Taliye ku xigeenka Ciidanka booliska DPL S/guuto Caydiid Axmed Nuur oo furay kulanka aqoon korarsiga ah ayaa saraakiisha qaadanaysa tababarkan muhiim ka ah ku booriyay in sida ugu mudan ay uga faa'iidaystaan dhammaan mudada uu socdo.

Sawirro: Qaybtii labaad Xaflada qalinjabinta 16aad ee jaamacadda  .
05/12/2022

Sawirro: Qaybtii labaad Xaflada qalinjabinta 16aad ee jaamacadda .

05/12/2022

Wasaarada kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Dawlada Puntland ayaa Magaalada Garoowe ka Daah-furtay Tababar soconaaya Mudo laba bari ah oo looga hadli doono , dood-wadaaga Sahaminta Suuqyada Ganacsiga Kalluunka Puntland,
Waxaa Furitaanka ka Qayb galay Wasiirada ,Kalluumaysiga, Ganacsiga, Tamarta,Beeraha, Caafimaadka, Isuduwaha wasaarada kaluumaysiga ee Gobolka Nugaal, Masuuliyiin ka socota Wasaarada kaluumaysiga iyo Ganacsatada ka shaqaysata Kalluunka Garoowe.

Waxaana Daah-furtay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada Dawlada Puntland.

05/12/2022

Garowe : koox loo sameeyay dayactirka dhirta Garowe

Sawirro: Xaflada qalinjabinta 16aad ee jaamacadda  .
05/12/2022

Sawirro: Xaflada qalinjabinta 16aad ee jaamacadda .

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Daah-furay Shirka dibu-eegista Mashruuc...
05/12/2022

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Daah-furay Shirka dibu-eegista Mashruuca JPLG iyo Qorshaha Sanadka 2023.

Kulanka oo soconaya mudo Laba Maalmood ah yaa looga hadlayaa guulaha la taaban karo ee laga gaaray Mashruuca Maamul baahinta Puntland (JPLG,) wejigiisa Sadexaad, Caqabadaha jiray iyo Qorshaha wejiga xiga ee mashruuca.

Shirka oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Maamul baahinta Puntland waxa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha bahwadaagta la ah Mashruuca, Guddoomiyayaasha degmooyinka mashruucu ka socdo, Hay’addaha taageera Maamul baahinta iyo masuuliyiin kale.

Ururka Dawladaha hoose ee Puntland ALGAPL ayaa Magaalada Qardho kusoo gabagabeeyay tababar socday labo cisho ah.Ururka D...
24/11/2022

Ururka Dawladaha hoose ee Puntland ALGAPL ayaa Magaalada Qardho kusoo gabagabeeyay tababar socday labo cisho ah.

Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL) ayaa Degmada Qardho kusoo gabagabeeyay kulan socday mudo labo cisho ah kaas oo ujeedkiisu yahay in lagusoo bandhigo siyaasadaha iyo habraacyada jira ee maaraynta musiibooyinka.

kulanka waxaa kasoo qayb galay hay’adaha ka shaqeeya arimaha ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka, bulshada rayidka ah iyo xildhibaanada golaha desgaanka, waxaana looga dooday siyaasadaha jira ee khuseeya maaraynta musiibooyinka iyo kala cadaynta daldaloolada jira iyo sida ugu sahlan ee lagu horumarin karo.

Waxaa soo xiray kulanka oo ugu horayn hadlay, Abshir CLi Muus oo ka tirsan madaxda ururka Algabal, waxa uuna sharaxay natiijada kulanka.

Qaar ka mid ah ka faa'idaystayaasha tababarkaan ayaa ka hadlay, waxyaabaha ay isla meel-dhigeen mudadii uu tababarku socday.

Wasaaradda Haweenka Puntland oo Garoowe ku qabaneysa xuska 16-ka maalmood ee ka hortagga tacadiyada haweenka ka dhanka a...
24/11/2022

Wasaaradda Haweenka Puntland oo Garoowe ku qabaneysa xuska 16-ka maalmood ee ka hortagga tacadiyada haweenka ka dhanka ah.

Hal-kudhigga sanadkaan 2022 waa "jooji kufsiga" maalmaha uu socda ololahaan ayaana la filayaa in isbedel weyn lagu sameeyo arrimo badan.

 : Qaybta 3-aad: waxa soo gabagaboobay doorashadii guddoonka ardayda oo soo bilaabatay saakay 7:00AM (subaxnimo) soona d...
24/11/2022

:
Qaybta 3-aad: waxa soo gabagaboobay doorashadii guddoonka ardayda oo soo bilaabatay saakay 7:00AM (subaxnimo) soona dhammaatay 3:00pm (galabnimo).
Waxaa soo xiray guddoomiyaha guddiga doorashada, waxana goor dhow bilaabanaya tirinta codadka.

Guddoomiyaha Degmada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geedi, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Amniga Caasimadda, ...
24/11/2022

Guddoomiyaha Degmada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geedi, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Amniga Caasimadda, oo ay ka qeybgaleen Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada, Xoghayaha , Taliska Qeybta Booliska iyo Taraafikada iyo Guddoomiyeyaasha xaafadaha ee Degmada Garoowe.

Kulanka ayaa looga hadlay warbixinta Amniga Caasimadda iyo deegaannada hoos yimaada, Shaqooyinka amni ee socda iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo Amniga, Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay shaqada socoto isagoo muujiyay in loo baahanyahay in lasii dardargeliyo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) oo uu weheliyo taliye ku-xig...
24/11/2022

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) oo uu weheliyo taliye ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Cabdulqaadir Axmed-Khayr Muuse ayaa maanta kormeeray Kulliyadda tababarka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee General Cali-nuur Garoowe.

Ujeedada kormeerka ayaa ahayd u kuurgelidda Cutubyo katirsan Ciidanka Asluubta dowladda Puntland oo tababar loogu diyaarinayo kulliyadda General Cali-nuur ee Magaalada Garoowe.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), ayaa ciidanka ku booriyey inay u diyaar garoobaan tababar dhammaystiran oo dhinac walba ah, kana faa'iidaystaan macalimiinta bixinaysa.

Intaas kadib, Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), ayaa shir guddoomiyey kulankii Khamiis-laha ahaa ee Saraakiisha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Dawladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa m...
24/11/2022

Ku-simaha Madaxweynaha Dawladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Dardargelinta Doorashooyinka, dhacdooyinka iyo Waxqabadka todobaadka iyo Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ee Ku saabsan xummadda kusoo badanaysa deegaannada Puntland.

Ardayda, University of Bosaso - Garowe  ayaa saaka u dareeray doorashada Guddoomiyaha ardayda Jaamacadda.Boqollaal ka mi...
24/11/2022

Ardayda, University of Bosaso - Garowe ayaa saaka u dareeray doorashada Guddoomiyaha ardayda Jaamacadda.

Boqollaal ka mid ah ardayda ayaa saf ugu jira sidii ay u dooran lahaayeen Guddoomiyaha cusub.

Ku simaha Taliyaha qaybta gobolka Nugaal ahna Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka G/le Maxamuud Muuse Bile ayaa shir Guddo...
24/11/2022

Ku simaha Taliyaha qaybta gobolka Nugaal ahna Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka G/le Maxamuud Muuse Bile ayaa shir Guddoomiyay kulan looga hadlay Amniga Gobalka Nugaal iyo howlgalada socda.

Kulanka waxaa ka qayb galay taliyaha saldhiga Garoonka Diyaaradaha Garowe G/sare Axmed Cabdi Xirsi Jeego iyo Taliyaasha saldhigyada magaalada.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saaray xoojinta amniga Caasimada Puntland iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Booliska ay ka sameeyeen daafaha Magaalada, laguna Xoojinaayay ka hortagista falalka Gurucan,ladaalanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo Argagixisada si looga hortago.

Ku simaha Taliyaha qaybta gobolka Nugaal ahna Taliye ku xigeenka qaybta gobolka G/le Maxamuud Muuse Bile ayaa sheegay in muhiim ay tahay xoojinta amniga dalka, isla markaana looga hortago falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca, si wada jir ah waxa kaloo warbxiin ka dhageystay Taliyaasha Saldhigyada iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan kuwaas oo warbixin dhameestiran ka dhiibay amniga Gobalka Nugaal.

Xaafadda Mubaarak Garowe, Xaafaddii 5aad ee ka faa'idaysata wacyigelinta madasha PDEC FORUM.Madasha PDEC FORUM  Ayaa Xaa...
22/11/2022

Xaafadda Mubaarak Garowe,
Xaafaddii 5aad ee ka faa'idaysata wacyigelinta madasha PDEC FORUM.

Madasha PDEC FORUM Ayaa Xaafadda Mubaarak ee magaalada Garowe ku qabatay tababar iyo wacyigelin ku saabsan nidaamka doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland.

Madasha oo kaashanaysa maamulka Xaafadda Mubaarak ayaa kulan iskugu jiray tababar iyo wacyigelin u qabatay bulshada Xaafadda.

Waa Xaafaddii 5aad ee madashu wacyigelinta ka samaysay.

PDEC FORUM

SAWIRRO: Xulka kubada cagta Sacuudi Carabiya ayaa 2-1 kaga talaabsadey dhigiisa Argentina ciyaar ka tirsaneyd heerka gro...
22/11/2022

SAWIRRO: Xulka kubada cagta Sacuudi Carabiya ayaa 2-1 kaga talaabsadey dhigiisa Argentina ciyaar ka tirsaneyd heerka group-yadda Koobka Aduunka ee Qadar oo uu martigeliyey garoonka Lusail Stadium.

Taliyaha ciidanka booliska DPL S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa maanta furay shirka warbaahinta iyo laamaha amniga kaa oo...
22/11/2022

Taliyaha ciidanka booliska DPL S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa maanta furay shirka warbaahinta iyo laamaha amniga kaa oo ay kaqayb galeen xarumaha warbaahinta iyo Ururada bulashada rayidka ah.

Kulamada warbaahinta iyo laamaha amniga ee socday shantii sano ee lasoo dhaafay ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Warbaahinta iyo police-ka.

22/11/2022

Mid ka mid ah dhalinyarada Garowe oo bogaadiyay shaqada ay hayaan kooxda loo xil saaray dhirta Garowe .

22/11/2022

Taliyaha ciidanka booliska Dowladda Puntland S/guuto Muumin Cabdi Shire ayaa furay kulanka warbaahinta iyo laamaha amniga.

Xafiiska Hantidhawraha Guud DFS oo soo saaray warbixintiisa sanadkii h**e .
22/11/2022

Xafiiska Hantidhawraha Guud DFS oo soo saaray warbixintiisa sanadkii h**e .

Wasiirka Caafimaadka Puntland iyo Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ku kulmay deegaanka Sarmaanyo oo lagu aasay Garaad ...
22/11/2022

Wasiirka Caafimaadka Puntland iyo Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ku kulmay deegaanka Sarmaanyo oo lagu aasay Garaad Saleebaan

Sacuudiga Haweeney Guri dabaq ah u iibisay Gabadhii Ninkeedu La Guursaday.Ninka Qabay ayaa ka Qariyey in uu Xaas Labaad ...
22/11/2022

Sacuudiga Haweeney Guri dabaq ah u iibisay Gabadhii Ninkeedu La Guursaday.

Ninka Qabay ayaa ka Qariyey in uu Xaas Labaad La Guursaday isagoo Sheegay in uusan Doonayn in uu Niyada Ka Jabiyo , Gadaal ayeyse Ka Ogaatay iyadoo La Cajabtay Qaabka Ninkeedu Qalbigeeda udhowrayo.
Waxa ayna Go,aansatay in ay Booqato oo Ka Farxiso Gabadhii Lala Guursaday iyadoo u iibisay Guri weeyn oo Dabaq ah.

Kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta degmada Wadajir magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee Maxamed Xuseen ...
22/11/2022

Kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta degmada Wadajir magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee Maxamed Xuseen Sebriye oo ku magac dheeraa Guuleeyste, sida uu sheegay goobjooge. Waxa uu ka mid ahaa musharixiintii ku tartamay kursiga Aqalka Hoose [Hop #33], kaasoo uu ku guuleystay Xildhibaan Yuusuf Kabaale.

21/11/2022

"Khilaafyada halaga tanaasulo" Senator Faroole

162 Qof ayaa ku dhimatay Dhul-gariir ka dhacay Jasiirada Java ee Dalka Indonesia .
21/11/2022

162 Qof ayaa ku dhimatay Dhul-gariir ka dhacay Jasiirada Java ee Dalka Indonesia .

Ciidamada Dowlada Somali oo Diley Labo hor jooge ka tirsan alshabab?Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ku...
21/11/2022

Ciidamada Dowlada Somali oo Diley Labo hor jooge ka tirsan alshabab?

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed ayaa saaka hawlgal qorshaysan ku dilay laba horjooge oo ka tirsan Al-shabaab sida ay tebisay wakaaladda SONNA.

Ciidamada ayaa Hawlgalkaas ka fuliyay Tuulada lagu magacaabo Dhursheen oo qiyaastii 35km u jirta degmada Xuddur ee Gobolka Bakool.

Wakaaladda SONNA oo xiganaysa mas’uul degaanka ah ayaa sheegtay in hawlgalkaas lagu dilay Axmed Moorogaabeey iyo Cali Garweyne oo kamid ahaa horjoogayaasha Al-shabaab

Address

Garowe

Telephone

+254797106338

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kulan TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kulan TV:

Videos

Share