Xogsan Media

Xogsan Media Xogsan media kala soco warar sugan

Madaxweynaha Dalka koonfur Africa Cyril Ramaphosa Ayaa waraaqihii Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Maxamed Sheikh isaaq ...
09/04/2024

Madaxweynaha Dalka koonfur Africa Cyril Ramaphosa Ayaa waraaqihii Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Maxamed Sheikh isaaq Safiirka cusub ee Soomaaliya u Soo magacowday Dalka koonfur Africa.

08/04/2024

Dowladda Soomaaliya ayaa codsi u gudbisay Midowga Afrika kaaso ah in ciidamo caalami ah ay yimaadaan Soomaaliya kuwaaso howlgalka kala wareegi doon ciidamada ATMIS oo dalka ka bixi doona bisha December ee 2024.

Muqdisho: Maxk**adda Ciidamada Soomaaliya ayaa dil toogasha ah ku xukuntayTaliyihii saldhigga degmada Heliwaa, Cabdifata...
06/04/2024

Muqdisho: Maxk**adda Ciidamada Soomaaliya ayaa dil toogasha ah ku xukuntayTaliyihii saldhigga degmada Heliwaa, Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye & Kabtan Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, iyada oo loo haysto dilka ganacsade Marxuum Abuukar Axmed Kaabax.

Sidoo kale Maxk**adda Ciidamada ayaa 15 Sanno oo Xabsi ciidan ah ku ridday Liibaan Maxamed Cumar, halka Maxamed Cadaawe Cali, Yaasiin Cabdi Jaamac iyo Xasan Dhiin-dhiin lagu xukumay 10 sanno oo xabsi ciidan ah.

Maxk**adda ayaa sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax denbi ah ku wayday.

23/02/2024

Dowladda Turkiga oo sharraxada ka bixisay heshiiska ay la gashay Soomaaliya ee dhanka iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha ayaa sheegtey in heshiiskan hadda looga gol leeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhanka difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya.

“Haddii ay naga codsato Soomaaliya, waxaan gacan ka geysan doonnaa dhanka amniga badda, waxa aan ka caawin doonnaa sidii ay u horumarin lahayd awooddeeda si ay ula dagaallanto falalka sharci-darrada ah iyo kuwa aan caadiga ahayn ee ka socda baddeeda." - Ayey yidhaahdeen mas'uuliyiin u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkida.

21/02/2024

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa meelmariyey Heshiis Amni Badeed oo ay Soomaaliya lagashay Dawladda Turkiga, waxaana heshiiska mudadiisa yahay 10 sano, Turkigu ay awood buuxda u leeyihiin maamulida iyo Difaaca Biyaha Soomaaliya.

Madasha waxaa laga xaqiijiyey in ay Soomaaliya u baahan tahay dalweyn oo difaaca Qaranimadeeda, kaasna uu noqon karro Turkiga.

Heshiiska oo loo akhriyey golaha wasiiradda, waxaa laga sheegay madasha in heshiiskan fulintiisa ay 24 saac gudahood ku bilaabanayso, Haddii layku dayo xeebaha Soomaaliya in lagu xadgudbana ay ciidanka Turkigu u dagaalami doonan difaaca Biyaha Soomaalida, (Sida ay Ankara u difaacan oo kale).

30% Aaga dhaqaalaha Baluuga ah, kheyraadka laga helo ayay qaadanaysaa Turkiga, waxayna dhisi doonan ciidanka Badda oo laqalabeeyey, si ay masuuliyda ula wareegaan.

Kalluumeysiha sharci darada ah ee ay dalalka Shisheeye kujariifaan xeebaha dalka ayay la dagaalami doonaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaadey in saaka ciidanka Itoobiya u diideen in uu ka baxo Hotelkii isla ...
17/02/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaadey in saaka ciidanka Itoobiya u diideen in uu ka baxo Hotelkii isla markaana uu raaco gaadiidkii u qaadi lahaa xaruuntii uu ka dhici lahaa shirka Midowga Afrika taas oo ku kalliftay in uu xaruunta u raaco baabuur uu lahaa madaxweyne kale oo ka mida madaxda qaaradda Afrika ee shirka ka qayb gashay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale intaa ku sii daray mar labaad lagu hor joogsaday isaga iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle in ay galaan xaruunta Midowga Afrika.

Jigiiga: Abiy Axmed oo xadhiga ka jaray wershad soo saari doonta Roodhida iyo daqiiqda taas  oo la sheegay in ay xaaskii...
13/02/2024

Jigiiga: Abiy Axmed oo xadhiga ka jaray wershad soo saari doonta Roodhida iyo daqiiqda taas oo la sheegay in ay xaaskiisu hir gelisay.

09/02/2024

"Hooyo iyo aabbe ayaa is qabtay, aabbe ayaa feedh isha uga xaday hooyo; ka dibna hooyo waxa ay wacatay laba wiil oo iga weyn oo ay oday kale u dhashay, ka dibna qolka ayey la galeen aabbe; markaan is dhahay ka qabo ani ayey bud igu dhufteen, toorreeyo ayey la dheceen anoo leh; ha dilina aabbahay, ayuu dhintay."

Wiil yar oo ka hadlaya dhacdada ninka la sheegey in xaaskiisu ku dishey Muqdisho xalay, ayaa sidaasi u sheegey warbaahinta.

Qoysaska is dilaya ayaa ku soo badanaya caasimadda, welise dowladdu faahfaahin k**a bixin waxa ay salka ku hayaan.

08/02/2024

Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa ku guulaystay doorashadii shalay dalkaas looga dareeray isaga oo helay 92% ka mida codadkii la dhiibtay.

Aliyev oo dalkaas soo hoggaaminayey tan iyo sannadkii 2003 kii, waxa guushiisa sannadkan sabab u ahayd soo celintii gobolka Nagorno Karabakh oo dalkaas 30 ka maqnaa.

Dadka reer Azerbaijan ayaa u muuqda in ay Madaxweynahan abaal celin kursiga uga dhigeen maaddama oo u dalkaas dib ugu soo celiyey gobolkii muddada dheer ka maqnaa.

08/02/2024

Taliyihii Sirdoonka Itoobiya, Temesgen Tiruneh ayaa noqday Raysal wasaare ku-xigeenka dal kaasi, isaga oo beddeleya Demeke Mekonnen, oo xilkan hayey tobankii sanno ee u danbaysay.

Safiirkii h**e ee Qaramada Midoobey u fadhiyey Addia Ababa, Taye Atske Selassie, ayaa isna noqday Wasiirka Arrimaha-dibedda Itoobiya.

Magacaabistan oo uu sameeyey Raysal wasaare Abiy ka dib kacdoonno kaga furmay gobolka Amxaarada ayaa waxa maanta meelmariyey Baarlamanka dal kaasi.

DEG DEG Ciidanka dowladda oo la xaqiijiyey inay gacanta kusoo dhigeen Ninkii Xaaskiisa Muqdisho ku gubay kadibna baxsada...
05/02/2024

DEG DEG

Ciidanka dowladda oo la xaqiijiyey inay gacanta kusoo dhigeen Ninkii Xaaskiisa Muqdisho ku gubay kadibna baxsaday.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sigidda Qaranka ayaa gacanta kusoo dhigay Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda.

Ciidanka Nabad Sugidda oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogay eedeysanaha ayaa ugu dambeyn kasoo qabtay deegaanka Caad xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay

Shiinaha ayaa dhisay hal fooq oo 30,000 [Sodon Kun] oo qof dejiyey, tiro ka badan degmo Soomaaliya ah.Haddiiba ay Soomaa...
05/02/2024

Shiinaha ayaa dhisay hal fooq oo 30,000 [Sodon Kun] oo qof dejiyey, tiro ka badan degmo Soomaaliya ah.

Haddiiba ay Soomaali tahay 15milyan immisa dabaq ayaa qaada?

DEGMADA QARDHO
02/02/2024

DEGMADA QARDHO

Dowladda UK ayaa shaaca ka qaadday in ay dowlad madax-banaan u aqoonsan doonto Falastiin, marka ay hirgasho xabbad-jooji...
01/02/2024

Dowladda UK ayaa shaaca ka qaadday in ay dowlad madax-banaan u aqoonsan doonto Falastiin, marka ay hirgasho xabbad-joojinta lagu howllan yahay ee Qasa, iyada oo aan la sugin heshiis k**a dambays oo dhexmara Falastiiniyiinta iyo Israa'iil - Xoghayaha Arrimaha-dibadda ee UK, Cameron

01/02/2024

Dowladda Mareykanka: "Waxa aan la wadaageynaa Midowga Afrika, IGAD, Hey'adaha caalamiga iyo badi dalalka Afrika in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.. Heshiiska is-afgaradku wuxuu wax u dhimayaa halganka ka dhan ah AS oo Itoobiyana qayb ka tahay.

Waxa aan taageersan nahay wada-hadallada dadka Soomaaliyeed [Somaliland iyo DFS] ee mustaqbalkooda ku saabsan."

Garacad:Dekadda Garacad waxaa ka soo dagay qalab cusub oo loogu talo  galay dhammaystirka janbiyada dekadda iyo dhismaha...
31/01/2024

Garacad:Dekadda Garacad waxaa ka soo dagay qalab cusub oo loogu talo galay dhammaystirka janbiyada dekadda iyo dhismaha jidka wadaagsin.

Soomaaliya ayaa yeelatay xaruntii ugu horreysay ee lagu hubiyo bedqabka diyaaraha, laguna dayactiro.Blue Hangar oo laga ...
31/01/2024

Soomaaliya ayaa yeelatay xaruntii ugu horreysay ee lagu hubiyo bedqabka diyaaraha, laguna dayactiro.

Blue Hangar oo laga dhisay gudaha garooonka Aadan Cadde waxaa hirgeliyay shirkadda Aerosom oo ay maalgashadeen ganacsato Soomaaliyeed.

Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho wuxuu maalin kasta martigeliyaa in ka badan 130 duullimaad. Mana jirto xarun lagu dayactiro diyaaraddii ay cillad qabsato, taas oo sababtay in ay u safraan Kenya iyo Uganda, si loo hubiyo bedqabkooda. Waxaase maanta baahidaas dabooshay, oo ay hadda ka dib adeeggaas ka heli doonaan Blue Hanger, oo si casri ah loo qalabeeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulamo kula qaatay Madaxweynaha da...
31/01/2024

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulamo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi Sergio Mattarella iyo Ra'iisal Wasaare Giorgia Meloni.

30/01/2024

Sacuudi Carabiya: Haweeney ayaa ku gadatay funaanada ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo adduun dhan $125,000 oo doollar.

Cristiano Ronaldo ayaa xilligan ah xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda kubadda-cagta, taasi oo ay ka dhigtey Kooxda Al-Nasar ee isla Sucuudi Careebiya.

30/01/2024

Meydka wiil 8-sanno jir ah ayaa laga helay meel ka baxsan magaalada Gaalkacyo, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay baadi goobayeen ehelkiisa.

Wiilka oo ka lumay xero barakac ayaa saaka la helay, waxaana meydkiisa ka muuqda nabaro muujinaya in bahal cunay, sida laga arki karo meydkiisa.

"Ma jiro wax muujinaya in dil loo gaystay ama xubno muhiim lagala baxay", sida waxa inoo xaqiijiyay sarkaal la tirsan booliiska degmada Gaalkacyo.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo raalligelin ka baxiyey hadallo uu dhawaan ku duray Soomaalida.
28/01/2024

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo raalligelin ka baxiyey hadallo uu dhawaan ku duray Soomaalida.

Itoobiya ayaa u dirtay Qaramada Midoobay bayaankan, si loo baajiyo dood uu Golaha Ammaanka ka yeesho is-afgaradkii ay Ad...
27/01/2024

Itoobiya ayaa u dirtay Qaramada Midoobay bayaankan, si loo baajiyo dood uu Golaha Ammaanka ka yeesho is-afgaradkii ay Addis Ababa la gashay Hargeysa.

Itoobiya, waxa ay sheegeen in ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ogeysiiyeen, iyaga oo tilmaamay in ay doonayaan deked ganacsi oo qaybna ka ah iskaashigii ee kala dhexayn jiray Somaliland.

Garoowe Puntland Somalia.
27/01/2024

Garoowe Puntland Somalia.

Maxk**adda sare ee dalka Kenya ayaa sheegtay inay sharci darro tahay in dalkaasi uu booliis u diro dalka Haiti. Maxk**ad...
27/01/2024

Maxk**adda sare ee dalka Kenya ayaa sheegtay inay sharci darro tahay in dalkaasi uu booliis u diro dalka Haiti. Maxk**adda ayaa intaa ku dartay in Golaha Amniga Qaranka uusan awood sharci u lahayn in ciidamo Boolis ah loo diro dalka dibadiisa, sida uu qabo dastuurka.

Talaabadan ayaa meesha ka saaraysa qorshaha ay dowladdu ku doonayso inay ku dirto ciidamo gaaraya 1,000 booliis, si ay gacan uga geystaan ​​la dagaalanka kooxaha dambiilayaasha ah ee Haiti.

Ururka Midowga Afrika ayaa ka hadlay heshiiska dhaxe maray  Itoobiya iyo Soomaliland.Qoraal kasol baxay Midowga Afrika a...
05/01/2024

Ururka Midowga Afrika ayaa ka hadlay heshiiska dhaxe maray Itoobiya iyo Soomaliland.
Qoraal kasol baxay Midowga Afrika ayaa lagu yir”guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa si dhow ula socday xiisadda ka dhalatay saxeexa Heshiiskii Is-afgaradka ee dhexmaray Itoobiya iyo Gobolo ka mid ah Soomaaliya (Somaliland).

Gudoomiyuhu waxa uu ku baaqayaa in la is dejiyo oo la is ixtiraamo si loo qaboojiyo xiisada ka dhex aloosan Dawladaha Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu ku boorinayaa labada dal inay ka fogaadaan fal kasta oo si ula kac ah u horseedi kara inuu xumaado xariirka wanaagsan ee u dhexeeya labada waddan ee deriska ah ee Bariga Afrika.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, wadajirka dhulka iyo madax-bannaanida buuxda ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Akhriso:-Habraaca doorashada Madaxwayanaha iyo madaxwayne ku-xigeenka Puntland
05/01/2024

Akhriso:-Habraaca doorashada Madaxwayanaha iyo madaxwayne ku-xigeenka Puntland

Weli Itoobiya waxa ka socda dabaal dega lagu soo dhowaynayo heshiiskii shalay dhex maray raysal Abiye Axmed iyo madaxwey...
02/01/2024

Weli Itoobiya waxa ka socda dabaal dega lagu soo dhowaynayo heshiiskii shalay dhex maray raysal Abiye Axmed iyo madaxweyne Muusi Biixi.

Halkani waa magaalada Assosa ee deegaanka Banshanguul ee Itoobiya.

Nuxurka Go'aanka dowladda Soomaaliya ee Heshiiskii la sheegay in Ethiopia iyo Soomaaliland ay ku wada gaareen Adis-Ababa...
02/01/2024

Nuxurka Go'aanka dowladda Soomaaliya ee Heshiiskii la sheegay in Ethiopia iyo Soomaaliland ay ku wada gaareen Adis-Ababa.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa booqday magaalada Kherson oo kamid ah magaalooyinka uu sida xooga leh uga ...
23/03/2023

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa booqday magaalada Kherson oo kamid ah magaalooyinka uu sida xooga leh uga socdo dagaalka udhexeeya Ciidamada Ukraine iyo kuwa Ruushka.
Booqashada ayaa imaanaysa xilli uu Ruushku sii wado weerarada uu ku haya magaalooyinka Ukraine.

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa la filayaa in ay maanta oo Khamiis ah ansixiyaan qorshe lagu dedejinayo in hub la gaarsiiyo ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira duulaanka Ruushka.

Qorshahan oo ku kacaya 2 bilyan oo dollar ayaa waxaa horraantii toddobaadkan ansixiyay wasiirrada arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga ee Midowga Yurub.

Hogaamiyayaasha Ukraine ayaa u sheegay xulafada reer galbeedka in milatariga Ukraine ay baahi degdeg ah u qabaan saanad dheeri ah, oo ay qeyb ka yihiin noocyada kala duwan ee madaafiicda.

Address

Gaalkacyo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogsan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xogsan Media:

Share



You may also like