Mahad Macalin Abshir Jiiqeeye

Mahad Macalin Abshir Jiiqeeye Halkaan Waa Pageka Rasmiga Ah Ee Aad Kala Socon Kartaan Wararka Iyo Warbixinada Arimaha Deegaanka

Garoonka diyaaradaha degmada Afbarwaaqo ayaa kadegtay diyaaradii ugu hoewysayiyaasi Liibaan Axmed Xasan oo fulinaya bala...
05/09/2023

Garoonka diyaaradaha degmada Afbarwaaqo ayaa kadegtay diyaaradii ugu hoewysayiyaasi Liibaan Axmed Xasan oo fulinaya balantii uu h**ey uga qaaday bulshada reer Afbarwaaqo ayaa diyaaraddii ugu h**eysay maanta ka dejiyay Garoonka diyaaradaha Degmada Afbarwaaqo ee Gobalka Mudug oo dhawaan dhismihiima Wajiga koowaad la dhameeyay

Waxaana arintaas ka mahadceliyay bulshada Reer Afbaraaqo oo isku duuban oo uu ugu h**eeyo Suldaanka guud ee beesha Reer Nimcaale Suldaan Xasan Cilmi Fagaas.

31/08/2023

Doolar qaate doonimayno "Banaanbaxayaal doonaya cadaalad ayaa maantay Gaalkacyo ku qabtay isu soo bax".

Booliska Soomaaliya ayaa war saxaafadeed kasoo saaray xariga wariye Bulbul.WARSAXAAFADEED. EEDEYSANE, WARIYE MAXAMED IBR...
31/08/2023

Booliska Soomaaliya ayaa war saxaafadeed kasoo saaray xariga wariye Bulbul.

WARSAXAAFADEED.

EEDEYSANE, WARIYE MAXAMED IBRAHIM BULBUL OO MARKII LABAAD MAXKAMAD LA HORGEEYAY.

17/Aug/2023 Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID, ayaa u soo xiray wariye Bulbul ka qeyb ahaanshiyaha Gal-dacwadeed ka furan Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ay baaristiisa gacanta ku hayaan Ciidanka Boliiska C.I.D-da. kaas oo ay ku wehliyaan laba xubnood oo ka tirsan Ciidanka Boliiska.

16/Aug/2023, Wariye, Maxamed Ibraahim Bulbul, ayaa baahiyay muqaalka uu kaga warbixinayo waxa uu ku sheegay Musuqmaasuq “Lacag loogu talagalay Boliiska Muqdisho oo la Boobay iyo Saraakiil gadoodsan". Muuqaalka ayuu ku sheegay warbixin been ah oo aan sal iyo raad toona laheyn, gaf iyo meel ka dhacna ku ah sharafka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Wariye Bulbul, waxa uu leeyahay qareen ku matala dacwadda waxaana shalay 29/Aug/2023 markii labaad la horgeeya garsoorka Maxakamadda Gobolka Banaadir.

Waxaan Bulshada Soomaaliyeed, ehelkisa, Suxufiyiinta, Ururada Xuquuqul Insaanka iyo cidkasta oo daneynaysa xasuusinaynaa in wariye bulbul uu yahay muwaadin la dacweyn karo isna wax dacweyn kara isla markaasina aan wax xadgudub ah lagu sameyn misna loola dhaqmo sida ugu haboon ee muwaadin la soo dacweeyay loo la dhaqmo.

Ugu danbeyn kiiskiisa waxaa ku socota baaris, iyada oo la dhowrayo sida Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka u dagsan qeexayaan.

"Ilaali Sharciga ha ku Ilaaliyee"

Mahadsaniidiin.

Banaanbax cadaalad loogu raadinaayo Bilan Xaashi Gaab, ayaa maantay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mud...
31/08/2023

Banaanbax cadaalad loogu raadinaayo Bilan Xaashi Gaab, ayaa maantay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Dadkaas ayaa watay boor ay ku dhaganyahiin Eedaysanaha iyo Marxuumada.

Allaha u naxariisto Cabdirashiid Maxamed iyo Maxamuud Baari waa laba dhalinyaro ah oo u geeryooday shilgaari oo saaka ay...
21/06/2023

Allaha u naxariisto Cabdirashiid Maxamed iyo Maxamuud Baari waa laba dhalinyaro ah oo u geeryooday shilgaari oo saaka ay ku galeen koontaroolkii h**e ee magaalada Boosaaso.

Gaalkacayo: In ta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku dhimatay laba kalena waa ku dhaawacmeen weerar ka dhacay deegaanka D...
21/06/2023

Gaalkacayo: In ta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku dhimatay laba kalena waa ku dhaawacmeen weerar ka dhacay deegaanka Daaru-salaam.

Saddexda qof ee dhintay waxa ku jira Guddoomiye ku-xigeenkii deegaanka iyo imaam masaajid, mashaqadan ayaana la sheegey in ay salka ku hayso aano-qabiil.

Xigasho Adaado media

DEG DEG - Diryanka hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Garoowe hadda ka bilaabatay.
20/06/2023

DEG DEG - Diryanka hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Garoowe hadda ka bilaabatay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug mudane Maxamad Xaashi Dhoorre ayaa maanta caasimadda Galmudug kusoo dhaweeyay ...
19/06/2023

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug mudane Maxamad Xaashi Dhoorre ayaa maanta caasimadda Galmudug kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirrada Waxbarashada ee maamul goboleedyada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda,Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya Mudane faarax Sheekh cabdulqaadir ayaa magaaladda Dhuusamareb ee Caasimadda Dowladda Goboleedka Galmudug ka furidoona shirka Waxbarashada Soomaaliya ayna qayb kayihiin Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada.

Magaalada Garoowe wadooyinkeeda qaybtood waxaa saaka ku sugan Ciidamo ka amar qaata mucaaradka diidan furista Dastuurka ...
19/06/2023

Magaalada Garoowe wadooyinkeeda qaybtood waxaa saaka ku sugan Ciidamo ka amar qaata mucaaradka diidan furista Dastuurka iyo hab maamulka Nidaamka Doorashada Qof iyo Cod ee xukuumadda Dani .

Ciidamada Dawladana waxaa u xiran wadooyinka muhiimka ah ee gala xarumaha Dawladda sida Baarlamaanka iyo Madaxtooyada , waxaana dhaq dhaqaaqayadan ciidan sababeen in cabsi soo wajahdo shacabka magaalada , xaafadaha qaybtoodna u diyaar garoow barakac ayaa ku soo kordhay.

Xeraale, 18, June, 2023: Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Omar Mohamed Dii...
18/06/2023

Xeraale, 18, June, 2023: Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Omar Mohamed Diiriye (Omar Gureye) Ayaa gaaray Degamda Xeraale Ee Gobolka Galgaduud.

Xildhibaano ka tirsan Galmudug, masuuliyiinta maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Galabtay wafdiga wasiirka ku soo dhaweeyey degmada Xeraale.

Ujeedka Safarka Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug aya ah dardar-galinta dhismaha Golaha degaanka ee degmada Xeraale.

 :- Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray weerarkii xalay ay khawaarijta ku qaadeen hotel ku y...
10/06/2023

:- Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray weerarkii xalay ay khawaarijta ku qaadeen hotel ku yaalla xeebta Liido oo lagu magacaabo Pearl Beach.

Taliska Ciidanka Booliiska waxa ay sheegeen in dhibbataas ay ku naf waayeen 6 muwaaddin oo shacab ah, 3 askari oo ka mid ah kuwii ku howlanaa badbaadinta dadka iyo dhaawaca oo gaaraya ilaa tobban qof.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali oo safar shaqo ku jooga Degmada Towfiiq ayaa kulan kii 3aad oo mira ...
07/06/2023

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali oo safar shaqo ku jooga Degmada Towfiiq ayaa kulan kii 3aad oo mira dhala la qaatay Nabadoonada iyo Maamulka Degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug.

Nabadoonada iyo Wax-garadka Degmada oo Fulinaya Qodobadii Fadhigii 2aad loogu soo jeediyey ayaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug ku wareejiyey Furkii(Qoryihii) ayagoona ku dhawaaqay in ay qaaten Xabad Joojin rasmiya.

1- Waxay keeneen Furkii(qoryihii) ay Ardaaladu haysteen kuna wareejiyeen Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal.

2- Waxay ku baaqeen Xabad joojin dhab ah isla markaana ayu u muujinayaan walalahooda Xurguftu dhexmartay dabacsanaan, Samafal iyo inay ka xunyihiin waxa dhacay oo aysan marna raali ka ahayn.

3- Nabadoonada iyo Waxgaradka Degmada Towfiiq waxay fidiyeen Gogol Nabadeed iyagoona Gogosha dhigay Dagmada Towfiiq sidoo kale waxay ka codsadeen walaalahood Xurguftu dhexmartay in ay ka aqbalaan Magaalada Towfiiqna Gogoshuna taalo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali oo kulanka soo xiray ayaa sheegay ilaa gogosha iyo wadahadalada Nabadeed ay ku guulaystaan maahane in aysan meel kale usocon, isagoona umahadceliyey dhamaan Nabadoonada iyo waxgaradka sidii ay ufuliyeen qodobadii ay horay ugu soo jeediyeen gogosha iyo xabad joojintana ugu dhawaaqeen, sidoo kale Gudoomiyaha ayaa tilmaamay Nabada iyo Wadajirka Bulshadu inay wax walba saldhig u tahay Qarnigaan lagu jirana marna aysan udul qaadan karin aqbaleen in dad Soomaaliyeed dirir dhexmarto.

06/06/2023

Odayaal ka hadlay arin xasaasi ah oo dhaqanka ka dhex taagan
Shareably

05/06/2023

Subac macaan. Goorma kugu danbaysay

05/06/2023

Soo dhoweyntii Shiiq Cown Al-Quduumi.
Digri.

03/06/2023

Xildhibaan cabdiraxman cabdishakuur " naftayda halis ku gashay mudo kororsi waan diiday"

03/06/2023

Xildhibaan odawaa mooshinka waandiiday "Baarlamanka markuu hogaaminaayo Abshiro ayaa jeclahay sababtoo ah waa ciyaal xaafadeed"

Dagaal xoogan oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa ka socda degaanka ina Diiday oo Hoos taga degmada Af-barwaaqo e...
03/06/2023

Dagaal xoogan oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa ka socda degaanka ina Diiday oo Hoos taga degmada Af-barwaaqo ee Waqooyi bari Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa u dhexeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda degaanada Qoryoweyn iyo Towfiiq oo hoos yimaada degmada Af-barwaaqo.

Khasaare dhimasho iyo Dhaawac isugu jira ayaa ilaa hadda lasoo wariyay, kaas oo kala gaaray labada dhinac.

Lasoco Faahfaahinta.

Ciidamada, Deegaanka GUBADLEEY" ayaa gacanta ku dhigay Ninkii 0.5, u dilay Nin, Xoolaley ahaa, oo uu rabay inuu ka qaato...
03/06/2023

Ciidamada, Deegaanka GUBADLEEY" ayaa gacanta ku dhigay Ninkii 0.5, u dilay Nin, Xoolaley ahaa, oo uu rabay inuu ka qaato lacag baad ah, oo aan ganbasho laheeyn.

Ku Simaha Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Gudoomiye ku xigeenka Degmada Eng maxamed Cabdi Cilmi oo ay wehliyaan Xoghayaha Do...
03/06/2023

Ku Simaha Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Gudoomiye ku xigeenka Degmada Eng maxamed Cabdi Cilmi oo ay wehliyaan Xoghayaha Dowladda Hoose iyo Lataliyaha Sare ee Degmada ayaa maanta xurunta Dowladda Hoose kula kulmay masuuliyin ka socotay Hay'adda UNHCR.

Xubnahaan ayaa Ku Simaha Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Maayar ku xigeenka Degmada Gaalkacyo kala hadlay sidii loo dar dar galin lahaa Barnaamijka Xalka waara ee lugu taageeraayo dadka barakacyaasha ah ee Magaalada Gaalkacyo.

Ku Simaha Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Gudoomiye ku xigeenka Degmada Eng maxamed Cabdi Cilmi ayaa la wadaagay Masuuuliyiinta UNHCR qorshayaasha Maamulka Dowladda Hoose ay ku wajahayso wax u qabashada dadka barakacyaasha ah ee Magaalada Gaalkacyo.

02/06/2023

Beesha reer qaliir " Gogogashii aan dhignay wali wey taala".

Shareably

01/06/2023

Qaar kamid ah Culimada dagamad Ceelguula oo ka hadlay halkay ku danbaysay dood cilmiyeed ka dhaci lahaa magaaladaas.

Shareably

 :- Ergeyga arrimaha ganacsiga u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu magacaabo Khadar Faroole ayaa laga hor istaag...
31/05/2023

:- Ergeyga arrimaha ganacsiga u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu magacaabo Khadar Faroole ayaa laga hor istaagay safar uu ugu soo ambixi lahaa magaalada Muqdisho.

Khadar oo ku sugan garoonka Gen. Abshir Haamaan ee magaalada Garoowe ayaa lagu wargeliyay in uusna safri karin, maadaama uu qayb ka yahay afar xubnood oo dhaawan waaran loo jaray.

Source:cali aadan

31/05/2023

Shiiq Mustafe Xaaji " Reer galbeed waligood dadka oma diidin inay masaajidyada galaan balse waxay ka weeciyeen dhaqanka"

Shareably

29/05/2023

Wasiir falagle "madaxweynaha Galmudug ayaa ii soo diray halkan".

DEGDEG: Mucaaradka Nairobi ku nasanaya oo kasoo hor jeestay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah.Shacabku iney ...
29/05/2023

DEGDEG: Mucaaradka Nairobi ku nasanaya oo kasoo hor jeestay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah.

Shacabku iney ku ciil baxaan Codkooda maxay u diidayaan?

Doorashada wadanka Turkiga waxaa ka soo baxday natiijo aysan mahdin wadamada Reer Galbeedku.
28/05/2023

Doorashada wadanka Turkiga waxaa ka soo baxday natiijo aysan mahdin wadamada Reer Galbeedku.

27/05/2023

Sheikh Hussein Cali Jabuutawi Oo wacdi Qiimo badan Goob Fagaare ah uga jeediyay Bulshada Degmada Cadaado.
Masha allah.

Shareably

27/05/2023

TOOS "Wadaadkii Oo Diinta Aqrinaa Ayaa Hadane Beentii Daldalaa"

Sheekh Saciid Sheekh Muxumed

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan ...
27/05/2023

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Xubinihii Golaha Sare ee Dawladdii dhexe ee Soomaaliya.

26/05/2023

Natiijada Hordhaca ah ee doorashada Golayaasha deegaanka ee dagmooyinka ay maamulka putland ka arimiso.

Lasoco.

Natiijada Hordhaca ah ee Golayaasha deeganka labada dagmo Ee Gaalkacyo iyo Boosaaso. Lasoco waxii soo kordha.
26/05/2023

Natiijada Hordhaca ah ee Golayaasha deeganka labada dagmo Ee Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Lasoco waxii soo kordha.

Wasaaradda Arrimaha gudaha XFS ayaa Warmurtiyeed kasoo saartay Shirkii Muqdisho ugu soo dhamaaday Madasha Maayarada Soom...
26/05/2023

Wasaaradda Arrimaha gudaha XFS ayaa Warmurtiyeed kasoo saartay Shirkii Muqdisho ugu soo dhamaaday Madasha Maayarada Soomaaliya kaas oo Wasaaraddu qabatay.

Dawladnimada macaankeeda waxaa dareemaysaa markii maamulkaaga uu dhinaacaga taaganahay si uu u codeeyo. Gudoomiye xasan ...
25/05/2023

Dawladnimada macaankeeda waxaa dareemaysaa markii maamulkaaga uu dhinaacaga taaganahay si uu u codeeyo.

Gudoomiye xasan jidka.

Degaanada Maamulka Puntland oo saakay Dadka Qaar u jarmaadeen Doorashada Goloyaasha degaanka Degmooyinka Gobolka Bari iy...
25/05/2023

Degaanada Maamulka Puntland oo saakay Dadka Qaar u jarmaadeen Doorashada Goloyaasha degaanka Degmooyinka Gobolka Bari iyo Qeybo ka mida Mudug.

Gobolka Nugaal ayaa ka qeybgalay doorashadaan kadib markii ay ka horyimaadeen Siyaasiinta ka soo jeeda Gobolkaas, isla markaana ay ku tilmaameen doorashada mid uu rabo in madaxweyne Deni uu ku shubto.

Aragtidaada Nala wadaag?

Puntland oo Qasan iyo doorashooyinkii oo la joojiyay.Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Puntland oo Joojiyay Doorash...
24/05/2023

Puntland oo Qasan iyo doorashooyinkii oo la joojiyay.

Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Puntland oo Joojiyay Doorashada Golayaasha Degaanka ee degmooyinka Gobolka Nugaal. Kadib Xiisado ka dhan ah doorashada oo ka taagan Magaalada Garoowe.

Gaadiidkii loogu talagay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada afbarwaaqo ayaa laga sagootiyey magaalada gaalkacyo xa...
24/05/2023

Gaadiidkii loogu talagay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada afbarwaaqo ayaa laga sagootiyey magaalada gaalkacyo xarunta gobalka mudug kuwaasoo kuwajahan Degmada

Sagootinta waxa goobjoog ahaa
_lataliyaha Mw galmudug
_ xoghayaha degmada gaalkacyo
_Agsimaha arimaha bulshada gobalka
_ gudoomiyaha xaafada howlwadaag
_ Caaqil dhiin sh cabdi iyo qaar kamid ah bulshad gaalkacyo

24/05/2023

Ganacsato lagu eedaynaayo kiis xasaasi ah oo lageeyey maxkamada Gobolka Banaadir.

24/05/2023

Shirka Madasha wadatashiga qaran oo ka furrmay muqdisho iyo Putland oo lagu qancinwaayey ka qeybgalka shirkaas.

Share

24/05/2023

Shiiq Mustaf "Qalooca dhanka dhaqanka kaga dhacay dhalinyarada".

Share and Like.

Address

Istaan Hobyo
Gaalkacyo
3456

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mahad Macalin Abshir Jiiqeeye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mahad Macalin Abshir Jiiqeeye:

Videos

Share