Docol Media

Docol Media Docol Iyo Dalkoo Idil kala Soco Xog Rasmi ah Boggeenna
Kala Duwanaashaha Afkaartu Ma ahan Dagaal!.

05/01/2024

HAMBLYO AROOS, DOCOL

Aroos Aan isaga Oo Kale horay loo arag!

Aroosyada Ka dhaca Docol waxaa Astaan u ah In lagu galbiyo Nebi Ammaanka Csw, Gabayo Duco ah Iyo Dardaaran Waayeel

Hambalyo Liibaan Colaad maxamuud iyo Bishaaro Isxaaq Maxamed
بارك الله لكما وبارك عليكما وجمع بينكما في خير
Docol Media

04/01/2024

Dhammaan Ururrada Caalamiga ah sida; Midawga Yurub, Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa si adag uga soo Horjeestay Damaca Qaawan ee Itoobiya. Waxa aynna si Buuxda u taageereen Madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Docol Media

Warbixin Lagu Daabacay Bogga Facebook ga ee Majalladda  Addis Standard ee kasoo baxda  Magaalada Addis Ababa: Itoobiya- ...
02/01/2024

Warbixin Lagu Daabacay Bogga Facebook ga ee Majalladda Addis Standard ee kasoo baxda Magaalada Addis Ababa:

Itoobiya- : Bayaan uu soo saaray Afhayeenka Midowga Yurub ee ku saabsan midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

1-dii Janaayo, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad oo ku saabsan in Itoobiya ay hesho badda.

Ururka wuxuu jecelyahay in uu xasuusiyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan.
Docol Media

Xil. Mahdi Maxamed Khadar Guuleed ayaa si adag Cambaareeyay Heshiis ku Sheeggii beenta ahaa ee ay Shalay ku kala Saxiixd...
02/01/2024

Xil. Mahdi Maxamed Khadar Guuleed ayaa si adag Cambaareeyay Heshiis ku Sheeggii beenta ahaa ee ay Shalay ku kala Saxiixdeen Addis Ababa Ra'iisulwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhammaaday ee Maamulka Somaliland Muusa Biixi Cabdi.

Fadlan Qiyaas yaa qaadi doonna Koobka Galmudug mise Jubbaland.
02/01/2024

Fadlan Qiyaas yaa qaadi doonna Koobka Galmudug mise Jubbaland.

02/01/2024

Aabbaan ilaa Xalay ma seexan waxa uu la gam'i waayay dhiigga Waddanimo ee ku jira.

02/01/2024

GO'AANKA DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA EE KA DHANKA AH XAD-GUDUBKA ETHIOPIA EE BADDA SOOMAALIA

Docol Media

Dhammaan Madaxda iyo Siyaasiyiinta Miisaanka leh ee Soomaaliya ayaa Cambaarayn iyo Falcelin adag ka bixiyay Heshiis ku S...
02/01/2024

Dhammaan Madaxda iyo Siyaasiyiinta Miisaanka leh ee Soomaaliya ayaa Cambaarayn iyo Falcelin adag ka bixiyay Heshiis ku Sheeggii beenta ahaa ee ay Shalay ku kala Saxiixdeen Addis Ababa Ra'iisulwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhammaaday ee Maamulka Somaliland Muusa Biixi Cabdi.

Sidoo kale Xukuumada Ra'iisulwasaare Xamza Cabdi Barre ayaa isugu yeertay dhammaan Golaha Wasiirrada Kulan degdeg ah oo looga Arrinsanayo Tallaabada ay qaaddi doonto Dawladda Federaal-ka ee Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la Filayaa in iyaguna ay yeellan doonnaan Kulan ay ku muujinayaan Sida ay uga go'an tahay Difaaca Madax bannaaanida Qarannimada Soomaaliyeed. Waxaana la rajaynayaa in muddo kooban gudaheed Soomaaliya oo isku duubban ay si toos ah uga Jawaabto iskudayga ay Itoobiya ugu dhiirratay dhaca Dhaxalka Waara ee Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa iyaguna Si adag u Cambaareeyay Damaca Itoobiya ee ku Aaddan Helista ay ku Helayso 20 Km oo Badda Cas ee Soomaaliya ah Al-shabaab. Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa ku Tilmaamay Heshiis mid Xaaraam ah.

"Damaca maantay ay Itoobiya ku saxiixday inay ku Helayso 20km oo ka mid ah Badda Soomaaliya waa mid Xaaraam ah, waxa uuna la mid yahay kii ay Yaduuddu ku qabsatay Dhulka Reer Falastiin ee ilaa iyo Maantay aynnu la Soconno waxa ka taaggan. Waxaanu leedahay Xabashida Dalkaan Raggii Difaaci jiray wali waa nool yihiin, inta wiil Soomaaliyeed nool yahayna lagama yaabbo in Dhaxalka Muddada Soomaaliyeed aad si fudud ku qaadataan" sidaas ayuu ku yiri Afhayeenka Al-shabaab oo Baraha Bulshada la Wadaagay Cod duubban oo soconayay muddo 5.38 daqiiqo.

Docol Media

31/12/2023

SANNAD CUSUB 2024

Sannad kheyr leh Saadir Ha inooga dhigo

Halkan(Docol Media) Waxa aan wada joognay hal sanno iyo Bar Waxaan Rajeynaynaa Sanado Kale Oo Barwaaqo Iyo Horumarro Badan leh inaan Sii wadajoogno

Kal-tirsigaan Miilaadiga ah Waa halbeeg Dunidu Isla aqoonsantahay iskuna Waa faqsanyihiin

Docol Media

Hal-xiraale Guraase waxa uu yiri "Koob Shaah ah ayaan waxaan Cabbayay Labo Sano oo toos ah" haddaba sidee ku dhacday?.
31/12/2023

Hal-xiraale
Guraase waxa uu yiri "Koob Shaah ah ayaan waxaan Cabbayay Labo Sano oo toos ah" haddaba sidee ku dhacday?.

30/12/2023

Muuqaal kooban oo ku tusinaya Dadaallada uu ku jiro Musharraxa Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda Modern Faraceeda Magaalada Gaalkacyo Mudane Cabdullaahi Cabdi Xoosh.
Docol Media

𝗪𝗮𝗮 𝗞𝘂𝗺𝗮 𝗛𝗮𝗹𝘆𝗲𝘆𝗴𝗮 𝗚𝗮𝗹𝗺𝘂𝗱𝘂𝗴 𝗔𝘆 𝗶𝗹𝗱𝘂𝘂𝗳𝘁𝗮𝘆 𝗛𝗶𝗿𝘀𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗹𝗹𝗲 𝘀𝗲 𝗛𝗮𝗻𝗮𝘁𝗮𝘆?Waxaa Galabtay Ka soo muuqday Xulka Hirshabeelle  𝙁𝙚𝙮𝙨𝙖𝙡...
29/12/2023

𝗪𝗮𝗮 𝗞𝘂𝗺𝗮 𝗛𝗮𝗹𝘆𝗲𝘆𝗴𝗮 𝗚𝗮𝗹𝗺𝘂𝗱𝘂𝗴 𝗔𝘆 𝗶𝗹𝗱𝘂𝘂𝗳𝘁𝗮𝘆 𝗛𝗶𝗿𝘀𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗹𝗹𝗲 𝘀𝗲 𝗛𝗮𝗻𝗮𝘁𝗮𝘆?

Waxaa Galabtay Ka soo muuqday Xulka Hirshabeelle 𝙁𝙚𝙮𝙨𝙖𝙡 𝙈𝙖𝙘𝙖𝙡𝙡𝙞𝙣 𝙓𝙖𝙨𝙖𝙣 Oo ah ciyaartoy Deegaan ahaan Xaq u lahaa inuu matalo ama u ciyaaro Galmudug balse Aan fursaddii uu mudnaa ka helin beddelkeedse ay Hirshabeelle Ka faa'iideysatay

Feisal Waxuu ka ciyaaraa boos ahaan Burburiye ama No. 6 Waxa uuna galabtay Galmudug ka hor istaagay in ay Guul ka gaarto Dhiggooda Hirshabeelle Waxa uuna muujiyay Tayadiisa Xirfad ahaaneed

Feisal Waxa uu ku dhashay kuna Barbaaray Magaalada faca Weyn Ee Docol-Mudug-Soomaliya, Waxa uuna waayadaan dambe ku noolaa Caasimadda Dalka ee mogadishu

Tartankaan Kii ka Horreeyey ayey ahayd markii ciyaarhan Maxamed maxamuud Sharqaawi oo Galmudug matalayey uu Guul darrooyin dhabarka u saaray xulkiisii Puntland Kaasi oo u Diiday fursad uu Iyaga ugu Ciyaari lahaa!.

Faysal si La mid ah Saqraawi Ma u Saameyn karaa Galmudug?

Waxaanu U rajeynayaa Feysal iyo Galmudug ba inay Wada Guulaystaan 👏


Docol Media

Su'aasha Jumcaha Yuu ahaa Hoggaamiyihii ugu Horreeyay ee Furtay Beytul Maqdas?.
29/12/2023

Su'aasha Jumcaha

Yuu ahaa Hoggaamiyihii ugu Horreeyay ee Furtay Beytul Maqdas?.

28/12/2023

HORUMARKA WAXBARASHADA DEEGAANKA

Sannadkaan dhammaanaya 2023 iyo kan Soo Aaddan 2024 Waxbarashada Docol Waxaa Ka muuqda Ififaale Togan Oo Ay tartan kula galayso Deegaano iyo Degmooyin Gobalka mudug iyo Galmudug ah

Hambalyo Kooxda على بن أبى طالب Oo Hanatay Koobka Ku guuleysiga Kaalinta 1-aad Ee Iskuulka Docol Tartan & Tacliin 🏆



Docol Primary and Secondary School 👍

Docol Media 👍

Warbaahintu waxa ay u dhexaysaa Bulshada guud ahaan, ma jirto cid ay si gaar ah Saaxiib ula tahay. Balse waxa ay Saaxiib...
27/12/2023

Warbaahintu waxa ay u dhexaysaa Bulshada guud ahaan, ma jirto cid ay si gaar ah Saaxiib ula tahay. Balse waxa ay Saaxiib la tahay Cid walba oo Bulshada u soo gudbinaysa Farriin Waxtar Guud u leh Ummadda.

Meel kasta iyo Marxalad kasta oo la taagan yahay waxa ay Leedahay Aragtideeda gaarka ah, ee Mudan in lagu tixgeliyo lana qiimeeyo Saameynta ka imaan karaysa Xogaha iyo Macluumaadka Bisil ee Bulshada lala Wadaagayo.

Docol Media waxa ay Kaalimaha H**e kaga jirtaa Warbaahinta digitaalka ah ee Faafiya wararka Sugan iyo Xogaha biya k**a dhibcaanka ah ee ay bulshadu u baahan tahay in lala Wadaago, waxay aynna Heeggan ugu jiraan Farsamayaqaannadu inay markasta bulshadooda ugu adeegaan si Hufan oo hagar la'aan ah.

Haddii Eebbe Oggolaado dhawaan Waxaan soo wadnaa Barnaamijyo gaar ah oo ka beddelan kuwii aan horay idin kula wadaagi jirnay, kuwaas oo noqon doona kuwa Xoogga Saara dhanka Arrimaha Bulshada iyo Cilmi Baarista Deegaanka.

✍Waligaa Ahoow
✍Wehelkeen Na jecel
✍Innaguna Walaal
✍Warka waan ku siin‼️

WQ Docol Media Team

26/12/2023

Sh Maxamed Cabdi Umal oo Tilmaamay dhallinyarada Youtubers-ka ah ee aan aqoonta diineed iyo midda adduunyo lahayn Dhibaatada ay ku hayaan bulshada.
Docol Media

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaalku aanu joogsan doonin, isla markaana uu diyaar u ...
26/12/2023

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaalku aanu joogsan doonin, isla markaana uu diyaar u yahay in Falastiiniyiinta ku sugan Qaza uu ku dhiirrigeliyo in ay ka baxaan go’doonka, sida ay sheegtay Warbaahinta Israa’iil. Xamaas ayaa cambaareysay hadalkaasi.
Ugu yaraan 20,915 qof ayaa lagu dilay 54,918 kalena waa lagu dhaawacay Weerarrada Israel tan iyo 7-dii October.
Docol Media

 XAFLADDA CALEEMASAARKA GUDDOOMIYAHA BAJEELA Bulshada Deegaanka Bajeela Ee Koonfurta Gobalka Mudug waxa ay Guddoomiye Cu...
25/12/2023


XAFLADDA CALEEMASAARKA GUDDOOMIYAHA BAJEELA

Bulshada Deegaanka Bajeela Ee Koonfurta Gobalka Mudug waxa ay Guddoomiye Cusub u doorteen Cabdirizaaq Shuuke Abshir Oo Beddalaya Allah Ha U naxariistee Walaalkii Mujaahid Maxamed Shuuke Abshir Oo Ahaa Halyey ku suntanaa Hoggaan Wanaag, Hanashada Ummad Isku duuban iyo Difaaca Dalka, Marxuumka ayaa Ku geeriyooday Dagaal U dhexeeyey Ciidanka Deegaanka, daraawiishta galmudug iyo CXD Soomaaliyeed iyo Khawaarijta AS horraantii Bisha October Ee Sannadkan Dhammaanaya!

Dadka Deegaanka Bajeela Waa Dad ka Caaggan khilaaf iyo Isqab-qabsi waxaana laga fahmi karaa Marxuumkii ka dhintay Martabadaas ayey Isla walaalkii ku Maamuuseen

Cabdirizaaq Waxa ay ka dhex arkayaan Reer Bajeela iyo Ummadda Soomaaliyeedba walaalkiisi dhintay Maxamed waxayna Rajeynayaan inuu Kaalintaas Si fiican uga soo Dhalaalo

Waxaa ka soo qaybgalay munaasabaddaan qiimaha badan Mas'uuliyiin kala Duwan Oo Heer Maamul goboleed, Gobal iyo Degmaba isugu jira Waxayna Taasi Caddaynaysaa Sida Loo jecelyahay Bajeela iyo Dadkeeda

Docol Media

25/12/2023

𝗠𝘂𝗿𝘁𝗶 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮𝗮𝗵𝗺𝗮𝗮𝗵
Carabtu waxay ku Maahmaahdaa:
إنك لا تجني من الشوكة العنب
Oo macnaheedu yahay "Adigu ma ka guranaysid Qodax Cinabka"
Haddaba majirtaa maahmaahyo Soomaaliyeed oo u dhiganta?.
Qeybta Faallada nagula wadaag
Docol Media

23/12/2023

CAAFIMAADKA INTIISA UGU MUHIIMSAN WAA INAAD HESHO TALADA DHAKTARKA

Baraarug Oo Hadaba ka faa'iideyso Adeeggan Oo kuu baajinaya Waqti Badan Oo kaa Bixi lahaa Iyo Qarash badan Oo aadan Awoodin

Gurigaaga Goobtaada iyo Gobalka Aad joogto Ku hel Oo kula Hadal Dhakhaatiirta Soomaaliyeed Kuwooda Ugu Waxtarka Fiican

SOMDOCTOR Ahmed Shawqi

"Waxaa Inoo Soo dhammaaday Qaybta Koowaad Ee;-TAXANAHA HAL-DOORKA DEEGAANKA"Waxaan Qaaday Dhagaxee Adna Dhoobada Isii Do...
23/12/2023

"Waxaa Inoo Soo dhammaaday Qaybta Koowaad Ee;-

TAXANAHA HAL-DOORKA DEEGAANKA

"Waxaan Qaaday Dhagaxee Adna Dhoobada Isii Docol waa dhulkeeniye"

Sidaas waxaa Bartiisa ku Soo qoray DrApdulahi Ali Zalaat

Waxaan u mahadcelinaynayaa Dr-ka oo barnaamijkaan qaybta kowaad Ee Haldoorka Deegaanka sida uu Noola wadaagay Waxaan sugnaa Waa qaybta Labaad

Docol Media

WARARKA CAALAMKA Israa’iil ayaa sii wadda duqeymaha khasaaraha badan dhaliyay ee ay ku hayso Qaza, iyadoo weerarradii ug...
23/12/2023

WARARKA CAALAMKA

Israa’iil ayaa sii wadda duqeymaha khasaaraha badan dhaliyay ee ay ku hayso Qaza, iyadoo weerarradii ugu dambeeyay laga soo sheegay xerada qaxootiga ee Nuseirat iyo Khan Younis.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar lagu kordhinayo gargaarka deegaanka, laakiin kooxaha bini'aadantinimada ayaa sheegaya in wax kasta oo ka yar ee dalbanaya xabbad-joojin aysan "ku fiicneyn".

Madaxa Hay'ada Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku celceliyay digniin ah in "Macluul ay ku soo fool leedahay Gaza" iyadoo colaaduhu ay xannibeen helista cuntada iyo saadka kale ee muhiimka ah.

Ugu yaraan 20,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta dowladda ee Gaza. Dhimashada weerarka Xamaas ee Israa'iil ayaa mareysa ku dhawaad ​​1,140.

Iran waxay ku hanjabtay 'xiritaanka badda Mediterranean', iyada oo aan la sheegin sida

Taliye ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in badda Mediterranean-ka la xiri karo haddii Mareykanka iyo xulafadiisa ay sii wadaan “dambiyada” ay ka geysanayaan Gaza, warbaahinta Iran ayaa sheegtay, iyadoo aan faahfaahin laga bixin sida ay taasi u dhici doonto.

"Waxay si dhakhso ah u sugi doonaan xidhitaanka badda Mediterranean-ka, (mareenka) Gibraltar iyo marin-biyoodyada kale," Tasnim ayaa ka soo xigtay Brigadier General Mohammad Reza Naqdi, oo ah taliyaha isku xirka Ilaalada, isagoo leh.

Kooxda Xuutiyiinta ee xulafada Al ah Iiraan ayaa bishii la soo dhaafay weerar ku qaaday maraakiib ganacsi oo marayey badda cas, iyaga oo ka aargoosanaya weerarka Israa’iil ku hayso Qaza, taasoo keentay in qaar ka mid ah shirkadaha maraakiibta ay beddelaan waddooyinka.
Docol Media

  Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 390 Falastiiniyiin ah la dilay 734 kalena la dhaawacay labadii Maalmoo...
22/12/2023


Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 390 Falastiiniyiin ah la dilay 734 kalena la dhaawacay labadii Maalmood ee la soo dhaafay iyadoo la hakiyay isgaarsiinta.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale dib u dhigaya codeynta Qaraar qabyo ah oo ku boorinaya in sare loo qaado gargaarka bini'aadantinimo ee Gaza ka dib maalin kale oo wadahadalo adag Socdaan.

In ka badan 576,000 Falastiiniyiin ah oo ku sugan Gaza - qiyaastii rubuc ka mid ah dadka - aya wajahaya "gaajo iyo Macaluul masiibo ah", Warbixin ay Sameysay Qaramada Midoobay ayaa lagu ogaaday.

Ugu yaraan 20,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, sida uu sheegay xafiiska Warbaahinta Dawladda ee Gaza. Dhimashada weerarka Xamaas ee Israa'iil ayaa mareysa ku dhawaad ​​1,140.

Xigasho Al Jazeera English

"Deegaankii Barwaaqaa Dalxiiskiisu Wacanaa Dumar tii Xishoodlihi Dareenkeedu Badanaa"Docol Media
22/12/2023

"Deegaankii Barwaaqaa
Dalxiiskiisu Wacanaa
Dumar tii Xishoodlihi
Dareenkeedu Badanaa"

Docol Media

Allaah Ha u Naxariistee Abshir Gallayr waxa uu soo Noqday Guddoomiyaha Deegaanka Docol Waxa uuna Qabtay intii uu Guddoom...
21/12/2023

Allaah Ha u Naxariistee Abshir Gallayr waxa uu soo Noqday Guddoomiyaha Deegaanka Docol Waxa uuna Qabtay intii uu Guddoomiyaha Ahaa Shaqooyin ay Bulshadu u Bogtay.
Ilaahay ha u Waasiciyo Qabriga Samir iyo Iimaanna Allaah haka Siiyo Ehelladiisa iyo Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.

21/12/2023

TACSI 😢

انالله وانا إليه راجعون
ان لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى

Waxaa Soo Loo sheegayaa Geerida Allah ha U naxariistee Abshir galayr Oo baryahan Dambe Turkiga Lagu Dabiibayey

اللهم اغفر له وارحمه واسكنه الفردوس الاعلى
Ehelka, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ayaan oga Tacsiyeynaynaa!

Aan U duceyno walaalayaal

Docol Media

HAMBLYO AROOS 💑 ❤ بارك الله لكما وبارك عليكما وجمع بينكما في خيرWaxaa Caawa Magaalada Docol Ku aqal galay Maxamed Cali M...
20/12/2023

HAMBLYO AROOS 💑 ❤

بارك الله لكما وبارك عليكما وجمع بينكما في خير

Waxaa Caawa Magaalada Docol Ku aqal galay Maxamed Cali Maxamed Iyo Fallis Axmed Cali(Fallis Xaaji)

Waxaa Hambalyo iyo Duco halkaan oga Diraynaa Lamaahana Caawa midoobay waxaan leenahay Allah Ha Idin barakeeyo ubad kheyr lehna Allah ha idiin Siiyo

Ducadu Waa xagiina 🙏

Docol Media

Rabbi ha u naxariisto Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa Goor dhaw Dalka...
20/12/2023

Rabbi ha u naxariisto Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa Goor dhaw Dalka Jabuuti ku geeriyootay.

20/12/2023

XUSUUS, DOCOL IYO SAFARKII QOOR-QOOR

11 June, 2020 Maalin weyn Oo Aan loo kala harin Bay ahayd

Docol Media Xogtii h**e iyo Midda Maanta

19/12/2023

𝐌𝐮𝐫𝐭𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐡𝐦𝐚𝐚𝐡𝐲𝐨
Saaxiibbada nagu Xiran waxaanu Weydiinaynaa Fasiraadda Maahmaahdan: "Bahalhiglo Afqurun kuma kala tagto"
Docol Media

15/12/2023

𝗦𝘂'𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗝𝘂𝗺𝗰𝗮𝗵𝗮
Sheeg Magaca Hooyadii uu Ilaahay u Waxyooday?

Docol Media

Maahmaahyo Iyo Madadaallo Saaxiibbada nagu Xiran waxaanu Weydiinaynaa Fasiraadda Maahmaahdan!"Nin Magaallo ka Caroodow/C...
12/12/2023

Maahmaahyo Iyo Madadaallo

Saaxiibbada nagu Xiran waxaanu Weydiinaynaa Fasiraadda Maahmaahdan!
"Nin Magaallo ka Caroodow/Cadhoodaw siiga Yare"
Docol Media

MUSHARAX GUDOOMIYE KU XIGEENKA MIDOWGA ARDAYDA JAAMACADDA  DAHA INTERNATIONAL UNIVERSITY معلم عيدروس محمد Waa Musharax U...
11/12/2023

MUSHARAX GUDOOMIYE KU XIGEENKA MIDOWGA ARDAYDA JAAMACADDA DAHA INTERNATIONAL UNIVERSITY

معلم عيدروس محمد
Waa Musharax U taagan
Qabashada Xilka Gudoomiye ku xigeenka midowga ardayda Jaamacadda Daha International University

Allah kugu Guuleeyo Doonistaada Ustaad Ceydaruus

Docol Media

08/12/2023

Deyniile Maaha Ee Waa Docol ogsoonow

Aseendooyin Beero ah
Dhallinyaro Dedaal badan
Asaagood ka Daahira
Deegaan Bilcoon iyo
Dumar wada xariir ah
Docol baa Hantiday taa!
Cmon💪 ❤
Docol Media

AL-CAASIMAH DOCOL IYO DALXIISDhallinyarada Docol Ayaa Galabta Dalxiis iyo Shaah iyo Sheeko isku soo Banbaxay Beerta shii...
08/12/2023

AL-CAASIMAH DOCOL IYO DALXIIS

Dhallinyarada Docol Ayaa Galabta Dalxiis iyo Shaah iyo Sheeko isku soo Banbaxay Beerta shiine Shire Isku imaatinkaas ayaa Daaranaa Is xog waraysi iyo Muujinta bilicda iyo Horumarka Magaalada

Waxaa kulan ka joogay Maamulka Dhallinyarada Docol iyo xubno Kale Oo macne u leh horumarka Deegaanka

Docol waxay ka mid noqotay Deegaanada ama degmooyinka Laga sameeyey Toddobaada Dalxiiska waxaana Keenay Barwaaqada sannadkaan eebbe ku maasheeyey Dalka

Docol Media

FRIENDLY MATCHFULL TIME Docol Football Clup 1_2 Dalsan football club We go again 💪 Docol team ❤
07/12/2023

FRIENDLY MATCH

FULL TIME

Docol Football Clup 1_2 Dalsan football club

We go again 💪 Docol team ❤

KULAN SAAXIIBTINIMO Ciyaartoyda Naadiga Docol(Docol football Culb)Waxa ay galabta Naadiga  Dalsan football Club ku soo D...
07/12/2023

KULAN SAAXIIBTINIMO

Ciyaartoyda Naadiga Docol(Docol football Culb)Waxa ay galabta Naadiga Dalsan football Club ku soo Dhoweyn Doonaan Garoonkooda Docol Stadium

Kulankan ayaa ah mid Saaxiibtimo

Ciyaaruhu waxay ka qayb qaataan isdhexgalna iyo Nabadda bulshada

Sports Ka Deeganka Docol Football Clup
Docol Media

HAMBALYO,  HAMBALYO, HAMBALYO Waxaan hambalyo u diraynaa Iskuguna Duceynaynaa Laamahana is Doortay Oo Docol Ku Aqal gala...
04/12/2023

HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO

Waxaan hambalyo u diraynaa Iskuguna Duceynaynaa Laamahana is Doortay Oo Docol Ku Aqal galay waa iyo marwadiisa

بارك الله لكما وبارك عليكما وجمع بينكما في خير
Docol Media

30/11/2023

وَلَا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتًا بَلْ أَحْيَاءٌ عِنْدَ رَبِّهِمْ يُرْزَقُونَ ۝ [آل عمران:)
HABEEN ARABACA AH 4/10/2023

Oo Ku beegan ١٩ ربيع الأول ١٤٤٥ Waxaa Gurigooda Saxda ah u hoyday Laba mujaahid Laba Shahiid Oo Kala AH Bashiir Cali jaamac Yare Iyo Jamhad Huruuse
Waxaa laga joogaa Laba bilood Ku Dhawaad

Allah ha U naxariisto iyaga iyo Intii Jihaadka Xaqqa ah ku geeriyootay

Aan xusno Oo Xusuusnaano Walaaleheen jannadii Allah ha Ku Abaal mariyo

Docol Media

Address

Gaalkacyo
252

Telephone

+252613892008

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Docol Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Docol Media:

Videos

Share