Fizazi Nuur

Fizazi Nuur Kalsoco warbixinada dalka iyo Dibada,Xaysiimo iyo Dhacdooyinka dunida

Puntland:- Ajandaha Golaha Wakiillada DPL ee Kalfadhiga 50-aad waxaa kamid ah khilaafka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa,...
18/06/2022

Puntland:- Ajandaha Golaha Wakiillada DPL ee Kalfadhiga 50-aad waxaa kamid ah khilaafka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, Xaalufka deegaanka, Didaaca xuduudaha iyo Arrimaha kasoo cusboonayaday Gobolka Sanaag.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Mohamud Ahmed nur Tarsan ayaa ka baxay shir uu ku casuumay Safiirada caalamka madaxweynaha ...
14/06/2022

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Mohamud Ahmed nur Tarsan ayaa ka baxay shir uu ku casuumay Safiirada caalamka madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, kadib markii shirka lagu casuumay Wakiilo ka socda Somaliland, sido kalana lagu daray calamada waddamada ay sida rasmiga ah u aqoonsantahay Kenya.

13/06/2022
DEG-DEG. Waxaa Magaalada Ceerigaabo saka lagu xirey weriyaal reer Puntland ah oo muddooyinkii ugu danbeeyay safaro shaqo...
13/06/2022

DEG-DEG. Waxaa Magaalada Ceerigaabo saka lagu xirey weriyaal reer Puntland ah oo muddooyinkii ugu danbeeyay safaro shaqo ku marayey deegaanada Gobolka Sanaag.

Weriyaasha ayaa sida lay sheegay waxaa la xiray markii ay soo gaalin Magaalada Ceerigaabo waxaana ku sugan halkaas Madaxweynaha Somaliland iyo Isimada Gobolka Sanaag oo ay uga socdeen shirar.

Saxafiyiinta la xiray waa Maxamed Xasan Dhalo, Kilwe Adan, Cabdicasiis Xidig iyo Maxamuud Jama.

Xigaasho 'arke Dal-daare

WAR CAJIIBA: Garoowe nin ayaa haweenay Qaad iibineysay kala cararay laba majood oo qaad ah, waxyar markii uu socdey ayaa...
08/06/2022

WAR CAJIIBA: Garoowe nin ayaa haweenay Qaad iibineysay kala cararay laba majood oo qaad ah, waxyar markii uu socdey ayaa gaarigii uu watay shidaalku ka go'ay, waa uuna ka cararey baabuurkii, qaadkiina waa sii qaatay.

Haweenaydii Qaadka lahayd ayaa goobta soo gaartay, waxayna dalbatay ciidamada amaanka, si gaariga meel loogu geeyo inta laga helayo qofkii arrinkaan sameeyay ama cidkale oo lagala xaajoodo.

Qiimaha Qaadka ninku la cararey ayaa gaaraya ku dhawaad 22 doollar, sida ay noo sheegtay haweenayda qaadka lagala ambadey.

Fahad Yasin “Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, waxaan u sheegayaa qofka xog iyo sir Qaranku leeyahay,...
08/06/2022

Fahad Yasin “Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, waxaan u sheegayaa qofka xog iyo sir Qaranku leeyahay, la wadaaga Taliyaha Cusub (Mahad Salaad) wuxuu la mid yahay qof sirtii qarankiisa la wadaagay Cadowga waddanka iyo Argagaxisada”

Fahad Yasiin: Madaxwayne Xasan sheekh Aqoon uma lahan Mahad Salaad Hadii Aqoon u lahaan lahaa uma magacaabeen Nisa.
08/06/2022

Fahad Yasiin: Madaxwayne Xasan sheekh Aqoon uma lahan Mahad Salaad Hadii Aqoon u lahaan lahaa uma magacaabeen Nisa.

Itoobiya; Ra'iisalwasaare Abiy Ahmed ayaa Wasiirka Shidaalka & Tamarta ee dalkaasi u magacaabay Saxarla Abdullahi Xaaji ...
06/06/2022

Itoobiya; Ra'iisalwasaare Abiy Ahmed ayaa Wasiirka Shidaalka & Tamarta ee dalkaasi u magacaabay Saxarla Abdullahi Xaaji Bahdoon oo h**e u ahayd Wasiiru dawlihii h**e ee caafimaadka Itoobiya.

Saxarla waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka federaalka ee Itoobiya waxaanay kasoo jeeda Beelaha Samaroon, Makaahiil Jibriil Yoonis oo reer Dudub ah.

 : Fanaanka Iidle Yare ayaa la waysanyahay meel uu ku sugan-yahay ka dib markii uu saaka ka baxay gurigiisa, qoyskana uu...
05/06/2022

: Fanaanka Iidle Yare ayaa la waysanyahay meel uu ku sugan-yahay ka dib markii uu saaka ka baxay gurigiisa, qoyskana uu u sheegay in uu aaday dhakhtar.

Saaxibaad ayaa booqday xaafada, caruurtuna waxay u sheegeen in saaka siduu u baxay uusan soo noqon, taleefoonkiisu xiran-yahay, meel uu jirona aysan garanayn.

3 saacadood ka hor ayuu Faceboogiisa waxa uu soo qoray "Caruurtayda ilaahay ayaan idiin ka taggay" taas oo naxdin iyo welwel ku riday in ka badan 100kun oo qof oo ku taxan bogiisa gaarka ah.

Iidle waayadaan waxa uu wajahayay xanuun, kaas oo dhawr jeer soo muuqday isagga oo i sbitaal jiifa, sidoo kalena waxa uu xusay in xaaladiisu ay meel khatar ah marayso, waxaana bilaabmay qorshe lacag loogu aruurinayo

Deg Deg . Ciidamo ka amar qaata agaasimaha Nisa Mahad salaad ayaa wareeray guriga agaasimhii h**e Nisa Fahad Yasin Xaaji...
01/06/2022

Deg Deg . Ciidamo ka amar qaata agaasimaha Nisa Mahad salaad ayaa wareeray guriga agaasimhii h**e Nisa Fahad Yasin Xaaji Dahir oo haatan dalka dibadisa ku maqan .

Waxaa guriga laga kaxeeyey ilaaldii Fahad Yaasin waxaana laga kaxaystay gawaari yaallay !

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay...
31/05/2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay maanta magaalada Garoowe

Wasiirka Cadaaladda Puntland "Dadkii inaan soo saarno oo Madaxweynihii aanu soo dhawayno muddo ayaan ka shaqaynaynay ila...
31/05/2022

Wasiirka Cadaaladda Puntland "Dadkii inaan soo saarno oo Madaxweynihii aanu soo dhawayno muddo ayaan ka shaqaynaynay ilaa todobaadkii la soo dhaafay

 : Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay waqtiga la qabanayo tartanka kubada cagta ee degmooyinka gobolka karkaar iyo deegaank...
31/05/2022

: Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay waqtiga la qabanayo tartanka kubada cagta ee degmooyinka gobolka karkaar iyo deegaanka Sheerbi.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa hadda kasoo degay Garoonka diyaaradaha Garoowe masuuliyiin uu kamid yahay Madaxwe...
31/05/2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa hadda kasoo degay Garoonka diyaaradaha Garoowe masuuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa soo dhaweeyey

Ciidamo badan ayaa la dhigay wadooyinka halbowlaha u ah Magaalada gaar ahaan wadada uu Madaxtooyada u soo mari doono Siciid Deni oo kamid ahaa Musharaxiintii madaxweyne Soomaaliya ee soo guuldaraystay .

Madaxweyne Siciid Deni ayaa la filaya in beri si weyn lagu soo dhaweeyo Caasimada Puntland ee Garoowe.Siciid Deni ayaa m...
30/05/2022

Madaxweyne Siciid Deni ayaa la filaya in beri si weyn lagu soo dhaweeyo Caasimada Puntland ee Garoowe.

Siciid Deni ayaa muddo isbuuc ah waxaa uu ku sugna Dalka Kenya, Kadib doorashadi Soomaaliya ee uu tartaankeeda ka qeyb-gaalay.

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in 6.1 milyan oo qof oo Soomaali ...
30/05/2022

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in 6.1 milyan oo qof oo Soomaali ah ay halis ku sugan yihiin sabab la xariirta abaarta dalka ka jirta.

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xariga ka jaray xarun...
30/05/2022

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xariga ka jaray xarunta Tababarka Beeralayda Puntland.

Xaruntan ayaa lagu tababari doono Xirfadleyda Beeraha Puntland iyo Abuuridda dalagyada iyo Calafka Xoolaha.

Muraad Jamac, waa wiil dhalinyaro ah oo Buuhoodle ka dhex taageeray Somaliland ayaa ciidamada Puntland ee Gobolka Cayn x...
27/05/2022

Muraad Jamac, waa wiil dhalinyaro ah oo Buuhoodle ka dhex taageeray Somaliland ayaa ciidamada Puntland ee Gobolka Cayn xabsiga u taxaabeen.

Degdeg; Korneyl Caare iyo saraakiil la socota oo Gaashaamo kasoo boqoolay ayaa ku wajahan Gobollada Bariga ee Somaliland...
26/05/2022

Degdeg; Korneyl Caare iyo saraakiil la socota oo Gaashaamo kasoo boqoolay ayaa ku wajahan Gobollada Bariga ee Somaliland.

Korneylku waa hoggaamiyaha jabhadii dhowaan kasoo baxday buurta Daallo ee laf dhuun gashay ku noqotay Madaxweyne Biixi.

Maxay kula tahay.?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay Magacaabist...
26/05/2022

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo loo magacaabay Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur War...
26/05/2022

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la kulmay Isu-duwaha Koonfurta Soomaaliya ee dalladda isku tagga hay’addaha aan dowliga aheyn iyo Guddoomiyaha Hay’adda Tadaamun ee arrimaha samafalka.

Xubnahaan ayaa Ergayga gaarka la wadaagay warbixinno la xariira xaaladda abaaraha ee dalka, iyagoo dhinaca kale sheegay in ay muhiim tahay wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn.

Ugu dambeyn, Ergayga ayaa u mahadceliyay xubnahaan, isagoo dhinaca kale boorriyay in ay wadashaqeyn buuxda yeelan doonaan, si dalka looga samatabixiyo abaaraha.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowla...
26/05/2022

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.

26/05/2022

"Haddii rasaas sharci darro ah laydinku soo rido isu dhiga. Anaku qori ma sidano.." Musharrax Cirro.

Madaxweyne Siciid Deni oo ku sugan waddanka Kenya ayaa lagu wadaa in uu markii u horraysay dib ugu laabto Puntland tan i...
26/05/2022

Madaxweyne Siciid Deni oo ku sugan waddanka Kenya ayaa lagu wadaa in uu markii u horraysay dib ugu laabto Puntland tan iyo markii looga guulaystay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo lix maalmood ka hor ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa safar aan la shaacin ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.

Laba maalin kadib ayaa la filaya in uu dib ugu laabto Puntland gaar ahaanna caasimadda Garoowe sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoonyahay.

Dad aad uga agdhow ayaa sheegaya in madaxweynuhu kulamo deg deg ah bilaabi doono islamarkaana xilka qaadis ku samayn doono mas’uuliyiin kala duwan.

Soomaaliya, abaaraha ayaa si ba’an u saameeyay 66 degmo oo ka tirsan gobollada dalka, iyadoo dad lagu qiyaasay 6.9 milya...
26/05/2022

Soomaaliya, abaaraha ayaa si ba’an u saameeyay 66 degmo oo ka tirsan gobollada dalka, iyadoo dad lagu qiyaasay 6.9 milyan ay wajahayaan biyo la`aan iyo cunto yari, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bini`aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha.

Address

Street Juba
Bosaso
665

Telephone

+252906797894

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fizazi Nuur posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share