Mustafe Jirrab

Mustafe Jirrab Waa Inaad Wax ku Muuqda iyo mooshin Wadataa

Gobonimo Duleedkun ladhigo Dad ismasiiyaneKuwa aayaha Dhalinaya  Wey Dhaqasha Daayane Dhalanmeyso Gobonimo Hadaad Dhimas...
22/07/2024

Gobonimo Duleedkun ladhigo Dad ismasiiyane
Kuwa aayaha Dhalinaya Wey Dhaqasha Daayane
Dhalanmeyso Gobonimo Hadaad Dhimasho Diidane

Go

BORAMA AWDAL MAGAALO SOMALIYEDBAL SOOMALI FICAN SIDAAN UGU FAANO AMAAN UFARXAYNO UFIIRSO MIYAA?
27/01/2024

BORAMA AWDAL MAGAALO SOMALIYED

BAL SOOMALI FICAN SIDAAN UGU FAANO
AMAAN UFARXAYNO UFIIRSO MIYAA?

MAGAALADA AWBARE EE SOOMALI GALBEED
23/01/2024

MAGAALADA AWBARE EE SOOMALI GALBEED

Borama waxa ay haysaa jidkii horumarka ee yaan loo horseedin isbedal nabad galiyo daro
16/12/2023

Borama waxa ay haysaa jidkii horumarka ee yaan loo horseedin isbedal nabad galiyo daro

MAGAALADA BORAMA
08/06/2023

MAGAALADA BORAMA

LUGHAYA AWDAL
31/05/2023

LUGHAYA AWDAL

LAFACIISE GOBOLKA HAWADA EE DEGANKA SOMALIDA
07/05/2023

LAFACIISE GOBOLKA HAWADA EE DEGANKA SOMALIDA

20/10/2022

Jamahirta Tageerayasha Urur Siyaasadeedka Talo Waad waxay Maanta Magalada Borama Kusoo Bandhigen Cududa Ay ku leyihiin

Suldanka Guud ee Beelaha Maxamed Case Suldaan Samater Suldaan Ibrahim Jamac oo Maanta lagu Caleemo Saarey Degmada Waxsoo...
25/08/2022

Suldanka Guud ee Beelaha Maxamed Case
Suldaan Samater Suldaan Ibrahim Jamac oo Maanta lagu Caleemo Saarey Degmada Waxsoosarka Gobolka Awdal ee Baki

Magaalada Sheed dheer
28/07/2022

Magaalada Sheed dheer

Safari Hotel Borama
11/07/2022

Safari Hotel Borama

Dabkii ka socday deegaanka Gaacidh ee gobolka Sanaag oo si xawliya u fidaya
04/07/2022

Dabkii ka socday deegaanka Gaacidh ee gobolka Sanaag oo si xawliya u fidaya

04/07/2022

Wehel Jacayl

Buuga Wehel Jacayl ayaa Hargaysa
Dhawaan lagusoo Bandhigaya

Walee Aniga Caadhaqu Wehelkayga Weyaan
Heesba Odhan jirtay

Allaha unaxaristo   oo caawa ku gariyootay Magaalada Hargaysa
02/07/2022

Allaha unaxaristo oo caawa ku gariyootay Magaalada Hargaysa

05/06/2022

Baydhabo Janaayo

Amaan Faras waxaa la’isku Raacay inuu Yahay kani ugu Qurux Badan Taariikh inta lahayo Geeraar Faras, AbwaanCali Bucul oo...
20/04/2022

Amaan Faras waxaa la’isku Raacay inuu Yahay kani ugu Qurux Badan Taariikh inta lahayo Geeraar Faras, Abwaan
Cali Bucul oo ahaa Abaanduule Ciidan ayay Sayyid Maxamed Cabdulla Xasan ku kulmeen Meel ka mida Dhulka
Soomaali-Galbeed. Sayidku Wuxuu Yidhi Waxaan Maqlay inay Dadka Gadabuursigu Amaanta Fardaha ay ku
Dheereeyaan Waxaan Doonayaa inaan Bal Maqlo Geeraar Faras, kolkaa Mudane Cali Bucul ayaa Hadalka u Baxay
Siina Raaciyay Anniga ayaa Kuu Tirinaya.

Sayyid Maxamed Cabdulle Xasan Wuxuu Yidhi Hadii aan Kaa Geeraar Fiicnaado Qudhaan kaa Jari Mudane Cali Bucul
ayaa ugu Jawaabay Hadii aan Eray Aan Idhi iga Taba Tidhaahdo Anigana Warankaygu kaa Dambayn Maayo.
Md Cali Bucul Kolkuu Marayo Ereyada :
‘’Hal Garaadka Guntiisiyo’
Guudkii Buu ka Cadaadee
Ma Galool ubax Laa’’
Ayuu Yidhi Nin Daraawiishta ka mida ahaa ( Awowgaa la Gub Ma’anaaba Galool Ubax Leh Amaan ka Day is Idhi )
Geeraarkii oo uu kolba Xaraf soo Qaadanayana Wuxuu Yidhi Sidatan :

Gamaan Waa Magic Guudoo
Sanga aan Gabanayniyo
Magaankii Godanaa iyo
Geenyadii Dhadigayd baa
Gabigood ka Dhaxaysoo
Haybta way isku Gartaane
Guulwadaw Faraskaygu
Hadii aan Galadiisiyo
Gedahiisa Tilmaamo
Waa Gal Maaxanayoo
Gaadhi Mayno Xogtiisoo
Waan ka Gaab-Sanayaaye
Rag allow Gaf Miyaa ??

Almis Goodiyadeediyo
Bulaxaar Guduunkeediyo
Golihii Harawaad iyo
Gureys Reeraha Yaala
Galab Buu isku Maraaye
Ma Daruur Gudgudaa ??

Gabangoodi Abaaroo
Dadku Guunyo ka Quustay
Geel Buu soo Tu’iyaaye
Ma Gob reera Dhacdaa
Goluhuu Miranaayay
Gurxan Dhowrta Fogeeyiyo
Gooh Wayn Baa ka Baxayee
Ma Aar Goosn Wataa ??

Golihii ku Xidhnaa
Nacab soo Gardaraystiyo
Gaas Laxaadliyo Guutiyo
Guluf Weerar ku Qaadiyo
Gaado Goonya Wareegiyo
Guhaad Buu ku Xijaaboo
Rugtiisa Ma Gaydoo
Aad baa loogu Gamaaye
Ma Ganuun Nin Dhamaa ??

Gudcur Roob Gibil Saarayoo
Gufaacadiisiyo Caydhka
Naftaydii Gilgilaysa
Tuuga soo Gabanaaya
Laydhiisuu ka Gartaaye
Ma guhaan Garab daar loo
Faalka Guun ku Noqdaa ??

Hal’garaadka Guntiisiyo
Guudka buu ka Cadaadee
Ma Galool Ubaxlaa ??
Fanku suu u Dhitoobay
Ma aroos Dhumuc Waynoo
Duleedkuun Dhacandiidoo
Dhiinle Loo Alyayaa ?

Tagoogaa Dhanbacaada
Ma Libaax Dhalanteedoo
Cad Geel Dhuunyanayaa
Dhasalaalaq Ciyaarka
Ma dhalaan Rugtii Joogaa
Soo Dhaandhaansada Uurkoo
Dhibic Roob Helaybaa ?

Sayntiisuu ka Cisiine
Ma Sayruuq la Ganaa
Afartiisa Cagood iyo
Cududaa Dib u Laabiga
Ma Camoodiga Haadoo
Samadaa ku Carceerayoo
Meel casaanle Arkaayo
Hoos U Caaridayaa ?

Halka Lowgiyo Laabtiyo
Ladanow Badhi Dhawrkiyo
Leemaaduhu iska Galeenbaa
Ladnaan Loogu Gamaaye
Ma Aroos Ladan Baa ?

Helmiyay oo Helmiyay oo helmiyay
Oo ammaantiisii Heli Waayee
Hoosiisow Midabkaagu
Ma Habeynkiyo Waagoo
Kala Haayirayaa ?????

Address

Borama

Telephone

+252634742490

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mustafe Jirrab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mustafe Jirrab:

Videos

Share