Somaliland Community

Somaliland Community nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sareyntiisa

16/10/2020
16/10/2020

"Maxamuud Xaashow da'deed ahayd markaad xoolaha umadda ku tasa rufaysay , Aayadaha quraanka ee aad maanta soo daliishanaysa ma maantay soo dageen ? Soo may jirin markaad xilka haysayba , waxaad umadda u sheegayso waxaad tahay qofka koobaad ee ku sifoobay , aakhiradaada u tudho oo umadda cafis
weydiiso "
Siyaasi Cabdinaasir Buuni .

09/09/2020
Shirkadda Trafigura oo ka ganacsata shidaalka iyo saliidda ayaa sheegtay in ay maal galin ku samaynayso Haamaha Kaydka s...
07/09/2020

Shirkadda Trafigura oo ka ganacsata shidaalka iyo saliidda ayaa sheegtay in ay maal galin ku samaynayso Haamaha Kaydka shidaalka ee Berbera. Warsaxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Trafigura ayaa lagu sheegay in shirkaddu damacsan tahay in Berbera noqoto xuddunta Kaydka shidaalka ee Geeska Afrika.

Shirkadda ayaa dhawaan heshiis la saxeexatay Xukuumadda Somaliland gaar Ayaan Wasaaradda ganacsiga sida ay ku sheegeen Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay shirkaddaasi.

Shirkadda oo ka shaqaysa shidaalka iyo saliidda la isaga gudbiyo dunida waxana Xarunteeda ugu weyni ku taalaa Switzerland.

Todobaadkan ayaa shirkaddu Berbera keentay Markabkii ugu horreeyay ee sida Shidaal shirkaddaasi leedahay.

Hassan Gallaydh

22/08/2020
RASMI, Barcelona waxay macalin u doratay Ronald Koeman sidaas waxaa xaqiijiyay Madaxweynaha Barcelona ,waxaa uu ka soo t...
18/08/2020

RASMI, Barcelona waxay macalin u doratay Ronald Koeman sidaas waxaa xaqiijiyay Madaxweynaha Barcelona ,waxaa uu ka soo tagay shaqadii xulka Holland

Carabti way u dhamatay ๐Ÿ˜“๐Ÿ˜“๐Ÿ˜“
18/08/2020

Carabti way u dhamatay ๐Ÿ˜“๐Ÿ˜“๐Ÿ˜“

Taiwan ayaa maanta si rasmiya xafiiska Dublumaasiyadeed uga furatay Hargeysa.Munaasabadda waxa goob joog ka wasiirro ka ...
17/08/2020

Taiwan ayaa maanta si rasmiya xafiiska Dublumaasiyadeed uga furatay Hargeysa.

Munaasabadda waxa goob joog ka wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo marti kale.

Sidoo kale wasiirka arrimaha Dibadda Taiwan ayaa dhinaca Online ka kaga qayb-galabta.

11/08/2020
"Madax-bannaanida iyo saaxiibtinnimadu iib maaha" Sidaas waxaa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu oo kusoo...
09/08/2020

"Madax-bannaanida iyo saaxiibtinnimadu iib maaha" Sidaas waxaa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu oo kusoo dhaweynayay dalkiisa wakiilka cusub ee Somaliland dhawaan u magacowday Taiwan, Maxamed Cumar Xaaji.

Wakiilka Somaliland ee Taiwan ayaa dalkaasi gaadhay jimcihii todobaadkii h**e, iyadoo Somaliland ay ku sugnaayeen wakhtigaasi wafti Chinese ah.

Dawladda Taiwan ayaa ku tilmaantay imaanshaha wakiilka Somaliland mid uu ka badheedhay cadaadiskii China ee ku aadanaa xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland.

07/08/2020
War-saxaafadeed: 07/08/2020Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta qasriga madax...
07/08/2020

War-saxaafadeed: 07/08/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo uu hoggaaminayey Wakiilka China u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China โ€œChina-Africa Cooperationโ€ (FOCAC), Ambassador. Zhou Yuxiao oo safar saddex maalmood qaatay ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu Horayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu weftiga warbixin guud ka siiyey horumarka ka hana-qaaday Jamhuuriyadda Somaliland ee ay iska kaashadeen shacbigeeda iyo dawladdu, kaas oo sababay in beesha caalamku indhaha la raacdo kuna dhiiradaan inay maalgashadaan khayraadka kala duwan ee ku duugan dalka.

Waxaanu madaxweynuhu xubnaha weftiga u sheegay in dalkani tusaale u yahay geeska afrika, marka loo eego horumarka dhinaca dimuquraadiyada ee uu ku tallaabsaday sagaal iyo labaatankii sanno ee u danbeeyey isbedelada dhinacyada badan leh ee ka hirgalay, haday tahay dhinaca doorashooyinka, hanaanka axsaabta xisbiyada qaranka iyo nidaamka qori-isu dhiibka ah ee hoggaanka dalka.

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha kala hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee dhinacyada ganacsiga, iyo iskaashiga bulshada ee ay labada dal lahaayeen mudada dheer.

Ugu dambayntiina waxa la isku af-gartay in labada dal yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo ku dhisan ixtiraam iyo in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarka.

Waxaana kulankaasi madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, macdanta iyo tamarta, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan China.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

04/08/2020

Safiirka dalka China u fadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya danjire Qin Jian oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku sugan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaan weli la kulmin Madaxweyne Biixi.

Danjire Jian, oo hoggaaminaya diblomaasiyiin ka tirsan safaaradiisa Muqdisho ayaa Sabtidii socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, si uu dawladda Somaliland ugala hadlo xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Taiwan dhex maray oo uu safiirku si kulul u cambaareeyay.
Hase yeeshee danjire Jian ayaa saddex maalmood oo uu Hargeysa joogay aan weli la kulmin Madaxweyne Biixi, waxaana Safiirka qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, iyadoo uu wasiirka arrimaha dibaddu dalka ka maqan yahay.

Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in Safiirku arki kari waayo madaxweyne Biixi, laakiin waxa la dareensanyahay in dawladda China doonayso inay Somaliland weydiisato inay ka baxdo xidhiidhka cusub ee Taiwan.
Dawladda China ayaa si weyn uga hortimid, una cambaaraysay bilowga xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo gaadhay heerka ah inay wakiilo is weydaarsadaan. Wakiilka ay Taiwan u soo magacowday JSL ayaa ku sugan Hargeysa, iyadoo la filayo in wakiilka ay Somaliland magacowday uu isna dhawaan u ambo baxo Taiwan.

Hargeysa ayaa maalmahan noqotay caasimad martigelisay laba diblomaasi oo kala socda China iyo Taiwan oo si weyn isu haya.
Xigasho Geeska Afrika.

Eid Mobarik To All Muslims and Somaliland community
30/07/2020

Eid Mobarik To All Muslims and Somaliland community

28/07/2020

Address

Sheikh Ali Jawhar Street
Borama

Telephone

+252659142462

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somaliland Community posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share