07/09/2023
Dharaaro xusuustood
Buuga Maxamed Siciid.
Furitaankii ururrada Siyaasadda Soomaaliland.
Xassanow xoolo-dhaqasho iyo markaad xili ka weynaatid
Saw dharaaro tagay xasuustood dib uma soo xigatid.
Markii mucaaridku ku dhawaaqeen dib-u-habaynta SNM, ayaa Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal koox wasiiro ah oo aan ka sii xusuusto Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo), marxuum Maxamuud Saalax Nuur ( Fagadhe), Axmed Xassan Xuseen Oomane, Cabdilaahi Xuseen Iimaan ( Darawal), Dr. Cabdi Aw Daahir, iyo aniga (Maxamed Siciid Gees) ayaa uu u soo qoray waraaqo uu qoraalkeeda ku bilaabmaya " ajandaha shirka waxa ugu horreeya in aan laga war helin shirkan". Shirka oo ka dhacaya madaxtooyada afarta iyo badhka galabnimo. Sidaas ayaa wasiir waliba isagoon maradiisa u sheegin iska daa cid kale oo,aannu madaxtooyada wakhtigii isku wada aragnay.
Madaxweyne Cigaal waxa uu ka hadlay qoladan sheeganaysa dib-u-habaynta SNM iyo waxa laga yeelayo, maadama qoladayada darafyada aannu aqoon fiican u lahayn jabhadda waxa doodii ka hadlay wasiiradii SNM ahaan jiray oo uu fadhiyey gudoomiyihii ururkii dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed SNM ee ugu wakhtiga dheeraa Muddane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo).
"Golihii dhexe ee SNM shir dambe may qabsan intii ka dambaysay ku dhawaaqiddii gooni-isu-taagga Soomaaliland ee shirweynihii Burco, gudoomiyeheedina Xamar ayuu qabtay, xubnihii guddiga dhexe waa kala tageen, mana jirto hadda cid sheegan karta SNM. Nimankan sheeganayaa waa xubno ka mid ahaa, kuwo kalena waxay ka mid yihiin xukuumadda, gollayaasha shaqaalaha iyo ciidammad qalabka sida, cidna keligeed ma sheegan karto, " eyey yidhaahdeen xubnihii SNM ee ku jiray xubnihii wasiiradii xukuumaddii Madaxweyne Cigaal oo ay u badnayd dooddoodu.
Dooddii qoladii SNM-ta ahayd halkaas ayay la mareen. Qoladayadii kale waxa noogu dhiirranaa Maxamuud Saalax Nuur ( Fagadhe) oo aqoonyahan sare ahaa oo hadal cad oo aan cidna ka xadhig xidhan oo muran badan, oo weliba hirdinta madaxdu ka soo horrayso, ayaa hadalkii qaatay oo ku tiraabay; " Madaxweyne, shirkii Boorame ayaa lagu tiriyey wixii xisbi iyo jabhad la odhan jiray, heer beelo ayaa lagu heshiiyey. Waa maxay waxan dib loola soo baxay? Annaguna USP-dii ayaanu ku noqonnaa miyaa? Marba sheeko miyaa naloo keenayaa? Waxaba k**a jiraan dib-u-habaynta SNM ee la sheegayaa."
Ilaahay ha u naxariistee wasiir Fagadhe halkaas ayaa uu mariyey, jid ayuuna u lahaa, hase ahaatee daw umaanan arkin. Aniga ayaa u baxay hadalkii oo waxa aan idhi, aniga oo xiganayay hadalkii Maxamuud Saalax Nuur ( Fagadhe). Madaxweyne Cigaal, dagaalkii daraawiishta ina Cabdalle xasan waxa laga joogaa boqol sannadood, haddana weli Dhulbahanre waa ay ka sii sheekeynayaan oo gabayadii iyo magacayadii sida khusuusiga ayay ku sii hadaaqayaan oo may illaawin. Sidaas oo kale Isaaq boqol ka sanno ee soo socda way ka hadlayaan SNM iska daa, inta kuwii aasaasay wax ka noolyihiin, oo hadda aynu joogno ah. Marka waxan ku talin lahaa in aan la innaga xigsan SNM-ta".
Shirkaas oo ahaa ra'yi-ururis, waa la soo gebagabeeyey oo uu ku soo dhammaaday, balse waxaan wakhti kadib ogaaday in la dhisay urur la yidhaahdo " Guulaha SNM" kaas oo tageersan xukuumadda, isla markaana ka soo horjeeda mucaaridnimada ay u xuubsiibteen Dib-u-habaynta SNM.
Haddaba, markii uu ii magacaabay Madaxweyne Cigaal inaan noqodo gudoomiyihii guddiga qabanqaabada iyo yagleelka ururkii UDUB ayaa aan ku guulaystay in shirweynihii ururka bud-dhigga u ahaa , kana mid noqdo shirguddoonka oo uu soo fadhiisto isaga oo sita biladii UDUB, Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Sheekh Madar oo ahaa gudoomiyihii Dib-u-habaynta iyo gudoomiyii h**e ee SNM, halkaas ayaa uu ku go'ay hadalka Dib-u-habayntu.
Ayaan darro markii marxuum Cigaal dhintay, dadkii xisbiga dhisayna laga eryey, qaarna isaga tageen, oo dad cusub iyo kuwa diiddanaa oo waxba ka ogayn dhismihiisa ay qabsadeen ayaa uu galbaday UDUB-kiina.
Madaxdii SNM inta xukuumadda gasha mooyee inta kale waxay u xuub siibteen mucaaradnimo, sida ururkii ASAD, KULMIYE, QARAN, UDHIS iyo golaha wada-tashiga oo hadda lagu dhawaaqay. Waa ay dhismi kariwaayeen ururro ama xisbiyo mucaarid u hayn madaxdii h**e ee SNM-tu. Halkaas waxa ka cad in aan ku jirno boqolka sanno iyo SNM, ciddi xukunka qabata Soomaaliland waa hawl sugaysa oo hortaalla sidii ay u maareeyn lahaayeen qodobkaas.
Halgan kale oo dadka laga iibsho oo qarranimo ah oo aan SNM-ta iyo dadkii ka qeybgalay ahayn ma jiro, balse waa mucaaridad ka soo jeedda xunihii madaxda ka ahaa SNM waxay dayr adag uga noqotay Somaliland afkaaraha xag-jirka ka soo jeeda Somalia.
Haddaba, ururradii ka samaysmay Soomaaliland, markiiba waxa ka muuqanaya ilaa hadda sawir-beeled. Waxa se dadka isu keena intooda badan sawirkaas SNM-ta oo h**e u mideeyey bulshada beelaha dhexe taas ayay weli sii hibanayaan.