Dhaqanka Suuban ee Somalida

Dhaqanka Suuban ee Somalida dadka somaliyeed wa dad ah muslimiin , ahne Sunni , oo haysto mahabhabka shaafiga , oo leh ilbaxnimo fog.

Isticmaalka aalada casriga ah iyo social media ha waxey keeni Karaan in sifudud meesha uga baxo dhaqan busho leedahay ha...
13/03/2024

Isticmaalka aalada casriga ah iyo social media ha waxey keeni Karaan in sifudud meesha uga baxo dhaqan busho leedahay hadii aanan lahelin Cid xakameeyso, Social media ha sida wa Faariska ( Virus) ka koobaad ee mantay wajahayan ubadka somaliyeed gaar ahan Gebdhaha dadoodu kayartahay 25 sano jirka.

19/04/2021
14/04/2021

Macluumaad: Yuu kuwaajibaaya soonku , qof nuucee ah ayey muslimiintu kusoomi karaan marka uu arko Bisha Ramadan , iyo guud ahaan yoomu_Shaki xaalkiisa halkan kadaawo

04/04/2021
"Xaaskeyga waxaan guursaday 2016kii iyadoo ka shaqeyneysa Wasaaradda Maaliyadda. Waxay ii sheegtay in ay Dowladda u shaq...
04/04/2021

"Xaaskeyga waxaan guursaday 2016kii iyadoo ka shaqeyneysa Wasaaradda Maaliyadda. Waxay ii sheegtay in ay Dowladda u shaqo billaawday iyadoo jaamacad dhiganeysa, sidaas darteedna lagu diiwaangeliyay shahaado Dugsi Sare ah(Grade B)oo ay mushaar ahaan u qaadato $430 oo aysan joogto u helin.

Mushaarkeeda waxay ku biili jirtay ehelkeeda, wax kasta oo ay rabto ama guriga looga baahdo aniga ayaa iibin jiray xitaa haddii uu xafaayad yahay.

Markii uu noo dhashay cunuggii labaad ayay iga dalbatay in aan gaari u iibiyo. Markaas shiid ayaan ahaa, waxaana ka codsaday in ay i sugto. Way iga diidday, Waxayna igu tiri "Aniga ayaa hadda lacag hayo, ee keen wixii aad hadda heli karto, wixii aan ku darana ii soo celi markii aad lacag hesho"

Iyada ayaan lacag ka deynsaday si aan iyada gaari ugu iibiyo! Saddex bilood k**a nasan oo subax kasta waxay i waydiinaysay in aan u gudo lacagtii gaariga. Ugu dambeynna deyntii waan siiyay.

Habeen ayaan Laptop-keyga shiday, waxaana arkay emailkeeda oo furan. Waxaa ishayda ku dhacay email uu ciwaankiisu ahaa "Mushaarkii Jannaayo" waan furay, waxaana halkaas ka ogaaday in ay Wasaaradda Maaliyadda ka tahay lataliye dhanka dhaqaalaha ah oo mushaarkeedu yahay $6,500 oo uu bixiyo World Bank, waxayna ii sheegi jirtay in ay qaadato $430!

Habeenkaas ma seexan. Waan xanaaqay, haddana waan is dajiyay. Lacagta ay qaadato k**a walwalin, ee waxaan iswaydiiyay halka ay ku bixiso $6,500 iyo sababta ay iiga qarisay.

In aan moobeelkeeda baaro ayaan ku fikiray. Waan ogahay oo sidaasi sax ma aheyn, balse waxay ahayd sida kaliya ee aan xog ku heli karay. Moobeelkeeda ayaan furay, Whatsappka ayaan galay, waxaan fiiriyay farriimaha dhexmaray iyada iyo saaxiibteed, Fartuun. Waxba k**a helin.

Waxaan furay farriimaha ay is dhaafsadeen aabbaheed Cali, halkaas ayaana ka ogaaday in ay dhul ka gadatay xaafadda Oodweyne, haddana uu ka socdo dhismo uu aabbaheed masuul ka yahay. Waxaan arkay sawirrada marxaladaha dhismaha gurigu soo maray oo uu u soo diray. Waxaana aqriyay farriin uu aabbaheed ku dhahayo "Sacdiya, Aabbe ku mahadsanid sida aad u caawisay aboowe Axmed. Baagamuuddo ayuu ahaan lahaa adiga la'aantaa."

Qoraalladii ay walaalkeed isu direen ayaan eegay. Waxayba dhowaan u iibisay gaari Premio ah oo uu Rikaab ahaan ugu shaqeysto.

Si hagar la'aanta ah ayaan u caawin jiray xaaskeyga. Guriga aan gadannay iyada magaceeda ayaan ku qoray, gaariga ay wadatana aniga ayaa ugu iibiyay deyn aan iyada ka qaaday, waayo waxaan aaminsanaa in aysan waxba noo kala soocneyn, oo waxeygu ay waxeeda yihiin.

Subixii waxay dareentay in ay wax qaldan yihiin. Waxay i waydiisay: maxaa kugu dhacay? Waxaan ku iri: waan kugu sirmay ee barasho wanaagsan, Sacdiyo. Waxay tiri: oo maxaan sameeyay? Waxaana ugu jawaabay: waxaad gadatay dhul, waad dhistay, waana iga qarisay.

Waa yaabtay. Waxay igu tiri: yaa kuu sheegay? waxaana ugu jawaabay: Aabbahaa ayaa ii warramay. Afka ayay gacanta saartay, wayna iga tagtay. Wax yar ka dib waxay ii keentay taleefankeeda oo sameecaddu u furan tahay, waxaa qadka ku jiro aabbaheed. Isagoo xanaaqsan ayuu igu yiri: adeer xaad ii nabee ma aniga ayaa kugu iri gabadheyda ayaa guri dhisaneysa? Halkee kugu iri? Goorma ayaanse ku iri? Waxaan ugu jawaabay: adeer been miyaa in gabadhaadu guri ka dhisaneyso Oodweyne, oo adigu masuul ka tahay? Wuxuu igu dhahay: yaa kuu sheegay? Waxaana ku iri: xalay ayaan farriimihiinna aqriyay. Ee adeerow nin ayaad tahay ee ma jeclaan laheyd in xaaskaadu ay sidaas ku yeesho?

Odaygii waa is ceebsaday, wuuna i raalligeliyay. Gabadhii afka ayaa juuqda gebay. Markii uu taleefanka ka baxay ayaan u sheegay in aan wax kasta ogahay, guriga ilaa gaariga ay walaalkeed u iibisay. Waxaana ku iri: xaasidsanidaa! Adiga ayaa iga mushaar badan oo waa ogtahay in aan qaato $850. Wax kaleba iska dhaafe xafaayadda xitaa aniga ayaad i soo waydiin jirtay. Gaari ayaana kuugu gaday deyn aan adiga kaa qaaday! Barasho wanaagsan.

Kalsoonidii way luntay. Jaceylkiina wuu burburay. Saddex maalin ka dib waxaa raalligelin iigu yimid hooyadeed, aabbaheed iyo walaalkeed, waana ka aqbalay. Jannaayo ayay sidaas dhacday, balse Feberaayo iyo Maarso kun shilin ima soo waydiin. Sidaasna kuma soo celin karto kalsoonidii luntay.

Maalin h**e waxay igu tiri: haddii aad ku qanceysid, dhulka magacaada ayaan ku qorayaa. Waxaan ugu jawaabay: maya. Waa hantidaada. Balse waan xarraashayaa dhulkii aan noo iibiyay ee aan magacaada ku qoray iyo gaarigii aan kuugu iibiyay lacagta aan adiga kaa deynsaday. Waxayna iigu jawaabtay: dhulka iibi, balse aniga ayaa kuu celinaya lacagtii gaariga. Waxay i waydiisay in aan furayo, waxaana u sheegay in uusan furriin ii qorsheysneyn, balse uu afka iga saaran yahay haddii ay iga dalbato.”

Gabadhu masuul k**a aha biilka guriga, mana ku qaldana in ay qoyskeeda dhaqaaleyso, balse waa doqonnimo in ay been iyo khiyaano u quurto ninkeedii iyada wax kasta u hurayay ee aaminay in wixiisu ay waxeeda yihiin, ee dhulkiisa ku qoray magaceeda, gaarina ugu gaday lacag uu iyada ka deynsaday. Kalsoonida in la helo way adag tahay, in la lumiyana way sahlan tahay. Waa muraayad aan la kabi karin haddii ay jabto. Gurigu kuma dhisnaan karo tuhun iyo kala shaki ee ka taxadar wax kasta oo dhaawici kara kalsoonidiinna. Sheekadaan waxaa shakarasquare.com ku daabacay nin u dhashay dalka Chana oo magaciisa qariyay, wax badan ayaanse ka bedelay si aan waaqiceenna ugu ekeysiiyo.

Waxaa qoray Hussein Sabrie.

04/04/2021

Talaalka Xanuunka Carona Virus Ayaa Si Rasmi Ah Looga Daahfuray dagmda Maxaas Ee Gobolka Hiiraan

Address

Beledweyne

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhaqanka Suuban ee Somalida posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dhaqanka Suuban ee Somalida:

Share


Other Media/News Companies in Beledweyne

Show All

You may also like