Nadaa Media

Nadaa Media fashion

24/07/2024

Somalida Vs kuwa ajaaniibta

21/07/2024

Sheikh mustafa Haji Isma'il Harun

18/09/2023

Ninka doonayow meel sare inaad gaadhid soo jeed habeenkii

FADHIGA LABAAD EE SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN OO WARBIXIN LAGAGA DHAGEYSTAY WASIIRKA GAASHAANDHIGGA XFS IYO TALISKA ...
25/05/2023

FADHIGA LABAAD EE SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN OO WARBIXIN LAGAGA DHAGEYSTAY WASIIRKA GAASHAANDHIGGA XFS IYO TALISKA CIIDANKA XOOGGA DALKA

Muqdisho, Maajo 25, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Wadatashiga Qaranka oo ka socda Magaalada Muqdisho, kaas oo lagaga arrinsanayey wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Fadhiga maanta oo laga soo qeyb-geliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa warbixin looga dhageystay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo hoggaamin doona howlgalka isku dhafka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka dariska ah oo qaadaya howlgal mideysan oo Soomaaliya lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab. Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, caqabadaha jira iyo qorshaha la xiriira ka miro-dhelinta wajiga 2-aad ee dhawaan ka bilaabanaya dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dalkeennu uu maanta marayo marxalad taariikhi ah, loogana baahan yahay shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsadaan, si loo xaqiijiyo in ubadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan, horumar iyo amni, taas oo ay aas-aas u tahay in la cirib taro argagixisada dhibaateysay shacabkeenna.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ku bogaadiyey Ciidamada Soomaaliyeed sida naf-hurnimada leh ee ay ku xoreeyeen deegaanno iyo degmooyin badan oo ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug, waxayna ammaaneen doorka weyn ee ay qaateen bulshada deegannada la xoreeyey oo garab iyo gaashaanba u noqday Ciidamada Qalabka Sida.
DHAMMAAD

Xigasho by Villa somalia

Deg-deg: Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS  ayaa dalka ka ceyrisay laba ruux oo ajaanib ah kadib codsi uga yimid xafiiska ...
16/05/2023

Deg-deg: Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa dalka ka ceyrisay laba ruux oo ajaanib ah kadib codsi uga yimid xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo labadaas ruux ku eedeeyay in ay ku xad gudbeen sharuucda iyo Xeerarka dalka.

Labadaan Ruux oo lagu kala magacaabo Jacek Josef Ochman oo u dhashay dalka Poland iyo Ralf Bernhard Gehlig oo u dhashay dalka Jarmalka, labadaan ruux waxaa ay ku xad gudbeen xeerarka iyo shuruucda dalka iyaga oo ka dhexbaxay anshaxa iyo dhaqanka diblomaasidadeed.

15/05/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “DHALINYARO SIYAASADA WAA INAAD DOONATAAN, SI AAD U RAADSATAANA WAA INAAD ABAABULAN TAHIIN OO AAD YEELATAAN HOGAAN IYO NIDAAM AAD KU WADA SHAQEYSAAN”

Muqdisho, 15 May, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey Kulan Dhalinyaro oo lagu maamuusayey maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL ayaa tilmaamay in dhallinyarada maanta joogta fursad dahabiya haystaan oo ku aaddan in ay muujiyaan kaalintooda si ay horseedna ugu noqdaan hiigsiga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku booriyey in ay mideeyaan cududooda, codkooda iyo taladooda si ay door muhiim ah uga qaatan isbedelka dalka ee xoreynta dalka, la dagaalka musuq maasuqa, hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo dhameystirka dastuurka dalka, iyagoo soo bandhigaya siyaasad ay ku caddahay qorshaha fog ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Markii bulsho la hoggaaminayo heer kasta ay tahay waa siyaasad, siyaasadna la isma siiyo dhallinyaro, mana ku soo raadsaneyso mas’uuliyaddu ama xilka, sida xirfadaha kale ku soo raadsanayaan. sidaas darteed siyaasadda waa inaad doonataan, si aad u raadsataanna waa inaad abuubulan tihiin oo aad leedihiin hoggaan iyo nidaam aad ku wada shaqeysaan si aad u xaqiijisaan waxa aad rabtiin, markaas cid idin hor istaagi karto ma jirto”

Dhallinyarada ka soo qeyb gashay munaasabadda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh Maxamuud la wadaagay aragtiyo iyo talooyin wax tar u leh qaran diska dalkeenna, waxa ayna waydiiyeen su'aallo ku qotomo qorshaha dowladda ee ku aaddan fursadaha dhallinyarada iyo xuquuqaha ay tebayaan, isagoo uu mid mid uga jawaabay su’aalaha dhallinyarada, kuna adkeeyey dhallinyarada xoojinta dowladnimada, sarreynta sharciga iyo dowlad wanaagga.

Munaasabadda Xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliya ee SYL waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yusuf, Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda ee Gobolka Banaadir Mudane Ciise Guure iyo xubno ka socda labada Gole ee dowladda.

15/05/2023

The truth richness is the richness of the heart ♥

Address

Lugbaxsi
Baydhabo
00252

Opening Hours

Monday 06:00 - 18:00
Tuesday 06:00 - 18:00
Wednesday 06:00 - 18:00
Thursday 06:00 - 18:00
Friday 06:00 - 18:00
Saturday 06:00 - 18:00
Sunday 06:00 - 18:00

Telephone

+252614869005

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nadaa Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Nadaa Media:

Videos

Share

Nearby media companies