06/11/2024
Dhulka Shacabka & Masaajiddii oo Lagu Gadanayo Shidaalka Soomaaliya: Qorshe Halis ah oo Ay Hirgelinayso Madaxtooyadu
Waxaa marag ma doonto ah in qorshaha cusub ee madaxda sare ee dalka ay ku bixinayaan hantida guud uu ku tallaabsaday heer aysan marnaba fileyn shacabka Soomaaliyeed. Dhawaan, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu iibsaday dhul weyn oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana qorshaha lagu qasbay masaakiin iyo qoysas aan haysan meel kale oo ay ku noolaadaan inay ka guuraan dhulkii ay muddada dheer deganaayeen.
Arrinta ugu foosha xun waa in masjidka ku yaalla goobtan – oo ah goob barakeysan oo lagu cibaadaysto – sidoo kale la dumiyey si loo banneeyo dhulka. Ficilkan ayaa caddeynaya in dano gaar ah oo laga leeyahay shidaalka ay dhabarka ka jebiyeen danaha bulshada iyo dhaqankii cibaadada ee Soomaalida. Ma jiro wax tixgelin ah oo loo sameeyey muhiimadda masjidkaas ee bulshada Muslimka ah, waxaana la qaaday tallaabo sharaf-dhac weyn ku ah bulshada Soomaaliyeed.
Qorshahan ayaa qayb ka ah heshiisyo hoose oo madaxweynaha uu la galay ganacsato ay xiriir dhow leeyihiin, kuwaas oo gacanta u gelineysa kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, halka shacabka Soomaaliyeed ay ka luminayaan xuquuqdooda iyo mustaqbalkooda kheyraadka ay leeyihiin. Waxaana muuqata in qorshahan uu fursad u siiyay in kheyraadka dabiiciga ah lagu wareejiyo gacmo kooban, kuwaas oo faa’iido gaar ah ka heli doona, iyada oo shacabka ka war dhowrayo burbur iyo faqri sii kordhaya.
Waxaa hubaal ah in haddii aan arrintan la joojin oo aysan umadda Soomaaliyeed u istaagin xuquuqdooda, ay tani noqon karto tallaabo keenta burbur ballaaran, oo bulshadeenna dib ugu celisa xaalad hanti la’aan iyo tabar darro ku abuurta shacabka intiisa badan. Masjidka oo lagu tunto waa dhacdo ka dhan ah dhaqanka iyo diinta umadda Soomaaliyeed, taas oo muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay damaca gaar ah ee madaxda ku shaqeysanaya awoodda qaranka.