Shabakada Saxaaba Channel

Shabakada Saxaaba Channel Rug waxbarasho

Shaykh Ismaaciil waa 80 jir. Wuxuu 40kii sano ee la soo dhaafay hor fariistaa meel aan ka fogayn Xaramka Madina Al-munaw...
16/02/2023

Shaykh Ismaaciil waa 80 jir. Wuxuu 40kii sano ee la soo dhaafay hor fariistaa meel aan ka fogayn Xaramka Madina Al-munawwarah (Masjidka suubaha scw). Wuxuu dadka siiyaa Shaah, Qahwo iyo timir bilaash ah uu gurigiisa ka keeno.

Cimrigiisa bar (40 sano) wuxuu si fii sabiilillaah uu khidmeeyaa xujjaajta iyo martida Rabbi. Cidna uusan waxba uga doonin ama bedelan.

Illaahoow jannadaada boosaska ugu sarreeya ugu bishaaree!

Brother Diini

Magaaladda Jakarta ee Caasimadda Indonisia ayaa ninkan Sheekha ahi uu Rabbi (S.W) ku guuleeyay in uu xaqa iyo dariiqa to...
23/09/2022

Magaaladda Jakarta ee Caasimadda Indonisia ayaa ninkan Sheekha ahi uu Rabbi (S.W) ku guuleeyay in uu xaqa iyo dariiqa toosan ugu yeedho dhalinyaradan oo isugu jira wiilal iyo Gabdho.

Wiilasha ayaa ahaa kuwo markii h**e hawadooda raacay, waxaanay ka tageen suuradii iyo quruxdii Bani'aadamka, waxaanay markii ugu h**eysay tukadeen salaad.

Dhinaca kale gabdhaha ayuu ka soo kaxeeyay baar habeenkii lagu caweeyo, waxaanu u soo xidhay dhar asturan, waanay tawbad keeneen.

Sii faafi khayrka.

08/12/2021

Xeer Madaxweyne ayuu madaxweyne Farmaajo maamulka Hawada Soomaaliya ku soo celiyay kadib markii la damcey in lagu heysto Kenya & UN.

30/11/2021

Fadlan qoyskan tabaaleysan hala caawiyo. Share dheh si uu u gaaro cid wax tari karta.

29/11/2021

Waa gabar Faransiis ah oo soo muslimtay. Alle ayaa mahad iska leh ka badbaadiyay Naar. Alle haku sugo diinta. Aamiin aamiin aamiin!

24/11/2021

Tuulo dhan oo dadkii ku noolaa aay diinta Islaamka qaateen. Ruuxi mas'uulka ka asnaamta ayaa markii h**e ka biyo diiday balse isagiina markii dambe waa Muslimay. Dheh maashaa Allah.

Nin Dhawaan Diinta islamka Qaatay Isaga iyo Familkiisa ayaa idaacad local ah oo ku taal Dalka faransiiska Waxeey Weeydii...
22/11/2021

Nin Dhawaan Diinta islamka Qaatay Isaga iyo Familkiisa ayaa idaacad local ah oo ku taal Dalka faransiiska Waxeey Weeydiisay Sababta ka danbeeysay in uu muslimo ? Wuxuu ku yiri Qisadan Waan jacalaay in aan idiinla wadaago sanadkii 1993 ayaa aniga iyo Xaaskeyga Waxaan dalxiis u tagnay dalka turkiga.

Meel tuulo ah ayaan nimid kolkaas ayaan Nin oday ah Oo gurigiisa jooga ku dhahnay , Adeero Hotel halkan ma laga heli karaa.?

Wuxuu nagu yiri halkaan hotel k**a dhawo ee waa habeene madoobe gurigey caawa iska seexda berritona iska sii wato socodkiin.
Waan is raacnay xagaa iyo gurigiis ayaanu u baxnay. Markaan xaafadiisa imaanay waxaan aragnay qol mugdi ah shan caruur ah joogto iyo labo qofood oo waayeelo ah.

Casho fudud ayuu noo keenay waanu cunay wuxuu nagu yiri halkaan iska jiifta adiga iyo xaaskaaga. Aniga iyo reerkeyga qol kale ayaan seexneynaa
Halkii baanu habeenkii barinay

Waagu markuu dilaacay ayaan is dhahay bal odaygii u mahad celi kana sii taga misne qolkii wax kuma jiraan banaanka ayan u soo baxay yaab!! waaba kanaa odaygii iyo ehelkiisii dhamaantood oo hal ka maqneeyn geed meeshaan ah hoos seexday qabow darane ku dhacaya. Xaaskeygii xaaladaa markii aragtay weey iska Ooysay 😭😭

Kolkaas ayaan ku iri 'waa kaasa dhaqanka islaamka ee ma ahan kuwa warbaahinta reer galbeedku ka faafinayaan ee dhaqan xumada ah.` Odaygii ayaan u tagnay waxaan weeydiinay sidee ayaan islamka ku bartaa..? Wuxuu ii dhiibay kitaab qu'aan ah oo English ku tarjuman. Labo bilood ayaan baranaay waana ku qancay waxaan qiray kalmada towxiidka
"لا اله الله محمد رسول الله صلي الله عليه وسلم "

Waana Muslimnay aniga iyo dhamaan qoyskeygii. Alxmllh. Waxaan ballan ku qaaday in aan diinta islaamka sii faafiyo Hadda waxaa gacanteyda ku soo islaamtay waxa ka badan 1000qofood.

Wiilkeygana wuxuu dalka "Roomeeniya, ku leeyahay xarunta ugu weeyn daraasadka islaamka halkii mar waxaa lagu islaamiyaa kumanaan qofood waxaa looga yimaadaa daafaha caalamka.

`Waad aragtaan walalayaal wadada ugu fudud ee lagu faafin karo diinteena waa dhaqan wanaaga waa midda ugu saameynta badan marka la eego wadooyinka kale.

"Xikmadda qisadan waxeey tahay
hal dhaqan oo wanaagsan Oo ah in uu Odayga martidiisa karaameeyay imisa ayuu ku helay oo ajar ah Sababna u noqday in eey umaddaas faraha badan sababtiisa ku soo islaamaan.

"Markad dhameyso sii faafi Wllo si dadka kaa danbeeyo u aqristaan ugana faa,iideystan qiimaha aqlaaq wanaaga.Adiga Ajar Inshllh.

Zeynab Cabdullaahi Cali  30ka Juz Ee Quraanka Kariimka Ah Iyo Tafsiirkiisa Ayeey Ku Tartameysay Kaalinta Koowaad Ayeena ...
17/11/2021

Zeynab Cabdullaahi Cali 30ka Juz Ee Quraanka Kariimka Ah Iyo Tafsiirkiisa Ayeey Ku Tartameysay Kaalinta Koowaad Ayeena Gashay Tartan Ka Socday Magaalada Muqdisho,,60 Garaam Dahab Ah Ayeeyna Abaal Marin Loo Siiyey,,Balse Wali Ma Arag Cid Social Media Buun Buunineyso...Ogsoonow Siduu Suubanaha Scw Inoo Sheegay Qalbiga Uu Quraanka Uu Ku Jiro Waa Qalbi Nool,,Qalbi Uusan Ku Jirina Waaa Qalbi Dhintay .. Ma Heli Karaa 100 Qof Ilaahay dartii U Faafiso Soona Qorta Masha Allah Mahadsanid.

NINKAYGA WAAN DHIBI JIRAY, WAXAANA JILI JIRAY IN ISAGA IGA GARDARAN YAHAY, MAXAASA IGA RAACAY.Hadalsame) 28 Sebt 2021 – ...
30/09/2021

NINKAYGA WAAN DHIBI JIRAY, WAXAANA JILI JIRAY IN ISAGA IGA GARDARAN YAHAY, MAXAASA IGA RAACAY.

Hadalsame) 28 Sebt 2021 – “Waxaan jiraa 38 sano. Aniga iyo ninkeygii h**e waxaan wada soconnay 6 sano. Aniga oo 19-jir ah ayaan is barannay. Saaxiibbo isku dhinto ayaan aheyn. Waan is guursannay, waxaana kala helnay wiil 13 jir ah.

Waan kibir badnaa oo waxaan ninkeyga ka diidi jiray in uu i xakameeyo oo aan hadalkiisa qaato. Sababtaas ayuuna iigu kici jiray. Mar kasta oo aan isku dhacno waxaan aadi jiray guriga hooyadey, waxaana cidda u sheegi jiray in uu i soo xumeeyay. Kaddibna gabdhaha ila dhashay ayaa wici jiray, oo canaanan jiray ninkeyga! Mar kasta oo uu isku dayo in uu i xakameeyo waxaan ka dalban jiray in uu i furo. Balse marnaba furriin ma rabin, ee booto ayay iga aheyd, waxaanse rabay in aan is adkeeyo oo uusan jiljileec iga dareemin.

Maalin ayaan ninkeygii u gacanqaaday, asuu i dilay. Ciddeyda ayaana aaday. Qoyskeyga ayaa booliska ku dacweeyay, waana la soo xiray. Qoyskiisa ayaa iga codsaday in aan xabsiga ka soo daayo, waana ka aqbalay. Ninkeygu ma dhib badneyn. Mar kasta aniga ayaa jilayay in uu isagu i dulmiyay, balse xaqiiqadu waxay aheyd in aan isaga nolosha ku dhibay oo aan dareenkiisa dhaawici jiray.


Seddax bil kaddib ayaan arrin yar isku qabannay, guriga hooyadey ayaana soo aaday. Labo maalin kaddib waxaa la ii soo sheegay in uu isbitaal ku jiro. Qoyskeyga ayaa igula taliyay in aanan isbitaalka ugu tegin, oo aan naag adag iska dhigo, gabdhaha ila dhashayna waxay igu qanciyeen in uusan xanuuneyn oo ay jilliin ka tahay.


Asbuuc ayuu isbitaalka ku jiray, markii uu ka soo baxay waxaa i soo gaartay in uu gal furriin ah maxk**adda ka furtay. Anigu furriin ma rabin, waxaana isku deyay in aan ka hortago, balse naag adag ayaan iska dhigayay oo k**a codsan karin in uusan go’aankaas ka laabto. Waan wacay, waxaana u sheegay in aan jahannamo ku jiray intii aan isaga la noolaa, si uu ii tuugtuugo oo furriinku u baaqdo.

Maxk**addii ayaan isla tagnay, waxaana dalbaday in lacagtiisa na loo qeybiyo, si ay lacagtaas u xanuujiso, kaddibna uu furriinka uga laabto. Waxaanse yaabay markii uu maxk**adda u sheegay in uu xitaa diyaar u yahay in uu lacagtiisa dhan aniga la i siiyo, si uu ii furo.


Waxaan kala tagnay Luulyo 2009. Hadda ninkeygii h**e naag kale ayuu qabaa, halka aan anigu nolosheydii ku ciyaaray. Qoyskeygu waxay igu xantaan in aan ahay naag xun oo aan dhaqan rabin. Aniga iyo wiilkeyguna waxaan hadda ku noolnahay biil yar oo aan isagu ka helno.

Gurigeygii soo dumiyay, cashir ayaana ka bartay. Waxaana rabaa in aan halkan farriin ugu diro gabdhaha la qabo oo aan jabkeyga la wadaago. Abbaayo ka fiirso dadka aad talada ka qaadanayso.

Yaan lagu sirin oo guriga lagaa dumin. Dadkii shalay ninkeyga igu diri jiray ee sababta u ahaa in uu i furo ayaa maanta dadka iigu daran, oo waxay meel kasta ka sheegaan in aanan dhaqan rabin. Kibir, madax-adeyg iyo is adkeys ayaa gurigeygii dumiyay, adigana waxaan kaaga digayaa godkaas aan anigu ku soo gubtay.


Inta badan nimanku khalad kuma laha furriinka, ee annaga ayaa ka dalbanno, waxaana sababo madax adeygga nagu jiro iyo dadka aan la tashanno oo aanan ka helin talo fiican. Waxa aad rabto u sheego ninkaada, balse furriin ha ku gorgortamin adigoo aan furriin rabin. Digtoonow abbaayo oo si xikmadeysan u dhaqo gurgigaada.

Guurkaadu waa noloshaada iyo mustaqbalkaada ee ehelkaada iyo asxaabtaada ha u ogolaannin in ay soo farageliyaan ee adiga iyo ninkaadu adinka ayaa is doortay ee si hoose u xallista mashaakilkiinna.”

Gabar ayaa sheekadaan ku daabacday dailyfamily.ng.

Waxaa Tarjumey: Xuseen Sebriye

Address

Eastleigh

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shabakada Saxaaba Channel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Nearby media companies


Other News & Media Websites in Eastleigh

Show All