STAR TV GROUP

STAR TV GROUP Warbaahinta STAR TV GROUP waxaa laga yaabaa in ra'yiga aad halkan ku qorto ay u isticmaasho poga STAR TV waa warbaahin caalamiga ah tan ugu xiisaha badan.

Itoobiya oo ka jawaabtay eedeymo ay u jeedisay dowladda SoomaaliyaDowlada Fedaraalka Itoobiya ayaa soo saartay Warsaxafa...
27/07/2024

Itoobiya oo ka jawaabtay eedeymo ay u jeedisay dowladda Soomaaliya

Dowlada Fedaraalka Itoobiya ayaa soo saartay Warsaxafadeed ay isaga fogeyneyso eedeymo ay u jeedisay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ka mid aheyd hubkii dhawaan lagu boobay magaalada Caabudwaaq.

18/07/2024

Colaadda u dhaxaysa qoomiyadaha Soomaalida iyo Carabta ee dalka Itooboya ayaa marar badan ku soo noq noqotay deeganadaasi, taas oo dhalisay khasaarooyin dhimasho, dhaawac iyo barakac labada dhinacba ah.

11/07/2024
10/07/2024
10/07/2024
In ka badan 20 ruux oo ku geeriyootay dagaal beeleed ka dhacay Galbeedka gobolka Mudug=======================Wararka nag...
29/06/2024

In ka badan 20 ruux oo ku geeriyootay dagaal beeleed ka dhacay Galbeedka gobolka Mudug
=======================
Wararka naga soo gaaraya Galbeedka gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta xaalad daganaasho aan caga buuran ku taagneyn ay ka jirto deegaanadii Shalay ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda beelaha Sacad iyo Leelakase.
STAR TV GROUP

22/06/2024

War-murtiyeed ka soo baxay Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in hawlgalka oo ay hugaamin doonaan Midowga Afrika uu noqon doono mid diiradda lagu saarayo, sidii Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa baabi’inta ururka argagixisada ah ee al Shabaab.

09/06/2024

Xulka kubadda cagta Gobalka Nogob oo ku guulaysatay tartankii 11aad ee koobka Kubadda Cagta DDS https://bbc.in/3VztMi8

29/05/2024
01/04/2024

Xaafadda islii ee Magaalada Nairobi waxaa dorraad lagu toogtay nin Soomaali ganacsade ah oo lacag laga dhacayey.

10/03/2024
Itoobiya oo walaac xooggan ka muujisay warbixintii ay Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka==========================Erg...
22/02/2024

Itoobiya oo walaac xooggan ka muujisay warbixintii ay Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka
==========================
Ergeyga Joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay Tesfaye Yilma Sabo, ayaa walaac ka muujiyay warbixin dhawaan Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay uu gudbiyay golaha Ammaanka.

Warbixintaas oo ku saabsanayd xad gudubyada Itoobiya ee ka dhanka ah madax bannaanida Soomaaliya, iyo fara galinta militari ee Itoobiya ay ka waddo xuduudada labada dal.

STAR TV GROUP

Golaha wasiirrada oo ansixiyay iskaashi dhinaca difaaca oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga====================...
21/02/2024

Golaha wasiirrada oo ansixiyay iskaashi dhinaca difaaca oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga
=========================
Golaha Wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay heshiis lagu tilmaamay inuu yahay mid taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in heshiiskani uu soo afjarayo in badda iyo waxa ku jira looga baqo argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo, xadgudub iyo halis kaga timaadda dibedda.” yuu yiri raysal wasaare Xamse.

Heshiiskan ayay dowladdu sheegtay inuu ku saabsan yahay tababarada iyo qalabeynta ciidanka badda Soomaaliya, si ay ula wareegaan difaaca badda.

Heshiiskani waxa uu sidoo kale kordhinayaa wax soo saarka badda iyo dhaqaalaha buluugga ah, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga isgarab taagga xilliyo muhiim ah oo ay Soomaaliya soo martay iyo maanta oo uu sheegay in lagu soo xadgudbay Qarannimada dalka.

STAR TV GROUP Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Adis Ababa ...
16/02/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Adis Ababa ee xarunta Midowga Afrika si uu uga qeyb galo Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika.

STAR TV GROUP

'Ma Hoggaamiye iyo Hoggaamiye ku xigeen' ayaa lagu badalayaa magaca madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada================...
13/02/2024

'Ma Hoggaamiye iyo Hoggaamiye ku xigeen' ayaa lagu badalayaa magaca madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada
==========================
Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa guda galay wax ka beddelaka dhowr cutub oo dastuurka ka mid ah kuwaasoo isbeddel lagu sameynayo. Qodobada la soo jeediyay in wax laga badalayo dastuurka Soomaaliya waxaa ka mid ah qodobka 51-aad.

Halkii ay ka aheyd in ay leeyihiin dowlad goboleedyada Somaaliya madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ayaa soo jeedinta hadda waxaa ku jira in loo badalo hoggaamiye iyo hoggaamiye ku xigeen.

Marka laga hadlayo xilalka madaxda ugu sarreysa dowlad goboleedyada iyo kan dowladda federaalka, hadii aadan maqal magaca qofka ama sharaxaad kale, kalama garaneysid sababtoo ah hal magac ayey wadaagaan.

Tani waa soo jeedin, weli si rasmi ah waxba looma badalin. Baarlamaanka ayaa dood ka yeelanaya taas soconeysaa ilaa iyo 19-ka bishan Febraayo

STAR TV GROUP

Muqdisho: Macalin Iskuul oo Maanta loo dilay arday uu canaantay darteed========================Wararka ka imaanaya degma...
12/02/2024

Muqdisho: Macalin Iskuul oo Maanta loo dilay arday uu canaantay darteed
========================
Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay Macalin Iskuul oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maclow Abiikar.

Cabdiraxmaan Maclow ayaa Macalin ka ahaa Iskuulka Siidii ee ku yalaa degmada Wadajir, waxaana la sheegay in loo dilay gabar ardayad ah uu canaantay darteed, waxana ku eedeysan dilka gabarta uu canaantay walaalkeed oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Maxuud oo dilka u adeegsaday Tooreey.

STAR TV GROUP

SSC-Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay dagaal ka dhacay deegaanka Yeyle ee gobolka Sool====================ayaa dagaal s...
08/11/2023

SSC-Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay dagaal ka dhacay deegaanka Yeyle ee gobolka Sool
====================
ayaa dagaal saaka ka dhacay deegaanka Yeyla ee gobolka Sool ku eedaysay Somaliland, iyada oo sheegtay in Somaliland ay dagaal beeleed adeegsanayso.

Qoraal kasoo Xoghayaha Amniga iyo Difaaca Maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu yidhi "Waxay saaka maleeshiyaadka argagixisada Somaliland weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fadhiisimada ciidamada difaaca SSC-Khaatumo ee aaga deegaanka Yeyle ee gobolka Sool".

Qoraalka ayaa intaa ku daray in Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo oo heegan buuxa ku jiray ay iska caabiyeen maleeshiyaad weerar kusoo soo qaaday.

"Maamulka Hargeysa farsamada cusub iyo dadaalka Muuse ku bixinayo in dagaalka loo badalo dagala beeleed iyo isku dhufashada beelaha daaqsin wadaaga ah ma aha mid maamulka Ssc-khaatumo iyo caalamkaba lagu khaldi karo" ayaa lagu yidhi qoraalka SSC-Khaatumo.

Ugu danbayn, SSC-Khaatumo ayaa Somaliland ku eedaysay in ay caqabad ku tahay nabada sida lagu sheegay qoraalka

STAR TV GROUP

Address

Sheffield
S37TT

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when STAR TV GROUP posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to STAR TV GROUP:

Videos

Share

Our Story

verified