ATOOR MEDIA

ATOOR MEDIA sakaaro

𝐑𝐀𝐍𝐊 these wingers from 1-4 💫
06/12/2024

𝐑𝐀𝐍𝐊 these wingers from 1-4 💫

♦Mohamed Salah ayaa saxiixi doona heshiis isagoona noqon doona cayaaryahanka ugu mushaharka badan Premier league 👀🔛
06/12/2024

♦Mohamed Salah ayaa saxiixi doona heshiis isagoona noqon doona cayaaryahanka ugu mushaharka badan Premier league

👀🔛

Maayirkii Burco ayaa isaguna cabsadey oo saaka wadooyin cusub ka bilaabay daanta kaleWaa inuu siyaasigu ka cabsadaa shac...
06/12/2024

Maayirkii Burco ayaa isaguna cabsadey oo saaka wadooyin cusub ka bilaabay daanta kale

Waa inuu siyaasigu ka cabsadaa shacabka,
Maahan inay shacabku ka cabsadaan siyaadiga

06/12/2024

Su aasha maanta
Waxaad sheegtaa maayirkii u horeeyey ee hargeysa kala qaybiya

Hoy dhalinyaroy ka jooga Tahriibka Qisada wiilkan dhalinyarada ah ayaa dad badan ka naxeen.Wuu Tahriibay oo Liibiya ayuu...
06/12/2024

Hoy dhalinyaroy ka jooga Tahriibka
Qisada wiilkan dhalinyarada ah ayaa dad badan ka naxeen.

Wuu Tahriibay oo Liibiya ayuu tagay isagoo Caafimaad qaba waxaa dalka dib loogu soo celiyey Shalay isagoo Lugaha Naafo ka noqday.

Shalay sidaan ayuu ahaa maantana waakaas Murugada iyo qalbi jabku uu wajigiisa ka muuqdo.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan muhiima la qaatay culimada waa weyn ee dalka. Kulankaas oo daarana...
05/12/2024

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan muhiima la qaatay culimada waa weyn ee dalka.

Kulankaas oo daaranaa duco iyo sagootin ay Madaxweynaha Qaranka ugu yimaadeen Culimadii ay soo wada shaqeeyeen mudadii uu xilkq Qaranka hayey.

Madaxweynaha ayaa culimada ugaga mahadnaqay sidii hufnayd ee ay ula soo shaqeeyeen muddadii uu xilka hayey, iyaga oo culimaduna dhankooda madaxweynaha uga mahadnaqay xidhiidhkii hufnaa iyo sidii uu kaalintooda culimonimo ugu qaddariyey intii lagu gudo jirey muddo xileedkiisa.

BerBera Xuddunta Dhaqaalaha iyo isku socodka Bariga Afrika.■■■■■■■■■■Magaalada BerBera waa meel Ilaahay u nimceeyey oo J...
01/12/2024

BerBera Xuddunta Dhaqaalaha iyo isku socodka Bariga Afrika.
■■■■■■■■■■
Magaalada BerBera waa meel Ilaahay u nimceeyey oo Juquraafi ahaan dhacda marin badeed ka (gacanka BerBera) xagga Berrigana Ilaahay ku xeeray deegaano leh khayraad dabiici ah , lehna awooda soo jiidashada dadka mandaqadda iyo ganacsigooduba in ay la yeeshaan macaamilo kasoo bilaabantay ilaa dhawr qarni ka hor. Awoodaha iyo Ayaanka Ilaahay ku manaystay BerBera Deegaan ahaan iyo Bulsho ahaanba Waxay abuurtay in BerBera ay yeelato mustaqbal nuur leh oo ka ifaya dhaman dakadaha jaarka ah.
Mar kasta oo horumar u soo kordho caasimada BerBera iyo bulshadeeda waxa Iyana dhinac ka dhantaala oo dib in ay u dhigaan jeclaada cid kasta oo horumarka BerBera diidan iyaga oo si dadban u soo adeegsada dad ka mid ah shaqsiyaad wax ma garato ah oo aan horumarka iyo dib usocodku ay iskugu mid tahay. Waxa taas ka markhaati kacay beydadkaa gabayaa cabdillahi Suldaan timacadde kaga hadlay mar berbera la fadhisiyay‘ Saylac Daadku ha Qaado, BerBera yaanay Dooni ku leexan Duqaydii Baarlamaankow labada kala daayo’ AHN Timacadde.
Waxa jirtay mar kale oo dadkadda BerBera ay maalgashadayaasha reer dubai DPW ay doonayeen in BerBera Port and Airport la maal galiyo si ay kaalin muhiima uga ciyaarto tartanka dekedaha iyo airport yada gobolka geeska Africa, Markii la arkay mustaqbalka wanaagsan ee BerBera yeelatay waxaa loo bahalo galiyay oo laga cabsiiyay dadkii deegaanka oo la doonay in lagu kiciyo oo la isku hor keeno iyaga iyo shirkadda maalgashanaysa ee DPW waxa qayb ka ahaa Siyaasiyiin iyo Baarlamaan reer Somaliland ah oo diidanaa horumarka Somaliland ee ay soo jiidatay BerBera , Taas oo aakhirkii ay guulaysatay bulshada wanaagsan ee horumarka jecel ee reer BerBera oo ay is garabtaageen dawladooda , Nacabkii horumarka diidanaa ee Si xun wax u sheega ahana ay iska fahmeen dadka asalka ah ee reer BerBeri. Aakhirkii BerBera waa ku guulaysatay maal galintii shisheeye ee Dakadda iyo Airportka Faiidadeedana waa la wada arkay oo

Qalinkii sakaaro atoor

01/12/2024

Ma nihin niman inamadood lagu dul qabsado ' Maxamed Aw Siciid Hantidiisa Cid taaban kartaa Ma Jirto " Cuqaasha Iyo Salaadiinta Waxgaradka Beesha Iidle Jibriil

Dalkeena waxa ka taagan arrin foolxun oo mishkilad ku ah horumarka aynu doonayno. Waa arrin aynaan wada dhaadayn, oo mar...
29/11/2024

Dalkeena waxa ka taagan arrin foolxun oo mishkilad ku ah horumarka aynu doonayno. Waa arrin aynaan wada dhaadayn, oo marka maalgasni loo dhaqaaqo soo baxda. Waxa ay dabar ku tahay maalgashiyada oo la hoos ordo. Waa arrin aan ka fursanayn in xukuumada cusubi ay ku darsato hawlqabadkeeda bal sidii laga yeeli lahaa caqabadaha dad-sameega ah ee lagu dabrayo maalgashiyada.
Waxa aynu wada ogayn wixii Bulaxaar ka dhacay, markii ganacsade maalgashi u socday loo kala daadiyey maalgashi dalka iyo dadka deegaankana waxtar u lahaa.

Maantana, Meyd maxaa u danbeeyey iyo kaa la sii sido ayaa la odhan jiray, maalgashiga Maxamed aw Siciid ka waday Berbera, kuna dhisayey wershad Sibid oo malaayiin doollar ku kacaysa, ayaa niman dano gaar ah wata, iyo kuwo kale oo ganacsadaha dad siyaasadd ahaan u qaniinay ay dhabarka ka soo taabteen baa faafiyey borobagaandho ay ku kicinayaan shacabka Berbera, si ay u hor istaagaan maalgashigaas balaadhan ee Wershadda Sibidhka lagu dhisayo. Waa ayaandarro baahsan oo inagu habsatay in dadkeenii sharfanaa ay u dhego nuglaadeen biidhiqaatayaal afmiishaaro ah, oo dano shakhsiya dad leh u adeegaya ay ka rumaystaan namaamnimo ay ku duminayaaan in Berbera ay wax u soo kordhaan. In knayraadka dihin loo helo warshado, aynu kaga maaranno boqolaalka milyan ee doollar ee sanad walba ay Somalikand sibidh ku soo iibsato.
Dadka borobagaandhada fidinaya waxa ay diidan yihiin waa horumar dhaqaale oo soo kordha. Waxa ay diidan yihiin dhismaha wershad shaqo abuur u samaysa kumanaan dhalinyaro ah.

Guntii iyo gebagebadii, shacabka Berberow, ma ismaqlaynaa, dantaa garo oo munaafaqa Alle iyo ummadiis toona aan ka xishoonayn ee diidan in shaqooyin abuuraan, ee diidan in dhaqaale soo kordho, ee diiddan in khayraadkeena Sibidh dibada ka yimaada aynu kaga maarano, dadkaas aan dantaada dulinka ku ah, Berberaay meel ma uga soo wada jeedsanaaa?

Sakaaro Atoor

Muxaafid iyo Mucaridawba intan ila Dhugo.Madaxwane Mr. Nelson Mandela Ayaa Yidhi Dawlad-nimadu kuma dhisnaan karto "Aars...
29/11/2024

Muxaafid iyo Mucaridawba intan ila Dhugo.

Madaxwane Mr. Nelson Mandela Ayaa Yidhi Dawlad-nimadu kuma dhisnaan karto "Aarsi iyo Akhlaada oo laga tago, Balse Dawlad-nimadu waxay ku dhisantaa is cafis iyo isku tanaasul" Dhinacwalba ah.

Maalin maalmaha ka mida, Halgama Nelson Mandela oo markaas ahaa madaxweynihi ugu horeeyey Konfur Afrika ayuu goor habeena wuxuu socod mijo-baxsi ah (Lug), ku kala bixiyey goob ka mida magaalada, kadib markuu saacado socday ayuu si uu ugu yar nasto ugana shaaheeyo waxa uu ku leexday Makhaayad Cunto "Cafateria" waxaana markaas la socday laba nin oo ilaaladiiisa ah.

Mandela oo socodkii ku soo daalay ayaa meel koorne ah ka fadhiistay maqaaxidii, halkii ayuu cunto iyo cabid ku dalbaday, laakiin intii dalabka cuntada loogu maqnaa waxaa ishiisu ku dhacday Nin Calool kuusan oo wajigiisana uu aqoonsaday ama (gartay), kaaso meel aan ka fogeyn madxwaynaha fadhiyey, oo Canka cantuug ka buuxinaaya, waxaase ka muqatay cabsi iyo khalkhal, farabadan oo aan u arkay buu yidhi inuu i arkayo, dabadeed ma daama aan badh-gartay isaguna i gartay mid ka mid ah ilaaladeyda ayaan ku idhi ninka halkaas fadhiya iigu yeedha!! Ninkii ayaa isagoo baqdin xoogan oo xad dhaaf ahi ay hayso ayuu miiska la soo fadhiistay, waxaanu ku yidhi waxaad doonayso dalbo, dhidid buur buuran ayaa ka da,ayay oo waabu. Kusii batay oo wuu hoorayba,

Mr. Mandela oo ninkaas qoraalka buugiisa ku xusay, waxuu yidhi kulan-kayagaasi waxa kaliya ee aan ninkaas ka wareystay xaaladiisa caafimaad iyo inuu shaqadiisa weli haysto iyo in kale, uma muujin ayuu yiri wax ficil colaad ah, ama dhib ah, waxaanse kaliya u sheegay inuu xageyga cafis ka yahay oo cid wax uu raacaneyso aanay jirin, ugu dambeyna si fiican xaraarad leh ayaan isu maca-salaameynay oo aan u anba bixiyay.

Nelson Mandela oo nin-kaa ka warbixiyey, Qisadii soo kala dhexmartay ayaa
wuxuu yidhi Ninkaasi waa saaxiibkaygii muddadii dheerayd xabsiga igu hayey, wuxuuse ahaa jaahil nacdali kortay ahaa, wuxuu ahaa ninkii sida gaarka ah x

DEG DEG:- Ciidanka Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Wiil Dhalinyaro Ah Oo  Hargeysa Nin Ku Dilay  Ciidamada Booliska JSL ay...
29/11/2024

DEG DEG:- Ciidanka Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Wiil Dhalinyaro Ah Oo Hargeysa Nin Ku Dilay

Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Maxamed Baashe Faarax Ina Khadra Badel 24 jir ah oo ku eedaysan in uu maanta ku dilay degmada Maxamuud Haybe Marxuum Khadar Xaashi Ismaaciil 37 jir ahaa , isagoo u isticmaalay todoba mindiyood , taasoo keentay geerida marxuumka!.

Hawlgal ay sameeyeen Ciidanku ayay gacanta kusoo dhigeen Eedaysanaha , waxaana socota baadhid dheeraad ah, markay dhamaatana waxa degdeg loo horgayn doonaa ha'yaddaha garsoorka .

Taliska Ciidanka boolisku waxa tacsi u dirayaa ehellada Marxuum , waxaanu alle uga baryayaan in samir iyo iimaan ka siiyo.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.

Warshada Sibidhka ee Berbera Semint oo  Sanadka  Cusub 2025  Soo Saari Doontaa  Waxsoosaarkeedii ugu  Horeeyey:- Warshad...
29/11/2024

Warshada Sibidhka ee Berbera Semint oo Sanadka Cusub 2025 Soo Saari Doontaa Waxsoosaarkeedii ugu Horeeyey:-



Warshada Sibidhka ee Gobolka Saaxil uu ka Hirgaliyey Maalqabeen Maxamed Awsiicid Geedi oo ah Muwaadinka ugu Maalgashiga Badan Ganacsatada Somaliland, Kaasi oo ay ku soo hirtaan Maalgashadayaalka Caalamig ahi, Taasoo Wadankeena ka dhigtay mid hodan ku ah Maalgashiyada iyo Ganacsiga Xorta ah.

Warshadan Sibidhka oo noqon doonta Warshadaha ugu Waawayn Geeska Afrika, isla Markaana Quudin doonta Guud ahan Gayiga Somaliyeed ee Geeska Africa iyo Qawmiyadaha Faraha badan eek u Nool, Waxay noqon doontaa Mid Buslhada Somaliland kala Dabaalata Dhaqaale Xumada iyo Camal Laanta Baahsan ee Saamaysay Dayarta Kasoo Qalinjabiyey Jaamacadaha dalka dibada iyo gudahaba ee Camal laaanta la itaalka daran leh.

Goobta iyo Degaanka laga Sameeyey Waa Meel ku Haboon, isla Markaana Sahamin iyo Darasaada Badan lagu Sameeyey, kuna Haboon Shaqadan ay Warshadu Qabanayso, Warshad Sibidh lagama Dhisi karo Meel aaney ku haboonayn iyadoon laga fikirin Saamaynta Dadban iyo Tatogan ee ay leedahay Manaha Mid lagu dhisi karo Malawaal iyo Sahaminlaan, iyadoon laga fikirin Degaanka ku Xeeran.

Wararka Baraha Bulshada lagu soo baahiyey Gaar ahaan Xogreeb news, Waa kuwo ka Baxsan Anshaxa Saxafanimo Waana Majara habaabin ay bulshada ugu abuurayaan khalkhalgalin iyo kicin Waana Qalin ku Macaash.

Waxtarka Balaadhan ee Maalqabeen Maxamed Awsiciid Geedi ku Maalgashanayo, Gobolka Saaxil Maaha mid Qalin lagu Waxyeelaynkaro, Waxtarka Maalgashiga Ganacsadaha Waa mid aan Sacabada lagu Qarin Karin.

Qalinkii Sakaaro Atoore.

29/11/2024

War Dag Daga

“Anigu waxaan ku adkaystay ilaa aan ka midho dhaliyo Himiladayda iyo Halgankii aan dalka usoo maray intaan xooga leeyaha...
29/11/2024

“Anigu waxaan ku adkaystay ilaa aan ka midho dhaliyo Himiladayda iyo Halgankii aan dalka usoo maray intaan xooga leeyahay ee ILAAHAY Caafimaadka i siiyey in aanan ka fadhiisan,

Kulmiye iyo Horseed awalba way isku xidhnaayeen imikana way isku xidhnaanayaan ilaa aynu ka midho dhalinayno Ujeedadeena”.

Guddoomiye Cabdilaahi Xuseen Iimaan Darawal

Ilaahay ma ina dilayaa hadalkii xildhibaan Maxamed Abiib ee shirka Heritage muu aheyn hadal qof jamhuuriyada Somaliland ...
29/11/2024

Ilaahay ma ina dilayaa hadalkii xildhibaan Maxamed Abiib ee shirka Heritage muu aheyn hadal qof jamhuuriyada Somaliland xil ka haya ama somalilander ahi meeshaa ka jeediyo, sababtuna waxay tahay;

1- Isaga ayaa qirey in aan mansab ahaan iyo meeqaam ahaanba loo maamuusin dalka uu matalo.

2- Cida martiqaaday waxay u martiqaadeen wanaaga Somaliland may aheyne xumaanta Somaliland bay ahayd .

3- Mawduucyada ugu waaweyn ee meesha yaalay waxaa lagaga hadlayey danaha maamulka Muqdisho iyo wax ku lid ah danaha jamhuuriyada Somaliland.

Haddaba waxa aan garan waayey cida uu iska dhisayey ileyn meesha isagaaba ka marag kacay waxa yaala e , mida kale waxa uu ku celceliyey waan ku faraxsanahay in aan idin hortaaganahay anigoo qof somali ah , waxaa isweydiin leh soomaalinimada yuu uga marti yahay ?

Aan soo ururiyo gari Alley taqaanaaye shalay markii lagu gafayey waanu garab taagneyn maantana isaga oo mansab iyo maamuus umadeed sida halka uu inala aaday maaha mid haboon.

Wa bilahi tawfiiq
Siyaasi Mohamed Dhimbiil .

Duqa Magalada Kismaayo ayaa Amar ku bixiyay ina dhammaanba laga tirtiro goobaha Dawlada Sawirada Madaxweyne Xasan Sheekh...
28/11/2024

Duqa Magalada Kismaayo ayaa Amar ku bixiyay ina dhammaanba laga tirtiro goobaha Dawlada Sawirada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

26/11/2024

Isgaadhsiinta SO!,GASHO

26/11/2024

Ku soo dhawow sagal Aubto spare parts oo laga furey xaafada 150ka isgoyska if oyo aakhiro

Tell 0634417397

Address

Flat 2, 75 Cecil Road
London
HOUNSLOW

Telephone

+252634465292

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ATOOR MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to ATOOR MEDIA:

Videos

Share

Nearby media companies


Other Media/News Companies in London

Show All