Gurey Maydhax

Gurey Maydhax Waa Bogga Rasmiga ah ee Wariye Gurey Madhax
This is the official page of Gurey Madhax

Laga soo bilaabo 2006dii ilaa hada waxaan bulshada u adeega mihnada suxufinimo.

Qofkan waxa ka liita qofka wax ka duubay ee microphone hoos qabtay ee aflaado waalid cinwaan uga dhigay ka dib umada la ...
07/01/2025

Qofkan waxa ka liita qofka wax ka duubay ee microphone hoos qabtay ee aflaado waalid cinwaan uga dhigay ka dib umada la wadaagay

Mudane Madaxweyne Amaanka qarankii somaliland waxa ku soo kordhay xaalado qalafsan oo sababi karta, inuu halls galo amaa...
07/01/2025

Mudane Madaxweyne Amaanka qarankii somaliland waxa ku soo kordhay xaalado qalafsan oo sababi karta, inuu halls galo amaanka dalku.

Madaxweyne ciidamada madaniga iyo dadka baraha bulshada ka wada kicinta iyo iska horkeen-ka bulshada oo sii socdaa waxay keeni kartaa khatar aad u wayn.

Wixii dambiga ahaa hadùu dhaqan caadi ah noqdo berina, waxa ku xigta inay caadi noqoto in sharciga gacanta lagu qaato.

Madaxweyne 3 arimood inaad wax ka qabataa waa lagama maarmaan.

1.Ciidamada madaniga iyo
2.Dadka abaabulan ee hab qabiil u qabaabulan iyo
3.Warabaahinta wax walba duubaysa ee sii daynaysa.

Talo Soo Jeedin Maddaxda Heer-qaran ee Jamhuuriyada Somaliland (Golaha Wasiirada, Agaasimayaasha Guud,  Maddaxda Haya'da...
06/01/2025

Talo Soo Jeedin Maddaxda Heer-qaran ee Jamhuuriyada Somaliland (Golaha Wasiirada, Agaasimayaasha Guud, Maddaxda Haya'da Maddax-banaan)


Mudane/Marwo Waxa laydin-xushay oo laydin Ig-maday Masuuliyad Qaran iyo Xil Umadeed, Badan-kiina Waa Markii Ugu Horaysay ee aydin Qabataan Maamul-dawladeed ama Maddax-nimo Xafiis Dawladeed Sidaa Darteed Waxa aan Jeclay- stay in aan Idinla Wadaago Talooyin Kooban:

1. Mudane/Marwo Waxa aynu nahay Dal leh Dastuur iyo Sharci Qoran, Wasaarada Qaranka yo Haya'adaha Kala Duwan ee Dalku Waxa ay ku Aas-asan yihiin Xeerar iyo Qawaaniin.

Mudane/Marwo shaqo Kasta oo aad Fulinaysid Waxa aan idinkula Talinayaa in aad ka Cabir-qada taan Dastuurka dalka iyo Xeerar-ka Wasaarada/Haya'da aad Maddax-da ka tahay.

Mudane/Marwo Masuul-ka raaca wadada/Jidka Sharciga Ma hil-maamo Shaqada mana Am-bado.

2. Mudane/Marwo Shaqaalaha Dawladu Waa hantida Keliya ee aynu Dheer-nahay Dalal badan, Waa Shaqaale leh Khibrad U leh Shaqada ay hayaan, Shaqaaluhu waa Shidaalka ay ku shaqaynayaan Xarumaha Dawlada Jamhuuri- da Somalilan, ,Waa Aqoon -yahan Waayo arag ah oo Mudo Dheer Umada U soo Adeegay, Waxa ay Qaaten Tababaro la xidhiidha Shaqadooda. Badi-doodu Waxa ay Ku qaateen Gudaha dalka, Halka Qaarkood Tababaro U Tageen Dalka Debediisa.

Mudane/Marwo Marka ay Sidaa tahay Waxa aan idin kula Talinayaa in aydin ka Faa'iidaysataan Qibrada iyo Waayo arag-nada Shaqaalaha Dawlada Somaliland.

Mudane/Marwo Ugu Horayn Waxa aad Shaqada ka bilow-daan Dersid iyo Qiimayn halka iyo Heer-ka ay Shaqadu Marayso, intaa Ka dib Hal-abuurkiina Cusub ha ka bilaamo Halka iyo Heer-ka Ay Shaqadu taagan tahay ama Marayso.

Si aad U ilaalisaan Niyada Shaqaalaha U Cadaalad Sameeya Shaqaalaha, Igmashada Masuuliyadaha Shaqada;Ku kala XushaShaqaalaha; Akhlaaqdoo- da, Aqoontooda iyo Qibradooda Shaqo

3. . Mudane/Marwo Xafiisyada iyo Xarumaha Dawladu Waa Madalo loogu Adeego Bulshada, Waxa aad Maddax-weynaha Qaranka Ugu xil-saaran tihiin Fulinta iyo Maamulida Adeeg-yada kala Duwan ee loo qabanayo Bulshada.

Waxa aad Ogaataan In Kursiga laydin Ig-maday yahay kursi ay Bulshadu leedahay, Xafiiskana Loona Sameeyay in loogu adeego Bulsjada.

Mudane/Marwo Waxa aad Ogaataan in aad Muwaadiniinta Dheer-tihiin Xilka aad adeega ka tihiin oo qudha. Sida aydin Shalay U ahaydeen Muwaadiinta loo Adeegayo, Maanta aad U Tihiin adeeyasha Muwadiniinta waxa aad Ogaataan In Berina Mar Kale aydin ka Mid noqon doontaan Muwaadiniinta loo adeegayo.

Mudane/Marwo sidaa Markay tahay; Waxa aan idin-kula Talin lahaa in aydin Bulshadiina Ugu Shaqaysan oo Ugu Adeeg-taan; Sinaan, Daacad-nimo, Hawl-karnimo, Huf-naan iyo Daah-furnaan Shaqo.

Siyaasi. Dr. Maxamuud Saleebaan Ducaale Yuusuf (DVM)

Ninkii Maxamed Xandule tagi waa wuu soo  taagan yahay subax walba, tolow ma ciyaala birtaa igu soo balamiyey Mohamed Som...
06/01/2025

Ninkii Maxamed Xandule tagi waa wuu soo taagan yahay subax walba, tolow ma ciyaala birtaa igu soo balamiyey
Mohamed Somali Liverpooly Mohamed Siigeeye Osman Heer Sare Sacad Ahmed Aydiid

“Illahay waxan ka baryaa inuu nafta iga qaaddo Aniga oo Saliga Nabiga Afku ku haya.”Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Axme...
06/01/2025

“Illahay waxan ka baryaa inuu nafta iga qaaddo Aniga oo Saliga Nabiga Afku ku haya.”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Axmed Yaasiin Sheekh Cali ayaanle.

"Waxa aan ka bilaabi doonaa in aan soo saaro siyaasadii warbaahinta, warbaahinta dawlada tayadeeda kor baan u qaadi doon...
06/01/2025

"Waxa aan ka bilaabi doonaa in aan soo saaro siyaasadii warbaahinta, warbaahinta dawlada tayadeeda kor baan u qaadi doonaa, dhaqanka waaxyihiisa waxa ii qorshaysan in aan balaadhiyo, waxa 100ka maalmood ee u h**eeya ii qorshaysan in aan qabto shirweynihii dhaqanka Somaliland."

Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Wasiirka Warfaaafinta

“Waxaan Codsanayaa in aad na wada ansixisaan oo aydaan nakala reebin..” Wasiir Axmed Yaasiin Sh. Cali ayaanle
06/01/2025

“Waxaan Codsanayaa in aad na wada ansixisaan oo aydaan nakala reebin..” Wasiir Axmed Yaasiin Sh. Cali ayaanle

05/01/2025

Inaan idiin waramana waan doonayaa inaan microphone diplomacy iska dhawrana waan doonayaa , hadalkan waxa fagaaraha khayriyada ka jeediyey marxuum maxamed xaaji ibraahim Cigaal
Maxaa kaaga baxay?

Rag is gurayee isna wuu igu socdaa ana sawir ayaan la galayaa.Xato waxaan leeyahay  nabada ilaali
05/01/2025

Rag is gurayee isna wuu igu socdaa ana sawir ayaan la galayaa.
Xato waxaan leeyahay nabada ilaali

04/01/2025

Maan fahmin wararkan aan arkayo xasan sheekh iyo ganacsatada xoolaha ee somaliland maxaa iskaga xidhan.

WInaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun ilaahay ha u naxariisto Cabdilaahi Quule Jaamac oo ka mid ahaa shaqaalaha wasaarad...
04/01/2025

WInaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun ilaahay ha u naxariisto Cabdilaahi Quule Jaamac oo ka mid ahaa shaqaalaha wasaarada warfaafinta.

Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo ehelkii qaraabadii iyo bahda wasaarada warfaafinta

Awoowayaal Waxaad Soo taag-teen Meel Nabada lagaga Wada Hadli-karo. Caqligii iyo Garaadkii laydin-ku yaqaanay baad Talis...
03/01/2025

Awoowayaal Waxaad Soo taag-teen Meel Nabada lagaga Wada Hadli-karo. Caqligii iyo Garaadkii laydin-ku yaqaanay baad Taliseen, Heshiiskii Nabada ee Afar-beeloodku ma burin, Ma Bur-burin Wuu Yare- Boodhoobay ee aynu dib Dhaska Uga tuno, Salkana U Adkayno, Shir Deg-deg- ah oo Wada-jir ah ha laga yeesho Nabada Degmada Ceergaabo.

Qolada aan Difaaca Fahmin Waxaan lee yahay Cid Kasta oo lagu gefo ama Degaanka ay lee yihiin ama ay Qayb ka yihiin Haddii Rabshad laga sameeyo Xaq waxa ay U lee yihiin in ay Nabadeeyaan, Sidoo Kale waxa ay xaq u lee yihiin In ay ka difaacaan Wixii Nabada Cadow ku ah. Si Umadoodu Nabad iyo Deganaad Ugu Wada Noolaato, Geyiguna U noqdo Guri Nabadi Taal.

Waxa sal u ah Talada Awoowayaashay Warsan-geli Shareecada Diinta islaaamka. Shirkoodana ku dhaqanka diinta Islaamka ayaa ka soo Baxay.

Umada Somaliland Gun-dhigoodu waa Nabadgelyo Wada noolaansho iyo Horumar.

Nin Dagaal Max-suulkiisa garanayaa kuma deg-dego, Waayo waxa uu og yahay in Wiil Ku dhinto ee aan Wiil Ku dhalan, Ninka Dagaal wax ka yaqaan Mar la kalifay Uun buu Galaa! Waana kan Ugu Diyaar-garow-ga dambeeya, Badina Waxay Noqotaa tiisa.

Sanaag oo ah.

Siyaasi. Dr. Maxamuud Saleebaan Ducaale Yuusuf.

03/01/2025

Muwaadin ilaasho qaranimadaada

01/01/2025

Wasiirkii h**e ee wasaarada warfaafinta Cali Hassan oo munaasibada Sanadka cusub ayaa fariintan la wadaagay shacbiga reer somaliland

01/01/2025

Sanad wacan oo wanaagsan 2025

01/01/2025

14 Bilood ayaa laga soo shaqaynayey in ceerigaabo dadkeeda la isku diro oo colaad la dhex dhigo.

31/12/2024

Ilaahay sanadkaa ha iiga dhigo sanad iiga wanaagsan sanado badan oo Ina dhaafay
Ducada igu dara

31/12/2024

Soo dhawoow 2025

Address

Flat 2, 75 Cecil Road
Hounslow
W38RS

Telephone

+252634106442

Website

https://www.blogger.com/profile/03559855105005964804

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gurey Maydhax posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gurey Maydhax:

Videos

Share