Qtv

Qtv kusoo dhawaada pagekan

18/12/2023

Maansadii habaarka axmed faarax cali idaajaa.

21/11/2023

ABWAAN RAAGE UGAAS WARFAA ALAHA UNAXARIISTO Wuxuuna yiri:_

■Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye
Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye

Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og
Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye
Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye

Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale
Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye
Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay
Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay

Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e
Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye (soo maroo, na waa la akhriyey)
Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye
Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye
《Wabilaahitawfiiq》 Abdiwali Aden Dirie Abdi Aden dirie .

Telegram:_
21/11/2023

Telegram:_

17/11/2023

Maanta iyo hees abwaan hadraawi :_
Hooyooy la'aantaa
Aduunyadu hubaashii
Habeen k**a baxdeenoo
Iftin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Xiddig hawd ka lulatoo
Sida haad ma fuuleen
Dayax heego joogoo
Hubka laguma tureen
Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu heleynoo.
Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa
Marka aad nin hoo-loo
Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo
Hayntiisa quudhoo
Hor Illaahay geystiyo
Lama h**e dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Mar aad nin himilada
Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaadhoba
Ku labaad hilaadshoo
Haga maatadiisoo
La higsado dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Marka aad nin hoogiyo
Ka hor taga daalkoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
Dabka hura bakhtiiyoo
Ku haggoogta dhiiggoo
Dadka kala hagaajoo
Kala haga dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Markaad hoobal caaniyo
Hindisaa farshaxanoo
Hab-dhaca iyo luuqdiyo
Hawraarta maansada
Heensayn yaqaanoo
Rabbi biyo u siiyoo
Labadaba hannaanshiyo
Hal-abuur dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Dumar iyo haween baa
Nolol lagu haweyntaa
Kuwa lagu hammiyayee
Sida hawd caleen weyn
Rag u wada hammuumee
Ishu calacsanaysaa
Hablahaaga weeyee
Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hubqaadloo
Quruxdana ka hodaniyo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa
Hooyoy la'aantaa
Higgaad lama barteenoo
Hooyoy la'aantaa
Hadal lama kareenoo
Ruuxaanad habinoo
Kolba aanad hees iyo
Hoobey ku sabinoo
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee
Hoygii kalgacalkee
Naxariistu hadataay.
Hooyoy dushaadaa
Nabad lagu hubaayooo
Hooyoy dhabtaadaa
Hurdo lagu gam'aayoo
Hooyoy taftaadaa
Dugsi laga helaayoo
Waxa lagu hal-maalaa
Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay
Gogol lama huraaneey
Dugsigii hufnaantaay
Hidda lagu arooraay.
Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa
Hooyo dhimashadaaduna.
W/b Abdiwali Aden Dirie.

13/06/2023

Kusoodhawaada maanta iyo muuqaal qurux badan fadlan follow isoo dheh Qaran joog tv

22/05/2023

Kusoodhawaada sheekadii cigaal shiidaad dhaqanka iyo hidaha axmed faarax cali idaajaa

12/05/2023

Taxanaha maasooyinkii Gumaysi diidka axmed faarax cali idaajaa

30/04/2023

Qorisra Farta soomaaliga iyo kaydintii suugaanta Soomaalida 1974 Axmed Cali idaajaa (360p).mp4

29/04/2023

Dhaqashada idaha iyo soomaalida kusoo dhawaada asxaabta

27/04/2023

Garsoorkii soomaalidii h**e kusoo dhawaada asxaabta

Address

Wardheer
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qtv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Qtv:

Videos

Share


Other Social Media Agencies in Jijiga

Show All