Hope Tv

Hope Tv Warbaahin madaxbanaan

16/04/2024
XOG CUSUB:- DEGMADA QABRI-BAYAX IYO XANNUUNKA SHUBAN BIYOODKA, OO AAD LOOGA DEYRINAYO.Shacabka qabalaha Garbiile ee degm...
12/04/2024

XOG CUSUB:- DEGMADA QABRI-BAYAX IYO XANNUUNKA SHUBAN BIYOODKA, OO AAD LOOGA DEYRINAYO.

Shacabka qabalaha Garbiile ee degmada ee Degmada qabribayax waxay u baahan yihiin Gurmad Caafimaad oo Degdeg ah.

Xaallad culus oo Caafimaad darro" ayaa laga soo sheegayaa qaballeega Garbiile ee degmada qabribayax. Bulshadaasina waxay la ildarantahay xanuunka shuban biyoodka oo Muddo labo toddobaad ka hor ah ka dilaacay qabalahaas. Ilaa imika waxaa la diiwaangeliyay kiisas ka badan 20 Kiis, Halka Maalmihii la soo dhaafay la xaqiijiyey dhimashada hal qof. Sidoo kale waxaa hadda la soo sheegayaa dad shubmaya oo ku sugan gudaha qabalaha.

Xafiiska caafimaadka Degmada qabri bayax iyo Shaqaalaha Caafimaadka ee Isla degmada, ayaa Sameeyay, dadaalo lagula tacaalayo xanuunkan kuna howlan wax walba oo ay Ku samata bixin karaan bukaanada ku sugan goobaha Caafimaadka Balse mashaqada meesha taala ayaa ah mid ka awood badan,

Gurmad miisan wayn oo deg-dega dadka halala gaadho, dadkaas, xaalka (Garbiile) yaan la dhayalsan.

Alle naxariistii janno haka waraabiyo inta Xanuunkaas kudhimatay, inta buktana ha caafiyo.

Shirka qiimeynta warbixinta waxqabadka 9kii bilood ee lasoo dhaafay, ee degmoyinka gobolka Faafan ayaa Maanta ka furmay ...
12/04/2024

Shirka qiimeynta warbixinta waxqabadka 9kii bilood ee lasoo dhaafay, ee degmoyinka gobolka Faafan ayaa Maanta ka furmay xarunta Gobolka faafan.

ugu horeyntii Furitaankii shirka qiimeynta warbixinta waxqabadka rubuca 3aad ee degmooyinka gobolka Faafan ayaa waxaa furay guddoomiyaha gobolka Faafan Mudane khader ahmednur isagoo halkaas ku soo jeediyay ajandaha qiimeynta warbixinta rubaca 3aad ee sannad-miisaaniyadeedka 2016 Ti.

Qiimeyntan oo muddo 3-maalmood socon-doonta ayaa diirada lagu saarayaa waxa ka hirgalay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin maamul wanaaga, nabadgalyda, horumarka, arrimaha Xisbiga iyo dakhli uruurinta.

09/04/2024

Dadaaladeena Dowladeed iyo kuweena Bulsho aynu ku xaqiijinayno qamaanad qaadka cunto, iyo hirgalinta barnaamijka Waxsoosaarka beeraha ee Dalag iyo daryeel

Xoojinta waxsoosaarka beeruhu waxa ay Door muhiim ah ka qaatan la dagaalanka Faqriga, saboolnida, Cunto yaridda iyo yaraynta nafa qodarada dadka. Waxayna kor u qaadaa kobaca dhaqaale ee bulsho iyo horumarka dhaqaale ee dalka iyo deegaanka.

FG: Maadama oo hadda lagu jiro xiligii laga Faaideysan lahaa roobka" gu'ga waxaan bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka faafan ugu baaqaynaa iney Beeraha qotaan' isla markaana ay Xoogga saaran tabcashada Dalagyada kala duwan ee beeraha

Hal-ku-dhaggeenu waa inta ay beertaaddu kusiiso bahdaa kuma siiso, Mahadsanidin.!

Dhiirigeliye:- Jimcaale Bulle .....

29/03/2024

Adeega La hubo E-Sahal Wallet ..!!

shirkada Sahal Microfinance, gaar ahaan waa adeegeeda E-sahal wallet waa adeega ugu fiican (DDS) wakhti xaadirkan waana adeeg sahlay in si fudud oo khidmadyar ah( minimum charge) shacabkeeda ugu dirsadaan,

Waa shirkada kaliya ee shaqo Abuur ka heleen kumanaan aqoonyahan oo shaqo la’aan ahaa kana shaqeeyaan maanta dalka iyo Deegaankaba.

Waa shirkada kaliya ee imtixaan xalaal ah ka qaada xulashada Shaqaalaheeda nidaam waafaqsan tartan kaasoo ay kaga duwan tahay shirkadaha kale

Shirkaddan ayaa dhawaan soo kordhisay isku wareejinta lacagaha bangiyadda oo macaamiisha usahleysa in ay lacagtooda bangiyadda ku wareejisan karaan, kanna soo wareejisan karaan.

Shirkada oo wakhti dhaw uun shaqada bilowday ayuu Durba isticmaalkeedu gaadhay 80% in ka badan dadka Kudhaqan DDS iyada oo kasbatay Quluubta shacabka Somaaliyeed, Walow ay jiraan tartamo iyo is riix riix dhanka suuqa ah oo kala dhexeeya shirkado kale.

Adeegyada Esahal wallet waxaa kamid ah

1. Customer
a) Transfer Money to registered and unregistered user (peer to peer)
b) Cash Withdrawal at Sahal microfinance Agent, Rays MFI branch (cash out)
c) Airtime Purchase - Ethiotelecom
d) Merchant Payments (Pay with Sahal)
e) Bill Payments - (Ethiotelecom Postpaid, Ethiopian Airlines)
f) Digital Micro Loan
g) Uqub/Hagbad/Tablebanking
2. Agent
a) Cash Deposit
b) Cash Withdrawal
c) Airtime Purchase
d) Customer Registration
e) Customer PIN Reset
f) Bill Payment
3. Merchant
a) Receive Cash
b) Funds Transfer
c) Airtime Purchase
d) Bill Payment iyo dhammaan wax kaste oo looga baahanyahay adeeg maaliyadeed

WQ: Jimcaale Bulle (Faafan Tv)

25/03/2024
08/03/2024

17/02/2024
17/02/2024

Address

Hope Tv
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hope Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hope Tv:

Videos

Share

Category


Other TV Channels in Jijiga

Show All