Kobci aqoontaada channel

Kobci aqoontaada channel WALALAYAAL WAXAD KALA SOCON KARTAAN WAXYAABOO OOD WAX KA BARAAN KARTAAN MARKA PAGEKAN INAAD KUUSOO BIRTAAN AYAAN IDIIN KAA ZODSANAYA

05/09/2021

WAA TAXANE BILOW INOO AH

🌷🌺🌹🌸🌷🌹🌸🌷🍃🌹🌸
Waa sheeko xanuun leh oo barnaamijka 3cisho inoo socon doona idam Alle.
QAYBTA-1
Sheekadan waxa ay kadhacday magalo ka mid ah magaalooyinka Soomaaiyeed. Dhacdadan oo ah dhab waxaa ka sheekaysay Gabadhii ay ku dhacday.
Waxay sheekadu ku bilaabanaysa sidan.
Waxay ahayd gabadh Alle u dhameeyey qurux, dheerar, dabeecad iyo soo jiidasho rabaaniya waxay ka dhalatay qoys danyar ah oo anan haysan hanti badan wuxuu qoyskoodu ka koobnaa 9 ilmood waxayna kala ahaayeen 5 gabdhood iyo 4 afar wiil, waxaa iyada ka waynaa labo wiil halka gabdhahana ay iyada ugu waynayd farxadda reerkoodu waxay ahayd mid dhamaystiran aad ayayna ugu faraxsanaayeen dhamaantoodaba nolasha ayku jiraan ee fiqiirnimada ah.
Aabbeheed wuxuu ahaa nin Harqaanle ah, halka hooyadeedna ay ahayd, dadka qudaarta gada nolal maalmeedka xafada marna mayn wayi jirin, hase ahatee, lama oran karo reerka oo intaas ah in quud kufilan nahay harqaan. Dhammaantooda waxay ahayeen dad howsha guriga taalla aanan isku dhowrin qofba wuxuu qaban karo ayuu qaban jiray.
Gabadhu maalmaha ay fasaxa ka tahay iskuulka hooyadeed ayay qudaarta miiska ka nasin jirtay, waxayna gadi jirtay malmahaas si ay hooyadeed iskaga nasato waayo waa noole waxayna ubahantahay nasiino badan.
Waxaa gabadha shukaansi ugu imaan jiray wiilal badan qaar ay magaalada isku barteen iyo qaar ay iskuulka isku barteenba, qaar xafadaha ay daris ku yihiin iyo qaar khadka interneedka ay iska barteen intaba, balse waxaas oo dhanba ayadu waxay ahayd qof aan u soo jeedin waayo nolasha ay ku jirto ayaa ahayd mid aanan guur iyo shukansiba u qurxinaynin, niyad saasa uma aysan haynin guur. inta badan wiilasha waxay ku odhan jireen “walaaley maskaxdaadu halkay u sii jeedda, maxad radinaysaa haddaadan guursanaynin, sida gabdhaha kula da’da ah”. balse ayadu waxay ahayd, gabadh ku fakiraysa siday hooyadeed iyo aabbeheed ku nasin lahayd.
Maalin maalmaha ka mid ah, ammin galab ah, ayaa waxaa gurigooda yimid rag odayaal ah oo toddoba

05/09/2021

Horey u soco.

Waxaa wanaagsan mararka qaar inta aad u xayirnaa
lahayd raja is baddalna ka sugi lahayd qof aanan ku fahamayn una diyaarsanayn
ama isku dayeen xitaa in uu ku fahmo in aad h**ey uga socoto oo noloshaada qayb
aadan ka siin, waqtiga ayaa barayo qiimaha aad leedahay.
Qalbigaada mar walba dhaawac qof aanan u qalmin
uu dhaawacayo uma adkaysan karo, naftaadana waa in aadan u qasbin qof aanan
naxariis iyo kalgacal toona u hayn.
Qiimaha noloshu ku macaantahay waa is qaddarin
iyo isku naxariisasho iyo iska warqab, qof aadan intaas ku haysan ma ahan in naftaada
uu qayb ku yeeshaa oo dartiis waqtigaada wacan u qarribmaa.
Xusuusnow mar walba in qof aadan ku qasbi karin
in uu daacad kuu ahaadaa hadduusan isagu dooran.
Xusuusnow in qof aadan ku qasbi karin in uu kuu naxariisto
ama kaa warqabo haddii uusan taas isaga garan.
Xusuusnow in qofna aadan ka dhigan karin qofka
aad rabtid in uu kuu noqdo haddii uusan isagu doonayn in sidaas uu kuu noqdo.
Aniga oo daacad kuula hadlayo runtana kuu
sheegayo ayaan ku leeyahay mararka qaar qofka aad is leedahay naftaada qaali
ayuu ku yahay ayeyba noloshaada ku macaantahay in uu ka baxo oo la’aantiis ay
noloshaada socoto.
Waa in aad u fahantaa waxyaabaha qaar in loogu
tala galay in ay sidaas u dhacaan adiga oo ku faraxsanayn hadana maslaxaddaada
ay ku jirto.
Naftaada ha ku qamaarin adiga oo isku dayaya wax
hallaabay dib u hagaajintooda, waxyaabaha qaar waa in aad u fahantaa in aysan
mudnayn dib u hagaajin balse, in la iska illaawaa ay mudan yihiin.
Wax walba sida aad rabtid uma heli karitd haddii
qofka wax kula wadaagayo uusan sidaa kuula fahamsanayn, is fahamka ayaa
saldhig u ah wax walba, qofka kuugu fahamka badan waa qofka kuugu qaalisan inta
noloshaada ku hareeraysan, laga yaabee in qofkaas aadan adigu sidaa u
dareensanayn balse, waa xaqiiq aan la dafiri karayn.
Waan ogahay mana ahan wax aan dafirayo in
mararka qaar qalbiyadeena ay u ooyaan kuwa aan noo qalmin faham guudna aan ka
haysan xaaladaha aan markaa la noolnahay, laak

02/09/2021

Waad dhalaalisaa qalbigeyga oo waxaad ka buuxisaa jacayl markaad I eegto anigana jacayl daran oo aanan xad lahayn ayaan kusii qaadaa! Aad Ayaan kuu jeclahay xaaskeyga qiimaha badan

02/09/2021

Maansada: Billaahi ammaan isii.
Maansadan Billaahi ammaan isii waa maanso foorjo ah oo ka turjumaysa dareenka gabadh ka niyad jabkay nin ay h**e isku jeclaayeen oo haddana u sheegaysa inaanu boos nolosheeda uga bannaanayn,..
Nalkii xubbigaa bakhtiyey,
Dareenkiibaa bogsaday,
Dhibtiyo kalgacaylkan ba’as
Bukaan uma ihi socdee,
Waxaan ahay ruux badqaba.
Jacaylkan anaa ku baray,
Haddana anigaa ka baxay,
Markaan kuu soo bandhigay,
Naftayda ayaan bahdilay,
Haddana ballantii illaw.
Dhul uu roob biyo dhigoo,
Barwaaqadu dihintahoo,
Bustaannada laga dhergoo,
Baadkiyo cawskii bixiyo,
Miyey simanyiin bannaan?.
Nin xoogiyo baawarloo,
Buruud loo laga cabsado,
Dadkuna ay kaba baqaan,
Ayaan baadh baadhayee,
Maxaa coonkani I baday?.
Anigu basanbaas jacayl,
Balaayo la sheegto daran,
Bilaash loo ooyayoo,
Bestay baan ahay la dhaho,
Ragbaan kuba nacay baroor.
Waheey kani baahsanaa,
Haddaan kuu sheegay been,
Bil-aadan ayaan ahee,
Miyaanan ka boodi Karin,
Axdigi badhkeenna yiil.
Haddaad is buquujisiyo,
Haddaad is bakhtii tidhaah,
Kun jeerna barooratoo,
Dadkuna ii kaa baryaan,
Wallee beer kaama naxo.
Anoon baydh-baydhinbaan,
Caddaan u badheedhayaa,
Warkayguna waa bayaan,
Bustana wax ma saarayee,
Anigu kuuma bogin runtii.
Ninyaw hadalkaagan badan,
Buuqaagani waa dhibbee,
Sidii boodhkiyo dhaskii,
Miyaan bal ku buufiyaa,
Hawada maad iiga bixi?.
Kalgacal wada birinbirqaa,
Dareenkan biqlaysigaa,
Jacaylkan busaaraddaa,
Anigu uma baahi qabo,
Baddaas orodoo la quus.
Qof ii kaa buuxiyoo,
Bartaadii aan gashana,
Meel dheer k**a baadhayee,
Ogow boqolbaan hayaa,
Dhammaan booskaaga raba.
Anoon bahdilaad karayn,
Xumaan buunbuuninayn,
Midh aan kugu boorriyee,
Kumaa badawyahow ku yidhi,
Naftaydani waa bilaash.
Waraabe ku booba iyo,
Raggii bahalay noqdeen,
Hablii bacsadoo eryada,
Allow na badbaadiyoo,
Bir iyo xadhig nagaga hay.
Sidii buur meel ku taal,
Ammaba baabuur kiraa,
Figtiyo hayga bixin dushee,
Bartaa iga joogso oo,
Billaahi ammaan isii

Address

Jigjiga
Addis Ababa
1123

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kobci aqoontaada channel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kobci aqoontaada channel:

Share

Category