HOGGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO AYAA KA QAYBGALAY SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARAN
Muqdisho 15 May 2024:- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Golaha uga warbixiyey xaaladaha Guud ee Deegaannada SSC-Khaatumo, isagoona soo bandhigay in SSC-Khaatumo tahay Maamul dhammaystiran oo mudan inuu helo xuquuqda Dastuuriga ah ee ku leeyahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.
Golaha ayaa soo dhaweeyay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo iyagoona bogaadiyey dadaalada SSC-Khaatumo ugu jirto ilaalinta Midnimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Soomaliya.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada SSC-Khaatumo
Email: [email protected]
30.April Allianz Arena Munich FC Bayern and Madrid.
#Update; Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa amartay shalay in uu maxkamadda horyimaado Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan-Cade oo fulin waayay amar maxkamadeed oo ahaa in uu joojiyo dhismaha ka socda dhul muran ka taagan yahay oo ku dhexjira xeyndaabka garoonka diyaaradaha, kaas oo lagu eedeeyey Madaxweyne Xassan Sh in uu xiligii ansixinta dastuurka laaluush ahaan u siiyey mudanayaal katirsan baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, isagoo fahamsan in ay leeyihiin qoyska Reer Cali Ugaas, kuwaas oo cabashadooda jeedinayay maalmihii u dambeeyey.
Taliyaha Saldhiga booliska ee garoonka Aaden-Cade ayaa iska diiday fulinta amarka maxkamadda, isagoo helay amarka madaxtooyada ee kuwajahan dhulkan, maxkamadda ayaa markale maanta amartay in lasoo xiro Taliyaha saldhigan, iyadoo warqada loo diray Taliska guud ee ciidamada Booliska, iyadoo ay ilo wareedyo sheegayaan in uusan awood Taliyuhu u yeelan karin uu maxkamadda horkeeno taliye qeybeedka helaya amarada madaxtooyada ee dhul-boobka.
QEYLO-DHAANTA: la xariirta dhul boobka ayaa samada isku shareertay, iyadoo dhammaan dadka cabanaya ay madaxweynaha ku eedeynayaan in uu ku fasaxay dhulkii danta guud xubno saaxiib la ah, oo ay wax kasta xaraash galinayaan.
Al-Qushaash Mid is dhiibiyo Mid dhintay Noqdeen.
Mansha alah waa Inan yar Alle ha u barakeeyo Maskaxda iyo muruqaba
Madaxweynaha Maamulka barakaysan Ee SSC KHATUMO Shacabkiisa lawadagay Farxada Malinka Eida.
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, ayaa sheegay inaanu metelin Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maanta ay magacawday Xukumada Soomaaliya.
Caqliga Cilmiga iyo Carabka Alle hakuu barakeeyo.
Qaraarka kayimi Puntland!
“Puntland waxay u dhaqmaysaa dawlad madax banaan, ahaan waxayna yeelanaysaa awoodaha dawlad gaar ah ilaa helayo Dastuur Soomaaliya, oo afti loo qaaday, kuna dhisan nidaamka Federaalka, Xassan Sheekh waa MW hore oo lumiyey sharciyadii lagu doortay” Qaraarka Puntland ay gaartay ayaa lagu yiri.
Qaraarkan ayaa la sheegay in lahorgeyn doono golaha wakiilada Puntland, waxaana la xigtay qodobada dastuurka PL ee sheegaya in dib loo eego kasii mid ahaanshaha DFS, Beesha Caalamka ayay PL toos ula xaajoon doontaa.
“Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa wadashaqeyna la yeelanaysaa cidkasta oo aqoonsan kuna dhaqmeysa dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee la
ansixiyey 1-dii August 2012” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.
Bangiga Aduunka ayaa fariin adag oo qoraal ah u diray dawladda Soomaaliya, gaar ahaana xubnaha dhinaca dhaqaalaha kuwargaliyey in xisaabxirkii sida loo maamulay dhaqaalihii Bangiga Aduunka baxday aan lasoo gudbin, kaas oo waqtigiisu ahaa in loo gudbiyo Bangiga Aduunka 31-Dec-2022, hayeeshee aan ilaa hadda lahaynin.
9 bilood oo dheeraad ah oo soo gudbin xogtan ay codsatay in DFS loogu daro ayaa lagu sheegay warqadan in ay ku e’ey tahay 31-ka bishan March oo aan lakordhin doonin.
Bangiga Aduunka ayaa kuhanjabay in haddii aan warbixinta la keenin ay qaadayaan tallaabooyinka ah.
1- Mashaariicda hadda socota lama kordhin doono.
2- Mashaariicda qorsheysan lama soo deyn doono.
3- Dhammaan wada xaajoodyada ayaa dib loo dhigi doonaa, xitaa kuwa hadda qorsheysan in lasoo daayo bisha Abriil 2024.
4- Dhammaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa, sidaas oo kale lacagaha hadda mashaariicda socota ah ayaa la hakinayaa.
5- Hagayaasha mashaariicaha hadda socda iyo kuwa qorsheysan dhaqaalaha ay helaan ayaa lahakinayaa.
6-Bangiga Aduunka wuxuu hakinayaa deeqaha ay saameynayso warbixinta aan lasoo gudbin.
7- Saddex Mashruuc oo ay tahay in April 2024-ka la fasaxo oo uu bixinayo dhaqaalahooda Bangiga Adduunka ayaa lahakinayaa.
"Waxaa socdaa dibu eegis dastuur maahane'e waa qorida Dastuur cusub, oo aan sharci aheyn oo aan laysku raacsaneyn, oo bulshada Soomaaliyeed waqti looga luminayo, waana sharci darro, iyadoo laga leeyahay ujeedooyin guracan" Ra'iisulwasaare hore Xassan Cali
"Waxaa socdaa dibu eegis dastuur maahane'e waa qorida Dastuur cusub, oo aan sharci aheyn oo aan laysku raacsaneyn, oo bulshada Soomaaliyeed waqti looga luminayo, waana sharci darro, iyadoo laga leeyahay ujeedooyin guracan" Ra'iisulwasaare hore Xassan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay qorida Dastuurka cusub ee MW Xassan Sheekh ku foogan yahay.
Ra'iisulwasaare hore ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xassan Sheekh kala dhantaalka Midnimada iyo wadajirka dawlad gobaleedyadii isku raacsanaa dawladnimada Faderaalka, isagoo ku eedeeyey Xassan Sheekh in uu abuurayo dhaqan kala shaki ah oo sababaya kala tag midnimada ah.
Kheyre ayaa codkiisa si cad ugu biiriyey mucaaradka diidan qorida Dastuurka Faderaalka, wuxuuna sheegay in waqtiga looga luminayo Shacabka Soomaaliyeed, wax laga leeyahay dano siyaasadeed oo aan sax aheyn, kuwaas oo mustaqbalka bulshada lagu luminayo.
DEG DEG; PUNTLAND: ayaa Cadaysay in aysan qeyb ka aheyn, Aqoonsan doonin lana shaqeyneyn gabi ahaanba Dawladda Federaalka Soomaaliya, haddii aan lajoojin isku dayada Bedelka Dastuurka cusub, waxayna sheegtay PL in MW Xassan Sh diiday gogoshii ay dhigtay, taasna ay muujinayso in dawladda Federaalka ujeedooyin midnimada dhaawacaya oo awood galinaya kala taga ay ka shaqeynayaan.
Madaxweyne Xassan Sh ayaa lagu eedeeyey kala geynta Ummadda Soomaaliyeed, intii is raacsanayd.
Shirka wadatashiga Siyaasadda Soomaaliya ayaa ka furmay Garoowe, kaas oo ay ka qeybgalayaan Madaxdii horr ee DF, madaxda Puntland iyo Mudanayaal katirsan labada golle ee baarlamaanka 11-aad, waxaana looga hadlayaa jihada ay Madaxtooyada Soomaaliya u wajahayso qodobada masiiriga ah ee dalka, gaar ahaana Bedelka Dastuurka iyo Haykalka dawladnimadii ay Soomaalidu horey ugu heshiisay.