Fayax Media

Fayax Media Kala Soco Media Warar Sugan, Lana sii Wadag, Saxiibada,Wanagsan Sidaada Mahadsanid.

Shaqaa fiican baa socota guul iyo Gobanimo.
28/06/2024

Shaqaa fiican baa socota guul iyo Gobanimo.

24/06/2024
28/05/2024
HOGGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO AYAA KA QAYBGALAY SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARANMuqdisho 15 May 2024:- Hoggaamiyaha...
15/05/2024

HOGGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO AYAA KA QAYBGALAY SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARAN

Muqdisho 15 May 2024:- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Golaha uga warbixiyey xaaladaha Guud ee Deegaannada SSC-Khaatumo, isagoona soo bandhigay in SSC-Khaatumo tahay Maamul dhammaystiran oo mudan inuu helo xuquuqda Dastuuriga ah ee ku leeyahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

Golaha ayaa soo dhaweeyay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo iyagoona bogaadiyey dadaalada SSC-Khaatumo ugu jirto ilaalinta Midnimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Soomaliya.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada SSC-Khaatumo
Email: [email protected]

Cagtiiii joogsan waydaaa marbay ceeb lakulantaaa✌️waa Lagu digtaa Ruux haduu kuu darnaan jiray😂
10/05/2024

Cagtiiii joogsan waydaaa marbay ceeb lakulantaaa✌️waa Lagu digtaa Ruux haduu kuu darnaan jiray😂

Dawladda Soomaaliya ayaa u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM codsiga ah in la baabiyo oo meesha laga saaro Xaafiiska UNSOM,...
08/05/2024

Dawladda Soomaaliya ayaa u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM codsiga ah in la baabiyo oo meesha laga saaro Xaafiiska UNSOM, oo ah kan inta badan ay QM ka warsadaan xaalka Soomaaliya.

UNSOM, waxaa madax u ah Ergayga gaarka ah ee QM uqaabilsanaada Soomaaliya, kaas oo inta badan warbixinihiisa lagu dhiso go’aanada UN kasoo baxa, waxaana dalabka DFS ah ee ah in October sannadkan aan la dhaafin ay ka dhigan tahay, dhiiranaan xoog leh.

Haddii golaha Ammaanka u codeeyaan, in shaqada UNSOM lajoojiyo, waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya laga saaray chapter 7 oo ahaa in loola dhaqmo sidii dal aan madax banaaneyn, iskuna filneyn.

05/05/2024

Run badanaa😂😂😂😂

30/04/2024

30.April Allianz Arena Munich FC Bayern and Madrid.

 ; Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa amartay shalay in uu maxkamadda horyimaado Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan...
24/04/2024

; Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa amartay shalay in uu maxkamadda horyimaado Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan-Cade oo fulin waayay amar maxkamadeed oo ahaa in uu joojiyo dhismaha ka socda dhul muran ka taagan yahay oo ku dhexjira xeyndaabka garoonka diyaaradaha, kaas oo lagu eedeeyey Madaxweyne Xassan Sh in uu xiligii ansixinta dastuurka laaluush ahaan u siiyey mudanayaal katirsan baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, isagoo fahamsan in ay leeyihiin qoyska Reer Cali Ugaas, kuwaas oo cabashadooda jeedinayay maalmihii u dambeeyey.

Taliyaha Saldhiga booliska ee garoonka Aaden-Cade ayaa iska diiday fulinta amarka maxkamadda, isagoo helay amarka madaxtooyada ee kuwajahan dhulkan, maxkamadda ayaa markale maanta amartay in lasoo xiro Taliyaha saldhigan, iyadoo warqada loo diray Taliska guud ee ciidamada Booliska, iyadoo ay ilo wareedyo sheegayaan in uusan awood Taliyuhu u yeelan karin uu maxkamadda horkeeno taliye qeybeedka helaya amarada madaxtooyada ee dhul-boobka.

QEYLO-DHAANTA: la xariirta dhul boobka ayaa samada isku shareertay, iyadoo dhammaan dadka cabanaya ay madaxweynaha ku eedeynayaan in uu ku fasaxay dhulkii danta guud xubno saaxiib la ah, oo ay wax kasta xaraash galinayaan.

22/04/2024

Sida ay xaqiijinayaan Ilo wareedyo dhanka amniga ah, ilaa 4 xubnood oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland, iskuguna jira curiyayaal suugaan, xubno dhalinyaro ah iyo Macalin h**ey uga tirsanaa Bahda waxbarashada ee Somaliland ayaa kubiiray kooxaha Argagixiso 2-dii todobaad ee lasoo dhaafay, waxayna tageen Jilib iyo Bu’aale.

Xubnahan ayaa ku kala sugnaa magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, kale h**e Abwaano caan ahaa iyo Aaden Sune oo Hargeysa daganaa, kana kasoo jeeday dhinaca Somaliland ayaa kubiiray kooxahan Argagixiso.

22/04/2024

Al-Qushaash Mid is dhiibiyo Mid dhintay Noqdeen.

20/04/2024

Wasaraadda Qorsheynta , Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ee SSC-Khatumo (MoPDIC) ayaa digniin u dirtay Hay’adaha Kala duwan ee ka howl galaya deegaanada SSC-Khaatumo, ee aan diiwaan gashnayn.

Bayaan ay soo saartay Wasaaraddu waxay ku xustay in ugu dambayn bishan April 30th, 2024 ay Is diiwaan geliyaan dhammaan Hay’aduhu.

Hay’adaha NGO ka hawl gala deegaanada SSC-Khaatumo ee aan wali is diiwaan galin.
Waxa ay la kulmi doonaan ciqaab, iyo ganaax iyo qaraamo kala duwan leh.

Sidoo kale iyadoo Kaashanaysa Hayadda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee SSCKH, MoPDIC waxay Soo diyaariyeen: Post Conflict Needs Assessment Report kii ugu horreeayay ee si rasmi ah uga soo baxa Deegaanka SSCKH. kaas oo ka warramaya baahiyaha iyo soo jeedinta habkii loo xallin lahaa caqabadahaas. (Dhawaan ka filo Reportkan bartayda cusub ee Websiteka MoPDIC)

Ugu dambayntii, Wassaaradda Qorshaynta SSC-Khaatumo (MoPDIC) iyo Wasaaradda Qorshaynta ee Federaalka Soomaaliyeed MoP FGS ayaa yeeshay xidhiidh wada shaqayneed oo baahsan gaar ahaan ka qaybgalka diyaarinta Strategiyada Qorshaha Horumarinta Somalia _National Transformation Plan ( NTP).

18/04/2024

DEG DEG; Roobabkii guga oo Xalay siwayn uga da.ay deegaano katirsan Gobolada Doolo iyo Cayn Warbaahinta Fayax Media ayaana xiriir la samaysay deegaanada roobsaday Xalay.

Akhriso deegaanada Buuxsamay iyo kuwa Lagu Qabowsaday Xalay oo kulal Balaadhan ka jiray Maalmahan oo aan Xiriir la sameeye.

1 Cagaar beenle Waa Buuxsamay.
2 Madaxgaal waa Buuxsamay.
3 Jiingada Waa Buuxsamay.
4 Bur Buris Waa Buuxsamay.
6 Aangalo Waa Buuxsamay.
8 Heegaale Biyo dhig wacan.
9 Qararo Biyo dhig.
10 Laandher inta Badan waa buusantahay
11 Xirsi Macaf biyo dhig.
12 Kooratonshe Biyo dhig.
12 farhareeri Waa Buuxssntahay.
13 Ismadhaqa Waa Buuxsantahay.
12 kurtunle Waa buuxsantahay.
13 Gole Waa Buuxsamay.
15 Goowayne biyo dhig.
16 marqaan Tumay.
17 Jarmalka biyo dhig
18 fardaale biyo dhig

Buuhoodle. Tumay.
Tuulo Haybe Buuxsantahay.
Dan Dan tumay.
Qararo Bari tumay.
Tuulo jacayl Waa Buuxsantahay
Sool joogto biyo dhig
Gocondhaale biyo dhig wacan
Maygaagle biyo dhig
Maroodi ka dhac biyo dhig.

Roobkii xalay ayaa inta Badan u Badan deegaanka u dhaxeeya buuhoodle Dan Dan tuulo Haybe qararo ilaa coonbaal oo ah dhulka Miyiga ah.

14/04/2024

Telefishinka Al-jazeera ayaa ku warramaya inay Iran ugu hanjabtay waddan kasta oo Ogolaada hawadiisa iyo dhulkiisa in laga soo weerarro inay si dhaqso ah ugu jawaabi doonaan.

"Waxaan si adag uga jawaabi doonnaa waddan kasta oo hawadiisa ama dhulkiisa u fura si loo weerarro Iran," ayuu yiri Wasiirka Difaaca Iran oo ay xigatay Aljazeera.

Dalalkii Carabta waa loo yaabaa, waa adag tahay in ay USA difaacdo Boqortooyoyinka Khaliijka is mahdiyey.

MW h**e Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay in uusan jirin wax xal ah oo kasoo baxay shirkii ay Odayaasha dhaqanka iy...
13/04/2024

MW h**e Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay in uusan jirin wax xal ah oo kasoo baxay shirkii ay Odayaasha dhaqanka iyo Ganacsatada beesha Mudulood isku dayeen in ay iskugu keenan isaga iyo MW Xassan Sheekh, kaas oo ka dhacay guriga mid kamid ah ganacsatada qadiyadan ku howlanaa.

MW Shariif ayaa sheegay in uu sadex qodob madasha latagey oo ah kuwa ay Soomaali oo dhan qabta una baahan tahay in xal laga gaaro, taas oo muujinaysa in dhinaca MW Xassan Sheekh layimi ajendayaal ka hooseya kuwa Qaran.

Shariif Sh Axmed ayaa u mahadceliyaya ganacsatadii waqtiga iyo dhaqaalaha kubixisay isku keenida 2-da madaxweyne, dadaalkoodii ay bixiyeen.

11/04/2024

Mansha alah waa Inan yar Alle ha u barakeeyo Maskaxda iyo muruqaba

10/04/2024

MW Xassan Sh oo lahadlayay Kaamirada Madaxtooyada ayaa sheegay in doorashada xukunka looga qaadan karaa ay noqonayso qof iyo cod ay shacabku codka leeyihiin, taas oo kuqoran sida Madaxweynuhu sheegay dastuurka lagu muransan yahay ee uu dhawaan saxiixay.

Hadalka, madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xili xeyndaabka ugu amniga badan magaalada Muqdisho, ee Xalane oo ay degan yihiin safaaradaha Shisheeye maanta uu xirnaa cabsi amni awgeed, Safaaradaha ay xirmeen, Mareykankuna digniin soo saareen, sidaas oo kalena duulimaadyadii caalamiga ahaa ee tagayay Muqdisho loo baajiyey maanta halis amni oo laga baqay weeraro Argagixiso.

Sidaas oo kale, wasiiradii, ganacsato iyo xildhibaanadii ugu badnaa ee DFS ayaa u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, xili isla xalay weeraro Garneylo loo adeegsaday lagu qaaday Aqalka madaxtooyada Soomaaliya.

09/04/2024

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya: Waxan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laanto, sababo la xiriira faragelinta soo laalaabatey ee Addis ku hayso qarannimada Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Daud Aweis ayaa sheegay in tallaabada ay DFS qaaddey ay jawaab u tahay falalka ka baxsan shuruucda caalamiga ee ay Ethiopia ku hayso qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, sidaa darteedna ay ka dalbatey Danjirihii Ethiopia u fashiyay Soomaaliya inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Wasiirka oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Carabta ee (AWP) ayaa intaas ku daray in go’aanka lagu xirayo labada qunsuliyadood ee Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee Soomaaliya uu ku yimid, iyada oo laga jawaabayo xadgudubyada joogtada ah ee ay Itoobiya ku hayso madax-bannaanida dalka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Somaliland iyo Puntland ay yihiin labo gobol oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu intaas raaciyay in labada qunsuliyadood ee Ethiopia ay ku shaqeynayeen ogolaanshiyaha iyo raali ahaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse ay meesha ka baxday sharcigii ay ku shaqeynayeen, isla markii ay Dowladda Federaalka go’aansatay in ay joojiso ogolaanshihii h**e ay u haysteen.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaa muhiim ah in Ethiopia ay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka diblomaasiyadeed ee Axdiga Geneva, kuwaas oo lagu maamulo, laguna xakameynayo hannaanka diblomaasiyadeed ee waafaqsan heshiisyada caalamiga ah”.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey tillaabooyinka sharciga ah ee dalkiisu ka qaadi karo Ethiopia, ayaa yiri “Waxaan diyaar u nahay inaan qaadno dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u ilaalinno qaranimadeenna iyo midnimada dhulkeenna”

Wasiir Daud Aweis waxa uu carrabka ku adkeeyay in xiisada taagan si deg deg ah loo xallin karo hadii hogaanka Addis Ababa uu joojiyo hab dhaqanka mas’uuliyad darrada ah, kaas oo aan khatar ku ahayn Soomaaliya oo kaliya balse dhibaato ku ah gobolka Geeska Afrika oo dhan.

Wasiirku waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysaneyso mowqifkeeda ku aaddan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah iyo in ay nabad iyo xiriir wanaagsan la wadaagto deriska iyo caalamka intiisa kalekuwa caalamiga ah.

Waasiirka ayaa yiri, “Waa nasiib darro in Ethiopia aysan dan ka lahayn xeerarka maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ujeeddadoodu tahay ilaalinta nabadda gobolka”. Beesha caalamku isha ayay ku heysaa xaaladda dhabta ah iyo colaadda ka taagan gudaha Ethiopia. Waddadda kaliya ee furan waa in si nabad ah lagu xalliyo dhibaatooyinkaas, balse madaxda Ethiopia halkii ay ka xalin lahaayeen mashaakilaadkooda gudaha ayaa waxay door bideen in ay qaadaan tallaabooyin ay colaado cusub uga abuureyaan gobolka, khatarna keeni kara.

09/04/2024
Jabuuti oo doonaysa in ay la harto Soomaaliya!Sida warqadan kamuuqata dawladda Jabuuti ayaa go’aamisay in ay qeyb kanoqo...
09/04/2024

Jabuuti oo doonaysa in ay la harto Soomaaliya!

Sida warqadan kamuuqata dawladda Jabuuti ayaa go’aamisay in ay qeyb kanoqoto tartanka loogu jiro Gudoominta Midowga Afrika, waxayna sharaxday Maxamuud Cali Yuusuf, oo mudo dheer ah wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti.

Soomaliya & Kenya ayaa h**ey uga sharaxnaa IGAD, iyadoo ay Xukuumadda Soomaaliya dhawaan sheegtay in ay Jabuuti dhanka musharaxa Soomaaliya taageeri doonto, laakiin taas waxaa hadda beeninaya mawqifka cusub ee Jabuuti.

Musharaxa Kenya ayay talaabadan fursad weyn u noqonaysaa, maadaama codadka Soomaalidu ku xisaabtameysay ay u kala jabi karaan.

Musharaxa Jabuuti Max’ud Cali Yusuf, ayaa ka culus siyaasad ahaan musharaxa Soomaaliya Fawziya Xaaji Adem, maadaama Jabuuti ay heli karto codadka Afrika ee Faransiiska kuhadla iyo kuwa Carabta madow ah, tan oo muujinaysa wajiga dhabta ah ee Jamhuuriyada Jabuuti.

08/04/2024

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo caasumada Soomaaliya, dhawaaqa jug culus oo lagu sheegay madaafiic ayaa lamaqlay, kuwaas oo lagu garaacay agagaarka iyo gudaha Madaxtooyada Soomaaliya, oo ay degan yihiin madaxda sare ee DFS.

Warar kale ayaa sheegaya in duulimaadyada caalamiga ah ee tagi lahaa garoonka Muqdisho ay dib udhac wajahayaan, sababo xagga ammaanka, iyadoo aysan wali dawladdu shaacin.

Mareykanka ayaa saacado kahor soo saaray digniin heerkeedu sareeyo oo kuwajahan weeraro Argagixiso oo kadhici kara Caasumada Soomaaliya, berrito waxaa lafilayaa in uu xilka wareejiyo Agaasimihii h**e ee NISA Mahad Salaad.

08/04/2024

Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay heshay xog ah in weeraro Argagixiso ay ka dhici karaan Muqdisho, gaar ahaana goobaha kala ah, dekedda, koontaroolada, xarumaha dawladda, hoteelada, makhaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan ajaaniibta reer galbeedka ah.

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho, oo baahisay warbixintan digniinta ah ayaa sidoo kale shaqaalaheeda u dirtay wargelin ay ugu sheegayso in la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada safaaradda berri oo Talaado ah 9 April, mana jirto cid ka bixi karta ama soo geli karta dhismaha safaaradda, waxaana looga digay saraakiisha Mareykanka inay berri usoo safraan Muqdisho.

Weerarada ayay US in loo adeegsan karro, qaraxyada baabuurta, is-qarxinta, weerar toos, iyo madaafiic.

Dhinaca DFS ma sheegin wax khatar amni ah, xili berrito Agaasimihii h**e Mahad Salad xilka wareejinayo.

07/04/2024

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, ayaa sheegay inaanu metelin Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maanta ay magacawday Xukumada Soomaaliya.

07/04/2024

Agaasimihii h**e ee NISA Mahad Salaad oo kujira saacadihii u dambeeyey ee wareejinta Xaafiiska, uu maamulayay 22-kii bilood ee lasoo dhaafay ayaa dalacsiin u qoray 30 qof oo Hay’adda la keenay dhawaan, taas oo uu lasugayay Madaxweynaha, berrito ayaana uu wareejin doonaa sida uu qorshuhu yahay.

Dadkan dalacsiinta loo dalbay, waxaa kujira xubno dhawaan laga soo saaray halka lagu hayo xubnaha iska soo dhiibay kooxaha Argagixisada, kuwaas oo mudooyinkii lasoo dhaafay kujiray gacanta Hay’adda, iyadoo aan lamarin nidaamka kabixida xaruntan.

05/04/2024

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda lafilayaa in ay sii dayso isku shaandheynta xubnaha wasiiradda qaarkood, oo wasaaradahooda lakala bedelay.

Axmed Macalin Fiqi ayaa lafilayaa in laga dhigo wasiirka Arrimaha dibada XFS, isagoo hadda ah wasiirka arrimaha gudaha, taas oo kadhigan in wasaaraddaha Arrimaha dibada, Qorsheynta,Iskaashiga caalamiga ah, Caafimaadka, Cadaaladda, Dastuurka iyo Batroolka ay isku dhinac mari doonan.

Kursiga dhinaca Gedo, ayaa lafilayaa in uu kuyimaado Is afgarad siyaasadeed oo kuwajahan in Xubin taas uu kushaqeeya damaca Villadda ee kuwajahan Jubbaland, uusana kahor imaan- karin, taas oo uu aqbalay in Axmed Madoobe ay wada hadlaan.

Jagada Wasiirka Arrimaha gudaha XFS ayaa la qorsheeyey in lasiiyo Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo xildhibaan golaha shacabka ah, kana soo jeeda gobalka Nugaal.

Xubinta gobalka Sool ay ku leedahay wasiirada Federaalka ayaa lasiin doonaa xildhibaan golaha shacabka ah, h**eyna wasiir u soo noqday xiligii Farmaajo.

Wasiiru dowlayaasha & Kuxigeenada qaarkood ayaa isku shaandheyn lagu sameyn doonaa.

WAR-SAXAAFADEED.
04/04/2024

WAR-SAXAAFADEED.

WAR DEG DEG AH:-Go'aan maanta kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu ceeriyay Safiirka dowladda Ethio...
04/04/2024

WAR DEG DEG AH:-Go'aan maanta kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu ceeriyay Safiirka dowladda Ethiopia u joogay Soomaaliya

Qaraarka Ceyrinta safiirka Ethiopia Mukhtaar Maxamed Waare ee golaha Wasiirada XFS ayaa sidoo kale lagu sheegay in la amray xiritaanka qunsuliyadaha dowldda Ethiopia ay ku leedahay Hargaysa iyo Garoowe.

Wararka ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay timid kadib markii Ethiopia ay heshiis lagu sheegay inuu yahay iskaashi shalay la gashay dowlad-goboleedka Puntland.

Adresse

München
Gemeindefreies Gebiet

Telefon

+4917670927057

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Fayax Media erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Fayax Media senden:

Videos

Teilen

Medienfirmen in der Nähe


Andere Medien- und Nachrichtenunternehmen in Gemeindefreies Gebiet

Alles Anzeigen