Siyaasi News

Siyaasi News Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Siyaasi News, News & Media Website, Chittagong Division.

28/03/2024

Sayga haaji oo kobaha la dulmaray jabra ila daawo see more

26/03/2024

Sab ma uxiisatay 🤣💔🤣

25/03/2024

TELEPHONE KAGA DEBKIISA MEEQA AYUU MARAA COMMENT NOGU SOO QOR see more

24/03/2024

Koxde tagertaa adiga

24/03/2024

Labo naag marka qabto waa iska sidaan dhibkan waa iska jiraa ila daawo se more

23/03/2024

Adkatay ila dhameyso 🤣💔🤣

23/03/2024

Wiilo &samiir ila daawo see more

22/03/2024

Sonia sow ubilowday wali suxuurta makaa tagtay dhameyso see more

22/03/2024

Nin naag ayaa ka adag sow maha ila dhameyso see more

22/03/2024

Talefankaga debkiiza meeqa ayuu maraa 😃💔😃

21/03/2024

Wiilo wareega iga dhaaf

21/03/2024

Wiilo & samiir

20/03/2024

GUUXAYE vs mss socod ila daawo

20/03/2024

GUXAAYE IYO QOFTAN MAXAA KALA QABSADAY ILA DAAWO see more

19/03/2024

Wiilo gantamaye & samiir boss ila daawo see more

Asc macamil ku so dhawa ifiye data somtel gacamo furan iyo qiimo macqul ah data marana ka dhacan macamil ka fa,iidso had...
10/05/2021

Asc macamil ku so dhawa ifiye data somtel gacamo furan iyo qiimo macqul ah data marana ka dhacan macamil ka fa,iidso hada dirso hada hel macamil 1haki waa 2gb iyo 25 ku hadal la,socto iyo internda xawaro saarayo ogu imaw ifiye Data somtel faldan naga so waca numberkda hoos ku qoran you well com xili walib oo aad so wacado diyaar ifiye data somtel mahadsanida

28/04/2021

Degdeg: Banaanbixii ugu waynaa oo caawa ka dhacaya Muqdisho.

Banaanbaxaan ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco Marinaayo, Sanca, Jardiinka, Xararyaale, Tarabuunka,Number afar, Dabka, Barmuuda, Shiirkole Iyo meelo kale.

Maka qeyb galaysaa?

IlaJoog

Bismillaahi Raxmaani Raxiim  Waxaan doonayaa in aan caawa halkan kala hadlo shacabka Soomaaliyeed oo runtii walaac xoogg...
28/04/2021

Bismillaahi Raxmaani Raxiim


Waxaan doonayaa in aan caawa halkan kala hadlo shacabka Soomaaliyeed oo runtii walaac xooggan ka qaba xaaladaha taagan iyo mustaqbalka Dalka.

Sida aan marar badan u caddaynay, waxaan diyaar u ahayn in dalkan doorasho ka dhacdo, wakhtigeedana ku dhacdo, si nabdoonna u dhacdo. Balse nasiib darro, waxaa caqabad ku ahaa dad gaar ah iyo dowlado shisheeye oo ujeedkoodu ahaa in dalkan fawdo la geliyo, burbur iyo kala qeybsanaan dib loogu celiyo si uu u dhaco firaaq dastuuri ah.

Annagu ka dowlad ahaan, mar kasta waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruud ku xirnayn, oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii h**ey loo gaaray ee 17-ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo, 16-kii Febraayo 2021.

Waxaan bogaadinayaa dadaalladii nabadda ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, anigoo soo dhoweynaya baaqyadii ay ka soo saareen arrimaha doorashooyinka.
Haddaba, si loo suurtageliyo qabashada doorasho ku salaysan heshiisyadaas aan xusnay, waxaan ugu horreyn ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, oo ay ka mid tahay siyaasadaynta arrimaha ciidammada, kala-qaybinta bulshada iyo burburinta hantida dadweynaha.

Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh,

Waxaa marag ma doonto ah inaad mar walba garab taagnaydeen, welina garab taagan tihiin dowladnimada Soomaaliya. Waxaad muujiseen dulqaad, bisayl iyo dal jacayl.

Waxaa markii la i doortay aad ka soo baxdeen guryihiinna si aad guushaas taariikhiga ah u garab istaagtaan, waxaad mudan tihiin in dowladdiinnu ay sii xoojiso dareenkaas waddaninnimo ee aad muujiseen.

Run ahaantii, marnaba dhici mayso in shacabka Soomaaliyeed loo horseedo burbur iyo qax hor leh. Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada abaabulaya xasillooni darrada oo ay kamid yihiin siyaasiyiin shalay xilal u soo qabtay Qaranka, maantana doonaya in ay fowdo kursiga ku fuulaan inay ka waantoobaan falalkaas.

Maalmihii la soo dhaafay waxay astaan cad u ahaayeen sharka iyo kheyrka. Waxa loo qeybsamay badbaadiye iyo barakiciye. Intii aannu noqon lahayn barakiciyeyaal waxaan doorannay in aannu noqonno badbaadiyeyaal.

Danaha siyaasaddu waay dhammaanayaan, waxaase waaraya ciidda iyo calanka, ayagaana mudnaan ka leh waxyaabaha kale ee aan isku hayno. Waxaan garawsannay inaan ka hortagno hagardaamo kasta oo lagu beegsanayo xasilloonida iyo nabadda.

Shisheeye badan ayaa maskax, maal iyo muruq ku bixinaya sidii ay u minjo-xaabin lahaayeen horumarka Soomaaliya si ay uga helaan dano u gaar ah oo aan gaashaanka ku dhufannay.

Waxaannu diidnay in dhallinyaradeenna laga dhigto xaabo la sh*to, gacmahoodana lagu burburiyo nafta iyo hantida Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa inaysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh waxay caawa ka marag kici doonaan dadka xukunka ku raadinaya dhiigga dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa ku qanacsan in xukunka lagu la kala wareego sanaadiiqda codbixinta.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay inaan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee h**e loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha Shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aaminsanayd, welina ay xal u aragtaa in waddada keliya ee furan ay tahay midda wadahadalka, is-qancinta, isu-tanaasulka iyo in lagu soo laabto miiska wadahadalka, iyada oo la dhammaystirayo heshiiskii 17-ka Sebteembar iyo tala-bixintii guddiga farsamada ee Baydhabo.

Waxaan dhammaan saxiixayaasha heshiiskii 17-ka Sebteembar ugu baaqayaa in si degdeg ah la isugu yimaaddo si looga wadahadlo hirgelinta heshiiskaas iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirayn.

Ugu dambeyntii, Waxaan farayaa hay’adaha amniga inay ilaaliyaan xasilloonida Caasimadda iyo bedqabka shacabka birimageydada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni, shacabka Soomaaliyeedna ay arrintaas ku garab siiyaan Ciidammada Qalabka Sida.


Wabillaahi Towfiiq

12/04/2021

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Assalaamu-Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu,

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Waxaa sharaf weyn ii ah maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka Abriil 2021 kuna beegaan maalintii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in aan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo dhammaan Ciidanka xoogga dalka, oo ay ugu horreeyaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda, xaasaskooda, carruurtooda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada.

Ciidanka Xooggu waa astaan qarannimo iyo midnimo, waxay u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo haybadda Shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan argagixisada cadawga ah ee ka macaasha daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed. Iyaga oo si buuxda nabad-diidka ugala wareegay deegaanno badan oo ay horay ugu dhibaatayn jireen dadkeenna.

Guulaha aad ka soo hooyneysaan furimaha dagaalka iyo sida aad u wiiqdeen tabartii argagixisada waxa ay ku yimaadeen dadaal dheeri ah oo ay dowladdu ku bixisay dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Runtii weli ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin waxaan si xooggan u sii amba qaadeynaa qorsheheenna qaran ee ku aaddan dib-u-dhiska ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda u hanan kara amniga, xoreynta iyo difaaca dalka.

Dowladdu waxay sii xoojisay kor u qaadidda tababarrada Ciidanka, joogteynta iyo kordhinta mushaharkooda. Waxaa maanta guul ah in Ciidankeenna aan u sameynay diiwaan ciidannimo oo ay ku jiraan gal anshaxeedka, dallacsiintooda iyo hannaan maaliyadeed oo hufan oo ilaalinaya xuquuqdooda.

Mudanayaal iyo marwooyin.

Ciidanka Xoogga Dalka waxa uu udub-dhexaad u yahay madaxbannaanida dalkeenna, dib u dhiska iyo xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku saleysan dal horumarsan oo la jaanqaada dalalka kale ee Caalamka, dadkiisuna ay ku nool yihiin Barwaaqo, nabad Iyo xasillooni.

Tan iyo markaan bilownay dardar-gelinta Qorshaha Qaran ee dib u dhiska Ciidamada waxaa heegan u galay, kuna biiray Ciidamada Xoogga Dalka kumannaan dhallinyaro ah oo si wadaniyad leh ugu istaagay samatabixinta iyo difaaca dalka, taas oo muujinaysa sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay xaqiijinta Qarannimadooda iyo difaaca karaamadooda.

Waxaan bogaadinayaa dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada iyo khubarada Ciidan ee dalkeenna ee u istaagay dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa u mahadcelinayaa dhammaan dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee nagu garab taagan qorshahaas qaran.

Dal aan lahayn ciidan Qaran oo awood leh, shacab iyo dowlad aan isku duubneyn ma difaacan karaan sharafkooda iyo masiirkooda, Sidaas awgeed, waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’iideysto in aan mar kale shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan – dalka iyo dibaddiisaba – ka codsado in ay taageeraan geesiyaashooda u taagan difaaca dalka iyo cirib-tirka argagixisada.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la wada socotaan dalkeennu wuxuu marayaa marxalad adag. Waxaan kasoo kabanaynaa qaran-jabkii, waxaan u soconnaa inaan gaarno himilooyin waaweyn oo ay lagamamaarmaan tahay in dhammaanteen aan gacmaha is qabsanno.

Ugu danbeyntii, waxaan Alle naxariistiisa Janno u weydiinayaa dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiiday difaaca dalka iyo in ay nabad ku seexdaan shacabka Soomaaliyeed, Aniga oo faraya Xukuumaddu in ay mudnaan buuxda siiso qoysaska iyo ubadka ay ka tageen oo ah ammaano ay uga tageen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in aan mudnaan gaar ah siinno halyeeyada u dhaawacmay ama u naafoobey difaaca dalka iyo halganka ay kula jiraan cadowga argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga shacabkeenna.

DHAMMAAD

28/12/2020
406 ila 408 ka so daawo
12/11/2020

406 ila 408 ka so daawo

12/11/2020

Asc aszbt qaali ah waa idin salmay 400 ayaa so dhigi doon insha allaah inti kala waa lawa asxby

Tit tok dhaxgal kadib youtebka idinka arki doon
14/10/2020

Tit tok dhaxgal kadib youtebka idinka arki doon

dhago diish3's short video with ♬ original sound

Kan hal so saaro subscrebka
13/10/2020

Kan hal so saaro subscrebka

Like shares comment subcreb hal saaro waa codsi

08/10/2020

340 like shares commen

Address

Chittagong Division

Opening Hours

Monday 08:00 - 22:00
Tuesday 08:00 - 22:00
Wednesday 08:00 - 22:00
Thursday 08:00 - 22:00
Friday 08:00 - 22:00
Saturday 08:00 - 22:00
Sunday 08:00 - 22:00

Telephone

+252617587630

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Siyaasi News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Nearby media companies


Other News & Media Websites in Chittagong Division

Show All