20/05/2024
Dawladda Iran ayaa xaqiijisay in uu geeriyooday madaxweynihii dalkaas Ibraahim Ra’iisi iyo wasiirkiisi arrimaha dibadda Xuseen Amiir Cabdillaahiyaan kuwaas oo shalay gelinkii dambe ay diyaaradi kula dhacday Waqooyi Galbeed dalka Iran.
Baadi goob qaatay in ka badan 16 saacadood ayaa lagu soo helay bur burka diyaaradda madaxdu saarnayd oo ahayd nooca qumaatiga u kaca taas oo madaxweynuhu shalay u sii raacay dalka la jaarka ah ee Azerbaijan.
Ibraahin Ra’iisi oo dalka Iran soo hoggaaminayey tan iyo sannadkii 2021 kii waxa u loo saadalinayey in uu u beddelo hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatullaahi Cali Khumayni isaga oo ku jira dadka aadka ugu dhowaa.
Shilkan oo ah mid hal-xidhaale ah weli lama caddayn in uu ahaa shirqool loo maleegay iyo in uu ahaa mid ay sababtay cillad ka timi diyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga u kaca.