SBN Somali TV

SBN Somali TV Somali Broadcasting Network (SBN) waa warbaahin madax bannaan oo xarunteedu tahay Koonfur Africa.

17/12/2024
(SAWIRO) Xaflad lagu maamuusay 35 Arday oo dhameysatay barashada Quraanka Kariimka oo lagu qabtay Magaalada Johannesburg...
16/12/2024

(SAWIRO) Xaflad lagu maamuusay 35 Arday oo dhameysatay barashada Quraanka Kariimka oo lagu qabtay Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Ardaydaan dhameesatay barashada Quraanka oo wax ku baratay madarasada Ibnu Qayim Islaamic Center ayaa goobta ku soo bandhigay; Aqrinta iyo Tafsiirka quraanka kariimka, Siirada Nabiga, Caqiidada iyo Su,aalo iyo jawaabo diini ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Max...
10/12/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024.

DHAMMAAD

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa berri ku sii jeeda dalka Turkiga, kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Turkiga Recep Tayy...
09/12/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa berri ku sii jeeda dalka Turkiga, kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya safarka Madaxweynaha ku tagayo Turkiga, ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in wada hadal fool ka fool ah ay Ankara ku yeelanayaan isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Erdogan ayaa wada dadaalo uu ku dhex dhexaadinayo Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhammeeyo xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhaxeysa labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer diiday inuu la kulmo Abiy Ahmed, isagoo ka hor-yimid dadaalo ay wadaan Madaxda Gobolka oo la doonayay in lagu kulansiiyo, iyadoo Madaxweynuhu horay u caddeeyay in aanu la kulmi doonin illaa dowladda Itoobiya ka laabato heshiiskii MOU-ga ay la gashay Maamulka Somaliland.

07/12/2024

TOOS - MUNAASABADDA MAALINTA DUULISTA HEY'ADAHA DUULISTA RAYIDKA

Xisbiga Dulmi-diid Qaran ayaa si taxadar leh u taageeray doorashada Jubaland iyagoona dowladda ku eedeeyay hurin colaade...
28/11/2024

Xisbiga Dulmi-diid Qaran ayaa si taxadar leh u taageeray doorashada Jubaland iyagoona dowladda ku eedeeyay hurin colaadeed.

Xisbiga Dulmi-diid Qaran ayaa soo saaray war qoraal ah oo ay ku taageerayaan doorashadii dhawaan ka dhacday Jubbaland, taas oo lagu doortay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe). Xisbiga ayaa hambalyo u diray baarlamaanka iyo shacabka Jubbaland.

Warqaddan, oo la shaaciyey 27-ka November, ayaa lagu faahfaahiyay sababaha ay u taageereen doorashada Jubbaland, kuwaas oo ka koobnaa saddex qodob:

In la soo dhaafay muddadii doorashooyinka maamul-goboleedyada.
In Dowladda Federaalka ay laashay Dastuurkii Kumeelgaarka ahaa ee Soomaaliya oo ay heshiis ku ahayd.
In Dowladda Federaalka ay ku guul-darreysatay hirgelinta Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah oo muhiim u ahayd xalinta arrimaha sharciga.
Sidoo kale, Xisbiga Dulmi-diid Qaran ayaa walaac ka muujiyay ciidamada diyaaradahaan lagu daad gureynayo ee la geynayo Jubbaland, taasoo ay sheegeen inay sababi karto dagaallo waxyeelleeya shacabka deggan gobolladaas.

Xisbigu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay waddo dowladda Federaalka. Guddoomiyaha xsibiga Dulki-diid qaran Jamaal Axmed Ibrahim oo Qadka telephone aan kula hadlay wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ama shaqsi kasta oo awood u siinaya howlgallada ciidamada, in lagula xisaabtami doono cawaaqibkaasta oo ka dhasha ciidamada loo diray Jubaland. Wuxuu intaas sii raaciyay arrin kasta oo ka dhalata ficillada gardarrada ah ee Dowladda Federaalka ah ee ku saabsan duullaanka lagu qaaday deegaan nabdoon oo ay degan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, iyagaa mas’uul ka ah.

DEG DEG:-Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa amartay soo qabashada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu eedeeyay Khi...
27/11/2024

DEG DEG:-Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa amartay soo qabashada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu eedeeyay Khiyaano Qaran.

Waaranka maxkamadda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in 'Axmed Madoobe uu ku eedeysan yahay faldambiyeed lid ku ah wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed'

27/11/2024

Maxaa kaaga baxay? Nala wadaag

WAR HADDA SOO DHACAY: warar hoose ayaa sheegaya in dowladda Federaalka laba diyaaradood oo ciidan ah ka dajisay Raaskamb...
25/11/2024

WAR HADDA SOO DHACAY: warar hoose ayaa sheegaya in dowladda Federaalka laba diyaaradood oo ciidan ah ka dajisay Raaskambooni oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka ayaa la sheegay in laga soo qaaday Muqdisho lamana oga sababta halkaas loo geeyay. Inkastoo Kismayo ay ka socoto doorasho aysan raali ka aheyn Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Amray laba Maalmood oo la fasaxay qaran ah, si loo guto Tacsida iyo Aaska Qaran ee geerida ...
16/11/2024

Madaxweynaha Somaliland ayaa Amray laba Maalmood oo la fasaxay qaran ah, si loo guto Tacsida iyo Aaska Qaran ee geerida Madaxweynihii Afraad ee Somaliland, Marxuum Axmed Silaanyo.

13/11/2024

Toos: Munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Soweto, South Africa 🇿🇦
08/11/2024

Soweto, South Africa 🇿🇦

Waxaa uu bacda ku wadaa waa hilibka gabadha xijaabka gaduudan wadata ee sawirka iidinkaga muuqata.Waxaa la waysanaa Mudd...
06/11/2024

Waxaa uu bacda ku wadaa waa hilibka gabadha xijaabka gaduudan wadata ee sawirka iidinkaga muuqata.

Waxaa la waysanaa Muddo todobaad ku dhow hilibkeeda ayaa waxaa laga helay magaaladda Nairobi.

Ninkaan waxaa loo badinayaa in uu yahay Hashimkii dilay hooyo, gabadheeda iyo gabar qaraabo la aheyd oo dhawaan meydkooda laga helay magaaladda Nairobi.

Maxay tahay sababta uu silica ugu dilayo Gabdhaha ?

Biyaha waxay caawiyaan shaqada kilyaha:Biyaha waxay jirka ka saaraan wasakhda iyagoo kilyaha geeya, waxayna ka shaqeysii...
03/11/2024

Biyaha waxay caawiyaan shaqada kilyaha:

Biyaha waxay jirka ka saaraan wasakhda iyagoo kilyaha geeya, waxayna ka shaqeysiiyaan qeybaha kala duwan ee kilyaha, haddii qofka kilyaha ay shaqada joojiyaan waxay keenaysaa in qofka ay sunta jirkiisa ku aruurto oo ku qasbanaado in la dhaqo oo mashiinno lagu xiro. Haddii biyo cabitaanka ay kugu yaryihiin waxaa halis ugu jirtaa in kilyaha ay dhagax ku samaysmaan. Ku dedaal inaad cabto ugu yaraan 2 liitar oo biyo maalin kasta.

Cali Ibnu Abi Daalib RC ayaa waxa uu imaanayaa Nebiga naxariis iyo nabad korkiisa ha ahaatee, markaas ayuu wuxuu ku oran...
30/10/2024

Cali Ibnu Abi Daalib RC ayaa waxa uu imaanayaa Nebiga naxariis iyo nabad korkiisa ha ahaatee, markaas ayuu wuxuu ku oranayaa Rasuulkii Ilaahayow ii dardaaran, wax i bar, i tusaalee, i tilmaan.
Qofka dhalinyarada ah waxa uu leeyahay riyooyin aad u balaaran, aragtiyo tiro badan, tamar aad u fara badan ayaa ku jirta laakiin waxaa ku yar khibradda.

Rasuulkkeenna suuban waxa uu oranayaa waxaad ku ducaysataa “Allahummahdinii wasiddinii”, ilaahayow ii hanuunii sidoo kalena isug inta aan hadafyadayda ama yoolayashayda aan ka gaarayo.

Hannuunku aad ayuu u balaaran yahay, ilaahayow fikradda teeda saxan igu hag, ilahayoow go’aammada aan doonayo ii horyaal kuwa saxda ah i waafaji, ilaahow hadalka kiisa saxan igu hag, ilaahow ficillada kuwa wanaagsan igu hag, Ilaahow i hadee aad u macno ballaaran tahay.

Wasiddinii” waa in yoolkaaga iyo hadafyada aad doonayso aad u dhabar adaygto, aad kaadsiimo u yeelato, aad fadhi iyo dulqaad aad u yeelato illaa aad ka gaadhayso in aad isku daydo in aad wixii gaadho.

Markale waa kii Nebigeennu CSW uu lahaa “saddiduu wa qaaribuu” Ku sugnaada wadadaa oo dhoweeyaa.

Nebigeenna dardaraankaas ayuu siiyay waa dardaaran aad inoo wada anfacaya, dhalinyarada oo dhan aad u anfacaya, sidaas darteed waa inaad markasta ku ducaysato oo aad tiraahdo Allahummahdinii wasiddinii (ilaahow i hanuuni oo i hag, sidoo kalena i sug inta hadafkayga iyo yoolayashayda aan ka gaarayo).

VIA: Mubarak Hadi

26/10/2024

TOOS: KULANKA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAYA DAQLIGA DALKA

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wixii hadda ka dambeeya ay hoggaamin doonto jihada howlgalka xasilinta Midowga...
23/10/2024

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wixii hadda ka dambeeya ay hoggaamin doonto jihada howlgalka xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo si cad diiradda u saareysa ilaalinta gobanimada JFS.

“Marka aan ka gudubno ATMIS oo aan u wareegno Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Soomaaliya waxay hoggaamin doontaa jihada howlgalka iyadoo si cad diiradda u saareysa gobanimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS.

"Inta aan isu diyaarinayno wejiga xiga ee nabad ilaalinta oo hoos imaanaya Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, waxaa lama huraan ah in aan mar kale ku celinno in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan, awoodda go'aan ka gaarista dalalka ciidamada ku biirinaya howlgalknana iyadu leedahay.

Go’aanka ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka waa inuu waafaqsanyahay danaha qaranka Soomaaliya iyo ilaalinta qaranimadeeda.

Tallaabooyinka halka dhinac ah ee Itoobiya dhawaan qaaday, kuna ku jiraan heshiisyo sharci darro ah oo lala galay gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxay ku xad-gudbayaan madax-bannaanideena waxayna meesha ka saarayaan kalsoonida lagama maarmaanka u ah nabad ilaalinta.

“Soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya waxaa uu sara u qaaday kororka kooxda Khawaarijta, iyadoo horumada dhinaca guulaha ee laga gaarayna aanu gaarsiisaneyn heerkii loo baahnaa, Iyadoo la eegayo arintaas dowladda Soomaaliya waxay dalbanaysaa xulashada istaraatiijiyadeed ee dheeraadka ah ee la-hawlgalayaasha ciidamada si loo hubiyo in AUSSOM ay la jaanqaado hadafyada amniga iyo horumarka Soomaaliya”.

Waxaana naga go'an inaan kala shaqeyno Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub AUSSOM, iyadoo Soomaaliya ay hormuud u tahay xulashada saaxiibada ixtiraamaya madax-bannaanidayada". ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Address

Bellville South

Telephone

+27737757777

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SBN Somali TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SBN Somali TV:

Videos

Share