Hal-Abuur mohamed alxikam

Hal-Abuur mohamed alxikam Halkani Bogga Rasmiga ah Ee
Hal-Abuur Mohamed Alxikam🫴

Nin doonahayoo hashiisii dihnayd digniin ku dahaadhan baan ahayooNin dayr ku jiroo dadkiisa dhamaan ducada diyaariyaan a...
25/10/2023

Nin doonahayoo hashiisii dihnayd digniin ku dahaadhan baan ahayoo

Nin dayr ku jiroo dadkiisa dhamaan ducada diyaariyaan ahayoo

Nin diidahayoo digaalka wadoo dulmiga laga daahaybaan ahayeey,..

Daruur nin sugoo abaari dishayoo dayaxa ku dadaalayaan ahayoo

Dareen nin qaboo dantiisii luntoo dunida ka danbeeya baan ahayoo

Nin daydayayoo hashiisii dablay waraabe u diidanbaan ahayo,...

Dalaalin nimay yaraantii dagtoo walina marna doogsan baan ahayoo

Daliilka islaamka soo dagay iyo nin daaha u doodayaan ahayoo

Dal iyo dibad iyo wixii daw ahaa nin gaalku dirtaa idaydayaneey,...

Rabigu nimuu duub usoo xidhayoo dalkiis u daalayaan ahayoo

Doofaarta yahuud nimay diliyoon islaamka damqaynin baan ahayoo

Dabayl nimay duufsatoo dusayoo hawada ku damuumsanbaan ahayeey,..

Nin dool aha oo dadkiisii qaxoo taniyo ifa daadsan baan ahayoo

Nin dayr ku jiroo jilaal dubtayoo dunidu ku dagaalantaan ahayoo

Nin duunyo qurxoon duntiisu heshoo shisheeye dulaystaybaan ahayeey,...

Inaan diriraan u duubnahayoo dadkana kiciyay dantaydu tahoo

Hadaan alle dumin diyaarta aduun marbaan dib doogsan doonaa,......!

10/10/2023

Gabay cusub| madamani Hal-Abuur mohamed alxikam

🫴Waa inan wixii qurux ahayd qaaday gabigeede🫴Waa inan qaynuunkiyo taqaan qaab u hadalkiiye🫴Waa inan qalbigeedu yahay qol...
29/09/2023

🫴Waa inan wixii qurux ahayd qaaday gabigeede
🫴Waa inan qaynuunkiyo taqaan qaab u hadalkiiye
🫴Waa inan qalbigeedu yahay qolol laseexdaaye
🫴Waa inan qosolkeedu damin cudur qarsoonaaye
🫴Waa inan qaayaastii talaabada qaadi marinkiiye
🫴Qasrigiyo halkii ay dagtey nolol u qoondayso
🫴Qoraxdiyo iftiinkiyo haduu tooshku qaban waayo
🫴Waa inan sidii qamarhabeen nuurka qabadsiine
🫴Qawlalada afkeediyo ninkii eega qotonkeeda
🫴Suniyaha qurxoonuu martiyay qalintawaadeedku
🫴Earayada qudhaadiyo dawayn qabatinkii laylka
🫴Naxariis qiyaasli'i rabigu qoondo uga yeelay
🫴Qaadirbuu baryaayaa inay hadalka qaadaaye
🫴Qaaradaha aduunyada hadii dumar laqiimeeyo
🫴Kolla waxaan qafiif lagu helay qoort intaas dheh


By: Hal-Abuur mohamed Cabdullaahi

Waagii guduutaba adduun waa war gooniyaheWaxsan sheega waayeelka oday weedha Damin waaye.Waxyigana wadaadadu madayn weri...
28/09/2023

Waagii guduutaba adduun waa war gooniyahe
Waxsan sheega waayeelka oday weedha Damin waaye.
Waxyigana wadaadadu madayn werin'ti diimeede
Wacyi laysu raaciyo haddii wada jir loo sheego.
Mawaatoobo waayahan Khalqiga weel-xun dhaansadaye
Wax kalay ku sidataa Halkii waano gelilayde.

Y shaacir.

Mohamed "Anigoo 17 jir ah ayaa jecladay Gabar 25 sano jirto xaqiiq aad baan u jeclaa her waxaan garay in marka aan la ku...
22/09/2023

Mohamed "Anigoo 17 jir ah ayaa jecladay Gabar 25 sano jirto xaqiiq aad baan u jeclaa her waxaan garay in marka aan la kulmaayo .

Aa Jareeyo-wadnahu i garacmo.Dhidid fara badan aan isku arko xitaa markii aan la hasaawi jiray waxaan ka Fogaan jiray laba Mitir -

-Habeenkina waa. Ku Qarwi Jiray -

Marwalbo oo igu qeyliso oo ay iga qaldan tahay anigaa raali galin jiray 'Waxaa intaa ii dheer in Mobilka markii aa furayo sawirkeeda uu ii saran yahay xitaa whats up ayada saran .

Waxaana siin jiray jaceyl & naxariis lakin nasiib daro anigu maan ogeyn waxaan markii Dambe la ii sheegay in ay ( Guursatay )Wiil aniga hortey xirir kala dhaxeeyey oo ay iga qarisay ..

NINKAN Halkan idiinka muuqdaayi waa nin maskaxdiisu ay faraha ka baxday Magarannayo baadida iyo salalka uu ku jiro waxaa...
18/09/2023

NINKAN Halkan idiinka muuqdaayi waa nin maskaxdiisu ay faraha ka baxday
Magarannayo baadida iyo salalka uu ku jiro waxaan ku tilmaamo lkn
Waxaan ku matali karaa sida "Neef adhi ah gaar ahaanna ido ah oo ilmaha in laga qariyo loogu talagalay si ay adhiga kale ula foofto ama ula soo daaqdo intaa kadibna intii ilmihii la qaaday iyada oo aragta markii ay raacday ruuxii qaadayna uu si qarsoodi ah ruuxkale oogu wareejiyay kadibna ay iska raacday qofkii loogu talagalay inuu adhiga raaco iyada oo u malaynaysa inuu ilmihii sido"

Lkn Neefkaas aan soo tilmaamay ayaaba ka caqli badan sababta oo ah xaqiiqo ayuu ugu horaystii soo raacay
Lkn ninkani wixiisu waa sida ruuxa sirqaansan oo kale haduunaba kasii liidanin

Marka aan sidaas leeyahay igama ah inaan iska aflagaadaynayo lkn waa nin xambaarsan fikradaha ree galbeedka dhinaca kale wuxuu ka qaawan yahay aqoonta diinteenna suubban inta uu ruux jaahil yahay jaahil wuu yahay lkn dhibco ayuu sii dheeryahay

Waa nin sadex qodob ka haysta fikrada ree galbeedka oo kale

1.in la isku xukumo kitaabka alle Swt
Wuxuu ka aaminsanayahay waali iyo argagixisanimo

2.in la dhiso dawlad islaami ah aduunkana hal dawlo laga dhigo inta muslimiinta ah

3.Jihaadka lagu dagaalamo jidka ilaahay

Dhamaan qodobadaas aan soo sheegnay ooy qodabkasraba kusoo arooreen daliilo diineed oo aad u fara badan

Wuxuu ka haystaa fikrad diidan oo u aragta guracnaan iyo argagixisonimo iyo wixii lamida"

Inbadan oo dinka mid ah waxaad odhan doontaan waad iska caayaysaa lkn xaqiiqadu iyada ayaa carabkeeda ku hadasha"

Idinkuna dhankiina

Anshax iyo Asluub wacan

17/09/2023

Adigu xaaskaaga eraydan habeenka arooska ma ku odhan lahayd meel fagaaro ah?

🗣“Aniga waan ogolahay in ninkeeyga mustaqbalka ila guursado oo wax dhib ah uma arko haduu isaga awoodo wuu ila guursan k...
17/09/2023

🗣“Aniga waan ogolahay in ninkeeyga mustaqbalka ila guursado oo wax dhib ah uma arko haduu isaga awoodo wuu ila guursan karaa gabar kale” .. Xamda Hiil-hableed

Maxaa kaaga baxay warka gabadhaas, hoos noogu reeb👊

Kumanaan kun oo muslimiin ah ayay gaaladu ku laysay Ciraaq. kumanaan kun oo muslimiin ah ayay gaaladu ku laysay afgaanis...
16/09/2023

Kumanaan kun oo muslimiin ah ayay gaaladu ku laysay Ciraaq. kumanaan kun oo muslimiin ah ayay gaaladu ku laysay afgaanistaan,miyaa lagu sheegay gaaladii muslimiintaa laysay “argagixiso”?!

Imisa muslimiin ah ayay gaaldu ku dishay Falastiin,Suuriya,jayne,Miyanmaar,Hindiya iyo goobo kale oo badan , miyaa la maqlay waa “argagixiso” gaaladii muslimiintaa laysay?!

Weliba layntaa waxa barbar socday kufsi,xadhig,jidh-dil,xoolo-boob iyo dhula-haysasho,miyaa la arkay iyada oo la leeyahay falalkaa foosha xun ee gaaladu waa falal “argagixiso” ama waa xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanah?!!!

Laakiin muslimka far dhaqaajiya waa “argagixiso” waayo? Waa maxay sababtu?!

Magac “argagixiso” ma aha magac ka yimi dhinaca muslimiinta e waa eraybixin ka timi gaalada,earybixintaa ugu tegimaysid kumana jirto fiqhiga islaamka iyo aqoonta kale ee islaamka ba.

Si kooban eraybixint “argagixiso” waa eraybixin ay sameeyeen gaaladu waana eraybixin ay ku xalaalaysanayaan dhiigga,xoriyadda ,xurmada iyo xoolaha muslimiinta.

Xigasho...Coldoon

=Adoo caafimaad qaba =jawigaagu culanyahay =Hadii ay ciraab iyo =weedho kugu carsheeyaan =waad casuumantahay goor=Ileen ...
13/09/2023

=Adoo caafimaad qaba
=jawigaagu culanyahay
=Hadii ay ciraab iyo
=weedho kugu carsheeyaan
=waad casuumantahay goor
=Ileen Waad caarcaartaa
=oo laabtu calawdaa
=cadkii oona kuu iman


Hal-Abuur mohamed alxikam

“Aniga waan ogolahay in ninkeeyga mustaqbalka ila guursado oo wax dhib ah uma arko haduu isaga awoodo wuu ila guursan ka...
13/09/2023

“Aniga waan ogolahay in ninkeeyga mustaqbalka ila guursado oo wax dhib ah uma arko haduu isaga awoodo wuu ila guursan karaa gabar kale” .. Xamda Hiil-hableed

Abwaanadeenna Xamda hiil-hableed

13/09/2023
Haddii aan kaa xanaaqo iraalli gali haddii aad iga xanaaqdana aniga ayaa ku raalligalinaya. Haddii aynaan sidaas samayni...
09/09/2023

Haddii aan kaa xanaaqo iraalli gali haddii aad iga xanaaqdana aniga ayaa ku raalligalinaya.

Haddii aynaan sidaas samaynin, waxa fududaan doonta inaynu kala tagno, gurigeennuna, si fudud u burburo.

Abuu Dardaa ( RC)

𝐀𝐚𝐝𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐉𝐢𝐦𝐜𝐚𝐡𝐚 ( اليوم الجمعة):,1. Badi salliga Nabiga, Quraan akhriska iyo adkaarta. Jimcuhu waa maalin u kh...
08/09/2023

𝐀𝐚𝐝𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐉𝐢𝐦𝐜𝐚𝐡𝐚 ( اليوم الجمعة):,

1. Badi salliga Nabiga, Quraan akhriska iyo adkaarta. Jimcuhu waa maalin u khaas ah muslimiinta kana fadli badan maalmaha kale

2. U ducee waalidkaaga haday nool yihiin iyo hadii ay dhinteen intaba sababtoo ah adiga ducadaada ayaa wax badan u taraysa maanta oo kale

3. Badi cibaada maalinta jimcaha waxaa ku jirta saacad ijaaba oo ah saacad la aqbalo waxa aad alle waydiisato oo khayr ah

4. Ha xaman ha caayn waxna haka sheegin dadka dgamaan ficilaraan way reeban yihiin mar kasta jimcagana kuma sii jirto

5. Bixi sadaqada aad bixin jirtay mid ka badan, masaakiintu maanta oo kale waxay niyada ku hayaan walaalahooda wax haysta in ay caawin doonaan

6. Hal qof iyo ka badanba inta aad awoodo afuri gurigaaga ku casuum, waxaa macquul ah in cunto aad daadiso waxaase xaqiiq ah cuntadaas in qof walaal ah baahi ka fujiso

7. Akhri suuratul Kahf waxay ka mid tahay suuradaha sida gaarka loogu booriyay maalintaan, badbaado ayay u tahay aduunyadaada iyo aakhiradaada

8. Ka ag dhowoow dadka wanaagsan oo khayrka ku tuhmaysa, qofba qofka uu ka cibaado badan yahay, alle wuu uga dhow yahay

9. Isaga cafi Allah dartiis qof walba oo dhib kuu gaystay, cafiska nafsadaada ayaa raaxo ku dareemaysa adigana Allah ayaa dambiyadaada dhaafaya, dadka inta aad qalad ka gashayna adiga oo ogayn ayay ku cafin doonaan

10. Xiro dharka kuugu qurux badan, ka shaqee nadaafadaa dharka, afka, jirka, gurigaaga waa maaln ciid ah waliba ciidaan aad uga farxi waqtina la qaado caruurta, xaaska, saayga, walalaaha iyo waalidkaaga oo ah muhimada koowaad.

Mahadsanidiin:

Xigasho:

Gabaygii wax-garad 6/9/20231. Libaax goomaan geeloo fadhiya gaadmo ku caweeyey2. Arankoo habeenkii kaguday geela xeradii...
07/09/2023

Gabaygii wax-garad 6/9/2023

1. Libaax goomaan geeloo fadhiya gaadmo ku caweeyey
2. Arankoo habeenkii kaguday geela xeradiisa
3. Oogoob ku laacdami intuu geesta kala raacay
4. Nirigtii guyaal daaqdayee geela u saraysay
5. Goor galin dhaxaadkii garbaha jabiyay guudkoode
6. Inta uu ka gaaj-bixi raqdaa loogo gali waaye
7. Anna gabayga maantaan ugo’o inaan ku geeraaro
8. Gadii raage meeshaan ku gudho loogu gali waaye
9. Afartaa gartaye aan midkale soo gawaan celiyo
10. Gadda hadalka aan soo watana maqal gariirkiisa
11. Gadgadoonka waayuhu dharaar galinba waa cayne
12. Garaadsaday umadoo galgalan oo la wada goobtay
13. Garaadsaday umadoo nin guni gacanka jiidaayo
14. Garaadsaday umadoo nin-gaal godad ku aasaayo
15. Garaadsaday umadoo la gubay garasho mankooda
16. Garaadsaday umadoo la galay gawrac lagu jiiday
17. Garaadsaday umadoo nin Gobo gumucu leefaayo
18. Intaasoo gadaafi ih markay geesta iga taalo
19. Anna waa inii aan gasbado taliyo gaankeeda
20. Guurtiyo intii aan dalbado garcad iyo hooyo
21. Kolkay talo gorfeeyaan dadkii gogosha loo keenay
22. Waa inaan la gaasbaxo si aan guusha u haleelo
23. Gabonimo habawdoo la gaday raadka guristiisa
24. Ninkii goob yidhaahdana rasaas garabka jiidhayso
25. Ayaan gaadh isleeyahay rabaa garan wadkaagiiye
26. Hadii aad garaad leedahoo gibilka tuurayso
27. Gumaysiga hadii aad ka kicin gurgurkiyo bawdka
28. Guryo ba’a haweenkoo gablama geeri boqol gaadha
29. Gabadhahoo asay loo guntoo gorada laad-laadsha
30. Iyo gaban dhawaaqoo ku go’a goodka xerediisa
31. Intaasoo gaarafaa ku heli oodla gaartahaye
32. Waxba yaysan meelaha guracan laabtu guulin
33. Hasha uu waraabaha gordani xoofsan godolkeeda
34. Inta aan ku geesh bixi amaan gacanku keenaayo
35. Hadii laygu gaydhoo inbadan dabin la iigeysto
36. Ama gini aduunyiyo guryiyo gaadhi la isiiyo
37. Inii aan ku gaabsado waxaan galin shaqaynaynin
38. Inii aan ku gaabsado waxaan diinta kaga guuri
39. Inii aan ku gaabsado goh iyo gacandhi meel taala
40. Inii aan ku gaabsado gasiin maalmo gu’i doona
41. Xumaam laga gayoodaa jirtiyo ceeb gunburo weyne
42. Walee inaan girkaa sii maraa gunimo weyn dhee
43. Afartaa gartaye aan midkale soo gawaan celiyo
44. Gada hadalka aan soo watana maqal gariirkiisa
45. Guyaal iyo guyaalbaan inbadan dawaladnimo goobnay
46. Hayeeshee wax guulihi ma iman gocoro mooyaane
47. Siyaadoo garaadada xidhoo geeda kore fuulay
48. Markii uu garwaaqsaday inuu gacan sareynaayo
49. Gulihii abuurtiyo axkaam diinta lagu gaaray
50. Waakii ka goostee waxkale galiyay xeerkiiye
51. Wixii uu gifleeyaba rabbaa tusay gankiisiiye
52. Dulmi laguma guuloo marbaad goosan midhihiiye
53. Geedigaan galaynaba ragbaa gaba xilkoodiiye
54. Inta sahanka noosii gashaa gadan islaamkiiye
55. Gomad uu nin lihi gaadayoo waranku goonaayo
56. Biro lagu gargaariyo alwaax garbisa mooyaane
57. Guuro orad inay ay gashaa waa hal soo gudhaye
58. Sidee baan facay ula golyaa waan is gurayaaye
59. Afartaa gartage aan midkale soo gawaan celiyo
60. Gadda aan soo watana maqal gariirkiisa
61. Hadaad diinta soo gaardidaan gubad ma jiifteene
62. Kitaabkaas galbeeda iyo ka yimid gudaha yuhuuda
63. Ee magaca gaarka ah la baxay gaalnimuu sidaye
64. Qodobkeen dastuur ugu galaa shey-garaa jiro,e
65. Afartaa gartaye aan midkale soo gawaan celiyo

66. Gorofkii dhaxtaashaan hadana kuu galwinayaaye
67. Garba duub dhagysoo murtida mari giraanteeda”
68. Wakhti gaaban geeloo fadhiya meel gal-galinlay ah”
69. Cirka oo gadaamaha dhigtoo daadku galacleeyay”
70. Unkadkoo gariirkii ka baxay galawgu luuqyeeyay”
71. Qoraxdoo guduudkii hardiday iilka ganaciisa
72. Oo habeenku soo galay hadana dhibicdu geeraartay
73. Dayaxoo iftiinkuu guntaday uunka wada gaadhay
74. Gabadhahoo garayskii xidhoo golaha soo aaday
75. Barbaarkoo gariirtada ubaxay goor lawada seexday
76. Laagahoo garmaamaynahayoo wabigu gawleyn dheh

77. Waxba hadalku yuun ila gudbine waan galbinayaaye
78. Guul iyo hadii aad rabtaan dawladnimo gaaxsan
79. Oo gurboodka wiilki ih ka dhamo gadhoodhkiyo xooxda
80. Beerahoo galaydii baxdoo guuska lagu qaado
81. Oo baabuurtu gooshtoo anfaco gaysa dariskeena
82. Nabad lagu gam’aayooy nimcadu gulaantida buuxdo
83. Gobolada dhamaanood guclayn gaalib ku dalxiisi
84. Nimcadiyo ganuunkaas nin garan maanku goconaay
85. Galaal iyo wax loo sii maraa gawaan qiiqbadane
86. Waana diinta eeboo gartiyo talado loo goobo.......

Hal-Abuur mohamed alxikam

06/09/2023

Gabaygii wax-garad/6/9/2023

Hal-Abuur mohamed alxikam

Ma alleweyne iyo kitaabkiisaa talin mise waxkale ayaaa talinnaya unbay doodu ka socotaa,Nin miyi jooga iyo nin magaalo j...
05/09/2023

Ma alleweyne iyo kitaabkiisaa talin mise waxkale ayaaa talinnaya unbay doodu ka socotaa,
Nin miyi jooga iyo nin magaalo joogaba
Nin goofkuu ku dhashay jooga iyo ninka maqanba

Xaakimiyatulaahi filkawn ayay xabadu kasocotaa"

Intaad nooshihiin yaysan dhicin inaad u ololaysaan ama taageertaan mashruuca ah kitaabka rabbigeen talin mahayee waxkale ayaa talinaya

Illahay wuxuu yiri :
{ Xugunku illaahybuu usugnaaday allihii sareeyay ee weynaa"}
Vs
Baarlamaaniyiin dimuqraadiyiin iyo qaar soomali ah oo taageertayna waxay dheheen"

"Xugunka waxaa iskaleh dastuurka muqaddaska ah"

Sidaa darteed illaahy iyo sharcigiisaa talinaya iyo "maya"

Ayuu loolanka iyo muranka maanta dunida ka aloosani ka taaganyahay

Fikirkaa ah kitaabka alle talin mahayo
Iska ilaaliya qabyaalad iyo qabiil yuuna idin
Kharibin oo yuuna idinku qasbin

Inaad taageertaan horboodaan u qososhaan u ololaysaan
Ujixisaan taakulaysaan
Nin doonaya inuu qaanuun iyo dastuur iyo xeer wadaado dajiyeen"

Waa masalada oogu daran ee uunsan illaahay aadame ka aqbalaynin"

Ruuxii ku sinbiririxdana

"ADUUNKA GAALBUU NOQON' AAKHIRINA NAARBAA QUWAAXI"

Hal-Abuur mohamed alxikam

04/09/2023

Gabaygii Shifo iyo abwaan Mohamuud qorane ibnu xarbi
|Dhagaysi wacan

Gabaygii "Xasanow Hubqaadaye "{🗣}Sayid Mohamed Abdile Hassan 🐎🐎🕯Xasanow Hubqaadaye Hadaad naga Hagaagayso🕯Hiyigaad ka Sa...
02/09/2023

Gabaygii "Xasanow Hubqaadaye "

{🗣}Sayid Mohamed Abdile Hassan 🐎🐎

🕯Xasanow Hubqaadaye Hadaad naga Hagaagayso
🕯Hiyigaad ka Sara joogsatay oo hegatay laabtiiye
🕯Hadaad hiirta waa bari sangaha Halabsatood fuusho
🕯Hilinkaad ku dhici waa midaan laga Habaabayne
🕯Waatuu Haloosiga ahaa taniyo Hiiraane
🕯Hayeeshee wax Hawd lagu yaqaan Hawkar iyo oone
🕯Haddoo aynu joognaana waa Hogo kaliileede
🕯Habaas idinku duula iyo boor Hiliba mooyaane
🕯Allihii Harada noo buuxin jiray kuma Haraadsiiyo
🕯Hinni awdan xagar Huur ah oo Halaw kasoo duuli"
🕯Humriga iyo kulaylkoo sidii Halac ku leefaaya
🕯Hagoog laydha Harac kaa astura lagugu Hoosaasi
🕯Hurgun gacandho hiil qodax-leh iyo Hiijo iyo qaare
🕯Hurmood gubad-leh gogob Huuro loo Hadawgu naafteeyay
🕯Hirigtaad maraysiyo jirdahu kuma Halaakeeyo

Gabaygii "Xasanow Hubqaadaye "

{🗣}Sayid Mohamed Abdile Hassan 🐎🐎

《✍️》Hal-Abuur mohamed alxikam

Jamhuuriyadii oo soo bandhigaty millatarigii ugu halista badnaa"
31/08/2023

Jamhuuriyadii oo soo bandhigaty millatarigii ugu halista badnaa"

Wuxuu ahaa halgamaa magac-dheeri kasbaday oo kamid ahaa halgamayaashii waaweynaa ee  qarnigii 20 aad dunida 3aad kasoo c...
29/08/2023

Wuxuu ahaa halgamaa magac-dheeri kasbaday oo kamid ahaa halgamayaashii waaweynaa ee qarnigii 20 aad dunida 3aad kasoo caan-baxay hase ahaatee tilmaantaa soomalidu ku baratay waxaa ka tiro badnaa mudaba tirada tii maansadiisa baratay kuna aqoonsatay" arintaasi layaab maleh markaad ogaatid hodontooyada uu maasada umadiisa kusoo kordhiyay" sidii uu balaadhiyay ujeedooyinkii koobnaa ee isaga kahor loo adeegsan jiray" sidii uu ula soo simay maansada caalamiga ah iyo sidii uu isugu xidhay nolashii siyaasadeed ee xiligiisii dalka ka jirtay" waala wada gabyaaye waxa uu maansoyahan oo dhan kaga fooray xagga eray dooradka waxa aan u aqaan" waxa uu hibo ulahaa meeris walba eray ku haboon inuu ku hubsado meesha ku haboon" isaga oo ka fogaanaya eray maanseed mooyaane erayada kuwa catiroobay ama cidaadda noqday ee dharaar walba ay bulshadu isticmaasho" sidaas markuu yeelayo ma ahayn nin erayada haboon dirqi ku helaya oo tixda marinteedu ay wakhti badan ka qaadato" hadii uu sidaa yahay ma noqdeen gabyaaga weyn ee uu yahay mana heleen maamuuska balaadhan ee ay sokeeye iyo shisheeyaba ula diyaarka yihiin kolkii maansadiisa la isla soo qaadaba" wax-qorayaal shisheeya ah ayaa ku tilmaamay aabaha wadaniyada soomalida" taasoo ah tilmaan run badan xanbaarsan oo uu mutaysi ku helay" sidookale aqoonyahanada maansada somalida ku xeer-dheeri waxay oogu dareen tilmaan kale oo uu mutaysi ku helay waana tilmaanta ah aabaha maansada somalida" gabayadiisa markaad dhex-mukhuurto waxaad ka helaysaa murti macaan oo qunuud-leh tuducyo hal-qabsi leh oo machana sare ee ay sidaan darteed aadku qasban tahay inaad dusha ka qabato" wuxuu leeyahay gabayo iyo geeraaro mararka qaarkood aad u dhaadheer" hase ahaatee marka laguu akhrinaayo ama aad dhagaysnayso aadan ku daalaynin maankaaguna uuna meelaba uga sii jeedsanaynin" farsama ahaan habka curinta maansada wuxuu ku soo kordhiyay sayidku maansada sadex-layda loo yaqaano" ee cid isaga kaga horaysay aanay jirin"

Sayid Mohamed abdile hasan
Hal-Abuur mohamed

Abwaankii ku suntanaa murtida iyo xikmada ee "qamaan-bulxan" maxaadka xasuusantahay maansooyinkiisii dhaabta ahaa?Hal-Ab...
28/08/2023

Abwaankii ku suntanaa murtida iyo xikmada ee "qamaan-bulxan" maxaadka xasuusantahay maansooyinkiisii dhaabta ahaa?

Hal-Abuur mohamed alxikam

Xidiga hargeelle "Ree afgaabka cilmigoodu waa bad' saacado kaliya ayay kusoo caanbaxayaan
24/08/2023

Xidiga hargeelle "

Ree afgaabka cilmigoodu waa bad' saacado kaliya ayay kusoo caanbaxayaan

23/08/2023

Gabayga iyo xarfaha afka soomaliga

Abwaan jiheeye

Munaasabadda qalin-jabinta jaamacatu Al-Qur'aan
23/08/2023

Munaasabadda qalin-jabinta jaamacatu Al-Qur'aan

Inaad wax baadh oo aad baxthi gashaayi Waxay kuu horseedi kartaa asiibidda xaqqa Aad asiibto waa marka aad tahay ruux ca...
23/08/2023

Inaad wax baadh oo aad baxthi gashaayi
Waxay kuu horseedi kartaa asiibidda xaqqa
Aad asiibto waa marka aad tahay ruux caqiidadiisu dhisantahay afkaar kale haduu la kulmana ayna gilgilan karin

Sidaa dareed sh islaam ibtahmiyah hal masalo ayuu ka baxthiyay 70tafsiir oo ay salafku qoreen

Sidaa dareed awoodda baadhitaanku waa mid miisaankeedu aad u dheeryahay

By: Hal-Abuur mohamed alxikam

Wuxuu dhahay abuu cataahiyah" kadib markii uu tijaabooyin badan iyo baadhitaan uu ku sameeyay jacaylka"Ilaahay khayr mas...
23/08/2023

Wuxuu dhahay abuu cataahiyah" kadib markii uu tijaabooyin badan iyo baadhitaan uu ku sameeyay jacaylka"

Ilaahay khayr masiiyo ruuxii iisoo tabiyay in ay dadka wax jeceli ku jiraan raaxo iyo rayn-rayn" waa dhimasho jacaylku ruuxa halmar qaadanaysa dhamaantiiba waxaana ka khayr badan in uu ruuxu geeriyoodo marar farabadan intii uu jacayl dililahaa"

Adiga maxay kulatahay???

By: Hal-Abuur mohamed alxikam

Address

Ho Chi Minh City

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hal-Abuur mohamed alxikam posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hal-Abuur mohamed alxikam:

Videos

Share